SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 QOYSKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Dhismaha Qoyska Muslimka ah...

Qaybtii 10aad   ee qoyska iyo guriga islaamka....

WQ. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Asalamu aleykum,   

XUQUUQDA AY ISKU LEEYIHIIN LABADA QOF OO ISQABA

Xaqa ugu horeeye oo labada qofood laga doonaayo waxa weeyaan waa in ay noqdaan labo qofood oo isjecel, oo walaala ah, oo iswanaajiya, oo isku xiran. Sababtaasu waa maxay, waxwalba waa inay ka wada hadli karaan, oo katashan karaan. Wax walba dad kamidaysan inay yihiin oo wanaag ah, xumaantana iska celin karaan, waayo intaysan isguursan walaaley ahaayeen, diinta islaamka ayaa walaaleysay, walaalnimadii Islaamka oo awal isku xiriiriya oo walaalo ku noqda lagu yiri, waxaa ku sii korortay mid aad u cajiib badan oo isku xiraan guur ah, oo jirkoodii la'isku soo dhaweeyey. Waayo Allaah wuxuu quraanka ku yiri: "Mu'miniintu waa uun walaalo, ee wanajiya walaalihiin dhexdooda".

Iyagoo awalba halkaa ku jirey, oo maslaxada, wanaajinta dhexdooda, wax isa siinta ay ka dhaxeysey baa haddana guur siidhexmaray, marka waa inay sii laba laabaan, oo ay noqdaan dad isjecel iskuna naxariista. Waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa kuyiri: "U naxriista waxa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisanaya waxa samawaadka jooga."

Waa inay ayagu isku naxariistaan si Alle ugu naxariisto".Dad iswanaajiya, oo wanaaga ku dadaala waa inay noqdaan. Si fiican dad iskugu xiran, ma'ahan dadka kala shakisan inay noqdaan labadaa qofood, laakiin waa dad aad iskugu xiran inay noqdaan.

Arinta labaad waa in ay is'aaminaan, qof walba waa inuu kan kale aaminaa. Hadday in yar oo shaki ah kala qabaan ma wada noolaan karaan. Maalintii uu midkood guriga soo galo, oo midka kale uu wax ku tuhmo, aqalkaas burbur iyo dhibaataa ku soo food yeelatay, ilmaha aabo la'aan iyo hooyo la'aan ayaa soo qaabishay. Waa marka odayga iyo habarta kala shakiyaan, oo uu ninka ka shakiyo xaaskiisa, gabadhuna ka shakiso ninkeeda, oo ay nafsadeeda iskugu sheekeyso ninkaan dad kaluu hoos wax uga wadaa, isaguna uu uga shakiyo balaayey hoos kawadaa. Waayo labo qofood iyo sadex iyo wixii ka badanba Allaah SW ayaa micigooda ah, dadka shirkada ahna Alle ayaa micigooda ah, wax shirko noqdana waxaa ugu cajiib badan nin iyo naag isqaba. Shirkadooda hadday wanaajiyaan aqalkoodu barakuu yeelanayaa. Hadday qaa'iniin noqdaana Ilaahey dhexdooduu ka baxayaa, markaasaa burbur iyo dhibaato halkaa Alle ka bilaabayaa.

Waxay aqaladu u hagaagi lahyihiin waa noocaas, la'ismaba aaminsanaba, qofba qofka kale ayuu tuhunsan yahay oo waxbuu ku tuhsanyahay.


Wiriiri (ama Jinac) waxa uu u egyahay quraanyada, qaniinyadiisun aad ayey u xanuun badan tahay.

Tusaale ahaan: Kawaran funaanada aad qabtid haddaa ku tuhuntid inuu wariiri kuugu jiro kawaran sow meel walba kuma cun cunayso, oo madhaheysid maradaa la'iigu jiraa, xataa jirka wuu iska kaa barbararin wax ku cunin ayadoo la'arag, waayo niyadaadaa saas ka dhaadhicisay. Marka xaaska aad qabtid waa maradaadii. Inay maro kuutahay Allaah ayaa inoo cadeeyey, oo wuxuu yiri: "Haweenyahay ninkaadu waa maradaadii, haweenkuna aratir ayey idiin yihiin."

Haweenku aratirbey idiin yihiin, nimanku adinkuna aratirbaad utihiin. Labis waxaa lagu yaqaanaa in la dhowro. Maro kasta mida ugu qorux badan saddex maalmool gudahood waa wasaqaysataa, markay wasaqaystana laba tuuree waa ladhaqaa inta saabuun loo soo gado, waala waraa, kabacdii waala feereeyaa, markaa ka gadaalbaa la xirtaa. Islaanta aad qabtid waa marada aad qabtid sidaa u ilaalinaysid u ilaali. Gabartana ogow saddex maalmood marbay wasaqeysan, dhaqidbayna kaa rabtaa, haddii aadan dhaqinah maalinta danbe ayadoo dhan way kuu soo ureysaa. Markaasaa arkaysaa nin iyo naag oo ilmo isku dhalay oo isu soo uraaya, oo qofba qofka kale sanka ka qabsanaayo xumaantay iskula joogaan darteed. Markaasey ayadu waxay ku leedahay: "waxaas ayaa icabiidinaayo ee banaankuu iga yaalaa". Isaguna wuxuu leeyahay: "Wallaana tan habeen usoo hoyadeen ee halkee ka'aadaa". Sababtaasuna waxay ku dhacday saddex maalmood gudahood markey ku wasaqeysatay dhaqiday u baahneyd ayuu dhaqi waayey, oo wanaaga fari waayey. Ayaduna markuu ninkaan shan bari gudahood ku wasaqeystay ayeyna dhaqin, oo wanaaga aysan tusin, marka qof walba wuu soo uray.

Dhaqida ladhaqaayo waa maxey? Waa in lawaaniyo qofka, xaqa in loo sheego, xumaanta laga reebo, in loo dardaarmo, in la wanaajiyo oo laga soo galo wixii Ilaahey yiri umada halagu wanaajiyo. Saas ayey wax ku wanaagsanaanayaan.

Marka walaalayaal haddaa dooneysaan aqalada inaad wanaajisaan (rag iyo dumarba) qaata Ilaahey SW areyada uu ku hadlayo. Sababtuu Rabbi aratir uga cabiray ninka iyo haweenta dharbay isu yihiin waa wax cajiib badan, xikmo aad u fagbaa ku jirta layiraahdaa. Waxay muslimiintu markay cabirayaan leeyihiin: "Sida aan jirku aratir uga maarmin baysen ninka iyo haweentu u kala maarmin". Sida aratir kasta oo jirka saaran uu degdeg isigu badalo baa labada qofood qof walbaaba degdeg isugu badali karaa. Xanaaqbaa ku imaan kara, waxbuu ka caroon karaa, wax unbaa dhici kara. Waxay u baahantahay marka wanaaga in laga shaqeeyo, sida dharka loo wanaajiyo oo kale, haddii kale waxba mahagaagayaan.

Abuu Dardi Zowjadiisa markuu ladardaarmayey muxuu ku yiri: "Kolkaan caroodo i-raali-geli markaad carootaan ku raali gelinayaayey, sidaa haddaana yeelina walaahi in aanan wada noolaan doonin."

Walaalayaal wanaajiya aqaladiina. Ninka iyo naagta waa inay is aaminaan. Aratirbay isku yihiine dhar ha iska dhigteen. Sifiican dad isku aaminsan waa inay noqdaan, oo qofba qofka kale kalsooni aad u weyn ku qabo.

Xuquuqda kaloo laga rabaa waxa weeyaan Ixtiraam. Waa inay is ixtiraamaan, qofba qofka kale waa inuu qadariyo, markuu hadlaayo waa inuu dhagaysto, wuxuu u diraayo waana inuu ka yeelo, waa inay isku jajaban yihiin. Laakiin halkee ixtiraam ka jiraa markay iskugu wacaayaan: "Odayga aqalka iska leh, gabadha ilmaha iidhashay, ilmahayga aabihiis, taan wada joogno, tii ina heblo ahayd". Subxaana"llaah! Af adkaa, bal waxay iskugu yeeraayaan arka. War Rabbi halaga baqo SW oo si naxariis leh iskula hadla. Odayga afkiisa wuu ka ilaalin wuxuuna ka baqanayaa haddii uu isagoo magaceeda ugu yeeraaya la'arko in layiraahod "Wuu jecelyahay!".........Oo haddii lagu yiraahdo islaantaada waa jeceshahay maxaa kafiican?

Soomaalidaa waxay tahay wax aad u qaab daran waxay qabaan hadday arkaan nin naakta u ad adeegaya, waxay dhahaan: "way sixratay, Alla taas way sixirtey ninka". War haddii la iswanaajiyo masixirbay noqotay? Koormay sixirtay sharcigaaba saas faraayee? Miyiina arkin Xadiis saxiixa oo caa'isha laga waraysanaayo Nebiga SCW? Rasuulka ka waran markuu aqalka joogo ayaa la yiri? Waxay tiri: "Haweentiisuu u adeegi jiray, salaada markay soo xaadirtana horay ayuu ka tagi jiray". Rasuulka Aqalka ayuu ka shaqeynayey, oo xaasaskiisuu caawinaayey isagoo ah Kheyru Khalqi’llaah.

Dumarka Nebigu maxay oran jireen mararka qaarkood: "Rasuulka anagoo lajiifna marada aan kula jiifnaa dhiiga xaydku naga gaarayey, Rasuulka intuu naga qaado oo dhiiga xaydka meeshuu ka gaaray ka soo dhaqo ayuu ku tukanaayey."

Nimanka Soomaaliyeed maxay qabaan fikrad jaahili ah oo markay islaanta uu qabo dhiiga xaydka ku dhaco waxay leeyihiin: "Naa ha iisoo dhawaanin wajigaa nabro iigasoo baxayaane." Waxaa umalaysaa inay Yahuuda wax ugaleen, waayo Yahuuda ayaa saas aaminsan inaa naag dhiig qabta loo soo dhawaanin, oo naagta xaydka qabta guriga looga baxo. Waxaa arkaysaa haddii ayadoo nabro kugu yaalin la arko "Ma naag dhiig qabtaa kugu neefsatey" lagu leeyahay.

Amu Salama waxay leedahay: "Anoo Rasuulka la hurda ayaa dhiigii xaydka iga yimid markaasaan tagay oo dharka loogu tala galay ayaan soo xirtay. Rasuulku wuu i arkay markaasuu yiri: "Ma dhiigiibaa kugu dhacay?" Haa. Kaalayoo ilasoo jiifo." hal go' ayaan lahuwday tiri Nebiga SCW.

Markay Caa'sha ka sheekaynayso Nebiga dhaqankiisa waxay tiri: "Markuu dhiig xayd nagu dhaco farjigeena bas ayuu Nebigu maro ku aadin jiray, jirkanaga intiisa kale caadi ayey u aheyd". Markaa wax cunayno meesha aan anigu weelka afkayga ka qaaday Nebigu afka saaran jiray dhareerkaygu meesha uu ku yaalo ayey leedahay Caa'isha A.K.N.

Adigana waaba ka faaninba islaanta aad qabtid inaa wax lacuntid iyo inaa dhareerkeeda tiraahdid wuu carfayaa, si si kaley kula tahayba. Qolada ciyaal micno malaha ama ciyaal elfiska loo yaqaan baa intey banaanka joogaan dhahaan: "Waan jeclahay abaayadey weeyaan, wadnahayga ayey ku taallaa" hadhowdiina maba ahan tii waa dabeer cusub, si kaleyba noqonba, marka horena wuxuu leeyahay: "Abaayadey weeyaan biyahaan kadhex arkaa."

Waxaa kaloo laga doonaya labada qof oo isqaba inuu qofba qofka kale wanaag ladoono. Siduu Rasuuslka SCW xadiis saxiixa ku yiri: "Axadkiin ma rumeynin (Allaah iyo maalinta qiyaamada) ilaa uula jeclaado wuxuu la jeclaaday nafsadiisa… walaalkiis wuxuu nafsadiisa la jecelyahay."Wanaaga, kheyrka, iyo caafimaadka, way inay isla jeclaadaan.

Waxaa kaloo ka mida xuquuqda ay isku leeyihiin zowjeynka in ay diinta Alle waqti walba isku baraarujiyaan, oo ay isu noqdaan kaalmo. Siduu Allah quraankiisaba ku yiri: "Isku kaalmaysta wanaaga iyo taqwada."

Iyagoo ka amba qaadaya xadiiskii saxiixa ee uu Nebigu yiri: "Allaha ha u naxariisto nin kacay ee dukatay habeenkii, markaasna zowjadiisana ama zowjkeeda baraarujiyey markaana tukaday."…..oo haddii gabadha hurdada isku dhasijasay ama ay ku adkaatay inay kacdo markaa wajiga biyaha uga sayriya Alle u naxariisto. Sidoo kale gabadhana waa tahay hadday ninkeeda baraarujiso oo wajiga biyo ugu sayriso oo markaa tukadaan Alle ha unaxariisto Nebigu SCW yiri.

Kuwo maanta isqabaa siday u badanyihiin ma salaadbay isku kiciyaan? Waa maya. Waxaa dhici jirtay waayihii hore ninka iyo naagtiisa oo isku kiciya caano, salaadana aan isku kicin. Walaalayaal waxay guryaheenu u burbureen oo musiibadu noogo dhacday noocaas weeye, ee aqaladeena aan wanaajino, oo aan u soo laabano diintanada waxay noodirayso. Raga iyo dumarka xuquuqda ay isku leeyihiin taas ayaa kamidah.

Waxaa kaloo xuquuqda la isga doonayo ka mid ah waa in ay isxurmeeyaan xaga sudohnimada, kalaqabida ilmaha wax lakala qabo waa in la xurmeeyo. Waa inuu ninku xurmeeyaa sharaf iyo qiimo badanna u yeelaa gabarta uu qabo dadka ku yimid madaxeeda, oo ehelkeeda ah. Waa inuu wanaajiyaa aabeheed, iyo hooyadeed, iyo walaalaheed. Ayaduna waa inay ninka ehelkiisu aad u wanaajisaa. Haddaan la'ilaalin xurmadaas wax wanaag ah oo lagaarayo majiraan.

Waxaa arkaysaa nin kugu oranaya: "Maxaa naga galay habartii waalney oo inanta dhashay." Islaanta xaaskaada dhashay hooyadaa oo kale waaye, ixtiraamey kugu leedahay, qadarinbay kugu leedahay. Gabarta waxaa laga doonayaa ninka aabihii markuu u yimaado inay qadariso sida ay ninkeeda u wanaajineyso si ka badan oo kale, maxaa yeelay waa aabeheed oo kale, ixtiraam iyo soodhawayn ayuu ku leeyahay.

Waxaa arkaysaa wax yaab badan islaan lagu leeyahay: "Ninka hooyadiis iyo aabihiis ma arki karto." Iyo nin lagu leeyahay: "naagta hooyadeed iyo aabeheed ma arki karto, walaalkeed ma arki karo." Markaasaa ladoonayaa in wanaag lagaaro, nololbaa kajirtaa laleeyahay gurigaas. War waxaas diin maahee Rabbi halaga baqo SW.

Waxaa ka dhexeeya labadaa qofood in ay isdhaxlaan, waa xaquuq caan ah oo labadooda dhinac walba ka imaan karta. Siduu Ilaaheyba quraanka ku sheegay: "Hadday haweentu dhimato ninka wuu dhaxlaayaa, hadduu asagu dhintana ayadu way dhaxleysaa."

Allaah asagoo ka sheekaynaya dhexdooda wuxuu yiri: "Ninka iyo haweenka dhexdooda jaceyl, naxariis, ixtiraam ayaa dhax yeelay."

Halkaas waxaa kagaraneysaa ninka iyo gabadhu inay isjeclaadaan, waa in labo qofood oo is rabta ay yihiin, waa inaan ninka iyo gabadha aysan guurkooda ahayn inta lix halaad laga qaato ama dhowr kun oo lacaga layiraahdo: "jiido ma ayadaa kaa xoogbadan." Waayo Rasuulka SCW xadiis aad u farabadan ayuu ku yiri: "Haweenta aad guursanaysid iska soo eeg, uu raga u fasaxay inay dumarka soo eegaan ay guursanaayaan." Soo eegidana macnahu loolama jeedo inta kaxaysto ayaa baararka kasoo cashaysiinayaa (kaasi waa dayuus).

Labada qofood waa kala ajinabi, laakiin waxaa ladoonayaa ninku inuu gabadhu arko sow ugu qanco, ama uu dad u dirsado si loogu soosifeeyo. Mana ahan ninku hadduu gabadha yiraahdo: "Waan arkayaa, oo hala iisifeeyo siday u taalo." Dhib malahan, laakiin waxaa lagaadoonayaa saldhigaa aad gabadha ku doonaysid inuu diin noqdo. Rag waxaad arkaysaa kugu oranaya: "War gabar qurxoon iisoo raadi anaa dhar u gashan doonee." Ma dhar galinbay kaa yeeli doontaa mid horay u qaadan diidayba amarkii Ilaaheeda, say u yeesho aad ayey u adagtahay.

Marka raxmada muxuu Alle u soo hormariyey? Waayo xikmad waynbuu Ilaahey ka leeyahay halkaa. Ninka iyo gabadhu waxaa lagayaabaa inay isjecelyihiin marka hore, laakiin raxmada waxaa loodaba mariyey, waxaa ogaanaysaa marka xanuun yimaado, ama gaajo iyo dhib yimaado, ama gabartaanu inta walacdo aad u tabcaanto dhib yimaado, xubigii faraha badnaa oo la isku qabay wuu yaraanayaa, maxaa yeelay quluubta bina'aadanka waa daciif waxna maxalin karto. Maxaa soo haraaya waa raxmadii, isu naxariista, nololbaad isla soomarteen, dad isu wanaagsan baad ahaydeen, dhibka qofka soo gaara qofka kale waa inuu u dul qaato una naxariisto.

Gabartii aad lasoo noolaan jirtay oo aad isku fiicnaydeen, oo waagii dhaqaalo la'aanta lasoo wada noolaa, oo waagii dhibaatada lasoo wada joogey, markaa xoogaa noolaatid inta dhankeeda iskaga baxdid, xaga iyo xaga ku guurso. Waxay raga qaar yaqaaniin, waxaasu diin ma ahan Ilaahey halaga xishoodo. Raga waa loo ogolyahay afar inay guursadaan, sharcigaa u fasaxay, laakiin waa inay eexasho jirin, oo cadaalad loo noqdaa dhamaan.

Rasuulka SCW wuxuu u sheegay ninka muslimkaa markuu lahaydlayey: "Ninka mu’minkaa gabar mu’minada yuu u caroon, haddaa aqlaaqdeeda qaar kamid ah nacdid wax aad jeclaataa ku arki doontaaye."

Waligaa ninka muslimkow ku talagal arinkaas asagaa, iskuday inta aad haweentaada wanaajin kartid inaad wanaajisid, in Alle intaa ixtiraami kartid ixtiraam, isku day inaad fadhiga ugu adeegi kartid. Ninka muslimkaa waxa laga doonayo noocaas weeye. Laakiin ma’ahan inuu yiraahdo: "Ma’I adoonsanaysaa." Waayo meeshaan wax kawayn ayaa ku jiraa, ninka muslimkaana waa inuu waxyaabo badan ka fakaraa, oo ay haweentiisa ka hayso.  

-XUSUUS: Qaybtii 6aad oo aanaan horay u daabicin hadda waa diyaar, ee fadlan Ka Akhri Halkan..... GUJI

WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA" 

Talo iyo tusaale kusoo hagaaji: 
  Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.