SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Boosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Batrool Sahaminta

  • Guddoomiyaha Gobolka Bari oo Qiray Weerarka lagu qaaday gaariga...
  • Qarax kale oo ka dhacay Boosaaso - May 26, 2008
  • Su'aalo La Weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL...
  • Cadde Muuse oo sheegay in uusan xukunka kororsan doonin...
  • Boosaaso: Gawaarida Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen

SomaliTalk.com | May 26, 2008

Gaari Booyad ah oo ka mid ah gawaari (May 25, 2008) laga soo dejiyey markabka Jumbo Express oo ay leedahay Shirkadda IMC (ee reer UK) ee soo gaarey dekeda Bosaaso ayaa ku xumaaday dariiqa magaalada Boosaaso dhexdeeda ah. Markaas ayaa gaarigii lagu weeray bambaanooyin iyo rasaas.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa qiray in weerarkaasi dhacay (May 25, 2008) ee lagu qaaday gaari booyad ah oo ay lahayd shirkada sahamineysa Puntland.


Sawir booyado shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso
waxaa faafiyey Xafiiska Cadde Muuse

Gawaarida loo wado aagga Ufayn waxaa leh shirkadda laga leeyahay dalka UK ee IMC oo ay shirkadda CANMEX (Africa Oil) qandaraaska la gashay si ay u samayso sahamin Dooxada Dharoor... CANMEX waxay heshiis kula jirtaa RANGE RESOURCES iyo DGPL..

http://www.imcgeophysics.co.uk/

Muuse Geelle oo arrintaas su'aalo laga weydiiyey ayaa yiri: "Baabuur shirkadda batroolka, gaari ku xumaaday dariiqa, waxaa jira dad ka soo hor jeeda wadanka horumarkiisa, niman ayaa soo weeraray kolley waxay ku tuureen bambo-gambeedyo iyo rasaas, kolley cid wax ku noqotay ma jirto, gaarigana wax dhibaato ahi magaarin, marka waa dad diidaya waddanka iyo horumarka waxa loo qabanayo, waxaanse u sheegeynaa cid alla iyo ciddii waxaas oo kale isku dayda looma joojinayo hawshuna way soconeysaa, waana la garanaya waana la soo qaban doonaa oo gacanta ayaa lagu soo dhigi doonaa, oo ciddii isku dayda waddanka waxyaalaha loo qabanayo, mar dacaayad mar doolarku ku kacay in wax loo qabto diidaya, oo doonaya wadan in uu sidaas ku jiro taasi marna ma dhici doonto, insha Allah gacanta ayaa lagu soo qabanayaa booliska yaana daba jooga, waana la baarayaa, waxaan rabaa inay xusuusnaadaan wiil ama laba wiil ama saddex wiil ama qaar ka mid ah ee diida in wadanka wax loo qabto ama wax ha tuureen ama ha hor istaageen, arrintaasi ma loo joojin doono waana socon doontaa Isnaha Allahu shaqadu, kuwaasna waa la soo heli doonaa iyagoo cad ayaa sharciga la hor geyn doonaa."

Hadalkii Muuse Geelle, Guddoomiyaha Gobolka Bari:

Waxaa jira warbixno tibaaxay in gawaarida loo keenay sahaminta ay yihiin kuwo aad duug u ah oo rinji la soo mariyey, taas ayaa keentay durbadiiba in ay booyadaasi ku xumaatay meel aan sidaas uga durugsanayn dekedii laga soo dejiyey.

Shirkadda IMC ee CANMEX (Africa Oil) qaandaraaska la gashay ayaa sahamin ka samayneysa Dooxada Dharoor, gaar ahaan aagga la ologga ah Ufayn iyo Meeladeen.

Sahaminta Dharoor ayaa la mid ah sida tii shirkadda TGS ee reer Norway ay ka samaysay Somaliland intii u dhaxaysay December 2007 ilaa Febraayo 2008 taas oo lagu sameeyey diyaarad, laakiin xogta iyo natiijada wixii laga ogaadeyna aan weli loo soo celin maamulka Somaliland. Sidaas oo kale sahaminta Puntland maadaama aysan jirin khubaro Soomaaliyeed oo madax bannaan oo ku lug leh xog ururinta  ayaa wixii xog ah ee la ogaado ay Soomaalidu marti uga ahaan doontaa sida sahamintii Qarngii 20aad horraantiisii laga sameeyey aagga Ufayn, Kobdhexaad iyo Dharoor.

Qarax kale oo ka dhacay Boosaaso.....

Waxaa kale oo magaalada Boosaaso uu Qarax ka dhacay Fidkii Habeenkii Talaadadu soo geleysey (May 26, 2008), qaraxaas oo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee uu geystey. Ma jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qarax dambe ee ka dhacay Boosaaso.

Kalsooni Intee Leeg ayaa Shacabku ku qabaa Qorshaha Sahaminta ee DGPL...?

Shacabka oo su'aalo weydiiyey wasiirka Macdanta & Tamarta DGPL ayaa waxay muujiyeen sida aan kalsoonida loogu qabin barnaamijka sahaminta xukuumada DGPL maadaama ay maarayn kari weydey hantidii kale ee shacabka. (Su'aalihii la weydiiyey Xasan Aloore iyo jawaabihii dhanka hoose ee qormada ayaad ku arkidoontaan).

Kalsooni darrida shacabka waxaa qayb ka ah in aan la ogeyn halka ay marto hantida ka soo xeroota dekeda Boosaaso. Waxay ahayd Maarso 28, 2008 markii jariidada African Energy ay waraysiga la yeelatay Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL, Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre, waxana uu sheegay in dekedda Boosaaso ay sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar. Isla markaas jariidadu waxay waraysatay Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] oo sheegay miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo doolar. Halkaas waxaa ka soo baxaya ku dhawaad $19 million oo dheeraad ah (surplus) oo aan meel la saarin.

Kalsooni darada kale waxaa keenaya ayada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda ka mid ah madaxda maamulka Puntland oo wax ku leh shirkadda CONSORT ltd. Arrintaas oo muhiimad weyn u leh mashruuca sahaminta waayo khubaro Soomaaliyeed ayaa rumaysan in arrinta ugu weyn ee madaxda Puntland ay qorshahoodu yahay waa in kor loo qaado saamiyada shirkadda RANGE waayo CONSORT ayaa saami ku leh.

Walaac kale ayaa ah in aan dad xirfad yaqaano Soomaaliyeed ah laga qayb gelin sahaminta sidaas daraadeedna wax kasta oo la ogaado ay noqon doonto mid Soomaalida wax laga ogeysiin sidii qarnigii hore sahamintii aaggaas laga sameeyey oo kale.

Dareenka Shacabka Puntland ee sahaminta:

Su'aalo La Weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL...

  • Shirkadda CANMEX (Africa Oil) "waxay weydey RIIGAGII lagu geli lahaa meelaha qaarkood sida Dooxada Nugaal," Aloore...
  • Xasan Aloore oo Qiray waxa hadda la samaynayaa inay tahay Sahamin....

    (Su'aalaha waxaa la weydiiyey ka hor intii aan Boosaaso lagu weerarin gaariga shirkada sahaminta)....

Idaacada Codka Maraykanka ayaa May 25, 2008 qabatay barnaamij ay dadweynuhu su'aalo ku weydiinayeen Wasiirka macdanta iyo Tamarta ee DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud "Aloore" oo joogey Boosaaso.

Cabdifataax Maxamed Muuse oo jooga Boosaaso ayaa ugu horayn weydiiyey su'aal ahayd: maadaama hadda Puntland ay ka jiraan arrimo qalalaso ku dheehan yahay, goboladii qaar maqan yihiin, arrimo kale ay iska jiraan dhinaca ammaanka iyo dhinaca badaha oo burcad ka jiraan, dawladiina ay xilligeedii u hadhay muddo lix bilood ah sidee ku suurta galaysaa in dawladu ay faraha la gasho hawl daba dheer oo ilaa sannado qaadaneysa baarideeda iyo miro dhalkeeda.?

aloore Hassan Osman Mahamud"...(shirkadda) Africa Oil loogu magac daray, magacaas hore uma lahaan jirin ee 'Wanqal' ayuu noqday maadaama Africa, gaar ahaan Soomaaliya ay "property" ka heshay..." Xasan Aloore ma caddayn nooca ay tahay "property" [hantida ama milkiyada] ay shirkadda CANMEX (oo Africa Oil loogu wanqalay) ka heshay dhulka Soomaaliyeed. Hore waxaa shacabka loogu sheegay in ay qandaraas sahamin/baaris shidaal la gashay DGPL laakiin in ay mulkiyad ku leedahay dhulka Soomaaliyeed waa oraah cusub. Waxaa weli shacabka maskaxdooda kasii guuxaya heshiiskii muddada qarniga ah aagga Xaafuun lagu kiraysan lahaa ee mashruucii la fashiliyey ee HAFZA

Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Sida marar badan aan ku xusay bahda 'media-da' (Warbaahinta) kunturaada (qandaraaska) hadda lama gelin ee mar hore ayaa la galay, muddo saddex sano ah hadda waa socotey, markii anigu aan shirkaddaan deggan Calgary Canada la soo saxiixay ee Africa Oil loogu magac daray, magacaas hore uma lahaan jirin ee 'Wanqal' ayuu noqday maadaama Africa, gaar ahaan Soomaaliya ay "property" ka heshay. Waxaan la saxiixday January 17, 2007 saddex sano baaritaan ah Nugal Vally (Dooxada Nugaal) iyo Dharoor valley (Dooxada Dharoor) iyo badda la xiriirta. "Actually" (Xaqiiqadii) badda waa inta la xiriirta."

"Arrinkaasi muddo badan ayuu soo socdey, muddadaas uu soo socdey waxaa dib u dhigay shirkadda oo shaqadeeda ay la bilaabi weydey dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ee dagaalka sokeeye ee naafeeyey oo hadda aan u baahnayn in aan xuso, ama isaga sheekeyno oo qof kasta ka dheregsan yahay. Waxaana keenay shirkaddu daacay ayey ka tahay hawsheeda in ay wadato, iyada ayaa kaa jecel in ay faa'iido badan una soo gashay iyadoo ka war haysa xaalada kajirta Soomaaliya saxiixatay, laakiin waxay weydey RIIGAGII lagu geli lahaa meelaha qaarkood sida Dooxada Nugaal."

"Nugaal Valley intii badan uma baahna survey (sahamin) oo waa laga hayaa, xogtii (Data) siddeetamaadkii la aruuriyey ayey soo heleen, shirkado kale ayey xiriir lahaayeen, Calgary (CANADA) ayey geeyeen, Sheybaarro (Labs) ayaa la geeyey saynisyahano badan oo 40 ah ayaa isugu yimid, waxaa meeshaas akhriskii 'interpretation-ka' (fasiraada) oo labaatankii sano oo dambe oo 'digital-ku' aad u shaqaynayey waxa uu soo saaray in fasiraad aad u fiican oo kuwii hore oo shaybaarada la geeyey ka wanaagsan. Sidaas darteed waxay markiiba go'aan gaareen inay RIIG gelinayaan. Dharoor waxaa weeye RIIGA waxaa ka horaynaya "survey' (sahamin) - waxa loo yaqaan "Geological seismic" oo dhulka la gariirinayo, oo weliba masaaxo badan oo gaaraysa 2,600 sq.Kiiloomitir."

"Marka sannad iyo bar markii uu tegey, sannad iyo barna uga dhiman yahay, annaga ma joojin karno oo ma dhehi karno ka hakada maxaa yeelay markaas "Force Majeure" ayey claim-garanayaan (ku andacoonayaan), mana ogolin taas, marka in ay yimaadaan oo baaraan oo hawshooda gutaan wey ku khasbanaatay."

geyreCabdiweli C/raxmaan Geyre,Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL ayaa yiri "dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda ilaa $40 million oo doolar", waraysi uu siiyey African Energy, March 28, 2008

"Sidaas darteed haddaan nabad gelyada nafteeda u noqdo, waxaa jira dalal badan oo batroolka (shidaalka) soo saara oo "lowest grade ah" Soomaaliya nabadeeda oo kale leh ama meelaha qaarkood ay ka sii liitaan, marka nasiib kayaga ayaa beegsaneynaa, waxaa taas soo raaca baahi badan ayaa na haysa, Soomaaliya waxaa ka jira baahi aan caadi ahayn oo dadku u dhimanayo waad ka war haysaan, waxa keliya oo midayn kara oo soo celin kara waxa weeye khayraadka dhulka ku jira in la soo saaro, ama muddo yar ayaa lagu garan karayaa Oil-ka akhriskiisa marka riiggu soo galo, markaasna isagii oo aan la soo saarin ayaa dunida kaleeto "facilitation" (tasiilaad iyo fududayn)  badan laga helayaa, deyn badan laga helayaa, nolol badan ayaa markaas suuroobeysa, sidaas darteed waxaa weeye waxaan ogolaanay company (shirkadda) 'seismic' in uu soo galo oo shaqadiisa guddato - weli riiggii ma iman Nugaal la geyn lahaa. Intii tabartayada ahna nabad gelyada xagga xukuumada waa ku dadaaleynaa, islamarkaana dadweynaha, C/fataax adigu aad ka mid tahay in arrintaas oo kale aad ka qayb qaadatid, nabad galyadeeda, wacyi gelinteeda, wax soosaarkeeda, in la baaro meeshaas Soomaalida oo dhan ayey dan u tahay, qof kasta oo inaga mid ahna waxaa weeye in uu ka qayb qaato, marka sidaas ayaanu go'aan sanay." Ayuu yiri Xasan Aloore.

Markaas C/fataxaa waxa uu weydiiyey: Waxaa jira meelo ka mid ah Dooxada Nugaal oo shidaal lagu tuhmayo, meelahaas oo lagu muran san yahay, sidee looga gaashaaman karaa in aysan muran kale oo dhinaca siyaasada ah dhalin?

Xasan Aloore waxa uu taas kaga gudbey in meelaah hadda la baarayo aysan ahayn meelo hadda la isku haysto. Waxana uu xusay in Nugal ilaa lix meelood macluumaad laga hayo, oo hadda ka hor qaarkood ay RIIGAG tageen.

C/Fataax waxa uu markaas Aloore hadalkii ku celiyey isagoo weydiiyey: Wasiir marka aan Dooxada Nugaal ka hadlayo waxaan u jeedaa dhinaca HOLHOL oo hadda ah sida meel dhul-bare u ah Puntland iyo Somaliland marka la eego melaha ay ciidamadoodu kala joogaan, marka taas sidee la orankaraa oo loo habayn karaa. Sidoo kale sidee looga gaashaaman karaa sidii tii ka dhacday Majayahan oo kale ee xukuumada iyo shirkadda in dadka degaankaasi ay kacaan?


Sawir shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso

Sawir shirkada sahaminta IMC |dekeda Bosaso
waxaa faafiyey Xafiiska Cadde Muuse

Wasiirka uu Gen. Cadde Muuse u xilsaaray Macdanta & Tamarta, Aloore, waxa uu ku jawaabey: "Communitiga (dadka aagga deggan) wuxuu leeyahay xuquuq tiro badan, waxyaabihii anaga aan isku qabsaneyney Dawlada Federaalka waxaa ka mid ahaa in boqolkiiba 15% wax qaybta laga siiyey oo 85% ay dawlada dhexe lahayd, markaas waxaan u aragnay in aysan qodmaynba maxaa yeelay communitigii (Dadka degaanka), State-kii iyo gobolkii kulli waa qatan yihiin meeshii wax laga soo saarayey. Marka communitigu waa qolada ugu horeysa oo ugu faa'iidada badan, oo siyaabo badan oo gaar ah haday shaqo qorista tahay haday horumarinta bulshada, iyagu waa dadka keliya oo jeebkoodu ka cokanaanayo dadka kale."

Su'aalo kale oo la weydiiyey oo ay ka mid yihiin sida lagu aaminayo maamulka Puntland marka laga hadlayo maaraynta shidaal qodista maadaama ay maarayn waayeen hantidii soo geleysey DGPL,in DGPL xilligeediiay lix bilood oo keliya ka harsan tahay iyo in aan shacabku kalsooni ku qaban xukuumada iyo su'aalo kale iyo jawaabihii iyo dood dhex martay Cabdullaahi Xaaji Xuseen Warsame iyo Yuusuf Luule:

Boosaaso oo uu soo gaarey Markab sida Qalab Sahaminta...

Cadde Muuse oo sheegay in uusan xukunka kororsan doonin marka la gaaro Janaayo 8, 2009..

Waxaa dekeda magaalada Boosaaso ka bilowday (May 25,2008) in markabka Jumbo Express laga dejiyo qalab sahaminta loogu tala galay oo isujira cagafcagafyo iyo booyado iyo gawaari kale oo loo wado aagga Ufayn. Qalabkan oo ay leedahay shirkadda IMC.

Shirkadda Range Resources oo heshiiska ka iibsatey CONSORT (oo aan ila ahadda la ogeyn cidda wax ku leh, laakiin weli saami ku leh RANGE) ayaa heshiis la sii gashay CANMEX oo markaas kaddib loogu wanqalay AFRICA OIL, taas oo iyaduna qandaraas la sii gashay IMC si ay u sahamiso Dharoor.

Dhanka kale madaxweynaha DGPL ayaa sheegay in uusan xilka ku darsan doonin mark ala gaaro waqtiga xilkiisu ku egyahay oo ah Janaayo 8, 2009.

Gen. Cadde Muuse waxa uu hadalkaas yiri mar uu May 25, 2008 Boosaaso kaga qayb galay kulan looga hadlayey ammaanak Puntland.

Waan la socdaa in la faafiyey in aniga iyo Cabdulahi Yusuf ku heshiiney in aan xilka kororsanayo, oo dadna ay baaq ka soo saareen ay kaga soo horjeedaan, taas waxba kama jiraan maalin ku darsan mayo, ayuu yiri Gen. Cadde Muuse.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli ay shacabka Puntland isla dhex marayo in maamulka Gen. Cadde qorshaynayo xil kororsi, iyo in ugu yaraan 50 oday ay Garoowe ka soo sareen bayaan ay arrintaas kaga digayaan.

Boosaaso: Shaqo Joojin ay Sameeyeen Gawaarida Basaska ee dadka Qaada...

Isniin (May 26, 2008) waxaa shaqo joojin sameeyey gawaarida basaska ah ee loo yaqaan BL ee dadka qaada ee ka dhex shaqeeya magaalada Boosaaso. Shaqo joojinta ayaa salka ku haysa cabasho la xiriirta sicir bararka oo keenay in uu aad qaali u noqday shidaalkii ay ku shaqaynayeen gawaaridaasi.

Sahaminta 2008 ee Ufayn iyo Kobdhexaad maxay kaga duwan tahay tii Qarnigii Hore...
.Sahaminta Macdanta oo ka bilaabaneysa Dooxada Dharoor
.Eng. Kaanje Goorma ayuu is casili doonaa...
Akhri warbixinta sahaminta shidaalka Puntland...

Xildhibaanad Caasha oo Eedayn Kulul u jeedisey Gen. Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf

Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac Geystay oo ka Dhacay Muqdisho...
Madfac ku habsadey guri oo ay ku dhinteen 8 qof. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008
 

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS