SOMALITALK.COM | RAMADAN | SIIRO | SAXAABADA | SALAT ZAKAT 
 

P
A
L
T
A
L
K

 www.PalTalk.com

 

PALTALK

Sidee Kambuyuutarka Loo Soo Gelin Karaa PalTalk


Waa Maxay PalTalk

Paltalk waa barnaamij suurtagal ka dhigaya in si toos ah loogu wada hadli xiriiri karo Computerka, Maqal iyo muuqaal. Barnamaijka PalTalk waxa uu hirgeliyaa in dad badani ay hal mar dhegeysan karaan qof ku hadlaya magarafoonka (ama Video), taas oo suurta gal ka dhigeysa in barnaamijkaas looga faa'iideysan karo hab wanaagsan oo ah in cilmiga iyo macluumaadka la isku weydaarsan karo ama laga dhegeysan karo muxaadaro, iwm.

Waxaa xusid mudan in aaladda Internet-ku ay yeelan karto faa'iido badan marka si wanaagsan loo adeegsado, taas oo jirta ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah in markasta si weyn looga taxadaro adeegsiga aaladaas Internet-ka oo yeelan karta halisteeda - waxaa Internet-ka lagu macnayn karaa 'bad-weyn' aadan garanayn waxa kaaga soo bixi doona.

Xaggee Barnaamijka Paltalk laga heli karaa?

Xaggee laga Soo Rogan Karaa PalTalk?

Waxaa laga soo rogan karaa shabakada Internetka ee PalTalk: www.paltalk.com

Sidee Computerka Loo Soo Gelin Karaa PalTalk?

Ugu horayn soo rogo barnaamijka PalTalk, si aad u soo rogatid raac habkan:

  1. Boogo website-ka PalTalk.com [www.paltalk.com]
  2. Guji barta ay websitekaas kaga qoran tahay 'Download' [Eeg sawirka hoose]
  3. Sida sawirka hoose ka muuqata, waxaa markaas soo bix doona bogga sida tooska ah looga soo rogan karo barnaamijka Paltalk. Guji meesha ay baalka soo baxay kaga qoran tahay 'Download'.
  4. Waxaa markaas suurtagal noqonaya in kambuyuutarka lagu xafido fayl-ka xambaarsan barnaamijka, si taas loo sameeyo, guji barta ay shaashada soo bixi doonta kaga qoran tahay 'Save' - Cabirka faylka oo ah 2.08 Mbytes, waxa laga yaabaa in uu qaato muddo 4 daqiiqo ah, waa marka la adeegsanayo khadka Internetka ee nooca 'Dial-up' ee xawligiisu yahay 56K. Haddiise la adeegsado Khadka dheereeya ee DSL, markaas waqtigu intaas waa ka yaraan doonaa.
  5. Marka la gujiyo 'Save' ee shaashada sare, waxaa faylkii ku soo xawilmi doonaa kambuyuutarka.
  6. Kaddib fur faylkii ['open' ama 'run'] - waa faylka aad soo rogatey ee xambaarsan barnaamijka paltalk.
  7. Guji 'Next', kaddib akhri xeerka u deggan adeegsiga barnaamijka, isla markaas cadee in aad xeerkaas aqbashay ama in aadan aqbalin - Haddii aadan aqbalin barnaamijka Paltalk kuuma shaqayn doono - Go'aanta arintaas adiga ayaa leh!.
  8. Guji 'Next' - waxaa markaas kuu muuqan doona khaanada uu barnaamijku ku xafidmi doono, inta badana khaanadaasi waa: C:\Program Files\Paltalk
  9. Guji 'Next'- shaashada soo bixi doonta waa meesha lagu qori karo magaca 'khaanada barnaamijka' - sida caadiga ah khaanadasi waa 'paltalk' laakiin magacii la doono ayaa loo bixin karaa.
  10. Guji 'Next' - markaas shaashadda soo bixi doonta waxay fursad kuu siin doontaa in aad dib ugu laabatid tallaabooyinkii aad ilaa hadda soo qaday oo haddii aad u baahatid aad wax ka bedeli kartid. Kaddib guji 'Next'
  11. Guji 'Finish'.
  12. Waxaa markaas dhici karta in ay kuu soo baxdo daaqad yar oo kuweydiineysa in aad hadda samaysatid 'naanays' [Create New Nickname] ama aad adeegsatid naanays aad mar hore ka samaysatay 'Paltalk' - Guji 'Yes' haddii aadan 'naanays' hore ku lahayn barnaamijka Paltalk - Paltalk ma adeegsan kartid haddii aadan 'naynaas' ka samaysan barnaamijka.
  13. Marka aad gujisid 'Yes' ee shaashada sare, waxaa markaas soo bixi doona shaashada hoose oo kuu suurta gelineysa in aad naanays cusub samaysatid. Buuxi meelaha bannaan ee shaashada. Kaddib guji  'Submit'.
  14. Markaas ayuu diyaar noqon doonaa barnaamijkii 'PalTalk' - sida caadiga ah shaashadda guud ee kambuyuutarka ayaad ku arki kartaa magaca barnaamijka, sida ka muuqata sawirka hoose. [Ama guji All Programs > paltalk > Paltalk]
  15. Bartaas marka aad soo gaartid, waxaa diyaar ku ah in aad adeegsatid barnaamijka 'PalTalk', haddaba akhri 'Adeegsiga PalTalk'.
     

Adeegsiga PalTalk.... GUJI HALKAN

Waxaa iskusoo dubaridey:
Maxamed Cali
MPLS, MN, USA
somalitalk@msn.com

 

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

AKHRI QISADII PALTALK

Carruurtaada u Akhri Qisadii ku dhacday gabadhii yarayd.... Guji


KHATARTA INTERNETKA::: DIGNIIN KATIMID INTERNETKA OO KUSOCOTA AABAYAASHA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN SOOMAALIDA


COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA ... AKHRI HALKAN


SOMALI CHAT


. Passward : Qofna ha'usheegin, weligaa iyo abidkaa.
. Username & Email: oo qura isticmaal marka aad kujirtit qolka kaftanka (chat)
. Cinwaankaaga: Weligaa qof ha'ugusheegin Internet-ka dhexdiisa.
. Email aadan garanayn: meesha iyo qofka soodiray hadii aad hishid , tirtir adiga oo aan furin. Waxaa lagayaabaa in uu kulifaaqanyahay cudurka Kambiyuutarka burburiya.
. Qoraalka aad kuqortid Internet-ka, xusuusnow in aysan ammaan ahay ama xafidnayn oo ay dadka udhexeeyaan.
. Taxadar markasta oo aad Internetka dhex-mushaaxeysid.
. Ballan meel cidla'ah weligaa hakula dhigan qof aad ku kulanteen Internetka.
. Hubsiinyo hal baa lasiistaa ee ogsoonow. Hana Ilaawin tala saarka Rabi.
. Tababar carruurtaada si ay u ahaadaan kuwo ka badbaada khataraha Internetka.

. Taariikhdii Imaamul Bukhaari
.
Taariikh-dii Imaamul Muslim

(C) SomaliTalk.com | Daabacaad:: September 4, 2004