SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA

Wararka Sahaminta Batroolka Dhulka Soomaalida...

  • Itoobiya iyo Sahaminta Shidaalka ayaa Dhibaatada Soomaaliya sii fogeynaya, sidaas waxaa yiri Sheikh Shariif...
  • Qiima Dhacii ugu Weynaa oo ku yimid Saamiyada Shirkadda Range Resources ee Heshiiska kula jirta Puntland...
  • Shirkad Maraykan ah oo Heshiis Sahaminta Batrool oo 25 sano ah Itoobiya Kula gashay Dhulka Soomaalida (Ee Itoobiya Gumeysato)....
  • Somaliland oo Lagu Tilmaamay in ay Khayraadka Dabiiciga ah ku bedesheen Qalab Ciyaaraha Isboortiga..
  • Petronas oo Dooneysa in ay dib u bilowdo Sahamintii Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato...

Itoobiya iyo Sahaminta Shidaalka ayaa Dhibaatada Soomaaliya sii fogeynaya


Sh. Shariif Sh. Axmed....

Ciidamada Itoobiya joogitaankooda Soomaaliya iyo rajada sahaminta Batroolka ayaa ah arrimaha ugu daran ee hortaagan nabadda Soomaaliya, sidaas waxaa yiri Sheikh Shariif Sheikh Axmed, hoggaamiyaha ururka dib u xoraynta Soomaaliya ee ku sugan Jabuuti, sida ay qortay shabakadda Bloomberg cadadkeedii August 27, 2008.

Itoobiya "waxa ay Soomaaliya la dooneysaa dawlad tabar daran," ayuu yiri Sheikh Shariif oo intaas raaciyey "waxay doonayaan in ay qabsadaan dhulka Soomaalida sababtoo ah ma haytaan bad." - Itoobiya waxay lumisay xeeb kaddib markii ay Ereteriya xorawdey 1993 ayey tiri jariidaddu.

Dakhliga Batroolka:

Rabshadaha waxaa hurinaya dakhliga laga filayo sahaminta batroolka ee dhanka Waqooyi xiga ee Soomaaliya, taas oo siyaadisey xiisadda kooxaha hubaysan, ayuu yiri Sheikh Shariif Axmed oo intaas raaciyey "taas ayaa qayb ka ah dhibaatada." "Waa in aan ka fekerno deganaanshada siyaasaadda." ayuu raaciyey.

Jariidaddu waxa ay xustay in Aug 21, 2008 uu heshiis dhex maray shirkadaha Kuwait Energy iyo Medco (Indonesiya) oo ku saabsan wax-soo-saar wadaag sahaminta Batroolka Soomaaliya. Bishii July 2008 shirkadda Africa Oil oo jaalka la ah Range Resources ayaa sheegtay in ay sahaminta nooca seismic ka bilowday Puntland.

Sababta Dagaalka

Sida ay qortay Bloomberg, Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uu yiri "Sababta ay Al-Shabaab u dagaalamayaan waa Itoobiya oo ku jirta Soomaaliya," isaga oo intaas ku daray "Haddii Itoobiya baxdo, Al-Shabaab waxay ka mid ahaanayaan Bulshada Soomaalida." Sh. Shariif waxa uu beeniyey in wax Al-Qaeda ah ay joogaan Soomaaliya, waxana uu xubin Maraykanku raadinayey, oo ah Xasan al-Turki, ku tilmaamay "Nin Soomaali caadi ah."

Inkasta oo ay markii hore jirtey fikrado soo kala hor jeedey oo ku saabsan taageerada qabqablayaasha dagaalka iyo Itoobiya, Sh. Shariif waxa uu yiri Maraykanku hadda waxa uu Soomaaliya ka qaabanayaa arrin wax dhisaya, waxana uu intaas ku daray in Maraykanku uu si dhow ula soo xiriirayey kooxdiisa markii uu socdey wadahadlkii nabaadda ee horaantii sannadkan 2008. "Iska ilow saddexdii sano ee la soo dhaafay, hadda waxay u dhaqmayaan (Maraykanku) si dhanka wanaagga ah." ayuu yiri Shariif oo intaas ku daray "Waxaana naga dhexeeya xiriir wada shaqayn."

Qiima Dhacii ugu Weynaa oo ku yimid Saamiyada Shirkadda Range Resources...

Shirkadda Range Resources ee Australia ee heshiiska sahaminta shidaalka kula jirta Maamul Goboleedka Puntland ayaa beryahan dambe waxaa la soo dersey qiima dhac aad u weyn oo ku yimid saamiyadeeda Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX), sida ka muuqata shaxanka hoose.


Isha: ASX, Aug 29, 2008

Qiimaha saamiyada shirkadda Range ayaa Jimcadii (August 29, 2008) hoos usii dhacay oo gaarey in wax yar ka badan toban centi. Shirkaddu wax sharraxaad ah kama bixin saamiyadeeda hoos u dhacay. Maamulka Puntland weli kama hadlin arrimahaas.

Laakiin, saamiyada shirkadda Range waxay aad hoos ugu sii dhaceen intii ka dambeysey heshiiskii dhex maray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee DFKMG, Eng. Kaanje iyo Shirkadaha Kuwait Energy iyo Medco, heshiiskaas oo ku saabsan sahaminta batroolka Soomaaliya. Heshiiska DFKMG iyo shirkadahaas waxaa ganafka ku dhuftay DGPL.


Isha: ASX, Aug 29, 2008

Heshiiska Range Resources iyo Puntland waxa uu ka soo bilowday kaddib markii shirkaddaasi ay heshiiska gebi ahaan sahaminta Puntland ka iibsatey shirkadda CONSORT ltd, shirkaddan oo weli saami gaaraya 15% ku leh Range. Consort ayaa lagu tilmaamaa in ay wax ku leeyihiin madaxda sare ee maamulka Puntland.

Itoobiya iyo Shirkad Maraykan ah oo Kala Saxiixday Heshiis Shidaal Sahamin oo 25 sano ah...

Shirkadda Titan Resources Corp oo uu leeyahay ganacsadaha Maraykanka ah ee Nelson Bunker Hunt ayaa heshiis shidaal sahamin la gashay Itoobiya, Sida ay qortay jariidadda Bloomberg caddakeedii August 21, 2008.

Shirkadda oo xarun teedu tahay Dallas, Texas ayaa lacag dhan $60 million ku kharash garayn doonta sahaminta batroolka ee bariga Itoobiya ee dooxada Ogaden iyo dooxada webiga Blue Nile, ayey tiri jariidaddu. Labadaa aag ee heshiiskani ku saabsan yahay waxaa baaxaddoodu dhan tahay 100,000 Km2 (38,610 sq. miles). Shirkadda Titan iyo Ethiopia waxay ku heshiisyeen 25-sano oo ah wax soo wadaag.

Hawlagalka sahaminta ee aagga Ogaden waxaa la joojiyey April 2007 kaddib markii ONLF ay weerarka ku qaadeen kooxdii sahaminta ee shirkadda Shiinaha ee Zhongyuan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB), ayna dhinteen 74 qof. Shirkadda ZPEB waxay markaas qandaraas kula jirtey shirkadda Petronas Bhd ee ay leedahay dawladda Malaysia, taas oo haysata sahaminta saddex aag oo ah Ogaden.

Jariidaddu waxay intaas ku dartay, ONLF oo ah Soomaali waxa ay raadinayaan xornimo uu gaaro gobolka (Soomaalida). Waxayna u digeen shirkadaha shisheeye in aysan sahamin aaggaas. Weerarkii April waxa uu keenay in Itoobiya ay aggaas ku soo rogtey Sharci Militari (ee loo yaqaan Marshal Law), waxaana warbixinno sheegeen in ciidamada Itoobiya ay halkaas ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka. Hay'adaha samafalka iyo warbaahinta waxaa laga mamnuucay aaggaas.

Shirkadaha kale ee laysanku lagu siiyey aagga Ogaden waxaa ka mid ah shirkadda reer Sweden ee Lundin Petroleum AB, shirkadda xarunteedu tahay Netherlandee Pexco Exploration, iyo shirkadda South West Energy oo ah shirkad laga leeyahay Ethiopia oo ka diiwaan gashan Hong Kong.

Jariidadda oo ka war bixineysey madaxa shirkadda Titan Resources ee heshiiska la gashay Itoobiya waxay qortay: isku daygii ugu caansanaa waxa uu ahaa markii suuqa macdanta Qalinka (Silver) ee dhammaadkii sanadihii 1970-naadkii, ay Hunt (madaxa shirkada heshiiska sahaminta la gashay Itoobiya) iyo walaalkiis William meel ku kaydsadeen macdanta ayna khasab ka dhigeen in qiimaha macdantaas ay hoos uga dhacday $50/halkii waqiyad ilaa uu gaarey $6 sannadkii 1980. Siddeed sano kabacdi, waxaa lagu helay dembiga ah in ay isku deyayeen in ay suuqa u mamulaan sida ay doonayaan, habka loo yaqaan (Market Manipulation). (Isha: www.bloomberg.com).

Shirkadda Laga Leeyahay Norway oo Baaritaan Shidaal ka samayneysa Somaliland..

Somaliland oo Lagu Tilmaamay in ay Heshiiskayada Khayraadka Dabiiciga ah ku bedesheen Qalab Ciyaaraha Isboortiga..

Xubno ka socda shirkadda Asante Oil oo lagaleeyahay dalka Norway oo Hargeysa tegey August 20, 2008  ayaa sheegay in ay Somaliland ka bilaabayaan shidaal baaris. Shirkadaasi waxay arrintaas saxaafadda u sheegeen Aug 21, 2008 kaddib markii Guddoomiyaheeda Guddida Agaasinka Jarand Rystad iyo Maareeyaheeda horumarinta Ganacsiga Tor B. Lund ay la kulmeen Daahir Riyaale.

Aagga baaritaanka lagu samaynayo ayaa lagu sheegay Block SL13 iyo Block SL14 oo ay ka mid yihiin dhulka u dhexeeya Burco iyo Laascaanood. Wasiirka Macdanta iyo Biyahaya maamulka Somaliland, Qaasim Sh. Yuusuf oo ka hadlayey heshiiska ay la galeen shirkadda Asante Oil ayaa laga soo xigtey in uu yiri: "Hawshii sahamintu iyadu waa mid gaar ah, laakiin iyaga heshiiska aanu la galnay waxa weeyaan inay baadhaan Caynabo, Gar-adag iyo Buuhoodle."

Shirkaddan ayaa sheegtay in baaritaanka ay samaynayaan uu ku salaysan yahay sahamintii ay hore u samaysay shirkadda kale ee reer Norway ee TGS-NOPEC - taas oo la sheegay in ay ka iibsatey macluumaadkii iyo xogtii sahaminta ee shirkaddaasi samaysay December 2007 ilaa Febraayo 2008.

Shirkadda Asante Oil markii ay Hargeysa tageen waxay maamulka u geeyeen qalab Isboorti. Goobtii ay qalabkaas ciyaaraha isboortiga ku guddoonsiiyeen (Aug 21, 2008) waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Macdanta & Biyaha Qaasim Sh. Yuusuf iyo Wasiirka Dhallinyaradda & Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed.

Wergayska Waaheen (Hargeysa) oo ka faalloonayey shirkadda Asante Oil ayaa farta ku fiiqay in shirkaddan in London, UK lagu asaasay sannadkan 2008, oo mulkiilayaasheeda ay isugu jiraan Ciyaartoy iyo rag lacagta ka sameeyey shirkado Kalluumaysi. Qoraalka wargeyska oo dhan waakan:

Shirkad Cusub oo Dalka u Timid inay Heshiis Shidaalka ah lagasho Xukuumadda
August 21, 2008 by Weriye2

Hargaysa 21.08.08, Weftiga ka socda Shirkadda shidaalka ee Asante Oil ayaa Somaliland soo gaadhay shalay iyada oo la filayo inay heshiis la galayso xukuumadda Somaliland, iyada oo hore u iibsatay macluumaadka kal hore shirkadda TGS-Nopec ee Norway ka samaysay dhulka Somaliland.

Hadaba waxaanu halkan idiinku diyaarinay macluumaad la xidhiidha Asante Oil oo la asaasay February 2008 lagana diiwaangeliyay magaalada London. Waxa ka Guddoomiye ah ciyaartooyga kubadda cagta Christian Eidem oo isagu leh 11%. Nin kale oo isna Norwegian ah oo hore u ahaan jiray suxufi ciyaaraha waxa ka qora oo la yidhaado Kjetil Siem. Siem wuxuu maamule ka ahaa kooxda Valegenera ee Norway imikana waxa uu ka madax yahay naadiyada kubadda ee South Africa ee Premier Soccer League. Waxa shirkadda 17% ku leh Riulf Rustad, Guddoomiyaha shirkadda Zoncolan SA. Isna waxa wax ku leh nin Norwegian oo hore madax uga ahaa Statoil Hydro qaybta Libya. Hase yeeshee waxa qaybta ugu badan oo ah 40% Asante leh Kjell Rokke oo mulkiilaha shirkadda weyn ee Aker. Kjell waxa uu lacagtiisa ka sameeyey dalka Maraykanka oo uu ku lahaa shirkad kaluumaysi.

Weftiga ka socda shirkadan waxa dalka shalay (Aug 20, 2008) ku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo Biyaha, balse ilaa hadda Xukuumadu si rasmi ah war ugamay soo saarin weftiga shirkadan iyadoo ay hore u jireen shirkaddo kale oo heshiis xukuumadu la gashay oo muran ka taagnaa.

Isha. Wergayska Waaheen

Petronas oo Dooneysa in ay dib u bilowdo Sahamintii Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya Gumeysato...

Sida ay qortay jariidadda Bloomberg cadadkii August 18, 2008, shirkadda Petronas (Malaysia) waxay u dhawdahay in ay dib u bilowdo sahaminta batroolka ee gobolka Soomaalida ee Itoobiya (gumaysato).

Waxaa warku sheegay in shirkadda Petronas ay wadahadal kula jiraan shirkadda Sino Africa oo uu leeyahay ninka lagu magacaabao Tewodros Ashenafi oo ah ganacsade Ethiopian, si loo sameeyo sahamin ah nooca seismic iyo qoditaan ceelal dooxada Ogaden, sida laga soo xigtey joornaal ka soo baxa Addis Ababa.

Shirkadda Petronas waxa ay sahaminta Ogaden joojisey bishii April 2007 kaddib markii ONLF oo ah Soomaali ay weereen aag ay sahamin ka wadey shirkad reer Shiine ah (oo jaal la ah oo halkaas Petronas), waxaana markaas la diley 65 Ethiopian ah iyo 9 Shiine ah. (Isha:  www.bloomberg.com).

Qoraal uu faafiyey Radiyo Xorriyo 19 August 2008  oo ku saabsan shirkadda Petronas aya waxaa ka mid ahaa "isla markaana CWXO dhaar ku mareen inay cashar lama illaawaan ah siinayaan cid kasta oo isku dayda inay xoog kula soo baxdo shidaalka Ogaadeenya".. Warkii Raadiyaha waxa uu u qornaa sidan:

Petronas oo wali Hunguri ka hayo Ogaadeenya

Sharikada shidaalka ee Petronas, oo laga leeyahayw addanka Maleesiya, ayaa u muuqata in wali hunguri kaga jiro inay soo saarto shidaalka Ogaadeenya. Sharikada Petronas ayaa hadda ka hor sheegtay inay ka noqotay damicii kaga jiray soo saarista shidaalka Ogaadeenya, ka dib markii CWXO ay burburiyeen ciidammo Wayaane ah oo ilaalinayay shirkada Shiine ah oo shidaal ka baadhaysay deegaanka Cobolle bishii April eek al hore.

Sharikada Petronas ayaa hadda la sheegayaa inay wadaxaajood kula sharikad kale oo lagu magacaabo Sino Africa, oo uu leeyahay maalqabeen Itoobiyaan ah, si ay sharikadaasi u fuliso hawlaha baadhsita iyo qodista shidaalka Ogaadeenya, sidaas waxaan ka soo xiganay wargays ka soo baxa magaalada Addis Ababa, xarunta gumaysiga Itoobiya.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa shidaalka Ogaadeenya heshiisyo kala duwan kula gashay sharikado badan oo meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ka kala yimid, hase yeeshee waxba way ka socon wayeen, ka dib markii dadwaynaha Ogaadeenya ay si cad u diideen inay gumaysatada Itoobiya ay ku tagri fasho khayraadkooda dabiiciga ah ee Eebe ku mannaystay, isla markaana CWXO dhaar ku mareen inay cashar lama illaawaan ah siinayaan cid kasta oo isku dayda inay xoog kula soo baxdo shidaalka Ogaadeenya, ka hor intaan dadwaynaha Ogaadeenya xaq loo siinin inay aayohooda iyagu ka taliyaan. (Isha: Eeg halkan)

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2008

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22
 

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...: Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS