SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Wasiirkii Kalluumaysiga Puntland oo Xilkii iska Casiley, Khayraadka Dabiiciga ah (Badda, Macdanta iyo Batroolka) sida loo maamulay Awgeed....

  • "....marka iyadoo wadanka aan amnigiisu fiicnayn in la yiraahdo macdan ayaa la baarayaa waxaan u malaynayaa in ay caqliga uga fogtahay... Odaygiina, maadweynahana (Cadde Muuse) arrimahaas aad iyo aad ayaanu isugu afgaran weyney..." Sidaas waxaa yiri Saciid Maxamed Raage oo is casiley....12/12/2007

raage

batrolGeeddi oo Qiray in Arrimaha Batroolku ay asaas u ahaayeen Khilaafka isaga iyo C/Laahi Yuusuf: "waxa kale oo dhan waxay ahaayeen arrimo yaryar oo ku soo biiray".. Dhegeyso waraysigii Codka Maraykanka

Wasiirkii Kalluumaysiga Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Maxamed Raage, ayaa shaaca ka qaaday sababahii uu isaga casiley xilka wasiirnimo inay ugu weyn yihiin arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah ee shacabka sida loo maamulayo oo ay isku afgaran waayeen Gen. Cadde Muuse, gaar ahaan "Macdanta iyo Kalluumaysiga", waxana uu arrintaas ku caddeeyey shir jaraa'id uu uu ku qabtay magaalada Boosaaso Arabaca 12/12/2007 oo ah markii uu xilka iska casiley.

Waxa kale oo Saciid Maxamed Raage uu arrimahaas ku caddeeyey waraysi uu siiyey idaacadda 'British Broadcasting Corporation' isagoo yiri: "Waddamada caadiga ah ee nabaddu ka jirto ayaa macdanta la isku dilaa, oo khayraadka-dabiiciga ah la isku dilaa, marka iyadoo wadanka aan amnigiisu fiicnayn in la yiraahdo macdan ayaa la baarayaa waxaan u malaynayaa in ay caqliga uga fogtahay... Odaygiina, maadweynahana (Cadde Muuse) arrimahaas aad iyo aad ayaanu isugu afgaran weyney..."

  • HALKAN KA DHEGEYSO (ama Halkan MP3) wasiirka oo ka hadlaya sababihii keenay is casilaadiida oo u warameyey Idaacadda British Broadcasting Corporation.

Waxa kale oo wasiirku shaaca ka qaaday in shirkado ajnabi ah lagu maal geliyey hantidii shacabka.... Waxan auu sheegay in uu arrimahaas kala hadlay Gen. Cadde, ayna isku afgaran waayeen.


Isha: Sawirada Ammiin Caamir: www.aminarts.com

markab
Xaggee Ku Dambeeyeen Saddexdii Ka Tirsanaa Daraawiishta DGPL ee laga Qafaashay Xeebta Puntland

Bishii April ee sannadkii hore ayaa maxkamad ku taal dalka Thailand waxay ku xakuntay 10 sano
Akhri

Arbacadii (12/12/2007) ma jirin wax war ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, oo ku saabsan arrimahaas uu wasiirka is casiley ka hadlay.

  • Warbixin kale oo kooban oo ku saabsan is casilaadda wasiirka oo ay diyaarisay idaacadda 'Codka Maraykanka' Ka Dhegeyso Halkan  (ama MP3)

Maamulka Gen. Cadde Muuse ayaa muddooyinka dambe waxaa shacabka reer Puntland kaga imaneyey mucaaradad xoogleh taas oo la xiriirta shirkadaha ajbnabiga ah ee dalka imanaya iyagoo shacabku ay shaki weyn ka qabeen qaabka loo maamulay, shirkadahaas oo muddo sheegayey in ay batrool soo saari doonaan, laakiin waayadan dambe la arkay in ay macdan si tartiib-tartiib ah u gurnayaan.

Qoraaladii ay warbaahinta Puntland ka qoreen is casilaadda wasiirka hoos ka akhri:


Wasiirkii is casilay ee Maamulka Puntland oo galabta shir jaraaid qabtay

Bosaaso (LaasqorayNet):- Wasiirkii is casilay saaka ee Maamulka Puntland ayaa galabta shir jaraad qabtay waxana uu sheegay inay Puntland yeelatay Dhawr Madaxwayne oo iyaga ku maamulay shaqadiisii waxana uu sheegay inaanay jirin wararka sheegaya in ay  is casilaadiisu aanay khusayn budhcadii baxsatay ee ay Is casilaadiisu gaadhsiisan tahay  khilaaf u dhexeeya isga iyo Madaxwaynaha Cade Muuse.

Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Max’ed Raage ayaa maanta oo ay bishu tahay 12/12/2007 iska casilay shaqadii uu u hayey maamulka Puntland isaga oo sheegey in lagu soo fara geliyey shaqadii uu hayey maamulka oo xilkii lagala wareegey waxa uu intaas ku daray inay jiraan qorshe Cade Muuse ka dhawaajiyay oo ah in shirkaad Ajaanib ah lagu maal galiyay dhaqaalihii Maamulka Puntland taasi oo ku tilmaamay mid aan marnaba sooribi karin.

Siciid Maxamed Raage waxa uu sheegay in waraaqdii Iscasilaadii laga aqbalay uu aana aad ugu farasan yahay isaga oo sheegay in intii la oran lahaa iska tag oo la casili lahaa uu maanta isaga is casilay taasi oo ah Buu yiri waxa lawada sugayay.

Siiciid Maxamed Raage wasiirkii hore Dekedaha Kaluumaysiga ee Puntland ayaa isaga oo kusugan Aqalka uu ka degan yahay magaalada Bosaaso ayaa waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday in Cade Muuse markuu is casilay uu ka dalbaday inuu shaqadiisa sii wato balse waxa uu sheegay inuu ka biyo diiday inuu shaqadaas sii wato.

Waxa uu xaqiijiyay Mr Raage in khilaafka ugu badan ee shaqadaas uu uga tegay ay ka mid tahay in Cabdulaahi Siciid Samar oo ah La taliyaha Cade Muuse xaga Amaanka ay aad isagana khilaaf u soo ka la dhexgalay isaga oo xusay in dhawr jeer shaqadiisa uu ku Maamulay xitaa uu ku amray in Dekeda la xidho, arinkaas oo uu sheegay inaanu isaga khusayn.

Wasiirkaas is casilay waxa uu intaas ku daray  Madaxwaynaha Puntland ay xitaa isku af dhaafeen in Macdanta laga soo saaro halka lagu magcaabo Buruc iyo Hantaara oo uu Madaxwayne Cade Muuse sheegay in khasab lagu qodayo balse uu aad uga degay in khilaaf hore ay keeni karto taasi oo Cade Muuse aad ugu gacn saydhay taasi ayuu sheegay inay iyana ka mid tahay sababa ah uu isu casilay maanta.

Siciid Maxamed Raage oo ahaa wasiirkii Kaluumaysiga iyo Dekedaha ee Puntland oo saaka hirtii waa bari is casilay ayaa mudo hal sano ah Jagadaas hayay isaga oo horay xildhibaan uga soo noqday Dawlada Federaalka Somaliya, waliba Xukuumada Puntland mar xildhibaan ka noqday.

Ilaa haatan oo ay ka soo wareegtay mudo gaadhaysa 24- saac goortii uu ku dhaqaaqay in uu  is casilay wasiirkaasi wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Puntland oo ku aadan si casilaada wasiirkaas.

Waxa  jira warar hoose oo sheegaya in Beesha uu ka soo Jeedu wasiirkaas is casilay ay iyana baaq soo saareen oo ah inay gabi ahaanba kalsoondii kala noqdeen Maamulka Puntland ooxitaa aa jagadaas qof kale loo magcaabi karin Maamulka Puntland au banaanka iska taagayaan.

Jaamac AYaanle
Feyte37@hotmail.com
LaasqorayNet/ Bosaaso

Xigasho: LaasqorayNet


Wasiirka Kalumeysiga PL oo xilkii iska casiley

Boosaaso (GaroweOnline): Wasiirka Kaluumeysiga iyo dekadaha Puntland oo xikiisa iska- casiley maanta [Dec 12,2007] ayaa sababta ka dhigey in uu la shaqeyn waayey Madaxweynaha DGPL Cadde Muse.

Siciid Maxamad Raage ayaa xilka uu ka tagey u nisbeeyey arrimo la xiriira dhinaca sharciga shirkada ilaalinta xeebaha Puntland isaga oo sheegey in shirkadaan la marin sharcigii isla markaana aysan keenin maalgalintii laga rabey.

Wasiirka ayaa xusey in qodabadii Barlamanka Puntland ka badaley qaabkii shirkada iyo Wasaarada Kaluumesiga iyo Dekadaha u wada shaqeyn lahayeen Madaxweynaha soo fara galiyey mar kalena wax ka badaley.

Siciid Maxamad Raage oo wareysi siinayey Laanta Af-Somaliga BBC-da ayaa sidoo kale sheegey in lacagihii shirkda Ilaalinta xeebaha oo aheyd mid dad gaar ah leeyihiin [Private] lagu maal galiyey lacagaha dowlada islamarkaana qaban waydey howshii laga rabey.

Wasiirka Kalumeysiga xilkiisa iska casiley

Wasiirka is-casiley ayaa sheegey dhamaan lacagihii ay baxsheen shirkadaha shisheeye gaar ahaan kuwa macdanta, Batroolka, ilaalinta xeebaha dhamaan noqdeen kuwa loo isticmaaley si gaar ah.

Siciid Maxamad Raage ayaa tibaaxey in maamulkii Puntland isku khaldey hantidii gaarka aheyd iyo midii guud ee dadka ka dhexeysay, taas oo meesha ka saartey qabkii awood qeybsiga dowladeed iyo wadaagii khayraadka dalka.

"Madaxweynaha waxaa u cad tiisa isla markaana ma eegayo danta guud" ayuu yiri Siciid Maxamad Raage oo BBC-da uga jawaabayey in Madaxweynaha DGPL kawada hadleen arintaan.

Wasiirka Kaluumeysiga ayaa sheegey in caqliga aad uga fogtahay in macdan ama khayraad laga baaro dalka madaama wadanka amnigiisa fiicneyn isaga oo xusey in Madaxweynaha dhagaha ka xirtey arimahaas isaga oo u muuqda in uu yahay nin difaacaya dadka shirkadahaas iska leh.

Mr.Raage ayaa xusey in shirkadaha Madaxweynaha difaacayo ay ku jiraan dad ay ehel yihiin taas oo sababtey in uu danta guud ka tago.

Siciid Maxamad Raage ayaa BBC-da u sheegey in Madaxweynaha uu horey ugu soo jeediyey in lacagaha ka soo baxa Kalumeysiga iyo Batrolka lagu shubo khasnada dowlada oo laga daayo khasnadaha sida gaarka ah loo leeyahay isaga oo xusey in arinkaas Madaxweynaha ku gacan sayrey.

Wasiirka Kaluumeysiga iistiqalada dhiibey maanta oo saldhig uga dhigey is-casiladiisa shirkada ilaalinta xeebaha ayaa shegey in ay tahay mid gaar loo leeyahay isla markana lagu maalgaliyey lacagta dowlada Puntland.

Siciid Maxamad Raage ayaa gabagabdii sheegey in loo baahan yahay in khayraadka la raadinayo khatar tahay isla-markaana suurtagl tahay in  dadku isku laayo ayna mudan tahay in taxdar laga muujiyo arinkaas.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey sababta uu hadda u hadley ayaa tilmaamey in dulqaadkii uu ka dhamaadey isla markaana Madaxweynaha Puntland la gaarey heer uu soo faragaliyo marakibta dekada ku soo xiraneysa. 

Xigasho: Garowe Online,Bosaso


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2007

Shirkad Shiine ah oo Diidey in ay Batrool ka Baarto Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato...
Itoobiya ayaa shirkadda Batroolka ee Shiinaha ka dalbatay in ay hawshoodii sahaminta shidaalka bilaabaan laakiin shirkadaasi ayaa diidey iyadoo sabab arrintaas uga dhigtay in.. Akhri Warbixinta...

caddeGen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH