| SAWIRO XIISA LEH |
SHINNI QORTAY ALLAH
Sawirkani wuxuu muujinayaa shinni dhistay qoraal uu kuroranyahay Allah oo af carabi ah.
Waxay arintani kadhacday dalka Turkiga, meel beer malabka shinida lagu beero ama lagu xanaaneeyo shinnida. Waa beer shinni oo meeshii malabka ay kusamaynesey kuqortay magaca Allah. |
MASJID TAAGAN DHULGARIIR KADDIB
Sawirkani wuxuu muujinayaa Masjid weli taagan oo aan dumin kaddib markii dhulgariir uu burburiyey dhismayaashii ku xeerna ama u dhowaa.
Qisadani waxay kadhacday magaalada lagumagcaabo Golcuk oo 60 mile bariga kaxigta magaalada Istanbul. Dhulgariirkaan oo dhacay 19kii Agoosto 1999 waxaa lagu qiyaasay dhulgariirkii ugu xumaa ee soo maray taariikhda dalka Turkiga, dad lagu qiyaasay 6000 qof ayaana kuwaxyeeloobey. |
GEED SUJUUDSAN
Sawirkan wuxuu muujinayaa geed muujinaya rukuuc. Sida sawirka ka muuqata gacanta geedku waxa ay saarantahay ruuga geedka.
Waxaa kale oo jira in geedkaan rukuucsan uu qaabilsanyahay dhanka KACBADA Makka. Geedkaan waxaa dhowaan lagu arkay kayn (hawd) udhow magaalada Sidney ee dalka Austarial. |
Source: www.londonmosque.com Ma haysaa sawiro xiisa leh, fadlan noosootebi si aan ula qaybsano akhristayaasha kale. waxaadna kusoo diri kartaa email html@somalitalk.com
Posted by: SomaliTalk.com Team
Copyright © 2001 SomaliTalk.com |