SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Guddiga Fulinta ee Xisbiga Ramaas oo ku Baaqay in Masuuliyiinta Siyaasadeed ee Puntland ay is casilaan...

puntland soomaaliya
Ramaas polical party(rpp)

RPP/03/o7 garoowe 20/o2/2oo7

Shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee xisbiga ramaas dood dheer iyo falanqayn kaddib waxay ku baaqayaan qodobada hoos ku qoran.

1) in golaha wakiiladu ay bad baadiyaal dalka iyo dadka waayo waxaa faraha ka baxay dhaqaalihii dalka, waxaa lumay amaankii, waxaa lumay siyaasaddii ,waxaa gacata lagu qaatay sharcigii ,waxaana gacanta ku qaatay madaxwaynaha iyo golahiisa xukuumadda iyada oo dalkii uu soo wajahay bur bur.

2) waxaan ka codsanaynaa taliyeyaasha ciidanka in ay xil wayn iska saaraan adkaynta goobaha amniga iyo xoojinta nabad gelyada goobaha maamulka

3) masuuliyiinta siyaasadeed ee puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay is casilaan si dalka iyo dadka loo bad baadsho

4) waxaan bulshadii maamulka samaysatay ugu baaqaynaa in ka dhiidhiyaan xaaladda xun ee dalku marayo iyo sidii lagu bad baadin lahaa nidaamkii la samaystay 1998kii.

5) beelaha soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogaan inay joojiyaan gacan kahadalka ,uuna shaqeeyo caqligu sida kuwa dirirta ka wada koonfurta iyo waqooyigaba.

6) golaha xukuumadda federaalka waxaan ugu baaqaynaa in ay de-dejiyaan shirka dib uheshiisiinta soomaaliyeed.

7) guud ahaan soomaalida waxaan ugu baaqaynaa in ay is cafiyaan ilaawaana wixii horay udhacay maxaa yeelay soomaalidu makala maarmi karto meel kasta oo ay joogto.


guddoomiyaha xisbiga ramaas
daahir c/qadir muse
daahirciiro@hotmail.com

Feb 20, 2007

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD