SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Maxaa ka hirgalay ballanqaadyadii faraha badnaa ee Maamulka Madaxweyne Cadde Muuse

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni Muxammad ahaa ayey korkiisa ahaatay. 

Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa markii ugu horeysay dhidibada loo aasay sanadkii 1998di, markaas oo Madaxweyne loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf. Muddadii uu Cabdullaahi Yuusuf xilka ka hayey Maamul Goboleedka Puntland, wax horumar ah oo la taaban karo oo uu ka qabtay ma jirin, laakiin waxa leysla wada qiray in uu nabadda Puntland uu gacan bir ah ku hayey, taasoo soo jiidatay in ay dad badani maal gashadaan Puntland. Sidoo kale Cabdullaahi oo lama arag ballanqaadyo been ah sameeynaya, oo uusan wax ka qabaneyn. 

Haddaba muddo haatan laga joogo saddex sano, waxaa maamulkaas loo doortay Madaxweyne Cadde Muuse, inuu ummaddaas reeer Puntland uu isagu garwadeen u noqdo. Isla markii uu jagadaas la wareegay Madaxweyne Cadde, wareysi uu bixiyay ayaa waxa uu soo jiitay dad baddan oo daneynayey horumarka Puntland, isagoo markiiba yiri waxa aan soo dhisi doonaa gole wasaaradeed oo ku dhisan aqoon iyo karti. Runtii hadalkaas aad iyo aad ayaa loogu riyaaqay. Nasiib daro arintaas ma dhicin oo waxa uu dib usoo celiyay raggii maamulkii hore. Sidaa si la mid ah Madaxweyne cadde wax uu sameeyay ballanqaadyo ciidaas ka baddan oo wax ka fulay aysan jirin waxaana ka mid ahaa: - 

  • Dhisitaanka Airpoorka Boosaaso.
  • Soo saaris Shiidaal iyo macdan kaleba
  • Ogolaansho Xisbiyo Siyaasadeed.
  • Heshiiskii uu la galay Culumada Puntland ee ahaa inuu qaadan doono shareecadda.
  • Dhisitaankii waddooyinka aada magaalooyinka Caluula, Qandala, xaafuun iyo beyla.
  • In uu la dagaalami doono kooxaha dadka tahriibiya.
  • Iyo heshiisyo kaloo fara baddan oo aanan hadda halkan kusoo koobi karin.

Intaas oo heshiis illaa iyo hadda ma heyno mid qura oo qabsoomay. Haddaba waxa isweydiin leh miyaanay jirin marjac loo noqdo oo qofkan mas’uulka ah ugu yaraan xasuusiya khaladaadkiisa. Waxaase kasii yaab baddan Puntland in wax loo qabto daayee ay ka dhaceen waxyaalo uusan damiirku qaadan karin sida: -  

  1. Mashiinadii la keensaday Boosaaso ee lacagaha been abuuradka.
  2. Dadka tahriibayaasha oo aad iyo aad ugu sii batay deegaanadaas, oo weliba ay kumanaan qof tiradoodu ay kor u dhaaftay dadka badahaa ku dhintay.
  3. Xabsiyadda Puntland oo maxaabiista lagala baxo.
  4. Laascaanood oo faraha ka baxday, oo aan welina la hadal heyn.
  5. Maaqarlaan oo nagu Cusub, iyo Beelaha warsangeli oo gooni u goosed aclaamiyay.
  6. Wasiiro baddan oo xilkoodii iska casilay, iyagoo wax ka tabanaya maamul xumada ka jirta Puntland.
  7. Waddada  isku xirta min Gaalkacayo illaa iyo Garoowe oo aad iyo aad u burbursan taasoo sababta shilal baddan oo ay dad baddan ku geeriyoodaan.
  8. Waddada Isku xirta Boosaaso iyo Qardho oo iyaduna ay khatarteedu aad iyo aad u baddan tahay aana marna wax laga qaban.
  9. Lacagta canshuurta kasoo xeroota, oo meel ay marto aan leys weydiin.
  10. Ammaankii Puntland oo faraha kasii baxaya.

Waayaabee khaladaadkaas faraha baddan, yaa ka mas’uul ah, yaasee laga doonayaa in uu xalkeeda helo. Jawaabtu wey caddahay oo waxaa ka mas’uul ah maamulka uu Madaxweyne cadde garwadeenka u yahay. 

Haddaba anigu waxaan oran lahaa arimahaas haddii daacad laga yahay si sahlan ayaa lagu sixi karaa, ee waxa isweydiin leh diyaar maloo yahay in wax laga qabto. Dadweynaha ruuxooda haddey dad wanaagsan yihiin waxaan qabaa annigu Allaah ummaddu haddey fiican tyahay wuxuu u hagaajiyaa maamulkooda, laakiin dadka ayaad moodaa in ay wax baddan iyagu qaadanayaan mas’uuliyadeeda waayo waxaad arkeysaa shaqsi wax uu u qabanayo aysan jirin oo qabiil lagu taageerayo, oo maalintuu is arko inuu daaqadda kasii bixi rabo u habar wacda dadka. Marka kalena xitaa lagama yaabo inuu keeno ama ku fekero inuu ka hadlo danaha dadkaas oo u cararayo goorta uu dhibaateysan yahay. 

Waxaan Hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa war reer Puntland wixi dhacay wey dhaceen ee hadda iyo wixi ka danbeeya ka fiirsada cidda aad xilka gobolka ku aaminaysan, oo yuusan idiin dagin nin la wareegaya boorso ay ka buuxdo lacagaha been abuuradka. Sida aad arintaas wax uga qaban kartaana waa idinkoo baarlamaanka u dirsada rag ay tayadooda sareyso oo ka baaraan degi kara qofka ay dooranayaan. Laakiin maalinti aad geysataan baarlamaanka nin ku siman ama la qiimo ah $1000/- dollar Allaha idiin naxariisto. 

Intaas ayaan hadalkeygii kusoo xirayaa wixii aan saxay ama asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan. 

Wabillaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje
Tenancy Services Officer
Housing Department
Leicester City Council
saicentadv@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007

caddeGen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH