SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LACAG

Qalab laga Samayn jiray Lacagta Been-Abuurka (Faalisada) oo Boosaaso Lagu Gubay - Arbaca April 23, 2008

Boosaaso:- Munaasibad Balaadhan oo Ujeedkeedu ahaa in Lagu gubo Qalab fara badan oo laga samayn jiray (Lacagta) Faalisada. Qalabkaasi ayaa maanta (April 23, 2008) Gabi ahaanba waxa lagu gubay Duleedka Magaalada Bosaaso, iyada oo ay Goob joog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo waliba Culam'awdiinka Magaalada Bosaaso.


 Dadkii oo Eegaya Faalisada qaabkeeda 

Kulan balaadhan ayaa maanta (23/4/2008) Galinkii danbe waxa uu ka dhacay Duleedka Danbe ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso, Kulankaasi ayaa Ujeedkiisu waxa uu ahaa in Goobtaasi lagu soo bandhigo Qalab badan oo ah Nooca Faalisada laga sameeyo kaasi oo lagu Gubay Goobtaasi


Gaadhi laga daabulayo Faalisadii

Iyada oo ay Halkaasi ay joogeen Masuuliyii ka tirsan Maamulka Puntland iyo waliba Ganacsatadii lahayd warshadaasi, Qaar ka mid ah Culama'awdiinka, iyada oo ay halkaasi hadal koob kooban ka soo jeediyeen dhamaan dadkii halkaasi joogay.


 Lacagtii Faalisada oo Halkaasi lagu Gubay


Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse G. Y. Faroole

Gudoomiyaha Gobolka Bari, Muuse Geelle Yuusuf (Faroole), ayaa halkaasi ka hadlay, isaga oo Faroole sheegay inay aad ugu mahad Celinayo dhamaan Ganacsatadii warshadaasi lahayd, isaga oo sheegay inay arinkaasi Gacan wayn ka gayteen Culamada Magaalada Bosaaso oo iyaga Ragaasi warshada leh u soo bandhigay qorshe ah inay Joojiyaan Daabacaada Faalisada.


Cutub ka mid ah Culamada oo Hadlaysa

Waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Axmed Daahir oo ka mid ah Culamada aadka looga yaqaan Gobolka Bari, Sheekha ayaa sheegay inay aad mahad balaadhan ugu soo jeedinayaan Ganacsatii warshadaasi Faalisada iska lahayd oo iyaga Go'aan gaadhay in maanta Goobtaasi lagu gubo.

Sheekha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay raadka xun ee aay reebto Faalisada iyo waliba saamaynta ay ku yeelan karto Bulshada Somaliyeed hataan laga hortagin oo Gacanta la qaban kuwa doonaya inay daabacaan Faalisadaasi.


Karaatiintii Faalisada


Booliska oo Goobtaasi Joogay

Cutub ka mid ah Dadkii ka soo qayb galay gubitaankii lacagta

Ganacsatadii Warshada Faalisada lahay ayaa iyana Halkaasi Hadal ka soo jeediyay iyaga oo sheegay inay aad Ugu kalsoonyihiin Talaabada ay qaadeen Culamada Magaalada Boosaaso, waxay sheegeen inay looga baahan yahay cida kale ee wax lagu tuhmayo inay saasi oo kale sameeyaan.

Warshadaasi Maanta (23/4/2008) Lacagteed Faalisadah la gubay ayaa waxay ku taalay Gudaha Magaalada Bosaaso, iyada oo ay warshadaasi ahayd tan kaleya ee lays oran karo waxay Kor u qaaday sara  u kaca Doolarka.

Gebagebadii waxa layska Qiray in qalabkii warshadaasi oo ahaa Makiinadaha lagu weereejiyo Bangika dhexe ee Puntland kaasi oo ku yaala Gudaha Magaalada Boosaaso.

Source- LaasqorayNet-
Bosaaso- Somali

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH