SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Cali Cabdi Awaare: Maamulka Puntland wax badan ayay ka qaban doonaan Burcad Badeedka, Hadalkii Ahmedou Ould-Abdallah waa hadal waxba kama jiraan ah.!

  • "Sahminta shidaalka ee Dooxada Dharoor way socotaa, inkastoo wararkii ugu danbeyay ee isoo gaaray ay sheegayaan in Shidaal halkaasi laga helay, Riiggii soo saari lahaa shidaalkana waa la sugayaa, wixii hadda ka danbeeya wixii la sugaaba waa in dheeftii shidaalka," Awaare...

Waxaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ku sugnaa maalmahan Wasiirka xiriirka Caalamiga ee Ismaamul Gobaleedka Puntland Mudane Cali Cabdi Awaare iyo wafdi uu hogaaminayo, Wasiirka mar aan kula kulmay Hotel-ka Sixeighty (680 Hotel) ee magaaladda Nairobi oo aan wax ka waydiiyay booqashada ay magaaladda Nairobi ku joogan isaga iyo wafidga la socda ayuu yiri "Booqashada aniga iyo wafdiga ila socda aanu halkan ku joogno waxay tahay booqasho khuseeysa in aanu la kulano Safaaradaha dowladaha aanu xiriirka la leenahay". Dhinaca kale mar aan wax ka waydiiyay waxyaabaha ay safaaradahan  ka wada hadleen iyo balad qaadyada loo sameeyay ayuu ii sheegay Awaare in ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka midyihiin sidii looga caawin lahaa Puntland dhinacyada Amaanka, Dhaqaalahaa iyo Maalgalinta. Isagoo Mudane Awaare ka dhawaajiyay in ay balanqaadyo wax ku ool ay ka heleen safaaradaha ay kulmeyn, Cali Awaare ayaa ii sheegay in la kulmeen safaarado ay ka midyihiin America, Spain, Masar, Malaysia France iyo dalal kale oo arrimaha Somalia daneeya.

Waa sidee xaaladda guud ee Ismaamulka Goboleedka Puntland.?

Xaaladda guud ee Ismaamul Goboleedka Puntland aad bay hadda u dagantahay wax dhib ihina kama jiraan, jiilaalkaas iyo abaartaas soo daba dheeraatay mooyee dhulka qaarkiisna roob wuu ka da'ay. Aad bay u fiicantahay hadda xaaladda guud ee Puntland.ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Awaare oo aan wax ka waydiiyay xaaladda guud ee Ismaamul Goboleedka Puntland.

Pundland: Burcadda iyo Tahriibayaasha.

Mar aan wax ka waydiiyay Awaare Burcad badeeda in ay iibsadeen Guryo iyo Gawaari ayuu yiri "Nin lacag helay Guryo iyo Gaadiid wuu iibsanayaan suu lacag buu si fudud ku helay" balse dhanka kalle Awaare ayaa ii sheegay in maamulka Puntland ay ladagaalameyn Burcad badeeda iyadoo xabsi la dhigay qaarkoodna waa maxkamad sugayaal. Ayuu hadalkiisa ku sii daray Awaare mar uu ka hadlayay sida Puntland  ay ula dagaalanto burcad badeedka.

Dhan kale Awaare ayaa dalalka iska leh Maraakiibta ku eedeeyay in a ay Burcad badeeda sii dhiiri galinayaan sababtoo ah lacago badan oo Madax furasho ayay dhiibaan. 

Mar aan Awaare wax ka waydiiyay sababta ilaa hadda ay Puntland wax ooga qabanwayday tahriibta ayuu ka dhawaajiyay in wax badan ay ka qaban doonaan walibana ay dalalka ay la kulmeen ay kalla hadleen sidii loo yareyn lahaa tahriibayaasha waliba waxaan sugeeynaa in ay nala soo gaaraan Qalab Raadaar oo lagula socdo kuwa ka ganacsada tahriibta dadka.

Dowladaha Italy, Spain iyo dowlada America ayaa dhibaatooyin ku qaba dadka dalalkooda tahriibta ku soo gala marka maxaad moodeeysaa Puntland. Ayuu hadalkiisa ku sii daray Ali Abdi Awaare.

Muxuu ka yiri Awaare hadalkii Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia.?

Ahmedou Ould-Abdallah oo ah wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Somalia oo shir Jaraa'id September 19, 2008 ku qabtay Guriga umadda ee magaaladda Djibouti ayaa yiri "waxaan doonayaa inaan mar kale Indhaha Qaramada Midoobey, qaybta Nabadgelyada Amaanka gaar ahaan kuwa joogtada ah, khatarta burcad badeeda sii kordhesa, waxayna dhibaato ku haysaa dhaqaalaha Gobolka, gaar ahaan Djibouti, Yemen iyo Kenya, waxaana sare u kacay qiimaha caymiska maraakiibta iyo beeca shidaalka, cirkaa ayey isku shareereen, rabshadaha ka dhacaya Muqdisho iyo burcad badeeda wey isku xiran yihiin" ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla. Isagoo intaasi ku daray in Mas'uuliyiin Maamulka Puntland ka tirsan ay arrimahan lug ku leeyihiin.

Mar aan eedeynta Ahmedou Ould-Abdallah wax ka waydiiyay Ali Abdi Awaare ayaa yiri "September 4, ayaan Ahmedou Ould-Abdallah kula kulmay magaaladda Nairobi wuxuuna ii sheegay in Puntland ay kala shaqeyn doonaan sidii Burcad badeeda loola dagalami lahaa, balse hadalkan danbe waa hadal aan sal iyo raad toona midna laheyn".

Maxay tahay sababta loogu dhiibay Dekeda Magaaladda Boosaaso Shirkad Carbeed.?

Dhawaan ayay Ismaamulka Gobaleedka Puntland waxay daaha ka rogeyn in Dekada magaalada Boosaaso maamulkeeda loo dhiibay shirkad carbeed marka si aan arrintaas wax ooga ogaado ayaan waxay somalitalk waydiisay Awaare sababta keentay in shirkad  carbeed loo dhiibo Dekada Boosaaaso iyo faa'iidada Somalia iyo Shacabka Maamulka Puntland intaba ugu jirta. Awaare waxa uu ku jawaabay " Ujeedka loogu dhiibay Shirkad Carbeed degada Boosaaso waa sidii dekada loo balaarin lahaa, dhan kale degada waxa ay marin u noqon doontaa wamada Africa Bari iyadoo waliba la dhisi doono jidad waaweyn, faa'iidada ugu badana waxaa helaya shababka Somaliyeed sababtoo ah wax badan ayaa laga dhoofinayaa, qalab badana way ka soo dagi doonaan".

Sahaminta shidaalka Puntland laga baarayo halkeey maraysaa.?

Ismaamul Gobaleedka Puntland ayaa waayadan danbe waxay ku mashquulsanaayeen dadaal ay ku doonayaan in ay ku soo saaran Shidaal. Inta badana sahminta shidaalka ee Puntland waxay ka socotaa dooxada Dharoor.

Mar aan wax ka waydiiyay Awaare meesha ay marayso Sahminta ayuu yiri "Sahminta shidaalka ee Dooxada Dharoor way socotaa, inkastoo wararkii ugu danbeyay ee isoo gaaray ay sheegayaan in Shidaal halkaasi laga helay, Riiggii soo saari lahaa shidaalkana waa la sugayaa, wixii hadda ka danbeeya wixii la sugaaba waa in dheeftii shidaalka".

Ujeedaka Wafdigii dalka Shiinaha ka socday ee dhawaan tagay Garacad.?

Dhawaan waxaa Garacad tagay wafdi ka socda dalka Shiinaha, arrintaas waxaan wax ka waydiiyay Awaare ujeedka arrintasi wuxuuna ku jawaabay "Ujeedka wafdigaasi waxay aheyd sidii ay qiimeyn ugu soo sameyn lahaayeyn Dekada ladoonayo in laga sameeyo Garacad iyo in ay sidoo kale ka warbixiyaan wado la doonayo in ay isku xirto Garacad iyo magaaaladda Gaalkacyo".

Baasaboorkii hore oo la xanibay iyo Gudashada xajka ee sanadkan.!

Dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxwaynaha DFKMG Abdulaahi Yusuf ayaa lagu mamnuucay Baasaboorkii hore ee Somalia iyadoo gudashada xajka ay ka dhimantahay mudo yar (2 Bilood ah). Dhanka kale meelaha laga bixiyo baasaboorka waxaa ka mid ah maamulka Puntland waxaana arrimahaas oo aan wax ka waydiiyay Awaare ayaa ii sheegay in shacabka ku nool Puntland ay sanadkan ku socdaali doonaan Baasaboorka cusub ee E-passport.

Cali Cabdi Awaare iyo tartanka Madaxtinimada ee Puntland.!

Doorashiinka Madaxtinimo ee ismaamulka Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay qabsoomaan horaanta sanadka soo aadan ee 2009. Mar aan wax ka waydiiyay Cali Awaare in uu isku soo sharxi doono tartanka Madaxtinimada ee Puntland, wuxuu ku jawaabay "Maamulka Puntland waqti ayuu u qabtay waxaana ka warsugeeynaa xilligaasi” markii aan su’ashan waydiiyay Awaare ee ah in uu isku soo sharxi doono Madaxtinimada Puntland aad buu u qoslay anigoo is lahaa wuxuu daaha ka qaadi doonaa in uu yahay mid ka mid ah musharixiinta doorashooyinka maamulka Puntland.

Ugu danbeytiina Cali Cabdi Awaare wuxuu umadda Somaliyeed u soo jeediyay in aan ka wada shaqeeyaan nabada. Wuxuna si gaar ah mahadnaq ugu soo jeediyay SomaliTalk oo siisay fursadan.

ibraIbraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya.

Arrimaha Amaanka ee xeradda Qaxootiga ee Kakuma... Akhri.. 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2008

aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri... Oct 18, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

DFKMG: Joojin Baasaboorkii hore ee Soomaaliya & Isticmaalka Baasaboorka Cusub (E-Passport) iyo Diyaarado ay DFKMG kala noqotay fasaxii duulimaadka Waraaqihii DFKMG

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22
 

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...: Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS