somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
Ma Ogtahay !
Qoraaladda kuxusan bogga "Ma Ogtahay" waa ra'yiga akhristayaasha sootebiyey (qoraalka). Mana aha qoraaladani kuwo ka tarjumaya aragtida qoraayaasha somalitalk.com.
Ma Ogtahay akhristow in hadda aad si toos ah usoo daabici kartib ra'yigaaga qaybta MaOgtahay.

Guji halkan si aad u tagtid boggaas cusub ee MaOgtahay.

Waxaa lagaa rabaa in aad samaysatid magac iyo sir kuugaar ah.

Somalitalk.com Team
January 12, 2000

Xusuus: Qaybtani waa qayb qusub, Qaybtii hore waxad kafiirin kartaa boggan


Ma Ogtahay Saxaabiga ugu riwaayad werista badan uu ahaa Saxaabiga lagu magacaabo Cabdillaahi Binu Camar Binu Caas, halka Saxaabiga ku xigay uu ahaa Abuu Hureyra oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Binu Sakhr.

F.G: Ma ahayn Abii Hureyra Saxaabiga ugu riwaayad werista badan sida hoos ku qoran.

Ibrahim ..
Jan 21, 2000

Guji halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay in asaxaabiga layiraahdo Abuu Hureyra (RC) uu ahaa kan ugu warinta badan axaadiista nabiga CSW, maxaa yeelay axaadista uu nabiga suuban CSW kawariyey waxaa ay tiradooda gaarsiisantahay 5374 xadiis.

Waxaa ku xigay oo isagana kawarin jiray axaadiisata nabiga CSW, asxaabiga layiraahdo C/laahi Bin Cumar (RC). Waxaa ku sii xigay asxaabiga la yiraahdo Anas Bin Maalik (RC)...

Waxaa iyana ku xigtay oo ka warin jirtay axaadiista nabiga CSW, Caa'isha (RC). Markaa kadibna waxaa ku sii xigay asxaabiga la oran jiray Ibnul - Cabaas (RC)...

Dhamaantood waxa ay ahaayeen dadkii sida joogta ah ugu soo werin jiray axaadiista nabiga CSW.

Abuu Hureyrana waxaa uu ahaa kii ugu axaadiista tirada badanaa.

Ikraam..
Jan 12, 2000

Guji halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay in shirkadda diyaaradaha ee laga leeyahay dalaka Netherland ee KLM, in ay tahay shirkadda adduunka ugu duulimaadka badan uguna cimriga dheer, iyada oo 80 sanno duulimaadyo caalami ah sameeyneysay.

Sanadkii ugu horeysay ee ay shaqadeeda bilawday waxa ay qaaday rakaab tiradooda gaareysay 350 ruux iyo 25 ton oo culeys ah, oo u dhiganta run ahaantii culeys ay maanta qaadaan diyaaradaha nooca looyaqaano Jambo.

Sanadku markuu ahaa 1924tii ayey bilowday KLMtu oo matoorkeedii ahaa markaas sadex matoor oo kaliyah. Waxaana ay duushay hawada oo aan caadi aheyn ama daganeyn, iyada oo markaas u kala gooshtay magaalooyinka Amsterdam iyo Jakarta oo ah Indonisia. Soo noqoshadeedii danbana waxa ay qaada tay 55 maalmood..

Mahadsanidiin!!!
Walaashiiin soomaaliyeed,

Ikraam..
December 8, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay!!! In magaalo madaxda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, ay ku yaalaan hoteeladda addunka ugu raqiisan ee lyxhotel ka loo yaqaano.

Mase Ogtahay in Magaaladda Newyork na ay ku yaalaan kuwa aduunka ugu qaalisan. Maxaa yeelay qofkii seexanaya mid kamid ah hoteeladaas ee Kuala Lumpur waxa uu bixinayaa lacag lagu qiyaasay 60-70$ dollarka Mareykanka ah,halka aad hoteelada kuyaalo Newyork aad ka bixineysid 120-150$dolllar halkii habeen oo keliya...

Mase Ogtahayse in jasiiradda layiraahdo Honkong ay bari hore aheyd wadanka ama jasiiradda aduunka ugu hoteelo qaalisan, hase ahaatee markii ay noqotay qeyb kamid ah dalka Shiinaha sanadii 30/7/1997da ayey aad ugu hoos dhacday qiimaheedii, waayo dalka Shiinaha ma ahan wadan sidaas aad ugu xiiseeya dhinaca hoteeladda iyo dalxiiska. Inkastoo jasiiradasi wali ay kamid tahay wadamada ay hoteeladeedu aadka qaaliga u yihiin, hadana waxa ay ku jirtaa kaalinta 17aad, marka laga hadlaayo hoteelada iyo dhinaca dalxiiska adduunka....

Tolow Goormaa ayaa dalkeena hooyo ee Soomaliya kamid noqon doontaa wadamada ay aduunyadu sidaaas qaaliga ay hoteeladeedu u yihiin, (Mararka qaar Camal sheydaan hanoqdaanane)??? Mise waxaanu kamid nahay ama aan kaalinta koowaad kaga jirnaa sidii aan dalkeena, dadkeena, qarankeena, diinteena iyo jiritaankeena u burburino????? Ilaahay SWC isaga ayaa og sidii roon, dariiqa toosan Allah hanugu duwo.
Aaamiin Aaaamiin Aaamiin.

Ikraam..
December 6, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay in sanadku markuu ahaa 1992dii oo aheyd waqti aad kulul, xaaladdii dalka hooyo ee soomaaliya ay aad ku kacsaneyd, dadweynihii soomaaliyeed ee nabad jeclaa aya kasoo carareen dhulkoodii hooyo, iyaga oo nabadgayo u raadsanaya wadamadda jaarka la'ah (Soomaaliya).

Hadaba Ma Ogtahay in dowladda Kuwait ay sanadkaasi iyada oo og in dad badan oo soomaali ah, oo qaxooti ku ah dalka Yamen, meeshii ay gargaar ugu fidin laheyd dadkaas qaxootiga ah, ayey waxa ay ugu deeqday dalka Ingirrska lacag dhan labo malyan oo gani starliinka ah, si loogu dayactiro xerada xayaawaanadka ee kutaal magaaladda London ee xarunta u ah dalaka Ingiriiska.

Hadaba su'aasha meeshataala waxa ay tahay, miyey waajibtahay in dad muslimiin ah oo maanta dalkale ku silicsan dhab ahaana u baahan gargaar bini'aadnimo in loo fidyo, in meeshii loo kaalmeyn lahaa, lagu bixiyo lacag intaas la'eg xero xayawaan oo cid abaalkaaga heysaa aysan jirin????

Ciirtaa dhame ceydaada yaqaane, ayeye soomaali horey u tiriye, waan sida aan sheegaye cid abaal uga haysay deeqdaas dhaqaale ee reer Kuwait bixiyeen ma jirto, taas waxaa daliil u ah hadal ay hada kahor tiri haweeneydii raiisal ka aheyd dalkaas beri hore, waa "Margaret Thotacher" (Wadamada Khaliijku xagey ayey martaa dhaqaalahoodu, reer galbeedna masiiyaan islaamna kuma kaalmeeyaane, iyada oo su'aal isweydineysa ayeye hadlakaas hada kahor tiri).....

Hadaba ilaahay ma waxaa uu yiri muslinka yaanu kaalmeyn muslinka walaakiis ah ee dhibaateysan mise isku gargaara.....???????

Bulshadda Soomaaliyeed ilaahay ayey gargaarka sugayaan, koley xaalkoodu waa "Cidnah uma maqnah ceelnah uma qodna" inkatoo walaalhii Carabtu ay kaalintoodii islaanimo gabeen oo ay u janjeersadeen dhinaca iyo galbeedka ee iyaga cadow ku ah tabarucaadkooduna abaal iyo wanaag toona aan uga heyn.....

Ikraam,
Gothenburg, Sweden..
December 4, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Sheeko yaab leh oo aniga iga fajicisay oo maxay tahay?

Waxaa jirtay inaanu nin aanu is naqaanay oo dusha ika niqiinay, laakiin aanan saaxiibo dhab ah ahayn, maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan arkay ninkii oo gaari yar wata xaga danbena ay u saaran yihiin gabadh soomaaliyeed iyo nin ajnabi ah.

run ahaantii Labadaas ruux ee gaadhiga xagiisa danbe saarnaa waxay samaynayeen wax runtii diinteena islaamka aad ugu fool xun oo ah inay isku dhex jaqayeen gaadhiga xagiisa danbe ama bishmaha iska nuugayeen qofba siduu u yaqaan haw qaatee. isla markaas anigu waxaan watay gaadhi, cabaar markaan daba socday, in yar ka dib ninkii aanu is naqaanay waxaan ku arkay xaafadayda meel u dhow.

Waan weydiiyey labadii qof uu siday waxay ahaayeen, wuxuuna igu yiri waxay gabadhu ahayd gabadh aanu qaraabo nahay ninkuna wuxuu ahaa saaxiibkeed. Waxaan weydiiyey ma waxaad u jeedaa waa ninkeedii, wuxuu yiri maye waa saaxiibkeed, waxaan weydiiyey xageed geysay iminka, wuxuu yiri waanu soo cashaynay wayna is raaceen.

Ka dib ninkii waan waaniyey waxaana u sheegay in! aysan waxaani diinteena iyo dhaqankeena midna ku banaanayn ee haddii aad gabadha qaraabo tihiin maad sida u dhantid. Run ahaantii markii hore ninkii wuu iga aqbalay waanadaydii, balse markii danbe wuu is bedelay oo yiri, intuu si cadho leh u hadlay, gabadha aniga maxaa iga galay dookheedu ninkuu rabo buu siin karaa. Ka dibna waxaan u heegay maadaama oo gabdhihii soomaaliyeed qurbaha ku wada baa,been hadana inayan dhaqan inoo ahayn ummaddeena soomaaliyeed gabdhana wada eedayn maayo waayo waxaa ku jira in dhowrsoon oo ilaahay u naxariistay.

Hadaba waxaan uga jeeda sheekadayda Ma Ogtihiin ninkaas sheekadu na dhex martay inuusan ahayn nin yar ee uu ahaa" 30 jir", markaa run ahaantii fadlan waxaan talo iyo tusaale uga dhigayaa figradayda dhamaan waalidiinta iyo waxgaradku inay ka fekeraan mutaqbalka hablahooda iyo kan diintoodaba.

Ma Ogtihiin dadweynoow dunidu waa caynba cayn, waxaad ceebta u taqaan qofbay camalkiisa tahay.

Abdikhadar
U.S.A.
December 3, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay in dalalka Asia, sida Thailand, Malaysia, Singapore iyo China, Somali badan ku nool yihiin. Somalidaas oo aanan ahayn rayid ama araday iyo qooysas,

Mase Ogtahay Somalida ku nool Asia inay ganacsato xoogan yihiin oo labadii biloodba raraan maraakiib u sii jeeda dalkii hooyo iyo East-Africa!. Waxaa lagu qiyaasay, oon aniga ka mid ahaa dakii goobjooga u ahaa arintan, in markabkii ugu dambeeyey lagu raray xamuul qiimihiisu gaarayo US$ 8,000,000. (Markabkaas) oo isu maray Thailand, Singapore iyo Indonesia.

Ma Ogtahay in Somalida lagu ixtiraamo (ama lagu tixgeliyo) ganacsiga runta ah oo aan khiyaanada lahayn!

Ma Ogtahay in Malaysia ay diyaar u tahay investment (maalgelin) xoog leh inay ku sameeyso dekedaha Somalia marka dawladi ka dhalato Soomaaliya, insha-allah!.

Akarim
December 2, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay maalin aan sidaas u sii fogayn waxaa ka dhacay gobolka Minnesota arin runtii aad looga wada murugooday.

Arinkaas oo ahaa inay gabadh soomaaliyeed oo aad iyo aad u qurux badan ay guursatay nin gaal ah oo u dhashay dalkan america, ka dibna ay gabadhii ku geeriyootay shil baabuur isla mudo yar ka dib. Ka dibna gabadhii uu ninkii halkii uu ka aasi lahaa uu gubay, isla markaasna gabadha reerkeedii ogaadeen arintu siday u dhacday.

Markii ninkii maxkamad la soo istaajiy wuxuu ku jawaabay waxaan u ahaa gabadha supervisor, ka dibna waxaan gabadha u sheegtay muslin si aan u guursado, isla markaas waxaan ahay kiristaan, gabadhana waxaan ku qabay muslin inaan ahay.

Markaa Ma Ogtihiin hablaha soomaaliyeedow waxaan laga fiirsan oo dhami sidaasay dabada uga xumaadan ee ha laga fiirsado.

Wabilaahi towfiiq
Faisal Bulxan
November 30, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtihiin akhristayaalow in ay Ann Arbor (oo ku taal duleedka Detroit), Michigan, ay ku noolyihiin Somali lagu qiyaasi karo "80 qof" oo u badan caruur iyo dumar.

Arinta muhiimka ah ee aan rabo inaan idiin sheego waxaa wayee iney (soomaalida) isla meel dhigeen in ay u ijaaraan qol ay caruurtu ku bartaan "quraanka", iyagoo isla kaashana wax alla iyo wixii ku baxaya dugsi quraankaas.

Waxaa intaas u dheer haddii uu qof duceysanaayo ama ay yimaadaan dad ka socda Tabliiq in ay dhigan karaan (alaabtooda) ama ay ku soo degi karaan gurigaas, kaas oo kuyaal:

Stevens Drive
Ypsilanti, Mi
U.S.A

Runtii waa tusaale fiican oo mudan ku dayasho.

Wabilaahi Towfiiq.
Asalaamu Caleykun Waraxmatulaahi Waabarakaatuhi.
Hujaale.
November 29, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay in dalkan Sweden uu sanadkii dhawaa ka dhacay musiibaddi dabka, halkaasoo ay ku nafwaayeen 60 dhalinyaro oo ajanibi ah, oo ayna kamid ahaayeen 6 wiil oo soomaali ah.

Hadaba Ma Ogtahay in dalka sweden telefishinkeeda ay siideysay salaad jimoco oo Live ah, kadib markii uu dhacay muiibaddi dabka ee Gothenburg kadhacday, waayo salaadaasi jimcaha ayaa waxaa kasoo qeyb galay ra'ii'salwasaaraha dalkan Sweden ninka layiraahdo Goran Persson iyo wasiirkii hore ee arimaha dibadda haweneydii u qaabilsaneyd ee magaceeda layiraahdo Lina Lundh, iyo duqa magaaladaasi.

Hadaba dalka Sweden waxaa uu noqday wadankii reer Yurub ah oo sameeya ama soo daayey barnaamij live ah, islamarkaasna noqotay taariikhda ugu yaabka badneyd ee Sweden, walina aan nooceeda oo kale lagu sheegin.

Ma Ogtahay in magaaldan Gothenburg ee Sweden laga dhiso doono masjidkii ugu weynaa ee muslimiintu yeeshaan, inkastoo aan ilaa iyo hadda ogalaansho buuxda loo helin, hadana rajadu wey fiicantahay 80%, waayo muddo toban sano ah ayeye sugaayeen in la ogolaado. Haddii la ogolaado (masaajidka) waxa qarasha lagu dhisaayo bixinaya wadamadda Sacuudi Careebiya, Kuweyd iyo Imaaraadka Carabta.

Ikraam,
Gothenbur,Sweden.
November 25, 1999

Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan


Ma Ogtahay dhegeystow in Jaamacadda lagu magcaabo University Of Western Ontario ee ku taal magaalada London, Ontario ee dalka Kanada ay tahay jaamcadda keliya ee dalka Kanada ee ardada Islaamku ay leeyihiin musqul u gaara oo ay ku weesa qaataan.

Ma Otahay weliba in ay musqushaasu u xirantahay Islaamka, oo fureheedu uu yaalo qol masaajid u ah ardada ee ku yaala Jaamacadda. Taasi waa ogaantanada.

Ogow dhegestow in University Of Western Ontario ay kamid tahay jaamacadaha ugu sarreeya Kanada.


Riix halkan si aad toos ugu jawaabtid qoraaga maqaalkan

Ma Ogtahay Dhegeystow in "Algonquin College of Arts and Technology" oo ku yaala magaalada Ottawa, Ontario, Sagaalsano kahor (1990) loo dhisay ardada Islaamka meel ay ku tukadaan iyo musqul u gaar ah.

Waxaa warkaas noo soo tebisay "Ayan" oo waqtigaas dhigan jirtey Kooleejadaas.


Mahaysaa arrin ama dhacdo muhiim ah. fadlan noogu soo gudbi bogga jawaab-celinta.
Allah Is Great
.
Ma haysaa arrin muhiim ah. Matahay mid xaqiiqo ah, islamar ahaantaana laxiriirta soomaalida. kusoo daabac halkan.
Taladiina iyo ra'yigiinu aad ayey muhiim noogu yihiin ee fadlan noogu soo gudbiya bogga jawaab-celinta.

Mahadsanidin.



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback