SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe - June 15, 2008

Xilli laba maalmood ka hor ay Puntland ka dhoofeen Guddoomiyaha Baarlamaanka DGPL iyo Madaxweynaha Puntland....

  • "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro" Gen. Cadde Muuse
  • Kulan gaar ah oo Jabuuti uga socda Gen. Cadde Muuse iyo Col. C/laahi Yuusuf....
  • Duqa magaalada Galkacayo oo ka hadlay ammaanka magaalada

SomaliTalk.com | June 15, 2008


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Baarlamaanka DGPL ayaa [Axad, June 15, 2008] ka furmay magaalada Garoowe. Waxaana shir guddoomiye ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada, Salaad Xareed Cali. Waxaana kalfadhiga soo xaadiray 51 xildhibaan oo ka mid ah 66-ka ay ka kooban yihiin Golaha Wakiillada DGPL.
Kalfadhigii Hore ee Baarlamaanka Puntland: Waraysiyada Idaacada Garoowe ee xildhibaan Muuse Warsame Cumar iyo Salaad Xareed Cali:
Dhegeyso ama (mp3)

Gudoomiyaha Baarlamanka DGPL, Axmed Cali Xaashi, ayaa Puntland ka dhoofay [Jimce June 13, 2008 isaga oo ka mid ahaa waftiga Gen. Cadde Muuse oo u dhoofay Jabuuti] laba maalmood ka hor furitaankii Kalfadhigan 20aad oo ah kulan Puntland aadka looga sugayey. Kulankii kan ka horreeyey ee ahaa kalfadhi aan caadi ahayn [15-30 Maarso 2008] ayaa ku dhammaaday buuq ku saabsan qodobbo sharci ah, iyo in 26 xildhibaan qoraal u gudbiyeen shir-guddoonka Baarlamaanka iyo eedaymo kale oo ku saabsan in shir-guddoonku ku milmay xukuummada.

Shir-guddoomiyaha Kalfadhigan 20aad oo ah guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Salaad Xareed, ayaa markii uu kalfadhigu furmay waxa uu sheegay in qodobbada looga hadli doono ay ka mid yihiin:

  • Xisaab xirka Miisaaniyada Puntland ee 2007,
  • Xeerka Muwaadinka & Luminta Muwaadinnimada,
  • Amniga Maamul Goboleedka Puntland,
  • Ansixinta Wasiiradda Cusub ee Puntland,
  • Soo Gudbinta Heshiisyada ay gasho Xukuumaddu,
  • Ilaalinta Deegaanka iyo Bey'adda,
  • Xeerka kala Xadeynta Degmooyinka iyo Gobollada,
  • Xeerka kala Qeexidda Awoodaha Dowladda dhexe iyo Gobolada, iyo
  • Xeerarka ay Xukuumaddu u soo gudbiso Golaha Wakiillada.

Furitaanka kalfadhiga waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Xasan Daahir Afqurac, waxana uu ka warbixiyey ammaanka Puntland isagoo sheegay in 2007 iyo 2008 ay Puntland soo wajahday ammaan darro sababtay in ay ku dhinteen dad magan gelyo u soo raadsadey Puntland.

Hadal dheer oo uu jeediyey kaddib, ayaa Golaha Wakiilladu waxa ay dalbadeen in ay su'aalo weydiiyaan Madaxweyne Ku-Xigeenka DGPL, laakiin waxa uu sheegay in uusan wax su'aalo ah ka jawaabeyn hadda, balse uu ka jawaabi doono kulanka kalfadhiga ee Isniinta (Jun 16, 2008).

Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi [Gen. Cadde Muuse] ayaa Boosaaso ka dhoofay [June 13, 2008] xilli ay socotey qaban qaabada kalfadhiga 20aad ee xasaasiga ah, waxana uu isla maalintaas tegey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, safar aan si rasmi ah loo sheegin inta uu qaadan doono.

Safarkii kan ka horeeyey Gen. Cadde Muuse waxa uu Puntland ka maqnaa 52 maalmood [Maarso 30 ilaa May 20, 2008] - Taas oo 8 maalmood ka yar inta Dastuurka Puntland u ogol yahay in uu dalka ka maqnaan karo [Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo 60 beri ka badan. Qodobka 54aad, Farqadda 20aad].

Ma cadda xilligan waqtiga uu waftiga Gen. Cadde Muuse kusoo laaban doono Puntland. Kalfadhiga Baarlamaanka ee hadda ka socda Garoowe ayaa socon doona muddo dhawr iyo 30 beri ah.

"Shan Bilood ayaan ku soo saareynaa Batroolkeena..." Gen. Cadde Muuse

  • "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro" Gen. Cadde Muuse

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa June 15, 2008 waxa uu sheegay in ay Batroolka Puntland kusoo saarayaan ilaa 5 bilood [oo taariikhahaan ku beegan November 15, 2008]

Gen. Cadde Muuse oo (June 15, 2008) isaga oo Jabuuti jooga waraysi siiyey Idaacada British Broadcasting Corporation ayaa sheegay in ay ogaadeen dhaammaan Khayraadka ku jira Soomaaliya.

Gen. Cadde Muuse oo ka jawaabeyey su'aal uu weydiiyey weriye Yuusuf Xasan Macallin oo ahayd "Waxaa jira muran muddo ka taagnaa arrimaha batroolka qodistiisa ee DGPL, adigu maadaama aad tahay madaxweynihii Puntland, arrimahaasi haatan xaggee marayaan qodistii shidaalka iyo baaristiisaba."

"Mahad Eebbaa leh, intii aannu hadda joogney Puntland 17-kii hadda burburka waxaannu ogaaney Puntland ama Soomaaliya oo dhan wixii khayraad ah oo ku jira, horta guusha u weyni waa gaarnay, degmo kasta ama tuulo kasta ee dhulkayaga waa naqaanaa wixii ku jira marka u horreeya. Tan labaadna, meel fiicay bay noo mareysaa, dagaal baa meel la arko nalakaga qaaday, nin kastaba wuxuu dhigay intuu balaaqad Soomaali leeyahay in uu na cambaareeyo oo been u sheego dawladihii oo dad kasta u sheego, laakiib beenta raadkeeda waa laga daba tagaa, waxaas oo dhan Ilaahay waa noo sahlay in aannu kala furno, waxaannu qabnaa annagu afarta bilood, shanta bilood ee sannadkan [2008] ka bacdi in aannu batroolkeena soo saari, waa soo saareynaa wixii oo dhan, dadkii riyada u malaynaayey maanta ilaa saddex, afar meelood baa shaqooyin ka bilaabanayaan," ayuu yiri Gen. Cadde Muuse.

Waxaa markaas la weydiiyey su'aal ahayd: Ma bilowdeen shaqadii marka, oo waxaa la sheegayaa baabuur badani inay yimaadeen oo shirkado qalab keensadeen, oo haataan baaristii socoto, yacni intee leeg yihiin qalabka shirkaduhu keensadeen, intee lagu qiyaasaa?
Su'aasha aan Weli laga Jawaabin: Yaa leh Consort?

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

Gen. Cadde Muuse waxa uu ku jawaabey: "Hadda haddaan ku iraahdo Jabuuti iyo Abu Dubai ilaa 300 (saddex boqol) oo konteenar baa naga yaal, oo alaabtii sida, haddana waad aragteen inta maraakiib timid alaabtii, Shaqadii ugu horeysey way bilaabatay, adiga asbuucyo ayey soconeysaa, haddee dhulkayagana wax badan waa laga yaqaanaa, ilaa 11 meelood, 15 meelood baannu Insha Allahu waxaan rajayneynaa inay shaqooyin ka bilowdaan, hadda kuwaan waa soconayaan, hadba meel ayaa la tegayaa, laakiin shaqadeedu xooggeedu wuxuu bilaaban doonaa Oktoobar [2008] wixii ka dambeeya, haddana waa bilowday, Technology [farsamo] cusub weeyey oo meeshii sannad la wadi jirey hadda 5 asbuuc ilaa 6 asbuuc ayaa la wadayaa, marka shaqadii waa bilaabatay."

Su'aal kale oo la weydiiyey oo ahayd "Dadka dhibaatada idinku haya ama dawladaha aad ka qodi weydeen ama ka baari weydeen shidaalka oo aad carrabka kudhufatay yaa ka mid ah" waxa uu Gen. Cadde kaga jawaabey:

"...Soomaali oo dhan ayaa ka mid ah, oo nin la arkoba warqad uu qoro oo yiraahdo meesha nabadi ma jirto, waxaasu majiraan, meesha anigaa leh, dad aanba rabin, dad badan baa jira, hadda dhulkeena Soomaaliya dhibaatada ugu weyn oo jirta haddaad tuulo tagtid oo tiraahdid ceel baan kuu qodayaa, marka hore waxa uu leeyahay aniga baad isii si aad ceelkii biyaha aad ugu qoddid, iyo nin kasta oo wax qori yaqaan oo badi raadiyey in uu joojiyo shaqooyinka aan wadno, annaga shaqooyin kayaga Puntland ka socda Soomaali oo dhan baa deggan, Soomaali oo dhan baa ka shaqaysata, baayac-mustarigayagu waa International (caalami) Soomaaliya oo dhan nin aannu u diidno ma jirto. Waa jirtaa hadda kabacdi in aanu ninkii wadan kayaga dembi ka gala in aannu qaban doono waa goosannay, laakiin annaga Soomaali iskugu mid weeye, shaqooyin kayagana waa la ogyahay ninkii Puntland yimaada," ayuu yiri madaxweynaha DGPL.

Waxaa markaas la weydiiyey su'aal ahayd: Waxaa jirtey muran muddo ka dhaxeeyey Puntland iyo DFKMG ee ku aadan qodista Batroolka iyo sharciyadiisa, oo baarlamaanka Dawladda Federaalkuna uu diidey oo uusan ansixin, arrintaas hadda ma isla meel dhigteen?
geyreCabdiweli C/raxmaan Geyre,Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL ayaa yiri "dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda ilaa $40 million oo doolar".

Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo doolar.

Lama sheegin Lacagta inta dheeraadka ah [surplus] oo ka badan $18 million sannadkii halka ay marto. African Energy, March 28, 2008

Gen. Cadde Muuse waa uu ku jawaabey: "Waa isla meel dhignay, Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha, rag badan oo wax garad ah waa u sheegnay, war annagu shaqadii baanu baareynaa, wixii markii ay soo baxaan Dawladda Puntland iyo Federaalka Soomaaliya waa 'share' (saami qaybsi) ayaa jira, sharci baa jira lagu kala baxaayo,  sharcigaas ayaannu oggolahay. Laakiin ninka ileh shaqada ha baarin - 1950-kii ayaan maqli jirey aabahay iyo odayaashu ay dhehi jireen dhulkeennu waa janno Soomaaliya oo dhan batrool baan soo saareynaa - maantay anigu ma maqli karaayo in la iyiraahdo dib u dhig oo wixii sug, badi waxay igu eedeeyeen waxay yiraahdeen shiriikado jirri ah buu la heshiiyey - Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro. Dadkaygu baahi baa haysa, Soomaaliya oo dhan baahi baa haysa, baahida waxaa lagula daggaalami karaa annaga oo isku xiran oo khayraadkayagii ka shaqayasana."

Markii wax laga weydiiyey doorashada soo socota ee Puntland, Gen. Cadde Muuse waxa uu sheegay: In isaga iyo madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi ay si sharaf leh kula kala wareegsadeen, isagoo sheegay in uu talada la wareegey Janaayo 8 [2005], iyo inJanaayo 8, 2009 ay doorashadu dhacayso, waxana uu sheegay in ay wadeen dimoqraadiyayn, ayna sameeyeen Dastuurkii. Laakiin waxa uu qiray inay hadda hor taagan tahay sidii labada dastuur (kan Federaalka iyo Kan Puntland) la isu waafajin lahaa.

Gen. Cadde Muuse oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "Laakiin si kastaba ha ahaatee Doorashadii (election) waa la samaynayaa, maalina ku darsan maayo, dad baa beenta iyo af-miishaarnimo wareejiya si ay waxaan jirin u sheegaan - Cadde waa ku darsanayaa - dawlada waa ku darsabneysaa - Cabdullaahi Yusuuf Federaalkaa la wada. Nina maskaxdayda ayaan anigu qabaa, MAALIN KU DARI MAAYO, dhibaato ayaan shicib kayga u keenayaa haddaan iraahdo waxbaan ku darsaday."

Markii la weydiiyey in uu isagu is sharaxayo waxa uu Gen. Cadde Muuse ku jawaabey "Salaad-ba waqtigeeda ayaa la tukadaa... rag saaxibaday ah oo is sharaxay baan waxaan ku iri Waryaaya Caqli lacagta ha iska dhamaynina ee labada bilood ee u dambeeya... waagii hore 15 beri markii ay ka hartay baan goostay, haddana waxaan waqtigayga goosanaaa marka maalmaha u dambaysa, hadda in aan shaqdii wado weeye.. marka waqtigeeda ayey sugaagaan."

Waraysiga oo dheera waxa kale oo madaxweynaha DGPL wax laga weydiiyey arrimaha ammaanka Puntland, sida afduubka, Burcadda iwm. Waraysiga Idaacadda British Broacasting Corporation oo dhammaystiran:

Faallo: Hadalka Cadde Muuse iyo Tuulada Ceelka Loo Qodayo..

Waraysiga uu bixiyey madaxweynaha DGPL waxa hadaladiisii ka mid ahaa in uu yiri: "...haddaad tuulo tagtid oo tiraahdid ceel baan kuu qodayaa, marka hore waxa uu leeyahay aniga baad isii si aad ceelkii biyaha aad ugu qoddid."

Hadalkaas Janaraalku iskama oran, balse inta aan la socon, waxaa jirta, sida laga helay ilo wargaal ah, in markii aagga Garoowe ay dadku degaanku su'aalo badan weydiiyeen Gen. Cadde Muuse oo ku saabsan shidaalka iyo qorshahe sugan oo lagu baarayo ayuu barnaamijkii u weeciyey dhankaas iyo aagga Ufayn.

Arrintaas markii uu Gen. Cadde Muuse ku dhaqaaqay waxa la sheegay in degaankaas Ufayn (ama Uur-caleed) uu u ballan qaaday in Ceel biyaha loo qodayo, oo laga qodayo aagga shidaalka laga saahaminayo. [Sida la ogyahay magaalada Ufayn waa magaalada keliya oo ku taal Gobolka Bari ee laga soo bilaabo 1950-naadkii ilaa hadda biyaha magaaladaas ku jira ay yihiin biyo tuubooyin laga soo qabtay buurta magaalada u dhow oo xareed ah, aadna saafi u ah oo macaan, oo u dhigma biyaha dhalooyinka lagu iibiyo ee loo yaqaan biyaha safaysan. Dhanka kale Ufayn waa meesha keliya oo ku taal G/Bari oo leh Bacaad tuuran u eg kan Barwaawe - in kasta oo uusan u badnaan sidaas haddana haddii aan laga nidaamin guryaha qarin kara.]

June 1, 2008 ayaa Gen. Cadde waxa uu booqday kaamka shirkadaha sahaminta looga sameeyey aagga Ufayn, markaas ayaa goobtii waxaa ka hadlay Guddomiyaha Degmada Ufayn, Cabdullaahi Shire Maxamed, oo sheegnayna hadal caro ku jirto, waxaana erayadiisii ka mid ahaa: "kelmedda madaxweynuhu waa kelmed culus, wuxuu igula kaftamayey guddoomiyaha ayaa diidan Companiga (shirkadda)" Waxana uu intaas ku daray hadal nuxurkiisu ahaa in Golaha degaanka Ufayn ay xaq u leeyihiin in ay shaqaalaha u qoraan shirkadaha sahaminaya aaggaas. [Akhri ama Dhagayso ama mp3].

Haddaba, Gen. Cadde Muuse markii uu yiri "haddaad tuulo tagtid oo tiraahdid ceel baan kuu qodayaa, marka hore waxa uu leeyahay aniga baad isii si aad ceelkii biyaha aad ugu qoddid," kana hadlaayey shidaalka, sow lama dhehi karo malaha wuxuu u jawaabayey degaanka Ufayn.

Duqa Magaalada Gaalkacyo oo Su'aalo Laga weydiiyey amamanka...

Ammaan magaalada Gaalkacayo oo beryahan laga dayrinayey ayaa looga hadlay barnaamij su'aalo lagu weydiinayey Duqa Magaalada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad oo ay baahisey Idaacadda Codka Maraykanka June 15, 2008. Duqa ayaa sheegay in ay tahay dadka reer Gaalkacayo in ay maamulka farta ugu fiiqaan kuwa dhibaatada wada si ciidamadu u ugaarsadaan. Su'aalaha oo duqa la weydiiyey ayaa waxa u badnaa waxa ay soo kordhisey barnaamijka xaafadaynta ee Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay soo korshisey ammaan iyo nadaafad:

Kulanka Gen. Cadde Muuse iyo Col. C/laahi Yuusuf ee Jabuuti

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa [Jimce, June 13, 2008] waxa uu safar aan hore loo sii sheegin ku tegey magaalada Jabuuti isagoo ka soo dhoofay magaalada Boosaaso. Laba maalmood kaddib [Axad, June 15, 2008] waxaa magaaladaas Jabuuti ee dalka Jabuuti sidoo kale safar aan hore loo sii sheegin ku tegey madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed, isaga oo ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu tegey June 12, 2008.

Soo dhaweyntii C/laahi Yuusuf ee Jabuuti waxaa ka qayb qaatay Gen. Cadde Muuse iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Wararka Jabuuti laga helayo ayaa tibaaxay in shir khaas ah uu u socdo Gen. Cadde Muuse iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf. Kulankaas oo aan saxaafadda loo sheegin waxa uu ku saabsan yahay.

Kulankan ayaa kusoo beegmay xilli suuqyada Ganacsiga Australia ay ka jiraan warar tibaaxaya in la soo celinayo heshiiskii Range Resources hore ugu socon waayey ee shirkadda Bartoolka baarta ee reer Korea ee KNOC, taas oo hadda la qorshaynayo inay heshiis la gasho CANMEX iyo RANGE. Waxaana goobaha ay wararka isku weydaarsadaan saamileyda Suuqa ASX ay muujiyeen in heshiisyada noocaasi ah marka ay dhacayaan ay gacmuhu is dhaafsadaan lacago badan.

Lifaaq: War hore...

  • July 2006: Heshiiska aan weli hirgelin: Heshiis qarsoodi ahaa ayaa Khamiis April 20, 2006 waxa uu magaalada Dubai ku dhex maray Range Resources iyo shirkad laga leeyahay dalka Korea oo la yiraahdo KNOC (Korea National Oil Corporation), heshiiskaas waxa shirkadaas Korea lagu damacsan yahay in laga iibiyo xuquuqda boqolkiiba 75% aagga loo yaqaan 28aad iyo 29aad oo ah Dooxada Nugaal, laakiin waxaa heshiiskaas lagu xusay in muddo 45 maalmood ah (oo ka bilaabanaysey April 20, 2006) uu ku dhaqan geli karo. (Eeg: 21/4/2006). Laakiin heshiiskaasi si rasmi ah weli uma dhicin, waxaana dib loo dhigay ilaa July 31, 2006. Dib u dhacaas waxa ay Range Resources ku macnaysay in ay sugayaan xog iyo macluumaad laga helayo Soomaaliya iyo in la falanqaaynayo xogtii iyo macluumaadkii ay heleen markii ay tageen xarunta shirkadda Conoco ay baaritaanka ka wadey ee Dooxada Nugaal, sidaasna waxa ay Range Resources ku cadaysay warqad ay u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia (ASX). (Eeg:12/7/2006).

Gen. Cadde Muuse oo Kusoo Laabtay Boosaaso

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa gelinkii dambe ee Arabaca June 18, 2008 kusoo laabtay magaalda Boosaaso ee Gobolka bari, kaddib markii uu safar kaga soo laabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Gen. Cadde Muuse oo Boosaaso ka dhoofay June 13, 2008 waxaa safarkiisa ku weheliyey wafti uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cali Xaashi. Intii ay safarka ku joogeen Jabuuti waxaa DGPL ay reer Jabuuti siisay xoolo isugu jira Geel, Lo' iyo Ari.

Waxaa hadda Garoowe ka socda kalfadhigii 20aad ee baarlamaanka DGPL. Kalfadhigaas oo uu shir guddoominayo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Salaad Xareed Cali.

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" oo... Akhri...

War saxaafadeed: Puntland oo cambaaraysay weerarka Ereteria ku qaaday walaalaha Jabuuti


plGen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo Columbus si aada loogu soo dhoweeyey

Qaar kamida Xildhibaanada Puntland ayaa eedayn kulul u jeediyey kuxigeenka Baarlamaanka, Salaad Xareed, oo ay ku eedeeyeen in uu Kalfadhiga ka sheegay in dhaqaalaha Puntland uu aad u wanaagsan yahay oo ay Miisaaniyaddu kor u kacday, xilli uu Puntland ka jiro sicir barar curyaamiyey dhaqaalaha iyo miisaaniyada. Xildhibaannada ayaa eedaynta ka soo jeediyey baarlamaanka dhexdiisa, sida ay u sheegeen qaar kamid warbaahinta maxalliga ah.

Dhanka kale, Siciid Diiriye oo ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada ugu waaweyn Degaanada Puntland ayaa ganafka ku dhuftay Dastuurka Cusub ee Puntland oo ay soo bandhigeen Gudigii loo xilsaaray Diyaarinta Dastuurka Cusub ee Puntland.  Dhegeyso | mp3 | ama Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2008

oilWarar is Khilaafsan oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo ku Saabsan Ajaanib Laga Qabtay Aagga Laasqoray...

BAARID | SEARCH


Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

aloreWasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal... Akhri...

gacamayTaliyihii Iscasiley ee Booliska Puntland oo Eedayn Kulul u Jeediyey Wasiirka Amniga
"Waxaan qabaa wasaaradda Amniga in ay tahay Wasaaradda dhibta keentay, waxaan aamin sanahay dhib kale oo wadanka ka jirta in aysan jirin... Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS