SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wiil Soomaaliyeed oo Askar Booliska Minneapolis ka Tirsan ay Toogasho Ku dileen....

Waxaa habeen hore (Khamiis) habeen badhkii kadib lagu dilay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Guuleed oo 23 Jir ah. Wiilka Soomaaliga ah waxaa dilay askar ka tirsan Qaybta Booliiska Magaalada Minneapolis.

Sida ay sheegtay Kare11.com iyo kstp.com waxaa lagu dilay wiilka Soomaaliga ah isagoo waday gaari aad u dheeraynayey ayuu ku soo beegmay meel ay Policeka ku baarayeen gaari kale, waxayna ku yiraahdeen joogso mana uusan joogsan markaas ayaa sadex ka mid ah booliska ay toogteen waana uu dhintay.

Halkaan hoose akhri kana fiiri warka oo English iyo Video ah ama HALKAN DAAWO (Channel 5)

Waxaa soo tebiyey: Xuseen Cabdi

HALKAN KA AKHRI SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA.....

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 6, 2009

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS