SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

qayskii abu jeylaani Eeg sawirka oo weyn
Waa Faadumo iikar iyo labadeeda carruurta ah oo shalay duhurkii ay jariidada Startribune sawirka kasooqaaday



Faduma Ikar, the widow of Abu Kassim Jeilani, with her 1-month-old and 3-year-old sons Sunday.
Faadumo iikar iyo labadeeda carruurta ah Cadnaan iyo Jibriil, waa qoyskii marxuum Abu Kassim Jeilani oo Policeka Minneapolis Toogasho kudileen Axad March 10, 2002
Sawirka: Pioneer Press
Abu Kassim Jeilani Jeylaani
Marxuum Abu Qaasim Jeylaani
Sawirka: AP
Community activist Chris Nisana speaks during a rally Monday after the police shooting death of a Somali man
Community activist Chris Nisana speaks during a rally Monday after the police shooting death of a Somali man.
PHOT: Pioneer Press
MEYDKII MARXUUMKA ay Pooliska Minneapolis toogteen oo yaaley halkii lagudiley somki The body of a man shot by Minneapolis police lies in a parking lot at the corner of Chicago and Franklin avenues. The man was carrying a machete and a crowbar when shot, according to authorities. Here, a Hennepin County sheriff's deputy examines the scene.
PHOTO: Star Tribune  
 
Kayser Osman died 300 yards from his home
A 15-year-old boy who was stabbed to death on a London estate may have been killed over a game of football according to police.
PHOT: BBC UK

"The police are trying really hard to keep him alive. One officer has stripped down to just his shirt and was pumping, pumping away on the boy's chest trying to keep him alive. He wasn't giving up," Michael Comer, 33, said. [Guardian]

Somali Version: Ka akhri halkan...


 
Dilkii Cabdul Maye | Dec 8, 2001

 
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka
XAYAYSIIS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida GUJI

Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI
Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
Waa Maxay Screen Resolution
800x600 waa kan ugu badan oo la adeegsado, macneheed? si aad u ogaatid GUJI
MAQAAL: 4tii Maxamed

Dad Sheegay In Marxuum Abu Qaasim uu Maansaar Laadlaadinayey, halka Boolisku ku andacoodeen in uu Kor u ruxruxayey Maansaarta
March 13. 2002 | SomaliTalk Team

Warar ay maanta (March 13) shaacisay mid kamida jariidadaha magaalada Minneapolis ayaa sheegay in dhawr kooxood oo Soomaali ah ay sheegeen in dad goobjoog ahaa ay u sheegeen in Abu Qaasim uu maansaar haystey iaydoo dad ay dhinaciisa tubnaayeen, laakiin sarkal boolis ah ayaa arintaas sheegay si kaduwan.

Dhanka kale waxaa warku sheegay in boolisku ay markii hore adeegsadeen xabbada Korontada ah, laakiin waxa wargeyskaasi ku waramay in lagayaabo in dharkii uu gashanaa uu ka difaacey korontada, waxaana lasheegay in uu Abu Qaasim yahay qofkii ugu horeeyey oo loo adeegsadey xabada korontada ama Taser ah oo kadibna ladiley. waa sida wargeysku u dhigaye.

Waxaa warku intaas ku daray in hal xabbo oo korontada ah lagu dhiftay Abu Qaasim taas oo sababtay in uu dhulka ku dhaco, laakiin wuu istaagey sida lasheegay oo socod bilaabay, tii xigtayna waxba waa ka tari weydey, markaas weeye marka lasheegay in ladiley. Warkii Wargeyska StarTribune

March 13, 2002


Dhibanayaasha Socodka Kujira
March 13 | SomaliTalk Team

Qoraal ay maanta (mach 13) shaacisay shabakadda ThisIsLondon ayaa shaaca ka qaaday in jaaliyadda Soomaalidu ay tahay jaaliyada uu dhibka ugu badan Soowajaho marka la barbardhigo dhammaan jaaliyadaha kudhaqan dalka Ingiriiska. Shabakaddu waxaa ay toos u soo xiganeysay cilmbi baarin ay dhowan shaaca ka qaaday NSPCC (National Society for the Prevention of Cruelty to Children), oo mujineysa arintaas.

Waxa ay jariidadaasi xustay dilkii shalay loo geystey Kayser Osman (15-jir), iyo dilkii Abdul Kadir Maye (15 jir ahaa) oo December 8, 2001 lagudiley London, UK.

Waxa kale oo wargeysku tibaaxay in shalay xabsi weligiis ah lagu xakumay wiilka dhawr iyo tobanjirka ah ee tooreeyeey Abdul Hamza oo 12jir ahaa oo deganaa Holloway kadib markii isaga iyo qoyskiisu ka soo carareen dagaalkii Somaaliya.

 

QUOTE: " Somalis have become the most victimised community in Britain, according to research by the NSPCC." ThisIsLondon

 


BOOLIISKA LONDON, UK OO AAD ISUGU DEYEY DEYEY IN AY BADBAADIYAAN KAYSER CUSMAAN

Sida ay maanta (March 13) ku warantay Jariidada guardian, mid kamida dadka deggan halka lagudiley marxuum Kayser oo lagu magcaabo Michael Comer, 33jir, ayaa tilmaamay sida ay boolisku isugu dayeen in ay badbaadiyaan wiilkaas, waxana uu ninkaasi yiri: "Waxay ahayd lixdii makhribnimo oo aan guriga kusoo laabtay, markaas ayaan maqlay sawaxanka gawaarida booliska,markaas ayaan bannaanka u soo baxay, booliska ayaa isku deyayey in ay dhiiga ku celiyaan, oo xataa mid ayaa dharkiisii sidaas ugu bixiyey, wuxuuna mid ka bambaynayey laabta (si uu hawada u qaato), waxay rabeen in uu noolaado. Kadib ayaa kalkaaliyayaasha caafimaadku yimaadeen, markaas ayaa booliskii oo dhami ku ifiyeen tooshashkooda dhankii wiilka si nal ahaan ah, malaha kalkaaliyayaasha caafimaad ayaa daweynayey markaas".

Jariidadu waxa ay intaas ku dartay in aan weli lahayn cida iyo sababta dilkaas. Warkii Jariidada oo dhan -Guji


15-Jir Soomaali ah oo Lagu Diley London, UK
SomaliTalk Team | March 13

UK - Wararka ka imanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa tibaaxay in wiil soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Kayser Osman Taladadii lagu diley magaalada London.

Waxaa wararku sheegeen in wiilkaas lagu diley mindi, welina macadda cidda dilkaas geysatey, cidna weli arintaas looma xirin.

 

Boolisska Ingiriiska oo raadinaya cidii dishey Kayser Osman
PHOT BBC UK
Waxaa warku intaas ku daray in wiilkaasi lagu diley meel gurigooda u jirta 300 yaardi, wuxuuna ku dhintay dariiqa lagu magcaabo Taylors Lane, Willesden, oo ah galbeedka London, qiyaastii markay saacada London ahayd 1800 GMT (lixii makhribnimo ) ee Talaado. Waxaana lasheegay in wiilkaas lasoo weeraray, dhacdadaan oo BBCda qaybta UK ay ku warbixisay in ay ka qayb qaateen sagaal dhallinyaro ah.

Waxaa wararku intaas ku darayaan in tan ay ku xiriirsantahay dagaal xagga kubada cagta ah, welise ma cadda cida iyo sababta dilkaas.

Marxuumku waxa uu dalka Ingiriiska yimid sannadkii 1989 isagoo kasoo cararay dagaalkii ahliga ahaa ee Soomaaliya.

Dhanka kale sida ay kuwarantay shabakadda icnetwor booliska ayaa raadinaya ama ku daba jira cidii dilkaas geysatey.

 

Street row led to fatal stabbing
Police hunt killer of 15-year-old Somali boy

March 13, 2002


Soomaalida Minnesota oo Cambaareeyey Booliska Minneapolis
SomaliTalk Team | Minneapolis, MN, USA | March 12

Wararka ka imanaya Minneapolis maanta ayaa tibaaxay in hogaamiyayaasha Soomaalida kudhaqan Minnesota ay cambaareeyeen dilkii boolisku ay dileen Abu Qaasim Jeylaani, waxaana ay weydiisteen in dad madax bannaan ay baaraan sidii falkaasi u dhacay, waxa kale oo ay weydiisteen in taliyaha booliska Minneapolis jagada laga xayuubiyo. Warkan halkan - StarTribune


Qareenada Soomaalida Minnesota oo Kubaaqay in Taliyaha Pooliska Minneapolis jagada Lagaxayuubiyo
SomaliTalk Team | Minneapolis, MN, USA | March 11 | Update: March 12

Wararka ka imanaya Minnesota ayaa tibaaxay in saakay (Isniin march 11) ay shir jaraa'id qabteen qareeno  Soomaaliyeed, kuwaas oo duqa magaalada Minneapolis ka codsaday in uu jagada ka qaado taliyaha booliska (Police Chief) ee minneapolis oo lagu magaabo Robert Olson.

 

"My husband died today and I can't think clearly," Ikar said through a translator as tears ran down her face. Pioneer Press
R.T. Rybak
Mayor of Minneapolis
Eeg sawirka oo weyn
Warxaafadeedkii Soomaalidu ku qabteen Minneapolis oo ay ku weydiisteen in Taliyaha booliska Lacasilo
Duqa magaalada Minneapolis, R.T. Rybak, oo saakay goobjoog ka ahaa goobtii warsaxaafadeedka lagu qabtay oo u dhow halkii lagudiley marxuum Abuu Qaasim Jeylaani [Abu Kassim Jeilani] ma uu ballan qaadin waxkaqabashada codsigaas (shaqada ka qaadida taliha Booliska).

Dhanka kale wararku waxa ay intaas ku dareen in kulan gaara ay galabnimadii shalay (March 11) isugu yimaadeen 40 Soomaali iyo duqa magaalada Minneapolis. Warka kulankaas oo faahfaahsan ka akhri Halkan - Pioneer Press

"Boolisku waxa ay adeegsadeen xoog aan loo baahnayn, waxay ka-toogan kareen lugta, ma ahayn in ay dilaan " sidaas waxaa yiri Cumar Jamaal oo ah madax sare oo katirsan xarunta qareenada Soomaalida oo ka hadlayey shirka jaraa'id. Waxaana uu intaas ku daray in afar qof oo Soomaali ah oo goobka dilku ka dhacay joogey ay booliska u sheegeen in ay caawini lahaayeen (marxuumka iyo booliska dhexdooda), laakiin ay taas boolisku diideen, waa sida warku u dhigaye.

Sida uu sheegay Telefishainka WCCO, galabnimadii axada ayaa taliyaha Boolisku sheegay in kadib markii uu Abu Qaasim istaagiwaayey isagoo weliba sitey maansaar markaas la toogtey, Warkii WCCO - akhri.

Marxuumku, Abu Kassim Jeilani, waxa uu ifka kaga tegey xaas iyo laba wiil, xaaska waxaa lagu magcaabaa Faadumo iikar [Faduma Ikar] oo 24-jir ah, labada wiil waxaa  lagumagcaabaa Jibriil [Jabril] oo 1-bil-jira iyo oo Cadnaan [Adnan] 3-sano-jir.

Marxuumku waxa uu Maraykanka yimid sannadkii 1997, waxaana uu markii hore degey gobolka North Dakota intii aanu usoo guurin gobolka Minnesota.

Sida ay ku warantay jariid kamida kuwa ugu afka dheer magaalada Minneapolis oo lagu magcaabo Pioneer Press, Jaaliyadda Soomaalida Minnesota  aad ayey uga caroodeen falkaan Boolisku ay ku dleen marxumka, taas oo ay ka horeysey baaritaankii Booliska ee dhimashadii Marxuum Cali Warsame Cali oo 66jirka ahaa ee Soomaaliyeed, marxuumkaas oo 22kii Octobar, 2001 kudhintay Minneaplois dhaawac lagaarsiiyey awgeed, laakiin ay ilaa hadda Soomaalidu aad u saluugsanyihiin qaabkii uu Booliku arintaas u baaray. Hoos ka akhri wararkii shalay e marxuumka.

Booliiska Minneapolis waa inuu dadka ula dhaqmaa si ixtiraam leh [Wardhere August 12, 2001 English Version

WAXYEELADA QABYAALADDA IYO WACYI GELINTA UMMADDA - RA'YI

Police-ka Minneapolis oo Toogtay Nin Soomaali ah

SomaliTalk Team | Minneapolis, Minnesota, USA | March 11

Sida ay ku warameen dad goob joog ahaa, waxaa galabnimadii Axada halka ay iska gooyaan Chicago iyo Franklin uu Police-ka Minneapolis ku toogtay wiil Soomaali ah, “wiilkan oo madaxa looga jiray in muda ahina dawo u socotay ayaa uu Polis-ku arkay isaga oo Baangad sita kadibna waa ay toogteen” sidan waxaa ku waramay Amin A E.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ninkaa dhaliinyarada ahi uu isla markiiba u dhintay rasaastii Polis-ka, iyadoo xataa dhimashadiisii ka dib uu diiday Polis-ku in laga qaado goobtaas oo uu shan saacadood oo kale uu yaalay [Eeg sawirka].

Lama oga ilaa iyo imika waxa iman doona ee tan ka dambeeya, laakiin waqti aan sidaa usii fogayn waxaa halkaa joogay oo baarayay arintaa qolyo dhar cad ah oo arintaa baarayay.

Marxuumku waxa uu deganaa Xaafada Ceder ee ay Soomaalida Magaaladan Minneapolis deegaankeedu u badan yahay. Marxuumku waxa uu dunida kaga tagay Xaaskiisa iyo caruur uu dhalay, oo kuligood ku nool isla xaafada Ceder.

Saxaafadda minnesota oo warkaan aad uga hadlay xalay, waxyaabihii ay ka qoreen waxaa kamid ahaa kuwa soo socda:

Sida ay qortay mid kamida jariidahada kasoobaxa Minneapolis oo lagumagcaabo Startribune, waxaa poolisku ay ninka Soomaalida ah kufureen ama ooda kaga qaadeen rasaas farabadan oo halmar ay dhawr askiri iskumar kufureen.

Waxaa jariidadu intaas ku dartay in mid kamida dad halka ninkaas lagudiley kusugayey Bus uu sheegay in ninkaasi uusitey mindi uu hoos u laadlaadinayey laakiin uusan cidna wax kuyeelayn markaas. Dhawr Soomaalida Minnesota oo wargeyskaasi waraystay oo garanayey marxuumka waxa ay sheegeen in uu ahaa nin aad u wanaagsan. Waxaana wargeysku ku waramay in Soomaalidu aad uga xumaadeen dilkaas. Warkii jariidadaas oo dhan Ka akhri halkan

War uu faafiyey Teleshanka kmsp.tv ee minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in nin Soomaali ah oo layiraahdo Calawi Jeylaani [Alawi Jeilani] uu sheegay in ninka la diley uu ahaa walaalkiis oo 27jir ah.

Waxaa TV-gu intaas ku daray in Soomaali kacabanayey ficilka Poolisku ay axadii goobtii dilku ka dhacay isugu soo baxeen, waxaana warku intaas ku daray in subaxda Isniinta ay Soomaalidu qorsheynayaan in ay qabtaan war saxaafadeed. Waxaa kale o wararku sheegeen in duqa magaalada Minneapolis, Mayor R.T. Rybak, uu sheegay in uu lakulmi doono madaxda Soomaalida Minnesota. Warkii TV Halkan ka akhri

Dhanka kale telefishanka lagu magcabo kare11 (minnesota) ayaa sheegay in Poolisku ay baaritaan ku samaynayaan booliskii arintan dilka ah geystey iyo sida arintu u dhacday.

TV-ga kale ee lagu magcaabo kstp ayaa sheegay in shan pooliska kamida si kumeelgaar ah shaqada looga farisiyey inta baaritaanka arintani socoto.

SomaliTalk Team

MPLS, March 11, 2002

Wararka kale ee Soomaalida - English


WARARKII MARXUUM CALI WARSAME CALI
StarTribune oo sheegtay in Marxuum Cali Warsame la diley

 

Somalis, Muslims denounce Star Tribune story
Watch the Video - From WCCOTV
"Somali and Muslim leaders on Monday denounced as inaccurate and irresponsible a Star Tribune story saying federal investigators believe that some Twin Cities-area Somalis sent money to a group linked to Osama bin Laden." StarTribune [Minnesota]
>> Somalis say news story is behind attacks on them
>> Somali and Muslim leaders dispute a newspaper report
>> Meeting to address reports of attacks on Somalis
>> Somalis and Muslims Dispute Report of Local
>> Local Leaders Deny Fund-Raising Link
>> Area donors may have given to Somali terror group

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD