“Asslaamu Calaykum
Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu”
Maqaalkaan assalkiisu wuxuu ahaa latalin ay I soo waydiisay
Hooyo Soomaaliyeed ee Kunool wadamada “Reer galbeedka mid ka
mid ah. Ka dib markii aan u jawaabay, waxay iila muuqatay in
waaliddiin badan ay dhibtaas oo kale qabaan, anna waxaan
jeclaystay inaan kala qaybgalo xal u raadinta arrintaas.
Walaal, waad ku mahadsantahay xog waranka iyo wada tashiga
aad ila yeelatay. Arrimaha aad ka cabatay waa arrimo guud
ahaan ina hastay, sidaan Soomali u nahay. Marka ma aha wax
khaas kuu ah ee dhibaato ummadeed oo ay waajibtahay in xal
looraadiyo. Aniga iyo adigu haddii aan ka wada qayb galno
xalkeeda waa sax, maxaa yeelay waanaga dhaxaysaa. Kumaankun
oo Soomaali ah ayaa ka cabanaya isla mushkuladdaas. Markasta
iyo Meelkasta waad maqlaysaa erayadaan: CARUURTII AYAAN LA
SOO CARARAY. MEEL LAGU NOQO KAMA IMAAN. QOFKII TALA IGA
QAADANAYOW HA AADIN EUROPE IYO AMERICA. HAWEEN IYO CARUUR
WAY GACAN GALEEN. Marka walaal waa dhibaato loo dhanyahay.
Allaha wayn ee awooda leh ayaan ka baryaynaa inuu naga saaro.
Adiga Faadumo ah waan dareemi karaa dareenkaagu sida uu
yahay.. Diintaadii iyo dhaqan kaagii meel aan laga rabin
adna lagaa jeclayn haddana aadan ka maarmin waa dhib wayn.
Dantii Diinta iyo Tii nolosha adduunka ayaa iska hortimid.
Soomaaliya inay dowlad ahaato oo Dadkeeda, Diinteeda,
Dhaqankeeda daryeesho way awoodi wayday. Sacuudi Carabiya oo
Patrool leh Xaramaynkiina ku yaallaan waa diiday inuu soo
dhaweeyo dadka qaxootiga ah ee muslimiinta ah. Waana diiday
inuu sokeeya ka dhigto ama khayraadka dabeeciga ah ee Alle
ku manaystay uu wax ka bixiyo.
Faadumo, haddii aadan Muqdisho ku noolaan Karin oo kufsi,
bililiqo,dil iyo hagardaamo kaaga soo horayso, Sacuudigiina
xaramkii aad u tukanaysay kuu diiday, adiga niyadaadii iyo
naftaadiina ay rabaan labadaas meelood maxaa xal ah?
Markaan Africa joogno waxaan u baahanay inaan mar tagno UK
am U.S.A. Wax kasta oo ay ku kacayso waan u horaynaa. Dad
badan ayaa naftoodii ku waayay badaha ayaga oo rabay inay
dhuumasho ku galaan waddamada reer galbeedka.
Kuwa
hadda jooga oo aad adigu kamidtahay, waxay leeyihiin xaggee
u cararnaa? Xagee caruurta gaynaa? Diintoodii iyo
dhaqankoodii fiicnaa oo Islaamka ahaa ayaa khatar ku jira.
Sidee yeelnaa?
....markaan
Africa joogno waxaa noodaran gaajada iyo jirada.
Markaan Reer galbeedka joognana waxaa noo daran
Diinta iyo Akhlaaqda.... |
Marka, waxay u muuqataa markaan Africa joogno waxaa noodaran
gaajada iyo jirada. Markaan Reer galbeedka joognana waxaa
noo daran Diinta iyo Akhlaaqda. Anaguna ma samaysankarno
nololo iswaafaqsan oo isu dheelitiran. Mar walba waxaan u
baahanahay inaan cidkale ku tiirsanaano oo dalkale ama
dowlad kale la joogno, waayo annagu mid aan leenahay ma
habaysan karno nololna waan rabnaa.
Faadumo, naftaan dalkeedii daryeeli wayday, dadkii ay cid
isu xigeena dayriyeen oo u diideen inay kunoolaadaan meeshii
lootukanayay oo Muslimiinta ka dhaxaysay, haddii ay
kunoolaato England ama U.S.A anigu waxba kama qabo.
Arrinta kusaabsan caruurtaada, aad la walal-walayso
Diintooda iyo dhaqankooda, layaabi maayo oo hooyo ayaad
tahay xaqna waad u leedahay inaad ka wal-washo. Laakiin
anigu kuguma waa faqsani. Waagii hore oo aan kunoolayn Mudug
iyo Bari salki, waxaan oranjirnay qofkii naga soo aada
koofur iyo Muqdisho inuu khatar ku suganyahay. “Nin
dhintay iyo
nin dhoofay wax isma dhaamaan”
Waxaan ku tuhmi jirnay Jiro iyo Caqli xumo. Aniga ayayday oo
aad ii jeclayd anna aan aad u jeclaa ayaa ii sheegtay inaga
oo 4 sano jir ah “ Ogow maandhow
macunno tagoogada xoolaha marka la qalo.”
Taas
waxaan uga jeedaa, waxaa laga yaabaa inaad u hilowsantahay
dhaqankaagii iyo meeshii aad ku kortay oo aad indhaha ka
lalinayso ama is dhaafinayso danaha iyo masaaliixda aad ku
haysataan meesha aad joogto, ama aad illowday dhibtii iyo
rafaadkii Soomaliya iyo Africa.
Waxaan taas uga jeedaa is burinta ku jirta sida aan u
fikirayno iyo sida aan u dhaqmayno. Sida ay aniga iigu
muuqato wax wayn ayaa inaga khaldan oo u baahan inaan dib u
saxno. Bal ila fiiri arrimahaan:
-
Annaga
oo isku diin, dhaqan, luqad, midab ah ayaan is
laynaynaa, is dhacaynaa, is xastaynaa.
-
Dalkanagii ma hormarinayno, ma dhisayno, ma jeclin.
-
Dawlad
ma lihin mana rabno, mana maamuli naqaan.
-
Diintanadu waa midda wax walba ka fiican.
-
Dhaqankanagu waa mid wanaagsan oo diinta ku dhisan.
-
Kuwa
aan isku Diinta nahay ee carbeed waxba nooma ogolo,
waxna nama tarayaan.
Su’aashaydu waxaa weeye, waxaan qaaliga ah oo aan la
cararayno, maxay noo anfici waayeen oo aan dadka kale uga
fiicnaan waynay? Haddii aad diin fiicantahay waa inaad
heshaa wanaageeda adduunka iyo aakhiraba. Haddii aad dhaqan
fiican oo ilaalin mudan leedahay waa inay kaa muuqato. Run,
Diinta Islaamku waa diin xaq ah ciddii raacdana way ku
liibaanaysaa. Amaan innagu isu haysanaa inaan Muslimiin
nahay laakiin wax inaga khaldanyihiin oo aan magac kaliya
iska dugsanaynaa.
Haddii dhaqanka iyo akhlaaqada reer galbeedku xuntahay,
maxaa annaga noo baahiyay iyaga? Maan annagu ka fiicnaano,
maxaa yeelay waan ka diin fiicannahay? Waxaan is burinaya
oo marna lacag badan lagu bixinayo, been la sheegayo, Hooyo
iyo walaalay la sheeganayo in laqabo, ka dibna caruurtii
lala soo cararayo, oo ciriir wayn la dareemayo waan la
yaabanahay.
Aniga waxay ila tahay in wax inaga khaldanyihiin oo aan laf
cad toobin ku hayno. Ma dhici karto waligeedna lama arag
inaad ‘Galay’ abuurato kadibna ‘Digir’ kuu soo baxdo. Lama
arag inaad ceel qodo kadibna uu caano soodaayo halkii aad
biyo ka sugaysay. Lama arag inaad wanaag samayso kadibna
aad xumaan hesho. Qaanuunka Alle ee adduunkaan maamulana
kuma shaqeeyo wax noocsaas ah.
Annagu haddaan Soomali nahay Diintanadu way wanaagsantahay,
Dhaqankanagu waa wanaagsan yahay, Caruurtanada sifiican ayaa
u tarabiyaynaa, laakiin noloshanadu way kharibantahay,
Dowlad malihin, Dal nabad ah malinhin, Dad israba ma nihin,
Laakiin Muslimiin ayaan nahay. Dadkaan gaalada ah ayaa
nadulminaya oo raba inay dhaqankooda iyo Diintooda naga
baraan caruurtanada. Arrimahaas oo manta aan ku suganahay
sax ma aha. ILAAHAY nama dulmin cidna ma dulmiyo. Anaga oo
wanaag samaynay, wanaag aaminsan in xumaan aan helno oo
addun iyo aakhiraba aan khasaarno suurogal ma aha.
Faadumo, waxaas ayaa aniga ii muuqda. Waxaan u arkaa in
waxa ku haya ay tahay dhibaato ka dhalatay naftaada
dhexdeeda oo aad u hiloobayso dhaqan aad awooweyaal ka
dhaxashay laakiin aadan hubin dhib iyo dheef waxa uu
leeyahay. Inaad manta marti ku ahaato dal ajnabi wixii kugu
kallifay ayaa meesha ku jira. Adiguna hadda isla waxaas
ayaad raadinaysaa. Waxa inaga dhigay sida aan hadda nahay
waa waxaan ku fikirnay, aaminay, isugu sheekaynay, ku
dhaqanay. Ma aha in wax kale nagu dheceen. Waxaa nalaga
abaal mariyay wixii aan kasbanay. Hadda uma baahnin
dantanaduna kuma jirto inaan iyagii sii difaacno oo aan u
boholyowno.
Haddii xaaladda aad markaas ku sugantahay ku anfici waydo
waa inaad isbadasho. Is badlku ceeb ma ah ee amar Alle
ina amray. “ UMMAD ALLE KAMA BADDALO XAALADDA AY
KUSUGANTAHAY ILAA AY BADALAAN WAXA NAFTOODA KU SUGAN OO
AFKAAR IYO DHAQAN AH” Suurutul-racdi aayaadda 11.
Marka walaal, waxaan kugulatalinayaa sidaan soo socoto:
-
Caadifada iyo dareenka ku haya iska daji oo naftaada
xasili.
-
Fiiri
Ayadda Quraankaa ee Daahaa Nabi Maxmedoow Nkhtaa. “Quraanka
kuuguma aanaan soo dajin inaad dhibtooto”
Aayadda labaad ee Suuratu-Daahaa.
-
Fiiri
Aayadda Baqara ee Alle leeyahay “ Ma jiro khasab
diinta la isku khasbo, hanuunka iyo lunsanaantu way kala
cadyihiin” Aayadda 256, ee suuratul baqara.
-
Sidoo
kale fiiri Aayadda Suuratul-baqara ee Alle yiri “
Alle kuma kallifo naf wax aysan awoodin”
Baqara aayadda 286.
Sidaas daraadeed, naftaada daji, naftaada ha dhibin, jooji
walwalka iyo walaaca. Adiga Ilaahay adduunyadaan kaagama
dhigin maamule guud oo wixii hallaba kaligaa laguma
waydiinayo. Caaddifada iyo kacsanaanta xaga nafta ah jooji
( Emotions and feelings must be managed. Don’t emotionalize
the trouble. Please keep quite mind and be happy with your
life, children and whatever you have)
Caruurta u dhaaf meeshooda. U ogolow inay wax bartaan. Waani
oo wanaaga u sheeg. Bilaa aadanka waxaa ku abuuran inay kala
gartaan wanaag iyo xamaanta. Diintooda iyo akhlaaqdooda hala
kaashan Jahli iyo gaajo ee lakaasho cilmi iyo cood.
Meeshooda ayay ku wanaagsanaan karaan. Maxaa yeelay haddaba
dad badan oo wanaagsan ayaa jooga. Marka walaal, dhib wayn
oo hadda ku haysata ma jirto. Dhibta ku haysata waa dareen
naftaada ka dhashay. Adiga ayaa daawayn kara oo iska saari
kara. Kurbada iyo wal-walka iska jooji. Ku kalsoonow inaad
leedahay mustaqbal wanaagsan caruurtaaduna ay mustaqbal
wanaagsan leeyihiin.
Walaal, waxaan kuu hayaa fikrad ganacsi sahlan oo aan dhib
lahayn, oo laga yaabo adiga oo maashaada jooga inaad lacag
ka samayso. Qorshihiisa oo faah-faahsan dib ayaan kaaga soo
dirayaa. Hadda waxaan kaa codsanayaa inaad xaaladda dajiso
oo aad nafta khayr u sheegto. Fadlan jawaab igu soo celi
waxaad ka fahamto warkaan aan kuu soo qoray iyo sida aad u
aragto.
Waad
mahadsantahay.
Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
jibriil1950@yahoo.com