SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Shirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.

  • Ilo wargal ah | Jan 21, 2008

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Shirkadahii Heshiisyada beenta ah kula jiray maamulka Puntland ay heshiis kale la gaadheen maamulka Puntland si ay maalgelin toosa ugu sameeyaan Ciidanka Puntland, si loo cabudhiyo kacdoonka dadweynaha Puntland.

 
Shirkadahaas iyaga ah ayaa khasaare iyo jaah wareer ku dhacay kadib markii wararka amaan darada, afduubka, mudaaharaadka ka taagan Puntland ay hadheeyeen warbaahinta caalamka, taasoo keentay in khasaare dhaqaale soo gaadho rugaha lagu kala gato Saamiyada (Shares) shirkadahaas iyaga ah.
 
Shirkaduhu waxay ku canaanteen maamulka puntland inaanay gacan bir ah marnaba ku deyin dadka ka soo horjeeda dawladda (Goboleedka), kuwa diiddan in la sahmiyo wadanka, kuwa sicir bararka ka cabanaya ee sawiradooda warbaahintu sido, Isimada faraha badan ee shacabka caadifadu u hayso, had iyo jeera maamulka dacalka haysta iwm.
 
Waxay wararkaas oo aanu ka soo xiganay ilo wadareedyo xog ogaala kuna dhow dhow dawlad Goboleedka Puntland noo sheegayaan, in Wasiirka Cusub ee Nabadgelyada Mr. Cabdullahi Siciid Samatar iyo Mr. Liibaan Boqor iyo hawlwadeeno kaleeto ay heshiiskaas ku gaadheen magaalada London, laguna dhamays tiray magaalada Dubai ee Imaaraadka carabta, iyadoo lacagtii ugu horeeysay oo dhan $200,000 Dollar lagu wareejiyey Wasiirka si uu gacan adag ugu qabto dadka ka soo horjeeda maamulka Cadde Muuse.
 
Shirkadahaas iyaga ah ayaa waxay si toosa uga danbeeyeen magcaabista Wasiirkaa isaga ah, waa sida wararka xog ogaalka ah u dhigeene, iyagoo ku cadaadiyey maamulka Cadde Muuse inuu magcaabo Wasiirkaa si uu ula jaan qaado ajendahooga qarsoon.
 
Heshiisku wuxuu dhigayaa in Shirkadahaas iyaga ahi ay si toos ah u maal geliyaan muddo sanad ah si loo cabudhiyo shacabka, iyadoo ciqaab la marin doono cidii isku dayda inay dhaliil u soo jeediso maamulka Puntland.
 
Waxaa warku tibaaxay in lacagtaas loo adeegsanayo:
  • 1-In Lagu soo iibiyo waxyaalaha kala dira Mudaaharaadyada, sida sunta dadka kaga ilmeysa.
  • 2-Baabuurta gaashaaman ee ciidanka iyo wixii hub ay u baahdaan.
  • 3-Lacag lagu iibsado sirta iyo xogta mandaqada ee Wasaaradu u baahan karto, lagu kala fur furo waayeelka, Waxgaradka iyo hogaan dhagmeedyada iyadoo kalsoonidooda lagu iibsanayo.
  • 4-Tayo gelinta guud ee ciidanka Madaxtooyada.

Wasiirka iyo hawlwadeenaduba waxaa la filayey inay Maalinta Isniinta 21 Janaayo 2008 ay soo gaadhaan Puntland, iyagoo wada ajandihii lagu cabudhin lahaa dadweynaha iyo dhaqaalihii ay bixiyeen shirkadahaas oo lagu hawl geli doono. Iyadoo shirkaduhu codsadeen in ay dhowrayaan waxqabad deg dega oo la taaban karo, asbuucyada soo socda.

 
Wararku waxaa kaloo ay sheegayaan, in ay shirkaduhu sheegteen in ay xaq u leeyihiin codsigooda ah in dadka la cabudhiyo ayna maal iyo maadiba diyaar la yihiin, si Sahamkoodu/Shares koodu aanu hoos ugu dhicin mar danbe, isla markaana loo ogolaado waa shirkadee inay talo gelyo toosa ku yeeshan xulashada hogaanka bedeli doona maamulka Cadde Muuse, marka waqtigiisu dhamaado sanadka fooda inagu soo haya.

  • Khilaaf Xooggan oo Soo Kala Dhex Galay Madaxda Jujuubka Ku Haysta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Puntland...

    Khilaafkan 5-Geesoodka ah ayaa u dhexeeya Madaxweyanaha DGPL, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.... Waxaana bilowday waqti cusub oo raggii siyaasadda Puntland u xirayd ay sii kala fogaanayaan.

    Waxaa muran ka taagan yahay sidii madaxda sare ee Maamulka Puntland ay u qaysan lahaayeen $200,000 doolar oo laga soo qaaday shirkadaha Batroolka....

    Waxa jira qorshe lagu kordhinayo Cashuurta Puntland boqolkiiba 10% si loogu ilaaliyo shirkadaha Batroolka, shacabkana gacan adag loogu qabto....

    Akhri halkan....

Isha warka:  Ilo wargal ah oo aanaan magacooda u shegeyn arrimo ammaanka la xiriira awgeed

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com