SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Range Resources ma waxay Liibaan Muuse Boqor ku sasabtay $190 kun oo doolar...

  • Faalladii: SomaliTalk.com | Sept 30, 2007

Qoraal ay shirkadda Range Resources u dirtay (Sept 28, 2007) Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) ayaa shaaca looga qaaday inta ay dhan tahay lacagta mushaharka, gunnada iyo saamiyada la siiyey agaasimayaasha shirkadda, inta lacag caddaan ah ee ay haysato Range iyo in agaasime shirkaddaas ka tirsanaa uu is casiley.


Liibaan Muuse Boqor

Range waxay sheegtay in lacagta mushaharka, gunnada iyo saamiga loo siiyey agaasime Michael Povey ay tahay $826,943, halka Peter Landau oo ah agaasime laga siiyey $832,900. Laakiin waxaa mushahar iyo gunno (aan saami lahayn) Liban Muuse Boqor ah agaasime loo siiyey $196,935, taas oo u muuqata sasabaad.


Liibaan Muuse Boqor, Safarkii Range Resources ee Puntland.... Daawo Video

Akhristuhu waxaa dhici karta in uu is weydiiyo "Liibaan Boqor waxaa gunno iyo mushahar loo siiyey in kabadan $190 kun oo doolar oo ah lacag farabadan ee sidee taasi sasabaad ku noqon kartaa?

Jawaab fudud waxaa taas u ah in ugu horayn magaca iyo maalba ay shirkadda Range ku heshay dhulka Soomaaliyeed kaddib markii ay heshiis la gashay Puntland.

Waxaa taas u daliil ah in shirkadda Range Resources ay qoraalka ay u dirtay suuqa ganacsiga Australia ay ku sheegtay in lacag caddaan ah ama maal u dhigma lacag caddaan ah ee ay haysatey June 30, 2006 ay ahayd $1,210,838 (1.2 million). Waxaana lacagta caddaanka ah ama maalka u dhigma lacag caddaan ah ee ay shirkadaasi haysatey June 30, 2007 ay gaartey $22,896,484 (22.8 million).

Qoraalku waxa uu markale caddeeyey in shirkaddu ay ururisay lacag dhan 20 million si ay ula wareegto shirkaddii Consort [waa shirkaddii Terry ee heshiiskii ugu horeysey la gashay Puntland]. Taas oo qoraalku caddeeyey in bishii April 2007 arrintaas la dhamaystiray taas oo Range "xuquuq" u siisay in ay la wareegto saamigii ku harsanaa Consort oo ahaa 49.9%.

Halkaas waxaa ka muuqda in Range ay lacagtaas oo sida muuqata ku kasbatay magac Puntland oo ay sheegtay in ay shidaal u qodi doonto.

Miyaysan markaas u muuqanayn sasabaad ay shirkadda Range ku sasabeyso Liibaan Boqor si uu ugu ahaado Soomaaliga ku jira agaasimayaashooda oo metelaya Puntland oo dhan. [Xusuusnow in Range aysan Liibaan ka qayb gelin in uu saami ku yeesho shirkaddaas, taas oo ah in markii lagu dan gaaro la dhehi karo is casil].

Waxaa xusid mudan in Toufic Rahi oo ka mid aha agaasimayaasha shirkadda Range Resources uu jagadaas iska casiley casiley July 04, 2007 [Lacagta la siiyey Toufic waxay ahayd $28,000.] Toufic Rahi iyo Liibaan Boqor waxaa labadoodaba isku mar lagu daray agaasimayaasha Range biishii May 25, 2006.


Boosaaso: Sawir ay Range resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia Eeg halkan

Ugu dambayn, waxaa arrin lagu qoslo ah in shirkad sheegatay in ay lacag caddaan ah ka haysato 22 million in ay tiraahdo waxaan shidaal ka baarayaa muddo sanado ah dhammaan dhulka Puntland. Waa arrin fadeexad iyo ihaano ku ah hab fikirka Soomaalida, maadaama la ogyahay in shirkad qodeysa shidaal ay u baahan tahay miisaaniyad badan si ay hawsha u fuliso. [Arrintaas waxaad barbar dhigtaa in hal ceel oo ay Kenya shidaal ka baartay meel u dhow xeebta Soomaaliya in shirkadihii baarayey ay ku bixiyeen muddo saddex bilood ah $100 million oo doolar...Eeg halkan..]-- Su'aashu waxay tahay "ma dhulka Soomaalida ayaa ka riqiisan dhulka Kenya, mise Soomaalida ayaa ka fikir gaaban reer Kenya oo deriskeen ah, mase $22 million ayaa madaxda Soomaalida wax weyn la ah iyagoo aan barbar dhigayn waxa ay ku bedelanayaan ama loogu qaban karo.?"

Akhristayaasha ayaan u dhaafnay jawaabaha..

Dhanka kale saamiyada shirkadda Range ee suuqa ganacsiga Australia ayaa maalmahan aad hoos ugu dhacay, kaas oo Sept 28, 2007 hoos ugu dhacay 0.550c oo Australian ah.

Faafin: Sept 30, 2007

NEWSHoggaamiyayaasha Muslimiinta Maanta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha...Akhri.....


Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo wax laga weydiiyey hadalkii Puntland ee ahaa haddii sharciga baatroolka ay baarlamaanku ansixiyaan in ay Puntland ka fiirsanayaan ka mid ahaanshada DFKMG, Aadan Madoobe oo arrintaas ka jawaabaya ka dhegeyso waraysiga idaacada British Broadcasting Corporation... [Sept 29, 2007]


Khilaaf soo kala dhex galay C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi

Sept 24, 2007: Markii dhawaan la soo xiray guddoomiyihii Maxkamadda sare Yuusuf Cali Haaruun ayaa waxaa dhacday in kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Cali Max’ed Geddi la isku raacay in si sharci daro ah uu ku xiran yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, sidoo kale waxaa xilkii kulankaasi looga qaaday xeer ilaaliyihii guud ee qaranka C/llaahi  Daahir Barre, hase yeeshee xarigaasi iyo xil ka qaadistaasi waxa uu saameyn ku yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna keentay in xeer ilaaliyaha shirkii golaha Wasiirada ee xilka looga qaaday uu ku tilmaamo mid aan waxba ka jirin.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa isna waxa uu ka dhawaajiyey inuu khilaaf ka dhex jiro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. Khilaafkaan ayaa waxa uu keeni karaa in uu saameyn ku yeesho hab u socodkii Dowladda Federaalka, ilaa iyo haatanna ma jirto cid u istaagtay in ay arimahaasi kala dhex galaan, marka laga reebo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa oo ugu baaqay Baarlamaanka in uu u istaago sidii loo dhex daadin lahaa ama loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Labada mas’uul ayaa iyo hadda ka hadlin khilaafkaasi, iyadoo golaha Wasiirada ay isku raaceen in Guddoomiyaha Maxkamadda sare uusan soo xeri gelin xeer ilaaliyaha guud balse xarigiisa ay leeyihiin golaha Baarlamaanka. Waa khilaafkii labaad ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaare tan iyo markii la dhisay Dowladda Federaalka, iyadoo 2006-dii khilaaf soo kala dhex galay uu dhex dhexaadin ka sameeyey wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Musfin.

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan shidaalka Soomaliya iyo Lacag dhan 35 million oo uu bixiyey Sucuudiga oo la sheegay in aan la soo gaarsiin Madaxweynaha DFKMG

Sept 26, 2007: Iyadoo uu waayadan khilaaf u dhexeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu khilaafkooda sii xoogeystay markii la soo xiray guddoomiyihii Maxkamadda sare, isla markaana xilkii laga qaaday xeer ilaaliha guud ee qaranka ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in Odoyaal iyo siyaasiyiin ka tirsan Beesha Mudulood ay wadaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen labada dhinac, waxaana maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada kulan ku yeeshay odoyaashaasi iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa khilaafkaasi. Kulankaan oo saacado qaatay ayaan la ogeyn wixii ka soo baxay.

Dhowr arrimood ayaa la sheegay in uu khilaafkooda saldhig u yahay Madaxweynaha DFKMG iyo Ra’isul Wasaaraha, waxaana khilaafkooda koowaad la sheegay in uu ku saleysan yahay arrimaha shidaalka, maadaama uu horey C/llaahi Yuusuf in uu ahaa madaxweyaha Puntland heshiis ula galay shirkad ka soo jeeda dalka Shiinaha, iyadoo Cali Max’ed Geedi oo doonayo in heshiisyadaasi uu siiyo shirkado kale, sidoo kale khilaafkaanni waxa uu kaloo salka ku hayaa lacago la sheegay in ay bixisay Dowladda Sucuudiga oo la sheegay inay gaareyso 35 Milyan, taas oo lagu waramay in madaxweynaha aan la soo gaarsiin, khilaafku waxaa sidoo kale la sheegay in uu sii xoogeystay markii la soo xiray guddoomiyaha Maxkadda Sare, isla markaana xilka laga qaaday Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana la filayaa in labada dhinac u baqooli doonaan Baydhabo si ay u tagaan Baarlamaanka hortiisa, waxaase la sheegayaa in heshiisiintooda ku hawlantahay Dowladda Itoobiya.

Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Max’ed Geedi….

Sept 29, 2007: Labo Xildhibaan oo nagala soo xiriiray Magaalada Baydhabo diidayna in magacooda la sheego ayaa C/llaahi Yuusuf uga digay in uu xilka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. “Waxaan maqalnay in uu isticmaali doono C/llaahi Yuusuf awood dheeraad ah oo uu doonayo in uu xilka kaga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi, oo intaa raaciyey “Wax waliba waxa ay ku wanaagsan yihiin in Baarlamaanka la soo marsiiyo, iyagaa ah Garsoorkii Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha”, waxayna sheegeen in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu xilkaasi u wado Gudoomiyihii guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Cali Mahdi Max’ed.

“Cali Max’ed Geedi awood iyo taageero badan ayuu ku leeyahay Golaha Baarlamaanka, C/llaahina ma ogola in arrinta uu soo dhex dhigo Baarlamaanka” ayay yiraahdeen Xildhibaadaasi oo sheegay in haddii xilka laga qaado Cali Max’ed Geedi uu dalka geli doono dhibaka uu haatan ku jiro mid ka sii daran.

Waayadan Dambe khilaaf xoogan ayaa u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna khilaafkaasi xoogeystay markii xilka laga qaaday Xeer ilaaliyihii guud ee dalka isla markaana xabsiga la dhigay Guddoomiyihii Maxkamadda, inkastoo kulan ay labada mas’uul ku yeesheen madaxtoonyada ay warar qaar sheegayaan uu guul daro ku dhamaaday, sidoo kale Ra’isul Wasaare Geedi ayaa ka baaqday booqasho uu ku tagi lahaa maamulka Gobaleedka Puntland si uu halkaasi tababar ugu soo xiro 600 oo askari oo dhameystay tababar la xiriira dhanka ciidamada, waxaana sidoo kale la filayey in Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya Musfin socdaal ku yimaado Muqdisho ama Baydhabo, bale uu ka baaqsaday, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha uu u baaqday, maadaama uu horey u dhameeyey khilaaf horey u soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Baarlamaanka oo muddo afar maalmood ah u qabtay Xukuumadda Federaalka in ay ku soo bandhigto Miisaaniyadeeda...

Sept 29, 2007: Baarlamaanka Federaalka ku meel gaarka ah ayaa kal fadhigiisii shalay waxa uu uga dooday qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay arrinta Miisaaniyadda sanadkaan ee Xukuumadda Federaalka.

Kalfadhiya Baarlamaanka ee shalay oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ugu dambeyn waxaa afar maalmood loo qabtay Xukuumadda Federaalka in ay ku soo bandhigto miisaaniyadeedii sanadkaan, waxa uuna sheegay Sheekh Aadan Madoobey in Xukuumadda horey muso saddex maalmood ah uga baaqsaday in ay miisaaniyadda guud ee Xukuumadda soo hor dhigto Baarlamaanka, balse haatan mudada loo qabtay ee afarta maalmood gudahood haddii ay ku keeni weyso Baarlamaanka hortiisa uu Baarlamaanku go’aan cad ka qaadan doono.

Baarlamaanka Federaalka oo isagu maalmahan dambe, si weyn dar dar xoogan ugu jira ayaa sidoo kale mudo afar maalmood gudahood ah u qabtay in ay ku hor yimaadaan baarlamaanka Wasaaraha aan weli hor imaanin Baarlamaanka si loola xisaabtamo, sidoo kale Baarlamaanka ayaa kal fadhigiisii shalay waxa uu si weyn uga dooday xarigii dhawaan loo gaystay Guddoomiyaha maxkamadda sare, waxayna xildhibaanada badankoodu arrintaasi ku tilmaameen in ay mid sharci daro ah oo aan loo soo marin habkii loo baahna inkastoo arrintaasi ay buuq weyn ka dhex dhaliyey Baarlamaanka.

Qore: Amiin Yuusuf

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH