SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

{Baydhabo} Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare: "Shirkadihii hore haddii ay ku imaanwaayaan, go'aan ayaa laga gaaridoonaa...."

{Waraysi dheer oo xiiso badan} 

  • Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed Macallin Cismaan{All-man} SomaliTalk.com Baydhabo.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. Cabdullaahi Yuusuf Xaraare

Waraysi aan la yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare oo aan kula kulmay halka uu ka degan yahay Magaalada Baydhabo, islamarkaana aan wax ka weydiiyey dood beryahaan ka taagnayd Heshiis dhinaca Batroolka laga baarayo shidaal Soomaaliya la sheegay , ayaa ka hadlay qaab dhismeedka Wasaaradiisa, sida looga faa’iideyn karo Tamarta Qoraxda, Dabaysha iyo Biyaha, Daraasad ay sameysay Wasaaradiisa, waxaan ugu horeyn weydiiyey 

S-Md. Wasiir waxaad warbixin kooban naga siiyo Wasaarada Batroolka iyo Tamarta, waxyaabihii kuu qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan intii aad xilka haysay iyo waxa u qorsheysan wasaarada?.  

J-Tilaabada ugu horeysay ee ay qaaday Wasaarada waxay ahayd in ay dejiso dhismihii Wasaarada iyo siyaasadii ay ku shaqeyn lahayd, Qorshaha Wasaaradda  waa laba qaybood ugu horeyn in dalka oo dhan Koronto la geliyo iyo in la soo aruuriyo macluumaadkii Batroolka, islamarkaana looga faa’iidaysan lahaa khayraadka Batroolka, Mashruuca ugu horeeyey ee aan diyaarino waa Koronto gelinta Magaalada Baydhabo, 4-Matoor oo awoodooda ay dhan tahay 1.3-MGW, waxaana la kaashan doonaa dad aan kala hadalney arimaas, inkastoo wasaarada Qorshaheedu yahay in Korantada ay u bedesho mustaqbalka, mid furan oo ay ku lahaato keli ah Koontaroolka Ascaarta, si aan shacabka loo saarin wax aysan awoodi Karin, waxaana jira Barnaamij aan dejinay oo ah in Magaalo walba ay Korontadeeda u madax banaanaato oo aan ku dabaqno sistamka diyaarsan, maadaama wadanka Magaalooyinkiisa ay aad u kala fog fog yihiin, arimahaasina meel wanaagsan ayey inoo marayaan, waxaa kale oo inoo qabsoomey inaan soo aruurino macaluumaadka Batroolka oo badan, waxaan helnay heshiisyadii hore ee Batroolka Soomaaliya, waxaan keloo ogaanay Miizaanka aan ku yeelan karno arimaha Batroolka. 

S-Sidee dalkeena looga faa’iideyn karaa Tamarta Qoraxda, Dabeysha iyo Biyaha?. 

J-Soomaaliya waa meel Qorax fiican leh, inkastoo ka faa’iideysiga Qoraxda ay tahay shey aad u muhiim ah, oo hadana laga siiyo Magaalooyina ay tahay mid aad iyo aad u qaali ah, laakiin si tartiib tartiib ah in laga faa’iideysto Qoraxda dadka waa la bari karaa, Tuulooyinka in Qoraxda looga dhaliyo dab waa wax la gaaridoono, Hay’adda UNDP waxay sameysay daraasad dhinaca Dabeysha oo Koronto dhalinta xaga Dabeysha ah, daraasadaasi waxaa inooga harey inaan tijaabo sameyno, hada ayaana ku guda jirnaa. 

S-Meelaha Daraasada laga sameeyey ma inoo carabaabi kartaa Md. Wasiir?. 

J-Meelaha Daraasada laga sameeyey oo la filayo in dabayshu ay ku badan tahay waa Xeebaha, sida Gobolada Woqooyi Barri iyo kuwa Galbeed waa meel dabeyshu ay ku badan tahay iyo Magaalooyinka Buuraha saaran,waana meelihii loo baahnaa in awooda Dabeysha looga dhaliyo Dab. 

S- Ka Wasaaradd ahaan wax daraasada ah oo aad sameyseen ma jiraan ?. 

J-waxaan sii wadney daraasadihii hore ay u sameeyeen UNDP, waxaana dooranay meeshii aan ka bilaabi lahayn,. 

S- Md. Wasiir waxaa jirey War-saxaafadeed aad hore u balan qaadey oo dhinaca Batroolka ah, mar aad wareysi siisay Idaacad Astralia ee marka halkee buu ku dambeeyey, maka tanaasushey mise wali waad soo diyaarinaysaa?

J- waxaa keenay inaan ka jawaabi waayo War-saxaafadeedkaas, waxaa la iiga yeerey Baarlamaanka, si aan warbixin u siiyo, islamarkaana Baarlamaanku uu iga weydiiyo su’aal arimaha Wasaaradda, waxaana go’aansadey inaan War-saxaafadeedka dib u dhigto, kadibna aan guto hawlaha i hor yaala, si aysan u noqon laba arimood oo isku xiran. 

S-War-saxaafadeedkaasi Ujeedadiisu guud maxay ahayd? 

J- waxaa jirey jahwareer arimaha Batroolka ku saabsan, maadaama aan mas’uulkii ugu sareeyey Wasaaradda aan ahay, waxaan damcay inaan dadka siiyo arin cad si saxna aan dadka wax ugu  sheego, waxaana leeyahay dadku waa inaysan ku jahwareerin arimahaan jira, waayo Wasaaraddu waxay ku socotaa si taxadir leh dhinaca arimaha Batroolka, dadkuna arimaha ma fahansana, arimaha qaarkood waxay shuqul ku leeyihiin dhaqaalo, qaarkood waxay faraha la gelayaan Siyaasada, hawshuna waa mid Qaran, waxayna u baahan tahay waana mas’uuliyad culus. 

S-Md. wasiir markii aad Baarlamaanka warbixinta siinaysay waxaad xustay in xiligaan Soomaaliya aysan ahayn mid ku haboon in shidaal laga baaro, marka adigu goorma ayaad magacaabi lahayd in Soomaaliya shidaal laga baaro, maxayse tahay sababta aad u diiday in shidaalka Soomaaliya laga baaro?. 

J- waa su’aal muhiim ah, dhowr sababood ayaa jira, tan hore meelo badan oo wadanka ka mid ah Amnigooda ma sugna, waayo waxaa imaanayo waa shirkado Ajnabi ah iyo shaqaalahooda, waana mas’uuliyad culus in amaankooda la sugo, waana mid mudan in laga fiirsado, Tan labaad waxaa jira in shirkadihii hore heshiisyada lala galay iyo Wasaarada dib isu arkaan, hadii loo baahdo in wax laga bedelo iyo inla waafajiyo casrigan la joogo iyo in la ogaado intii ay shaqada wadeen hawlihii ay qabteen ay dib u soo gudbiyaan, macluumaadkii ay hayeena soo raaciyaan,markaas kadib ayey go’aan gaari kartaa Wasaaraddu iyo meelihii laga bilaabi lahaa?.

S-Goorma ayaad adigu jeceshahay in ay ku haboon tahay in shidaal laga baaro Soomaaliya?. 

J-waad garan kartaa waxa jira, laakiin aniga waxaan jeclaan lahaa inta aan wasiirka ahay ay dhacdo, waxaana I xukumaaya waqtiga. 

S-Shirkadihii hore ee Soomaaliya shidaalka ka baari jirey, waxaad sheegtay heshiisyadii ay hore ula galeen Dowladihii hore ay sidoodii ay u jiraan, kuwa aan dib ugu soo laaban dalka ma baabi’indoontaa mise sidoodii ay u jirayaan?. 

J-Runtii waxay ku xiran yihiin wada xaajoodka laysla galayo, hadii aan kuu sheego shirkada Shell Maalintii la magacaabay DFKMG dowlada oo aan ka soo guurin Magaalada Nayroobi ayey u yimaadeen, waxaa kale oo jira shirkado kale oo isla waqtigaas soo qoray Waraaqo oo doonaya in arimahooda laga wada hadlo, taasina waxay ku tusinaysaa in shirkaduhu ay diyaar u yihiin in ay dalka ugu soo noqdaan, hadii laba ay soo noqdaana waxay muujinaysaa in kuwa kale ay doonayaan soo noqosho. 

S-Md. Wasiir hadii ay soo noqon waayaan adigu ma baabi’inaysaa heshiisyadooda iyo wax waqti oo aad u qabanayso miyaa jira hada ?. 

J-Marka hore waxaan u qabanaynaa waqti, shirkadihii hore hadii ay ku imaanwaayaan, go’aan ayaa laga gaaridoonaa,waayo ruux kuu imaan waayey ma ahan  in loo xayirnaado, laakiin hadii mudadaas Barnaamijkooda ku soo gudbiyaan waan tixgelinaynaa, tan kale waqtiga waxaan ku cadeydoonaa sharciga iyo wada hadalada hada inoo bilowdey.

S- Mudane Wasiir hadii aynu eegno macdanta Soomaaliya ku jirta dhulkeeda ayaa ka sahlan in laga baaro wadankeena shidaal, ee maxay tahay sababta loo soo hormariyey in shidaalka laga baaro, tusaale ahaan mash’ruucydii soo saari jirey macdanta iyo shirkadii soo saari jirtey Tiinka (Majayahan) miyeyeysan ka sahlanaan karin in la soo saaro Batroolka?.  

J-Arimaha aad hada ii sheegayso waxaa jirta Wasaaradda Batroolka iyo Tamarka iyo Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha, iyada ayaana filayaa inay arimahaas ku hawlan tahay. 

S-maadaama aad adigu tahay Wasiirka dhinaca Batroolka iyo Tamarta awooda u leh in waxa laga ogaado, Buur-hakaba waxaa lagu sheegaa inay ku jirto macdanta Yuraaniyamka, Xeebta Jaziira iyo Xamar waxaa lagu sheegaa Dahab, sidoo kale Diinsoor  waxaa lagu sheegaa Dahabka Birta ah, bal kawaran arimahaas?. 

J- Dhinaca Yuraaniyamka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Eneryg-ga laka dhaliyo waa laga yaabaa in arimhaas ay sheqada ku lug yeeshaan,waana arin aad iyo aad aduunku u danaynayo, laakiin waa arin aad iyo aad taxadir u baahan,shirkadaha lagala macaamilayo waa inay yihiin shirkado mas’uuliyiin ah, waa inay yihiin kuwo la hubo waxay soo saarayaan oo ka rajiis gareysan oo la hubo waxa ay soo saarayaan ayaa muhiim ah. 

Cabdullaahi Yuusuf XaraareS-Heshiiskii Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Shirkada Range, Wasaaraddu waxay sheegtay in aysan aqoonsaneyn, maxaad ka yeelaysan hadii heshiiskaasi ay la gashay Dowalad Goboleedka Puntlad shirkada Range ay ku sii adkeysato, ka wasaarad ahaan adigu?. 

J-Runtii marka ugu horeysa waxaa la raadinayaa wada hadal,waxaana aaminsanahay Puntland inay diyaar u tahay wada hadal, heshiiskaasi waa maqlaa, laakii Puntland iyo aniga kama wada fariisan, koley taasina waan kawada hadlidoonaa. 

S-wax xiriir  arintaas ku saabsan oo dowlad Goboleedka Puntland aad la sameysay ma jiraa ?.

J- ma jiro xiriir toos ah oo aan kuwada  hadalnay  Batroolka aniga iyo Puntland. 

S-Sida ku soo baxdey Internetyada caalamka, shirkada Range waxay faafisay xog asal ahaan ay lahayd shirkadda CONOCO ee shidaalka ka baari jirtey aagga Nugaal, haddaba Dukumiintigaasi sharciyan maxaad ka qabateen ama ka qabanaysaan, ka wasaarad ahaan, muxuuse sharciga ka qabaa xuquuqda shirkadaas  xogteeda la isticmaaley?

J-Aniga runtii arintaasi ma arag, laakiin waxay isugu gudbidoontaa waxyaabo badan iyo sharci. 

S-Makula haboon tahay in adigoo Wasiirka Batroolka ah oo aan wax fasax ah lagaa qaadan,in la faafiyo xogtaas?.

J-Arimhaas aad sheegayso waa arimo hore u dhacay, wax hore u dhacay dib looguma laaban karo, meesha hadda ay joogto oo xal loo helo ayaa muhiim ah. 

S-Md.Wasiir waxaa loo baahan yahay in sida dhabta ah loo hadlo oo la sheego  meesha xuquuqda ay jirto, miyaysan ahayn arintaasi in la weydiisto mag dhaw?. 

J-Sax weeye arin kasta inta aadan wax ka qaban waa inaad hubsataa, macluumaad badana heshaa, deristaa kadib wax ka qabataa, wali macluumaad igu filan oo aan wax ka qaban karo imasoo gaarin, laakiin waa imaandoontaa. 

S-Waxaa jira Sanadkii hore dabayaaqadiisa in shirkad shidaalka baarta oo ay leedhay Kenya ay meel u dhow Xeebta Soomaaliya gudaheeda ka baartey shidaal, sida ay aaminsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed in meesha shirkadaas ay wax ka baartey ay tahay  gudaha Soomaaliya, arintaas Wasaaradu baarintaan maku sameysay, maxaadse inooga  iftiimin kartaa arintaasi?. 

J-Runtii arintu wax la hubo ma ahan, dhinaca Soomaaliya wali wax lagama baarin, way jirtaa shirkad Kenya ay leedahay, inay wax ka baareen xuduuda, laakiin waxaa jira heshiis caalami ah, Dowladaha deriska ah markii ay wax soo kala dhex galaan Xuduuda sida ay wax u qaybsadaan, waxaan u maleynayaa arin hadal ah,  wax la hubo ma jirto ayaan leeyahay, shirkado soo galay xuduudda oo shidaalka baarey Xeebta Soomaaliya. 

S-Shidaalka Soomaaliya lagu tuhmayo xagee buu u badan yahay?. 

J-waayadii hore waxaa la aaminsanaa inuu ku badan yahay Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, tartiib waxaad moodaa in waqtigu inoo fududeeyey oo meelo badan uu shidaal ku jiro, sida Sh/Hoose, Hiiraan, Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Tiyeeglow iyo Ceel Berde, Gedo dhinaca Man-dheera oo Baasiin ah, marka waxaad moodaa meelo badan oo aan la filayn in wax ay ka soo baxeen oo waliba rajadoodu ay wanaagsan tahay.  

S-mala dhihi karaa horey meelo badan oo la qarin jirey ayaa soo baxay, marka laga reebo inta aad adigu sheegtay?. 

J-sidaan  filaayo qarin ma ahayn shirkadaha shidaalka Batroolka baara waxaa hore loo siiyey baloogyo (blocks), waxayna u badnayeen kuwa Woqooyi la siiyey, taas ayaa keentey in dhinacaas ay u bato oo waliba waxay u dhowdahay dhinaca Yeman ayaa ladhihi karaa, islamarkaana  Batrool lahayd, midaas ayaa keentey in dhinaca Woqooyi ay u badnaadaan, markii dambe meelahaan la baarey ayaa la ogaadey in meelahaan ay wax ku jiraan, inkastoo Af-gooye hore loo baarey, islamarkaana la ogaa inay wax ku jiraan, meelahaan kale dib ayey u soo dhasheen  rajo fiican way jirtaa, Batroolka ilaa aad wax soo saarto wax jira ma leh, sababta waxaa waaye waxa wax lagu raadinaayo waa masawiro la qaaday iyo macluumaad ee ma ahan wax loo jeedo ama ceel la darsanaayo, waa Kaluun Badd ku jira oo ruux maqaalin ku tuurtey, laakiin rajadu aad bay u fiican tahay. 

S- baloogyada Soomaaliya loo qaybiyey tiro ahaan wax ma inooga sheegi kartaa iyo dowladaha qaybiyey?. 

J- inta diyaarsan waa 46-Baloog ee la og’yahay oo dhulka ah, dhinaca badda iyo xeebaha waa 13 Baloog,  inta hada dowlado la siiyey ama shirkado isku darkooda waa 19 Baloog, inta kale waa banaan yihiin, qaarkood waxaa la baarey 1960-kii, heshiisyadooduna way dhamaadeen. 

S-ka wasaarad ahaan marka aad eegto ama caalamiyan, maxay tahay, baad is leedahay, caqabadaha hor taagan in Soomaaliya shidaal laga baaro?. 

J-17-sano kadib ayaa dowlad la dhisay, waxayna la kulantey dhibaatooyin badan, iyadoo aamin deridaasi ay jirto iyo caalamka oo ka gaabsanaayo, iyagoo darsaaya xaaladaha hada jira, ayaa keenay in la baari waayo Batroolka dalkeena, waxaana aamin sanahay in hadii  wax waliba sida hada ay ku socdaan ay soo deg degidoonaan wax walba.  

S-buuga weyn ee sharciga shidaalka ee Baarlamaanka loo qaybiyey, shirkadee sameysay, yaa soo daabacay, kharashka ku baxay wax maka og-tahay, muxuuse yahay buugaan?. 

J-buugaan marka la geynaayey Baarlamaanka runtii aniga waan maqnaa, laakiin Baarlamaanka ayaan ka sheegay inuusan ahayn buug Wasaaradu ay keentey, Rag Birifaati ah iyo Shirkado ayaa isku soo xiray, Sharcigii Wasaaradda koobigiisa ayaa dhinaca laga soo lifaaqay, in Baarlamaanka la marsiiyo oo uu shaqeeyo ayey ahayd, laakiin dadkii waa ka shakiyeen, marka sharciga ay Wasaaradu keentey  la arkey way ku wareereen,  wareerkaasi wuxuu keenay in la hakiyo, ilaa markii dambe ay Wasaaradu u xaqiijiso waxa jira oo dhabta ah. 

S-ma jiraa wax aad Baarlamaanka soo hor dhigteen oo sharcigii shidaalka ah?. 

J-sharcigii shidaalka ee hore ayaa jira oo Gudiga dhaqaalaha iyo niman sharci yaqaano ah ay iska kaashanayaan, si ay u soo dhameystiraan, iyadoo lagu daraayo wax alaalle wixii  bad baadin kara dhib soo socda. 

S-maxaad u soo jeedinaysaa shacbi weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo Akhrisanaaya fikirkaada, maadaama aad adigu tahay wasiirkii Batroolka iyo Tamarta ee DFKMG, waxaana jira hadalo fara badan oo la-isla dhex maraayo oo dhinaca shidaalka wal wal badan ku beeray?. 

J-waxaan ku soo gebagebaynayaa hadaan Nabad helno waanu dhergeynaa, Batrool badana waanu qabnaa, aan wada noolaano,Wadankeena aan ka dhigno wadan degan oo lagu noolaan karo, wax walba nabadgelyada iyo wada noolaansha ayaa ka qaalisan. 

Akh-ristayaasha aynu jecel nahayoow intaas ayaan ku soo gebagabeynay Waraysigii dheeraa ee aan la yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare.

Dhamaad.

Waxaa Waraystey Wariye Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007 | Updated: Oct 27, 2007



GarooweRange oo Sheegtay in ay Lacag dhan $591,000 siisay Garoonka Garoowe sannadkan 2007

Lacagtaas oo sida muuqata ka baxsan $250,000 oo ay sheegeen in Garoonka hore u siiyeen sannadkii 2006.... Range waxay sheegtay in ay sannadkan 2007 ay Puntland ku bixisay lacag ka badan $6 million.... Waxa kale oo Range Shaaca ka qaaday in ay Puntland ka dhoofiyeen in ka badan 60 dhagax oo aan aysan ilaa hadda sheegin natiijadii ka soo baxday, laakiin waxaa dhagxaantaas laga guray meelo lagu tuhmayo macdanta Yuraaniyumka.... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH