SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  UK
Daabaco Boggan | Print


qad qaad jaad khat
Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka

SomaliTalk.com | March 29, 2002

War ay khamiistii (March 28, 2002) faafisay British Broadcasting Corporation Qaybta Caafimaadka ayaa shaaca ka qaaday dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo Soomaalida deggan cariga Ingiriiska.

Warku waxa uu ku bilaabay "in Qaadka lagu xiriiriyey kororka dadka isdila ama iyagu nafta iska qaada". Waxaa weliba warku intaas kudazray in Qaadku uusan mamnuuc ka ahayn dalka Ingirska iyada oo lagu gado dukaamada loo yaqaan 'dukaamada cagaaran ama dukaamada cagaarka'. 

Jaadka waxaa  muddo 700 sano sidii tubaakjadii oo kale looga ruugayey dalalka Soomaaliya iyo Yaman, ayuu warku ku xoojiyey.

Waxa warku intaas ku daray in Soomaalida Ingiriiska ku dhaqan ay ku baaqeen in ingiriiska laga mamnuuco qaadka, maadaama uu dhibaatooyin ku hayo jaaliyadda.

Waxaa warku intaas ku daray in Soomaalida UK ay sheegeen in  Qaadku (Khat, Jaad] uu sababayo  cudurada dadka madaxa kagala ama waalida [BUUFISKA] ama Qulubka, kuwaas oo weliba aad ugu soo kordhaya Soomaalida deggan dalka Ingiriiska.

Waxaa warku intaas ku daray in dhallinta Soomaaliyeed ee carigaas ku dhaqan ay hadda Jaadka u cunaan si waali ah ama xad-dhaaf ah.

"waxaa dalka England si joogto u yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay qaar ka mid ah shaqaalihii BBC-da ee soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan kun oo soomaaliyeed. Ibraahim Saalax [August 4, 2001]
 
Axmed Ibraahim oo makhaayad (Cafe) kuleh 'Wembley' ayaa sheegay in uu daroogadaas (Khat) uu cunijirey yaraantiisii laakiin markii uu xaqiiqsaday dhibaatadiisa uu iska daayey sannadkii 1995.

Cabdul Faarah, oo katirsan barnaamijka caafimaadka ee lagu magcaabo "Somali Mental Health Project" waxa uu sheegay in ay kordhayaan dadka qaadka qabatimay ee sida ba'an u cuna, taas oo jaaliyadda dhibaato weyn ku haya. 

CabulQaadir Xusseen oo katirsan jaaliyadda "Hornstars Community Group" waxa uu sheegay in qaadku uu dhibaatooyin weyn u geystey Soomaalida ku dhaqan Ingiriiska, waxaana lasoo gaarey waqtigii Qaadka laga mamnuuci lahaa UK, ayuu yiri.

"Toddoba ton oo Qaad ay ayaa toddobaadkasta soo gala alka Ingiriiska, oo halkaas looga tixgeliyo sidii Qudaarta oo kale"
" Over seven tonnes of Khat arrive in London each week. In this country it is classified as a vegetable."BBC HEALTH
 


Gabaygii Abshir Bacadle Qaadka.
 
Qaadku waxa uu hadda mamnuuc kayahay dalalka US, Canada, Norway iyo Sweden. Taas oo dhacdadii ugu dambeysey ee ka dhacday Maraykanka ay ahayd kadib markii Booliska magaalada Minneapolis ay hareereeyeen makhaayad Soomaaliyeed oo kutaal xaafadda Cedar ee Soomaalidu kubadantahay, halkaas oo boolisku ku qabteen 80 rodol oo qaad ah, isla maalintaas March 22, 2002 waxay boolisku qabteen 180 rodol oo tiiley guri. Waxaana boolisku dhacdadaas ku xireen laba qof.

Qaadka dalka Ingiriiska soogala badankiisa waxa uu toos uga yimaadaa dalka Kenya, halkaas oo uu Soomaalida kudhaqan Kenya qaadku ka dhameeyey ilkaha. 

Marka aad dhexmareysid Xaafadda Islii ee Nairobi oo ah xaafad ay Soomaadu kubadantahay, waxaad arkaysaa meelaha Tubaako-hayada loo yaqaan bannaankooda in Jaad lala gabranyahay (har iyo habeen0), halkaas oo lagu ruugayo Qaad lagu cunayo XANJO iyo shaah sonkorta lagu qooshay, kuwaas oo marka la isku daro sababaya dhibaato caafimaad oo ay ugu horeyso ilkaha oo gumudka kasoo go'a. Waxaadna arkeysaa wiil 25jir ah oo aan lagu arag habayaraatee wax ilig ah oo aan ka ahayn wax loo maleeyo ilko oo sidii dooxo dab galay oo geedo madmadoobi kataagtaaganyihiin ugasoo taagtaagan cirridkiisa. dabcan waxaa dheer dhibaatooyinka maskaxda iyo buufiska sida uu qiray qoraalka kore.

Taas weeye tan Soomaalida ingiriisku ka canayaan, iyadoo  dhibaatadaasi ku faafeyso ingiriiska, waxaana ay dalbanayaan Soomaalidu in la joojiyo qaadka lagana mamnuuco ingiriiska sida uu mamnuuca uga yahay meelo badan oo kamida wadamada caalamka oo fahmey dhibaatada uu mujtamaca, qoyska, caafimaadka iyo dhaqaalaha u geysankaro geedkaas cagaarani.

DOOD FURAN: QAADKA IYO BULSHADA Toos u dhiibo aragtidaada.

SomaliTalk.com | March 29, 2002

Warbintii bannanbaxa Som.Denmarka

WARARKII HORE EE QAADKA IYO QURBAHA

Soomaaliyeey Qaadku Waa Daroogo Halkan - Ameerika
Inyar in kabadan kun (1,000) rag ah oo kamida sagaalka kun (9,000) ee Soomaalida ah ee kunool Atlanta waxay cunaan qaadka, sidaas waxaa shalay (Nov 28) qoray wargeyska accessatlanta. Warkan.oo.dhan [November 29, 2001]

Qaadka iyo U.K.: Warbixintii Ibraahim Saalax
Dalka England ma ahan sida dalalka Iskandineefiyanka iyo dalka Jarmalka oo kale oo iyagu ka mamnuuc ah qaadka, waxaa dalka England si joogto u yimaada qaadka ka yimaada dalka Kenya. Waxaa dhacda iyadoo uu qofka shaqeenaya oo xagga hoose ku sito laamo qaad ah. Tusaale ahaan mar aan booqday daarta Bush House ee ku taalla idaacadda BBC-da laanta qabyta af soomaaliga ayaa waxaan ku arkay qaar ka mid ah shaqaalihii British Broadcasting Corporation ee Soomaalida oo laamo qaad ah ku cunayay xafiiska. Waxaan is iri, warku maba sheegaan haddaan la ruugin bahalkaas laayay kumanaan kun oo soomaaliyeed. Warkan.oo.dhan [August 4, 2001]

Keenee Khatar Badan??? - AK & Qaad
Magaceygu waa qaad, Geed qaraar ayaan ahay, Qasaaro iyo dhib baan ahay, Ruux kastaa i qaatee, Qoryaheyga feentaa, Hurdadaan ka qadaa Gabayga.oo.dhan [October 18, 2000]
Socdaalkii Dheeraa ee Shiike - Jabuuti
waxaan magalada ka dareemay inay tahay Magaalo habaynkii oo idil laga soojeedo, waxaa jira maqaayado iska furan oo Cabitaan, waxa jira goobo ay dad ku qayilayaan. Warka.oo.dhan [April 26, 2001]
Nin Soomaali ah oo Lagu Xiray Maraykanka isagoo Wata Jaad (Khat)
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Qoramadii: record-eagle.com
"Booliska magaalada Traverse City oo ay lajiraan FBI ayaa garoonka "Cherry Capital Airport" kasoo xiran nin soomaali ah maalintii Jimcada isagoo wata wax loo malaynayo 150 rodol oo Jaad ah (khat)" sidaas waxaan kasoo xiganey wargeyska lagu magcaabo record-eagle.com oo kasoo baxa magaalada "Traverse City, MI" [Hoos Akhri] Warkan.oo.Dhan [2001-9-19]
Nin Lagusoo eedeeyey in uu Laaluush Siinayey Qof Katirsdan Laanta Cashuurqaadida Maraykanka si uu Qaad usoogeliyo
Tarjumadii SomaliTalk.com | July 18, 2001
Minneapolis, Minnesota - War aan kasoo xiganey wargeyska StarTribune oo kasoobaxa magaalada Minneapolis waxa uu sheegayaa in shalay (Talaada July 17) sharciga lagusoo oogey Abdulkadir H. Osman oo 38 jir ah deggana magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota. Warkan.oo.dhan

Toronto oo lagu qabtay Khat

SU'AALO CILMIYEED: GUJI...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD