SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XAAFID - QURAAN
Wiil yar oo Soomali ah oo Xaafid Qur'aan ah
WQ: Said Hashi Warsame (Abu Sami)

_______________________________________________
Dammam, Saudi Arabia | Posted: July 1 | Updated: July 2, 2001

Cabdul Fattax Shariif Moxamed

Maasha ‘allaah…. Maasha ‘allaah…. Maasha ‘allaah….

Cabdul Fattax Shariif Moxamed
"Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariidka ah sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan."
Abu Sami
C/siis C/lahi Adam oo bishii December 2000 kuguulaystay kaalinta Koowaad ee tartanka Qura'aanka, Abaalgudna u helay 250,000Dhs oo u dhiganta $68,000
Akhri halkan
Flip to any page of the Koran's 114 chapters, and Ahmed Mohamed can recite it for you.
DETROIT FREE PRESS
December 9, 1999.
Cabsida lagaqabo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed ee kusoobutaacay dadalka Galbeedka
Guji halkan
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
Carruurta Soomaalida Denmark
Guji halkan

carruur
 Duqsi quraalka London, canada


Waa wiil yar oo Soomaaliyeed oo xaafid qur’aan ah oo ka qayb galay Carwo lagu soo bandhigayey arrimaha la xiriira fidinta diinta Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dammam ee dalka Sacuudi Carabiya Bisha June 2001.

Bisha June 14 keedii ayaan anagoo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Dammam – Sacuudi Carabiya waxaan soo booqaney Carwa lagu soo bandhigay sida dacwada Islaamku uga socoto caalimka oo ay qaban qaabiyeen hay’adaha samafalka ee Sacuudiga deggan.

Carwadaas waxaan kula kulanay wiil Soomaali ah oo 14 tan jir ah. Magaciisana la yiraahdo Cadul Fattax Shariif Moxamed. Wiilkaas waxaa laga soo waday magaalada Muqdisho halkaas oo uu siduu noo sheegay ka tirsan yahay agoonta Xaruntta As-Salaam ee Xannaanada Bulshada ee Xaafadda Hawl-Wadaag - Mogadadishu.

Wiilkaas oo qur’aanka oo dhan korka ka xafidsan wuxuu taagnaa khaymad u dhisan sidii Munduladii Afrika oo loogu tala galay wixii ka yimid Afrika. Runtii lama soo koobi karo wacdaraha uu ka muujiyey Carwadaas. Dad badan oo fikrad xun ka haysteen Soomaaliya ayaa la yaabey wiilkaas sida uu quraanka si aan hakad lahayn ugu akhrinayo.

Dadka habeynkaas halkaas isugu yimid lama tirin Karin, Carwaduna Usbuuc dhan ayey socotay, subax , galab iyo habaynba. Dadka Carwada yimid oo idil way isku sheegeen wiilkaas fariidka ah sidaas darteed nin walba wuxuu soo watay wiilashiisii si uu u soo tuso tusaale waangsanna ugu noqdo, deedna ay ugu daydaan.

Markii aan annagu wax weydiino, waxaa nalla ku dhahayey: war idinku Soomaali baad isa la tihiine annaga noo daaya, waayo dartayo ayaa loo keenay.

Khaymadda uu joogey wiilkaas waxaa ku dhagganaa ogeysiin oraneysa Caawa waxaa marti noo ah wiil agoon ah oo Soomaali ah oo xafidsan qur’aanka oo idil Ha’yadduna kafaalatay.

Waxay ahayd Khaymadaha tan ugu dad badan, waxaana mar walba laga dalbayey inuu akhriyo qur’aanka, su’aalo is daba joog ahna waa la weydiinayey. Wuxuuna uga jawaabayey si degan oo cajiib ah oo aan lahayn baqdin iyo wax kale toona isaga oo jawaabtiisa ku fariisinayey hab diini ah, afka Carabigana si wanaagsan ugu hadlaya. Khaas ahaana ka bixinaya fikrad wanaagsan waddanka uu ka yimid , qolada kafaalatay (Hay’adda Muslimiinta Afrika), Xarunta uu ka socdo iyo Macaliinkii baray qur’aanka.

Wareysigaan ayaan la yeelaney Cabdul Fattax Shariif Moxamed iyo Sheikh Moxamed Al Khamiis oo ah ninka madaxda ka ah Hay’adda Muslimiinta Afrika ee Gobolka bari ee Dalka Sacuudi Carabiyaa, ahna ninka keenay CabdulFattax:-

Su’aal : Sheikh Moxamed goorma ayaa la furey Xarunta As- salaam?

Jawaab: Waxaa la furey 1996kii.

Su’aal: Intee arday ayaa ku jira xaruntaas?

Jawaab: 200 ayaa ku jira waana wada wiilal.

Su’aal: Sheikh Moxamed Nooga waran Cabdul Fattax iyo guud ahaan agoonta kale ee ku jira Xarunta As-Salaam ee aad idinku gacanta ku haysaan?

Jawaab: Cabdul Fattax wuxuu ka mid yahay agoonta ay kafaalad qaaday Hay’addu. Sidaad arkeysaanba waa xafidsan yahay qur’aanka oo idil. Kuwa badan oo markaskaas ku jira ayaa xafidsan qur’aanka. Laba bilood ka hor Soomaaliya ayaan joogay. Rammaddaankii daweydna tobankii beri ee ugu dambeeyey waxaan joogay Muqdishu, waxaan Taraawiixda ku daba tukan jirey Cabdul Fattax iyo saaxiibadiis oo qur’aanka hal xaraf khaldeyn ee kor ka akhrinaya. Muqdishu sida Xarramka Makka waxaa la tukadaa taraawiixda 23 Rakco. Sida badan 20 ka rakcadood ee hore waxaa tujiya dadka CabdulFattax iyo saaxibadiis saddexda rakcadood ee ugu dambeysana waxaa tujiya Sheikh ka mid ah Sheikhyada meesha jooga. Had iyo jeer tartan Qur’aan xafid ayaa ardayda dhexdooda la qabtaa, ruuxii ugu xafid iyo tajwiid fiican ayaa waxaa abaal marin looga dhigaa in uu Iimaad noqdo oo dadka tukiyo. Sidaas darteed kuligood waxay u tartamaan siday Iimaam u noqon lahaay..

SU'AALIHII CADULFATTAX
Qaybta labaad ee waraysiga wuxuu u dhacay sidan

Su’aal: Cabdulfattax qur’aanka yaa ku baray?

Jawaab: Waxaa I baray Macalim CabdulQadir Mohamoud Cali.

Su’aal: Xaruntee ka tirsan tahay?

Jawaab: Xarunta xannaanada bulshada ee hawl Wadaag - Mugadishu

Su’aal: Intee dhammeysay qur’aanka xafidkiisa sidaada oo kale?

Jawaab: 37 arday ayaa ilaa iyo hadda dhammeeyey qur’aanka xafidkiisa.

Su’aal: Intee jirtey markaad qur’aanka bilawday?

Jawaab: Waxaan jirey sagaal sano.

Su’aal: Intee sano ku dhameysay?

Jawaab: Waxaan ku dhammeyey qur’aanka laba sano.

Maasha ‘allaah…. Maasha ‘allaah…

Su’aal: Dugsiga fasalkee dhigataa?

Jawaab: Dugsiga dhexe fasalka ugu dambeeya ayaan dhigtaa.

Su’aal: Nooga sheekee waxa aad qabataan maalin kasta adiga iyo caruurta kugula jirta xarunta agoonta

Jawaab: Salaadda Fajjar nus saac ka hor ayaan toosnaa, waxaan bilaabnaa qur’aan akhris, deedna waxaan tukanaa Salaadda. Markaas ayaa arday walba meel gooniya la fariistaa qur’aanka si uu u xafido. Markii la gaaro todobada iyo barka subaxnimo ayaan quraacanna deedna aadnaa Iskoolka, waxaanna ka nimaadnaa 12 tobanka duhurnimo, waan qadeynaa, deedna waan xoogaa ayaan seexanaa , galabtii markii aan soo toosno ayaan bilawnaa wax akhris. Maqribkeena markii aan tukano ayaan xalaqado diini ah bilawnaa ilaa cishaha, deedna markii cishaha la gaaro ayaan intaan casheyno waxaan bilaawnaa wax akhris Masaajidka dhexdiisa, waxaana ku gaarnaa wax akhris ilaa tobanka habeynimo. Deedna waan seexannaa .

Su’aal : Ma daawataan Telefishan ama Fiidyoow?

Jawaab: Fiidyoow ayaan daawannaa?

Su’aal: Imisa maalmood iyo ayaad daawataan ?

Jawaab: Hal maalin ah ayaan daawanaa Isbuuca dhan. Maalintaasna hal saac kaliya ayaan daawanaa.

Su’aal: Barnaamika aad daawataan muxuu yahay?

Jawaab: Waxaan daawanaa barnaamijyo diin iyo barbaarin ku dhisan oo wax laga faa’iidayo.

Su’aal : Wax ma nooga sheegi kartaa barnaamijyadaas?

Jawaab: Waxaa ka mid ah filimka la yiraahdo Cumar Mukhtaar, Moxamed Faattix, filimka kartoonka ee wiilkii barriga  ahaa I.W.M

Ugu dambeyntii waxaa u rajeyneynaa CabdulFattax iyo dhammaan saaxiibadiisa cimri dheer iyo camal wanaagsan iyo inay noqdaan kuwii u adeega diintooda iyo dalkooda. Sidoo kale waxaanu leenahay Maamulayaasha Hay’adda Muslimiinta Afrika iyo dhammaan maamulayaasha, Macalimiinta xaruntaas: Jazaakumulaah khairan.

Said Hashi Warsame (Abu Sami)
Dammam, Saudi Arabia
Email:
bursaalah@yahoo.com

________________
Updated: July 2, 2001

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


Soo Booqo Bogga Macluumaadka Islaamka: GUJI SomaliTalk.com/Islam
© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD