SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


SOOMAALIDA KUNOOL YAMAN
 CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA

 ALLa-maxaa heeysta soomaali?

Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir | bakar38@hotmail.com

Sanca, yemen | Agoosto 26, 2001

Waxaa dadka soomaaliyeed ee ku nool wadan kaan YAMAN agtooda caan ka ah erayo AMA kalmado dhowr ah, kalmadahaas waa kuwo ka tar jumaya oo cadeeynaya xaalada eey ku sugan yihiin dadka soomaaliyeed ee kunool wadan kaan YAMAN.

Erayadaas ayaa ah kuwo qof walba oo maqlaa uu ka akhrisanayo mashaakilka ku heysta dadkeena wadankaan YAMAN, Erayadaas ayaa ah  kuwo uu qof kasta yar iyo weyn rag iyo dumarba ku oranayo oo uu kugula soo boodayo marka aad ka wada hadashaan dhibaatadada dadkeena ku heeysata wadan kaan, wuxuuna kuula soo boodayaa Erayada ah. ALLa horaa loo yiri "Yaman aragtoo Yaab aragatay, Sanca Aragtoo Slic aragtay, Cadan aragto Cadaab aragtay" qof walbana waa uu yaqaanaa kalmadahaas, waana hal qabsi iyo maah maahyo badanaana dadku waa eey isla dhex maraan waxaa Erayadaas sii dheer Su'aal laweeydiiyo Qofka cusub oo uu qofkasta oo kasoo horeeyayba weeydiiyo taasoo iyana ku tusineeysa dhibaatada ku dhacday qofka horey usii joogay, su'aashaas ayaa ah war maxaa ku keenay?maxaad meeshaan kasoo doontay?iyo hadalo lamid ah, waxaana kasii yaab badan jawaabta uu kan cusub bixinayo oo uu durbadiiba lasoo boodayo Wallaahi magaranaayo wax-ikeenay, Balaayaa nasoo waashay iyo erayo noocaas ah .

Hadaba walaalada Akhristayaasha ahoow madoonayo inaan si tafatiran ooga hadlo ama aan idiin kaga waramo dhibaatooyinka maalin walba heysta ama mashaakilaadka taxanaha ah ee qabsada dadkeena kunool wadankaan, waayo maba ahan mid aan kusoo koobi karo hal maqaal iyo laba maqaal midna waayo hadaan damco in aan aniga kaliya waxa iqabsada maalin walba buug ku qoro waxaan buuxin lahaa Mujaladaad Buugaag ah, sidoo kale madoonayo inaan is weeydiiyo yaa dhibaatada umadeena u keenay? oo waanu iska ognahay inaanu anaga Gacmaheena ku keensanay, mana rabo inaan eedeeyo wadanka aanu ku noolahay oo dhibku inagu heeysto waayo wax eeynaan anagu isu keenin naguma dhicin oo dhibaatooyinkaba waa in aan anagu Gacmaheena ku sameeynay iyo in Cuquubo ama Ciqaab ahaan noogu dhacday.

waxaa firin-jeerada isbitaalada Sanca ku jira MEYDKA wiil iyo Gabar soomaali ah, mudo aan kayareeyn bil ayeeyna ku jiraan, waxaana la la'yahay wax garta
Tusaalana waxaa kuugu filan hada xilligaan aan Qoraayo maqaal-kaan waxaa firin-jeerada isbitaalada Sanca ku jira MEYDKA wiil iyo Gabar soomaali ah, mudo aan kayareeyn bil ayeeyna ku jiraan, waxaana la la'yahay wax garta waayo Waa dad sumad la'aan ah maxaa yeelay mawataan wax Dukumiinti ah ama Aqoonsi ah oo lagu aqoon sado, waayo waa dadkaas iska TAHRIIBKA ah. Hadaba Akhristayaal waxaan halkaas ka arkeeynaa In iskadaa in laga hadlo Yaadilay?sidee loodilay?maxaa loodilay?iyo yaa ogaa dilkoodee?waxaaba lala'yahay wax aqoon sado yaa u keenay dhibaatada marka?

sikastaba dhibka ha u jiree waxaan Fileeynay in dadkeena Siiba Gacan ku DHIIG layaasha hogaamiyo kooxaha dagaalamayo ineey dareemeen mashaakilka heeysta Umadooda eeyna ka daaleen dagaal danbe, Balse waxaad moodaa ineey hada iyo koow u bilaabayaan Dagaaladii sidoo kalana waxaa iyana wax qaban la' oo wax dhaqaajin la' hogaamiyo dhaqameedyadii isugu tagay magaalada carta,  marka soo ma'ahan CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA,  managaraneeyno waxaan nidhaahno AMA aanu ku hadalno oo aan ka aheeyn inaan dhahno ILAAHOOW dhibaatada nagasaar hana noo qabanin waxa eey sameeynayaan sufahada ama kuwa caqli gaabka ah ee DHIIGA umadooda nolosha ka dhigtay      

Ugu danbeeytii anigoo hadalkeeyga intaas kusoo koobayo waxaan jeclahay bal maqaalada danbe inaan idiinku soo qoro waxoogaa ina farxad galiyo oo ku saabsan waxbarashada dhalinta soomaaliyeed eekunool YAMAN iyo sida eey ooga faa'iideeysteen jaamacada iyo iskuulada wadan kaan.

waad mahad san tihiin

waxaa qoray

Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir 

sanca yemen

C/O E-mail   bakar38@hotmail.com

Posted: August 26, 2001

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD