SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
WARAR - PL

  • Khilaafaadkii Beelaha Cagaare oo xal laga gaaray:
  • Roobab Mahiigaan ah oo khasaare guryo iyo xoolo geestay.

Khilaafaadkii Beelaha Cagaare oo xal laga gaaray:

Shirkii nabadaynta beelaha Cagaare uga socday magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa Talaada May 8, 2007 waxaa laga soo saray go'aamo lagu heshiisiinayo  beelaha ku dagaalamay deegaanka Cagaare, si loo soo afjaro colaada mudada halkaasi ka taagnayd.

Shirkan oo ay hurmuud ka yihiin Issimada gobolka Nugaal ee kala ah Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan  Siciid Maxamed Garaase , oo ay caawinayaan   maamulka gobolka Nugaal , Waxgaradka iyo aqoonyahanada  ayna  waheliyaan Issimada gobolada Sool iyo Cayn , ayaa markii muddo 10 maalmood  laga fadhiyey sidii loo xalinlahaa  khilaafaadka beelahan ayaa laysla meel dhigay  14 kaan  qodob ee hoos ku qoran:-

1. In dhulkii la isku hayey laga  jabiyo barkad ku taala daladka iyo barkada uu leeyahay Ninka lagu magacaabo C/maalik

2. In la daayo barkadaha cadaada ku yaala ee ilmo Xaabsade

3. In aanay u soo bixi Karin dhinaca cadaada baraagahani

4. In aan la samayn karin waxa Soomaalidu u taqaan Kaamamka ama Dhalacada(waa tuulo yar oo la guur-guurta Xoolaha, waliba geela).

5.In aan la samayn Karin baraago cusub oo aan ahayn kuwii halkaas horay ugu yaalay

6.In cidii samaysa barkad Cusub laganaaxi-doono isla mar ahaantaasna  laga burburin-doono.

7. In meelaha cayiman sida meesha loo yaqaan  god dhurwaaga aan waxba lagu dari Karin.

8. In dhulka wixii harsan loo daayo daaqsin xoolaad

9.In ragii dhintey oo dhan 9 , 8 ka mid ah midkiiba la bixiyo 120 halaad $1000 oo ganaax ah iyo 5, 000,000 Sh.So. oo aas/duug ah.

10. In ninka harsan oo ah kan sagaalaad la bixiyo 110 halaad iyo 5, 000,000 oo aas/duug ah.

11. In heshiiskaani marka uu dhaco uu noqdo sida warqada ku cad  mid aan waxba laga  badalin.

12. In 6 qori oo furasho ahaa la keeno saacada heshiiska la kala saxiixanayo , miiskana la soo saaro $1,000 doolar oo ganaax ah iyo 5, 000,000 malyan oo  duugta ah.

13. In cidii jabisa heshiiskan ay mutaysan doonaan ganaax dhan 200,000,000 iyo hal-sano oo xarig ah.

14. iyo qodobka ugu dameeya oo dhigaya Inay fulin doonaan qodobadaasi isimada iyo xukuumada Puntland oo isku dhafan.

si, kastaba ha ahaatee qoraalkaan loo soo gudboyey Somalitalk.com ayaa waxaa ku saxiixnaa

Magacyada Issimada hoos ku qoran:-

  • 1. Islaan Ciise Islaan Maxamed

  • 2. Islaan Bashiir Islaan Cabdule

  • 3. Garaad cabdulaahi Garaad Soof

  • 4. Garaad Abshir Saalax

  • 5.Ugaas C/laahi Ciise

  • 6.Garaad Mashaqan qare

  • 7. Garaad Saleebaan Buraale

  • 8. gaas Faarax Dheere
2-afhayeen oo u  hadlay beelaha Cagaare , ayaa sheegay midkastaba in uu ku qanacsan yahay heshiiskan , ayna dhaqan galinayaan si dhakhso ah haddii Eebe idmo.
 
Si kastaba ha ahaatee ,  maalinimada beri ah haddii Eebe idmo ayaa waxaa lagu wadaa in halkaasi ay gaaraan wafuud ka socota Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay M.kuxigeenka Xassan Daahir Maxamuud , Xubno ka socda 2-da  Gole dowlada , Ururada bulsha rayidka ah , waxayna ka qaybgalayaan gabagabada shirkaani  iyo hirgalinta heshiiskan si ay iyaguna uga markhaanti noqdaan sida heshiiskaan uu u dhacay.
 
Maxamuud Cumar Bille,
 
Somalitalk.com Garowe-Puntland.

May/9/2007. Garoowe.

Roobab Mahiigaan ah oo khasaare guryo iyo xoolo geestay.

waxaa xalay saqdii dhexe ka da'ay magaalada Garoowe , roobab dhulka dhigay dhismayaal badan sidoo kalena, biriqda roobka ayaa ku dhacday 70 geel ah oo ku jiray xerada geela lagu gado ee magaalada Garoowe, halkaas ayaa waxaa ku geeriyooday 10 tuldood, iyadoo guriga mulkiilaha xerada oo lagu magacaabo Cali Saleebaan(Cali Gaandaa ay biriqdu dhinac kaga dhacday gurigiisa balsan aan cid wax ku noqon ,sidoo kale, waxaa biriqda roobku ku dhacday dhismayaal qabyo ahaa oo aan wax dad ah ku noolayn, iyadoo dabayshii uu roobku watay ay gilgishay dhamaan dhismayaasha in badan oo ka mid ahna saqafka ka qaaday, 

waa markii, ugu horeysay oo roob sidaan u xoog badan  uu ka da'o Garoowe.

roobkii xalay ayaa ahaa mid dadka hurdada ka jafay oo la'la seexan waayey onkodkiisa, iyadoo ay biriqdu ku dhacaysay magaalada hareeraheeda oo dhan iyo meelaha kale ee aan soo sheegnay.

Nimankii lahaa geela oo aan kula kulmay xerada geela, ayaa ii sheegay in geelaas ay ku soo safreen uuna ugu qiimaysnaa isku dar 50,000,000 Sh.So.(Konton Malyan), aysana isaga cafin karin amaba khasaare qeyb la geli karin dadkii ka gatay maadaama aysan haysan wax taas bedelkeeda ah.

si kastaba ha ahaatee, meelo badan oo aan soo marmaray oo magaalada ah ayaan ku soo arkay dad dhex fadhiya guryo dusha ka haawanaya iyo guryo dhamaantood dhulka yaal..

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe.

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD