SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Batroolka PL: Bayaan ka soo baxay Puntland Professional Association

puntland

Puntland Professional Association 

Markii aan aragney xaaladda gurracan ee uu ku suganyahay gayigeena Puntland, Waxaanu go'aansaney in aan soo saarno bayaankan hoos ku xussan si aan umaddayada ugu iftiimino xaaladaha qallafsan uu ku suganyahay gobolladeena xag dhaqaale, iyo xag nabadgelyo intaba. 

Aragtida ku aaddan Maamul goboleedka Puntland 

Waxaan aad uga xunnahay maamul xumada ka jirta Puntland, dhaxalkeedana uu leeyahay maamulka hadda jira oo si wayn uga weecdey dhabahii hagaagsanaa iyo ula jeedooyinkii loo asaasey, isla markaana waxyeelleyey hab nololeedkii bulshada issir wadaagga ah ee reer Puntland oo istaahila maamul ku qotoma midnimo, sinnaan, iyo isqaddarin, hiigsadana horumar u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan oo kayd u ah ubadkeenna. 

Marnaba la ogolaanmaayo wax kasta oo bur bur u horseedahaya haykalka ama hab dhaqanka udub dhexaadka u ah mandaqaddeena Puntland taas oo ah mid salka ku haysa nabad ku wada noolaansho iyo horumar marba marka xigta sii kobcahaaya . 

Maamulka hadda ka jira waa in uu si shuruud la'aan ah ka noqdaa khaladaadkii uu galey welina ku dhex jira hadday noqon lahayd Amniga, ama dhaqaalaha oo si fool xun loo maareeyey taas oo u keentey nolol hooseeysa oo aysan u qalmin dadka reer Puntland. 

Ka yeelimayno maamulka musuqmaasuqa ku caan baxey duminta haykalka maamul goboleedka Puntland oo ragi aasaaskeeda lahaa dhibaatooyin fara badan ka soo mareen isla markaana waqti iyo maalba u hurey. 

Waxaannu diyaar u nahay naf iyo maalba in aan u hurno jirtaanka dhulkayaga hooyo oo aan marnaba laga ogolaan shakhsiyaad dana gaar ah wata in ay dumiyaan.

"Wada jirka maamul goboleedka Puntland waa Muqaddas". Ragga Puntland u burburka u horseedaya waxaa imaan doonta maalin lala xisaabtamo. 

Baarlamaanka Puntland waa in uu ka taxadaraa kana waantoobaa ansixinta sharciyada aan xaqa ahayn ee xaaraanta ah laguna iibanaayo sharafkeena, karaamadeena, iyo gayigeena.

Taas oo aan wax maslaxad ah eeysan ugu jirin beelwaynta reer Puntland ama shacabka soomaliyeed oo idil,

Mas'uulkii ama xildhibaankii cad quureed u qaada umadda isir wadaaga ah taariikhda ayaan cafinayn, sidaas daraadeed waa in laga xishoodaa wax allaale iyo waxii wax u dhimi kara sumcadda guud ee shacabka xalaasha ah ee reer Puntland. 

Golaha wakiilada ee Puntland iyaga ayaa mas'uul ka ah sharciyada lagu hagaayo umadda reer Puntland, sidaas darteed waa in uu fiiro gaar ah u yeesho go'aamada ay qaadanayaan ayna ogaadaan codkoodu in uu yahay mid ka turjumaahaya aayaha umadda. 

Hadda oo golaha wakiilada la hor keeney sharciga batroolka oo ah mid aan xalaal ahayn laguna marin habaabinayo umada isir wadaagga isla markaana lagu kala faquuqayo.

Waxaa taas daliil u ah in si sahal ah goboladii Puntland u ahaa halbowlaha jiritaankeeda sida Sool, Sanaag, cayn iyo degmada Buuhoodle farah looga laabtey oo aan wax tixgelin ah la siin looguna xalaaleey Gobolkeena qaaliga ah ee Sool in uu gacanta u galo maamulka wuqooyiga ee Somaliland. 

Waxaa ayaan darro ah in xildhibaanadii lagu aaminey una dhaartey masiirka umadda in ay ansixiyaan sharci aan waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ah iyo kan soomaaliya.

Waxaad moodaa markaad aragto xaaladaha ka ooggan gayigayaga in ay noqotey arrintu mid shakhsi keliya iyo koox calooshood u shaqaystayaal ah ay ku amar taagleeyaan xuquuqdii shacabka xildhibaanadii shacabka masuulka ka ahaana ay qalinka ugu duugaan.

Mudanayaal waxaad ogolaateen in aad shirkad tuugo ah oo madaxwaynaheena uu hore inoo ku sheegey in ay jirri tahay aad faraha u gelisaan in ay xadaan khayraadkii shacabka gaar ahaan umada reer Puntland guud ahaana soomali oo idil. 

Wakiillo, intiina u codeeysey sharcigaan xaaraanta ah taariikhda ayaa idin xusi doonta shacabkuna marnaba idin cafin maayaan.  

Sicir bararka ka aloosan deegaanada Puntland waxaa masu'uul ka ah maamulka hadda jira oo lacagaha been abuurka ah ka keenaya dibadda  kuna daacaya gobolda Puntland qaarkood. Arrintaas ayaa sal u ah dhibka maantey taagan. 

Shacabka reer Puntland ha ka dhiidhiyaan arrinkaas hana ilaaliyo midnimada marnaba yaan la niyad jabin. Maamulka xun maalmo tirsan ayaa u hartey

Insha Allahu khayr baa ka dambeeya mustaqbilka dhow. 

Puntland Guul Iyo Barwaaqo ! 

By:Chairman, PPA
Dr. Guled A. Muse
Virginia, USA 

La xiriir: shariifka_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: