SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha DGPL" Maanta laga bilaabo anigaa la wareegay ciidamada Qalabka sida ee DGPL dhamaantood".
 
Kal-fadhiga 18-aad ee Golaha Wakiilada  DGPL oo maanta si rasmi ah u furmay.

Kalfadhiga waxaa ka soo qayb-galay Xubnaha Golaha Wakiilada,Golaha Xukuumada, hogaanka dhaqanka, aqoon-yahanka, dumarka,madaxda ururada maxaliga ah, culamada iyo, xubno ka socday DFKM oo shirka Dib u heshiisiinta.

Waxaa goob-joogayaasha soo horfariistay,Madaxweynaha, M/Kuxigeenka, Gudoomiyaha GW iyo K/xigeennkiisa.

Waxaa khudbadii furitaanka halkaas ka soo jeediyey Gudoomiyaha GW DGPL Axmed Cabdi Xaashi wuxuuna soo bandhigay ajandaha kalfadhiga18-aad.

Qodobaduna waxay ahaayeen sidatan:

1. Xisaab xirka Miisaaniyada 2006

2. Xeerka Daabacaada lacagaha

3. Soo gudbinta Heshiisyada ay dowladdu gasho

4. Xeerka Ansixinta  Degmooyinka.

5. Xeerka Wada-tashiyada

6. Xeerka Kala Qeexidda Awoodaha

7. Xeerka Muwaadiniinta

8. Xeerka Xisbiyada

9. Dib u eegista dhaqaalaha

10. Miisaaniyada
 
11. Xeerka Xisbiyada
 
12. Sixida iyo Dib u eegista dhaqaalaha
 
13. Ilaalinta Degaanka
 
14. Ansixinta Guddiga AIDS-ka ee PAC(Puntland AIDS Commission)
 
15. Ansixinta Wasiirada dhiman
 
IMW
 
Golaha Wakiiladu qoraal ay soo diyaariyeen oo ahaa talo soo jeedin ayaa gudoomiyuhu akhriyey wuxuuna ahaa sidatan:-
1.   In lagu dhaqmo dastuurka iyo shuruucda u degan dalka
2. in lagu dhaqmo miisaaniyada
3. in ay dowladdu bixiso mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada
4. In la soo celiyo amaanka iyo kala damaynta dalka
5. in la xoojiyo difaaca guud ahaan dalka, gaar ahaana xuduudaha
6. Xoojinta warbaahinta dowladda(Public Mass Media) si looga hortago in aysan ka faa'iidaysan dadka khalkhalka gelinaya jiritaanka DGPl.
 

Intaas ka dib wuxuu ku soo dhaweeyey Madaxwenaha.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka akhriyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa.

waxaana ugu muhiimsanaa qodobadaan:

1. Nabad-gelyada iyo Amniga

2. Waxbarashada oo uu si gaar ah u amaanay wasiirka

3. Caafimaadka oo uu si gaar ah u amaanay wasiirka

4. Horumarinta Haweenka sida 20% in shaqooyinka wax laga siiyo

5. Biyaha

6. Mashruuca Guryeynta sida Garowe, Kulub,Gara'cad, Xaafuun, Eyl iyo

7. Baahinta Maamulka

8. Dhaqaalaha,sida arimaha maaliyada, siyaasada dhaqaalaha iyo

Kororka Dhaqalaaha

9. Adeega Bangiga Dhexe oo uu amaanay.

10. Ilaalinta Xeebaha oo uu sheegay in ay xoojiyeen.

11. Horumarinta Ganacsiga

12. Xoolaha oo uu sheegay in wadamo badan ay ka qaadanayaan loona sameeyey meel maxjar ah

13. Baarista Shidaalka, Gaaska iyo Macdanta.

14. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

15. Jidadka,oo uu sheegay in ay bubursan yihiin,qaarna ladayac tiray.

16. Garoomada Boosaaso iyo Garoowe, isagoo sheegay in ay hadda xooga saarayaan dhismaa garoonka Gaoowe oo uu yiri waxaan rajaynaynaa in uu ku dhamaadao muddo 8 bilood ah.

17. Dekada Boosaaso oo uu yiri waxay u baahan tahay dayactir

18. Isgaarsiinta

19. Duulimaadka Diyaaradaha

20. Hawlaha Hantidhowrka

21. Iskaashiga DGPL iyo Hay'adaha Caalamiga ah

22. Qorshaha(Five Years Plan ee DGPL)

23. Dib U Habaynta Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska

24. Xoojinta Hay'adaha Dawliga ah

25. Dib u Eegista Dastuurka

26. Dhismaha Xabsiyada iyo Dayactirka Ciidamada

27. Arimaha Federaalka
 
28. Xiriirka Dibada
 
 
Madaxweynuhu wuxuu halkaas ka sheegay in uu si rasmi ah ula wareegay ciidamada qalabka sida ee DGPL  oo ay isaga ka amar-qaadanayaan hadda laga bilaabo si amniga loo soo celiyo dalka.
 

 Nin xubnaha DFKM ah ee Shirka Dib u heshiisintana oo la yiraahdo Xuseen C/qaadir isna khudbad kooban buu ka jeediyey halkaas.

Maxamuud Cumar Bille
 
 
Garoowe

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com