SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

AKHRI QISADII PALTALK

Carruurtaada u Akhri Qisadii ku dhacday gabadhii yarayd.... Guji


KHATARTA INTERNETKA::: DIGNIIN KATIMID INTERNETKA OO KUSOCOTA AABAYAASHA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN SOOMAALIDA


COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


PalTalk: Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya - Q.1aad

(SHEEKO GAABAN )
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Qaybta: 1aad | 2aad

Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalaka’Allaahuye adigaa qaranka aafeeyay!
Bacadle, Abshir Nuur Faarax

Galabgaabkii ayuu midkood ba mar ku soo xirmay Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya ee Paltalk-ga. Alaaba, fiidadkii teeryo habeenka gelinkiisa hore ayay Maqaawiirta Mikrofoonku ka soo jeediyaan doodo ku saabsan Burcadda Woyane ee xoogga ku halqafsatay Qarankii Soomaaliya. Hal mikrofoon weeye waxa ay u miilootamaan ba (u toogaystaan ba) -- macneha, qofkood ba markiisa ayuu qabsanayaa, sida ay iyagu ba yirahdaan, “miigga”.

Duhurradii kolkii aan anigu ku xirmay, qolku koofi la'aan ayuu ahaa. Mujaahid, 24 saac heeggan ugu jira dibuxoreynta qolkiisa, dadka xunxun na qolka ka buufiya, @Gaaldiid1993, ayaa meesha ka maqnaa. Ogsoonow in qofka haya koofida qolka, uu yahay maamuleha qolka, kaas oo derejadiisa lagu aqoonsan karayo astaantan ‘@’, taas oo hore kaga taal bilowga neenaastiisa. Neenaas maxay tahay? Waayo qofna Paltalk-ga kuma soo galo magaciisa rumaad, neenaas waxa looga jeedaa magac been ah ama magac jinni. Qolka dad waaweyn, dhowr dumar iyo rag Soomaaliyeed ba lahaa, ayaa darandoorri ugu cilaaqtamayay; qaarkood waxa ay aflegaaddeynayeen ama faaninayeen: qabyaaladdii dumisay Qarankii Soomaaliyeed. Mar ayaan hasinka u joogsaday in aan qolka isaga ah iskaga baxo -- sidii u yeelay ba qoraa aan interneetka maqaaladahiisa ku xiiseeyo; laakiin awood ka weynayd awooddayda ayaa meesha igu sii celisay. Maxaa dhacay oo aan u bixi lahaa se? Qof la yidhaahdo Boqorad Haween ayaan cay u kala reeban halyeeyo Soomaaliyeed, weliba na kuwo uu ka mid ahaa Darwiishkii Daraawiishta, iyo geesiyaal kale oo badan. Waayo maalintii iigu horreysay Paltalk-ga ayay ii ahayd; sidaas awgeed na, weydiin xanaaqsanayd ayaa wadanehayga ka soo dhex boodday, ku na dhegtay maskaxdayda, taas oo illaayo imminka la joogo, si aan iga tirmayn weli maankayga ugu dhex taal: Ma kan ayuu ahaa Qolka la iigu soo sheekeeyay in Soomaalida lagu walaaleeyo, lagu na hanuuniyo? Gadaasheeda -- cod ayaa meel agteeda ahayd intaa ka guuxayay, kaas oo aan qoraalka sabuuradda ka bartay in uu ahaa ninkeedii, Wiil Reer; isagu se ma qabsado (ama kuma soo boodo) mikrofoonka; inta ay afodiisu daldalmeyso, sida ay yiraahdaan ba reer Paltalk-gu: “Sabuuradda ayuu ka xariiftamaa”. Ogow sabuuradda waxa ka xariiftamo (dood ku soo qora) dad aan ama qabin mikrofoon ama se ba aan rabin in ay la hadlaan Soomaalida qalaad.

Cabbaar yar kadib, waxa mikrofoonkii la wareegay @Gaaldiid1993. Maamulehu se hal ceeb ayuu iska lahaa; maxaa yeelay, si isdabajoog ahayd ayuu intaas ugu soo celcelinayay weero fudfududaa oo xataa carruurtu ba ay fahmi karaysay; dadku in waqtigooda iyo dhegahooda ay isaga warbadnidiisa u huri lahaayeen ayay na ula ekoonayd. Waa diktatoorkii Paltalk-ga. Dhowr qofood, xubno ka mid ah maqaawiirta sida joogtada ah ugu xiran Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya, heesaha ay dadka u saaran, ama kutiri-kuteenta ay iskaga hadlaan na waa lama-canaantaan, waa na lama-dhaliilaan; dadka intiisa kale se, heesaha ay saaran waa ‘xaaraan reebban’. Qolka waxa soo gala nin la yiraahdo ‘Indheergarad’, kaas oo hadlo inta uu doono, u na hadlo sida uu doono. Waxayaabaha iila yaabka badnaa na waxa ay ahaayeen, tusaale ahaan: waxa uu dadka weydiinayay ‘passa parole’, ‘geopolitica’, iyo ‘warar ay duulashiisu ugu soo khabreen’, ama ba uu ‘isagu ku soo riyooday’; iyo isaga oo dhinaca xun uun intaas ka eegayay ‘dhaliilaha weriyeyaasha Soomaaliyeed ee afka hooyo wax ku qora’ ay yeelan karayeen… Iyo isaga oo, si uu ugu muujiyo dhibaatooyinka ay Bulshada Caalamku ku hayso Soomaaliya, dadka weydiinayay weydiintan oo kale: “Horta ma taqaanniin ‘Alexander Pushkin? -- Ruush madoobaa ee weliba Tigree ahaa?’ Imisaan idin lahaa dhibaataynta Soomaaliya Ameerika oo keliya kuma koobna”! Indheergarad, waxa uu mar kasta ba adeegsanayay ereyo qalaad, kuwaas oo aan garan waayay, illaayo haatan na aan ka waayay qaamuusyada Talyaaniga oo badan. Maamulku, dhowr qofood ee uu isagu yiqiin mooyee dadka intiisa kale ‘casaan ama guduud ama red’ ayuu saarayay; qofkii red-ka la saaro na, mikrafoonka ma qabsan karayo -- may, kuma soo boodi karayo. Markii uu rabo na, dadka qaarkii waa uu isku caseynayay; macneha waa uu u fasaxayay in ay caytamaan! Sida kale se, waxa uu iila muuqanayay, gaarahaan, dadka kuwoodii sitay magacyada dheddigood, nin u hayay boholyow badan: odayga saaxiibkay ah waxa uu Paltalk-ga ku soo galaa magac dheddigood! @Gaaldiid1993 ba, dad uu si aad ah u tixgeliyo ayaa sitay neenaasyo ay ka mid ahaayeen @Dante_Alighieri, @Inferno, @Purgatorio, iyo @Paradiso… iwm.. Intii @Gaaldiid1993 uu weli keligii hayay koofida qolka se, qabyaalad cid ammaani karaysay ama diinta Islaamka na caayi kareysay, sida badan, ma jirin; qofkii ku dhiirrada na, siiba qof kii aan uu garanayn, inta uu ku yidhaado, “suunka dhuuqso,” ayuu durba na qolkii ka tuurayay. Libaax dheh! Viva @Gaaldiid1993! Mikrofoonkii ayuu se, isaga laftirkiisu na, iskaga dhegay:

“Ma garaneeysaayeey. Horta ma lay maqlaa? Ma garaneeysaayeey. Sabuuradda iigu soo qora ‘haa’ haddii lay maqlaayo, fadlan, per favore, tevreden, bitte, please, svp, por favor, ïîæàëóéñòà. Qolooyinkii baashaalkaa na soo galay miyaa? Caro nabad maaha. Yaa yiri caro waa nabad? Soomaali Maxamedeey ma nabadaa, ma nabadaa? Doodda kor noogu qaada. Bal doodda aan kor u qaadno. Maanta suuqii Bakaarahaa la gubay. See suuqii Bakraaro loo gubay? Anigoo hurdo besteey la eh aa telefoon hadda dhow laygu kacshay. Wallaahi, wallaahi. Haddaa la ii sheegay, haddaa la ii sheegay. Bisinka, bisinka, bisinka iyo burdaha. Wallaahi waa la gubaa la yiri. Waa la gubaa la yiri. Ma garaneeysaayeey? Wallaahi waa la gubaan maqlay. Waa gubeene ka warama? Bal arinkaan aan ka doodno. Akhyaarta qolka joogto, bal arinkaan ha laga doodo…?”

Boqorad Haween, bilcantii Wiil Reer, qolkii ayay halhaleel kaga baxaday si ay u soo bedelato haybteedii hore (neenaasteedii caytanka); dhagarta, xuubsiibashan iyada ah, waxa dhambaal showr ahaaneed igu soo ogeysiiyay odaygii markeedii hore ba qolka igu soo xiray; nin hawlaha interneetka xariif ku ah. Iyada oo wadatay neenaasta ‘Xaawo-Taako1948’, halkii ay ka hadli jirtay se, markaan dambe, waxa ay billowday in ay sabuuradda ka xariiftanto.

“Naclad baa kulligood kutaal,” ayay sabuuraddii far dahabi ahayd kula soo qortay.

AKHRI LA SOCO QEYB II: “Qolka Dibuxoreynta Soomaaliya” ...
.
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com