-
Khilaafaadkii Beelaha Cagaare oo xal laga gaaray:
- Roobab
Mahiigaan ah oo khasaare guryo iyo xoolo geestay.
Khilaafaadkii Beelaha
Cagaare oo xal laga gaaray:
Shirkii nabadaynta
beelaha Cagaare uga socday magaalada Buurtinle ee
gobolka Nugaal ayaa Talaada May 8, 2007 waxaa laga soo
saray go'aamo lagu heshiisiinayo beelaha ku dagaalamay
deegaanka Cagaare, si loo soo afjaro colaada mudada
halkaasi ka taagnayd.
Shirkan oo ay hurmuud
ka yihiin Issimada gobolka Nugaal ee kala ah Islaan
Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase
, oo ay caawinayaan maamulka gobolka Nugaal ,
Waxgaradka iyo aqoonyahanada ayna waheliyaan Issimada
gobolada Sool iyo Cayn , ayaa markii muddo 10 maalmood
laga fadhiyey sidii loo xalinlahaa khilaafaadka
beelahan ayaa laysla meel dhigay 14 kaan qodob ee hoos
ku qoran:-
1. In
dhulkii la isku hayey laga jabiyo barkad ku taala
daladka iyo barkada uu leeyahay Ninka lagu magacaabo
C/maalik
2. In
la daayo barkadaha cadaada ku yaala ee ilmo Xaabsade
3. In
aanay u soo bixi Karin dhinaca cadaada baraagahani
4. In
aan la samayn karin waxa Soomaalidu u taqaan Kaamamka
ama Dhalacada(waa tuulo yar oo la guur-guurta Xoolaha,
waliba geela).
5.In
aan la samayn Karin baraago cusub oo aan ahayn kuwii
halkaas horay ugu yaalay
6.In
cidii samaysa barkad Cusub laganaaxi-doono isla mar
ahaantaasna laga burburin-doono.
7. In
meelaha cayiman sida meesha loo yaqaan god dhurwaaga
aan waxba lagu dari Karin.
8. In
dhulka wixii harsan loo daayo daaqsin xoolaad
9.In
ragii dhintey oo dhan 9 , 8 ka mid ah midkiiba la bixiyo
120 halaad $1000 oo ganaax ah iyo
5, 000,000 Sh.So. oo aas/duug ah.
10. In
ninka harsan oo ah kan sagaalaad la bixiyo 110
halaad iyo 5, 000,000 oo aas/duug ah.
11. In
heshiiskaani marka uu dhaco uu noqdo sida warqada ku
cad mid aan waxba laga badalin.
12. In
6 qori oo furasho ahaa la keeno saacada heshiiska la
kala saxiixanayo , miiskana la soo saaro $1,000
doolar oo ganaax ah iyo 5, 000,000 malyan oo duugta ah.
13. In
cidii jabisa heshiiskan ay mutaysan doonaan ganaax dhan
200,000,000 iyo hal-sano oo xarig ah.
14. iyo
qodobka ugu dameeya oo dhigaya Inay fulin doonaan
qodobadaasi isimada iyo xukuumada Puntland oo isku
dhafan.
si,
kastaba ha ahaatee qoraalkaan loo soo gudboyey
Somalitalk.com ayaa waxaa ku saxiixnaa
Magacyada Issimada hoos ku
qoran:-
-
1.
Islaan Ciise Islaan Maxamed
-
2.
Islaan Bashiir Islaan Cabdule
-
3.
Garaad cabdulaahi Garaad Soof
-
4. Garaad Abshir Saalax
-
5.Ugaas
C/laahi Ciise
-
6.Garaad Mashaqan qare
-
7.
Garaad Saleebaan Buraale
-
8. gaas Faarax Dheere
2-afhayeen oo u hadlay
beelaha Cagaare , ayaa sheegay midkastaba in uu ku
qanacsan yahay heshiiskan , ayna dhaqan galinayaan si
dhakhso ah haddii Eebe idmo.
Si kastaba ha ahaatee ,
maalinimada beri ah haddii Eebe idmo ayaa waxaa lagu
wadaa in halkaasi ay gaaraan wafuud ka socota Maamulka
Puntland oo uu ka mid yahay M.kuxigeenka Xassan Daahir
Maxamuud , Xubno ka socda 2-da Gole dowlada , Ururada
bulsha rayidka ah , waxayna ka qaybgalayaan gabagabada
shirkaani iyo hirgalinta heshiiskan si ay iyaguna uga
markhaanti noqdaan sida heshiiskaan uu u dhacay.
Maxamuud Cumar Bille,
May/9/2007. Garoowe.
Roobab Mahiigaan ah oo
khasaare guryo iyo xoolo geestay.
waxaa xalay saqdii dhexe ka
da'ay magaalada Garoowe , roobab dhulka dhigay dhismayaal
badan sidoo kalena, biriqda roobka ayaa ku dhacday 70 geel
ah oo ku jiray xerada geela lagu gado ee magaalada Garoowe,
halkaas ayaa waxaa ku geeriyooday 10 tuldood, iyadoo guriga
mulkiilaha xerada oo lagu magacaabo Cali Saleebaan(Cali
Gaandaa ay biriqdu dhinac kaga dhacday gurigiisa balsan aan
cid wax ku noqon ,sidoo kale, waxaa biriqda roobku ku
dhacday dhismayaal qabyo ahaa oo aan wax dad ah ku noolayn,
iyadoo dabayshii uu roobku watay ay gilgishay dhamaan
dhismayaasha in badan oo ka mid ahna saqafka ka qaaday,
waa markii, ugu horeysay oo
roob sidaan u xoog badan uu ka da'o Garoowe.
roobkii xalay ayaa ahaa mid
dadka hurdada ka jafay oo la'la seexan waayey onkodkiisa,
iyadoo ay biriqdu ku dhacaysay magaalada hareeraheeda oo
dhan iyo meelaha kale ee aan soo sheegnay.
Nimankii lahaa geela oo aan
kula kulmay xerada geela, ayaa ii sheegay in geelaas ay ku
soo safreen uuna ugu qiimaysnaa isku dar 50,000,000
Sh.So.(Konton Malyan), aysana isaga cafin karin amaba
khasaare qeyb la geli karin dadkii ka gatay maadaama aysan
haysan wax taas bedelkeeda ah.
si kastaba ha ahaatee,
meelo badan oo aan soo marmaray oo magaalada ah ayaan ku soo
arkay dad dhex fadhiya guryo dusha ka haawanaya iyo guryo
dhamaantood dhulka yaal..
Maxamuud Cumar Bille
Garoowe.
Faafin: SomaliTalk.com |
May 9, 2007
|