SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Warsaxaafadeed uu afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure Faarax[jeer] kasoo saaray maagaalada London ayuu wuxuu kaga hadlay lahays taashii ha'yada Care.

Warsaxaafadeed | May 16, 2007

Meel ay joogaanba waa salaaman yihiin ummada Soomaaliyeed salaan kadib, hadaanu nahay xisbiga RPP waanu canbaaraynayna horayna waan u canbaaraynay afduubkii loogu gaystay Puntland ragii u shaqaynayay Care, waxaanu soo dhawaynayna xoriyadoodii looso celiyay ragaas waxaana u mahad naqaayna odayaashii dhaqanka ee ka qayb qaatay soo daynta.
jeer
C/Naasir Guure Faarax [jeer]

Waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegin hadaanahay xisbiga RPP anu aad ugu guda jirnay saan uga qayb qaadan lahayn siidayn labada nin ee Care u shaqaynayay, waxaana maal mahaan rabnay inaan arintaan wax ka qabadkeeda kala kaashano masuuliyiin ka tirsan dowladaan UK, maxaa yeelay labada nin ee la haystay nin ba ahaa British. Khasab baayna nagu ahaayd aniga oo xisbiga RPP masuuliyiintiisa ka mid ah misana ah nin haysta dhalasha Britain iyo dowladaan UK inaan iska kaasho.

Waxaan rabnay inaan marhore soo bandhigo dadka ka danbeeyay haysashadooda balse raga lahaysto amaan kooda annagoo eegin banu ka gaab sanay balse hada wixii ka danbeeya waanu soo bandhigin dacwado ka dhana baanu horgaynayna 10 downing st-UK Parliament. Shacabka reer Puntland in tooda badan waxaay u qabaan in ragaan ay iska af duub teen wiilal yar yar oo jirriya oo hadaf koodu lacag yahay, balse arintu saas maahan ee waa arin siiyasad salka ku haysa wuxuuna af duubkan lug ku leh madax sar sare oo maamulka Puntland ku jira, iyadoo ay madaxda Puntland maal mahanba isku hayan sadex khayraad oo Puntland lee dahay oo ay kuwada takrifi jireen ayay maal mahaan isku fahmi waayen waana tankeentay in afduub lasameeyo.

Sadexda khayraad oo ay madaxda Puntland masaakiintii iyo agoontii iyo dadkii soo barakacay ayka qadiyeen oo iyagu maanta ay xabada iskugu haystan oo qarka usaarantahay in ay isku laayan ayaa waxaay kala yihiin, 1,200,000 (milyan iyo labo boqol oo kun) ay bixisay shirkada Batroolka baarista Range Reources iyo 1,000,000 (hal milyan) oo ay bixisay shirkada ari dhoofinta AL-Jaabir iyo waliba lacag lagu sheegay inay ka badan tahay 1,800,000 (milyan iyo sedeed boqol) oo laga qaaday maraakiib ay dhowaan qabatay shirkada bada Puntland ilaalisa oo lagu magacabo AL-Habiib, iyadoo aan og nahay shirkadaan AL-Habiib in laftigeedu ay xaqdaro ku hayso shaqada ay hayso oo wax raali ka ah uu san jirin.

Ugu danbayn waxaan umada Soomaaliyeed u sheegin in aanu dhowaan dacwadooda soo ban dhigi doono iyo magacyadoodaba raga ka mid ka ah masuuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland oo intay soo dhafeen boobkii iyo xaqdaradii ay shacabka ku hayeen u talaabay afduubka ha'yaddaha dadka tabaalaysan wax u qabayn.

Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party ee midowga Yurub C/Naasir Guure Faarax[jeer] London

Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub,
C/Naasir Guure Faarax [jeer]
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh afhayeenka Xisbiga RPP

Faafin: May 16, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD