SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

March 8, 2009: DIL LOO GEESTAY WIIL SOMALIYED OO TAX-KA WADAY GOBALKA WASHINGTON iyo Budhcad hubeysan oo shalay galab dukaankiisa ku hortoogatey nin lagu magacaabo Deeq Hurre(Sanweyne)

Feb 27, 2009: Dhallinyaro ku dhimatay saxaraha u dhaxeeya Suudaan iyo Liibiya....

Feb 20, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley London, UK

Feb 8, 2009: Koonfur-Africa Oo lagu dilay Ganacsadihii 7-aad ee Soomaaliya Sannadkan 2009-ka

Feb 5, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Askar Booliska Minneapolis ka Tirsan ay Toogasho Ku dileen....

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya....

Dec 12, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Oct 7, 2008: Labo Ganacsato Soomaali ah oo Lagu Diley K/Afrika iyo 30 Dukaan oo Soomaaliyeed oo la burburiyey


Nin Soomaaliyeed oo Lagu diley Minneapolis

Sept 30, 2008: Magaalada Minneapolis waxaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Cabdishakur Aadan Xasan. Marxuumka ayaa da'diisa lagu sheegay 19-jir. Waxaana wararku tibaaxeen in uu dhowaan bilaabey koleejo, islamarkaasna uu ku soo laabtay Minneapolis ciida soonfur awgeed.

Ma jiro weli cid loo qabtay dilka marxuumka. Waxana uu dilkaasi noqonayaa kii labaad oo qof Soomaali ah lagu dilay Minneapolis muddo toddobaad gudihiis ah.


Sept 26, 2008: Qoys Soomaaliyeed oo ka kooban hooyo iyo 3 deeda caruurta ah oo lagu gowracay South Afrika

Will Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis, USA....

Sept 22, 2008: Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa galabnimadii Isniinta (Sept 22, 2008) waxaa lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 20 jir. Marxuumka oo magaciisa la oran jirey Axmed Nuur Cali waxaa lagu toogtey barxadda meesha lagu magaabo Brian Coyle Community Center oo ku taal  Xaafadda Cedar ee Soomaalidu u badan tahay, halkaas oo uu ardayda Soomaaliyeed ka caawin jirey waxbarashada. Marxuumku waxa uu ahaa arday wax ka baran jirey koleejada lagu magaacaabo Augsburg ee Minneapolis.

Dilkii marxuumka waxaaloo qabtay qof in kasta oo aan magaciisa la shaacin, sida uu weriyey TV-ga Channel 5.


Sept 7, 2008: Muwaadhin Soomaaliyeed oo bada cape Town lagu la’yahay, iyo labbo kale oo siyaabo kala duwan loo diley.

Sept 4, 2008: Soomaali Baddan oo markaliya lagu laayay dalka K/Afrika.


Aug 28, 2008: Dilal kala duwan oo Loo gaystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka koofur Africa


Aug 16, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo 22-jir ahaa oo Lagu Diley Toronto, Canada


Aug 9, 2008: Nin dhalinyarro Soomaaliyeed oo la diley K/Afrika oo lagu aasay Port Elizaberth.  


August 7, 2008: Nin Soomaaliyeed oo lagu diley Minneapolis, USA

Habeenimadii Khamiistu soo geleysey (Aug 7), qiyaastii 1:00am saqda dhexe ayaa booliska (911) Minneapolis waxaa soo wacay nin sheegay in mindi lala dhacay. Markii boolisku gurigii tageen waxay la kulmeen guriga oo xiran, waxyna markaas gurigii ku galeen xoog. Waxay guriga dhexdiisa ka heleen nin si xun loo dhaawacay, waxaana markii loola cararay cibitaalka, halkaas oo uu dhaawacii u dhintay. Sidaas waxaa booliska ka soo xigtey TV-ga Channel 5 ee Minneapolis, waxaa sidoo kale warkaas weriyey WCCO.

Inkasta oo aan weli magaciisa la shaacin, haddana warbaahintu waxay sheegeen in ninka dhintay uu yahay Soomaali.

Wararka ugu dambeeyey ayaa tibaaxay in arrintan galabnimadii Khamiista loo xiray wiil 15 jir ah, oo warbaahintu ku sheegtay in ay is garanayeen ninka la diley.


July 22, 2008: Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley K/afrika iyo xiisad ka taagan dad qaxooti ah oo la tarxiilayo.


June 25, 2008: Nin Soomaaliyeed oo Toogasho Lagu Diley, Walaalkiisna Lix bilood ka hor ayaa lagu diley Minneapolis....


Marxuum Maxamed Jaamac..
Sawirka: KSTP TV

Habeenimadii Arbacada (qiyaastii 4:30 am) waxaa Brooklyn Center (oo la ollog ah Minneapolis) lagu toogtey nin Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 31-jir, magaciisana la oran jirey Maxamed Jaamac. Waxaana lagu hor toogtey Hotel uu kusoo booqanayey saaxibadiis oo ka tirsan ciyaartoyga Somali Basketball, sida uu weriyey TV-ga KSTP.

Marxuumka waxa uu ahaa tababare dhallinyarada Basketball, isla markaana la talin jirey dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis.

Marxuumka la diley waxaa sidaas oo kale walaalkiis toogasho lagu diley lix bilod ka hor Minneapolis. Video Warka ka daawo Halkan...


Boobka iyo rabshadaha ka dhanka ah Soomaalida iyo Ajaaniibta oo si aan horey loo arag ugu soo kordhaya K/Afrika. Apr 18, 2008


April 13, 2008: Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Cape Town, K/Afrika

Police-ka Cape Town, K/Afrika ayaa gacanta kusoo dhigey nin ku eedeysan dilka Ganacsade Soomaali ah oo April 13, 2008 la diley,  Marxuumka la diley oo magaciisa la oran jirey... Akhri halkan..


April 12, 2008: Arday Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis


Marxuum Abdulahi Awil Abdi.
Sawirka: WCCO TV

Magaalada Minneapolis ee USA waxa habeenimadii Sabtidu soo geleysey (April 12, 2008) toogasho lagu diley Arday Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 18-jir.

Marxuumka waxaa magaciisa la oran jirey Abdulahi Awil Abdi. Waxaana la toogtey isagoo dhex fadhiyey gaari taagnaa meel u dhow isgoska 6th Steet iyo Cedar Ave oo ah aag ay Soomaalidu ku badan yihiin. Dilkuna waxa uu dhacay 9:00 fiidnimo maalin Jimce habeen Sabti soo geleysey.

Marxuumku waxa uu ahaa arday dhigan jirey fasalka 12-aad ee dugsiga sare oo uu sannadkan 2008 ka qalin jebin lahaa.

Booliska Minneapolis ayaa baaritaan hadda wada, laakiin weli cid loo aanaynayo in ay dilkaas geysteen lama qaban.

Isha: WCCO, KSTP. KARE11


March 14, 2008: Police-ka Toronto oo dad u xirxiray Dilkii Wiilka Soomaaliga ah loogu geystay Canada

Ciidamada Police-ka ee Toronto ayaa Xabsiga dhigay qof oo lagu eedeynayo dilka wiil Soomaali ah, oo magaciisa la oran jirey Abdikarim Ahmed Abdikarim, oo ay ku toogteen banaanka dhisme ku yaal Magaalada Toronto ee Caasimada Canada [March 14, 2008] oo tacshiirad lagu furay marxuumk aiyo koox dhalinyaro ah oo gaarayay shan... Akhri warka oo dhan...


Maarso 18, 2008: Laba Soomaali ah oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Anfac Sh. Cali Cabdalla, iyo Nuur Ibraahim ayaa 48 saac ee lasoo dhaafey lagu diley gobolka barwaaqo- sooranka ah ee Guateng dalka K/Africa. Labbadani muwaadhin oo aan midkood aaskiisa ka qeyb galay, ayaa lagu kala diley tuulooyin ku kala yaala duleedka magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, labo dhacdo oo kale gadisan balse isku natiijo ku dhamaaday ”Dil”.... AKhri Halkan...


Maarso 12, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Ingiriiska

Wiil Soomaali ah ayaa lagudiley Liverpool kaddib markii dhaawac looga geystey madaxa. Wiilka dhintay ayaa magaciisa la oran jirey Axmed Maxamed Ibraahim [Ahmed Mohammed Ibrahim], waxayna da'diisu ahayd 17-jir.

Sida ay faafisay shabakada Liverpool Daily Post, arrintan ayaa dhacday kaddib markii ugu yaraan 16-wiil oo Soomaali ah ay dagaalameen, waxaana halkaas dhaawac ka soo gaarey labo wiil oo 17-jirro ah oo loo qaaday cisbitaalka Royal Liverpool Hospital, mid kamid ah uu dhintay.

Waxaa jariidadu saraakiil ka soo xigatey in dhibanayaasha iyo inta kale ee arrinta ka qayb qaatay ay dhammaan ahaayeen wiilal Soomaali ah. Waxaana baaris lagu hayaa in arrintu la xiriirto gangs iyo in kale...

Tixraac: http://www.liverpooldailypost.co.uk | March 12, 2008



Jan 6, 2008: Laba Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Lagu Gubey K/Africa... 

  • Laba Soomaali ah oo markii la toogtey kaddib dab lagu Gubey Xaafadda Duncan Village ee East London, Eastern Cape, Koonfur Afrika.....
  • Gobolkani Eastern Cape, ma ahan gobol ku cusub in dad soomaali lagu gubo, 14/11/07 ayay aheyd markii labo wiil oo soomali ah oo wada dhashay lagu gubey dukaankoodii oo ku yiiley Mthatha, sanad iyo bilo ka hor (2006) magalada Muselbay ayaa sidoo kale labo dhacdo oo isku mid ah oo isu dhawaa iyana lagu gubey rag soomaali ah 4 gaarayay.
Afeyeen u hadlay police-ka oo lagu magacaabo Captain Stephen Marais ayaa saxaafada u xaqiijiyey in gacanta lagu hayo nin 29 jir ah oo ku eedeysan dilka, dhaca iyo dab qabadsiinta labo nin oo ah dhalinyaro soomaaliyeed, oo habeenkii axada abaaro 2:34 laga heley dukaankooda dhexdiisa iyagoo jirkooda ku yaalaan xabado, si xuna u gubtey kadib dab la qabadsiiyey, kaasoo gubey hantidii dukaanka tiiley.

Sida SomaliTalk.com uu u xaqiijiyey Suldaan M. Abdi oo ah arday wax ka barta jaamacad K/afrika ku taala, oo goobta falku ka dhacay u tagay aaska , nimanka dhalinyarada ah ee la gubey ayaa lakala oran jirey Saciid Khaliif Jaamac, 17 jir (shaqsigii ugu da'da yaraa oo loo dilo dhawaanahay sidaasi foosha xun), iyo Badal Sh. Maxamed, 26jir,  labada dhibane ayuu sheegey in eey dukaanka shaqaaale ka ahaayeen, isla markaasna eey kaligood hurdeen markii saqdii dhexe habeenkii axada ee taariikhdu eey ku beegneyd 06/01/08 eey koox hubeysan albaalka kusoo jabisay qufuladii tacshiirad, kadibna gudaha usoo dhaadhacay,.... Akhri warkan oo dhan... Guji...


Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Jan 1, 2008: Shalay galinkii dhexe ayaa dhowr nin oo aan heebtooda la garanaynin oo hubeysay u dhaceen dukaan tuulo ku yaala oo rag soomaali ah leeyihiin, xilli 3 nin oo soomaali ah oo qaar ka shaqeeya iyo kuwa leh isugu jirey eey ku sugnaayeen gudaha tukaanka dhibtu ka dhacday, ragii hubeysnaa ayaa si aan loo miidaan dayin u furey xabadi, kuwaasoo midii ugu horeysey eey haleeshay Cumar Cabdi Nuur, 27 jir, tukaankana shaqaale ka ahaa, isla markaasna dalka yimid 13/11/07. isla maalintaasna shaqo u tagay isla tukaanka uu shaly ku geeriyoodey. Akhri warka oo dhan....



Yasin Abdirahman

Wiil Somaaliyeed oo lagu dilay Galbeedka London...

03/09/07: Wiil soomaaliyeed oo lagu macaabi jiray Yaasiin Abdriaxmaan , 22 jir ahaa ,ayaa lagu dilay galbeedka magaaladaan London, gaar ahaan xaafada Southall,

Yaasiin iyo wiil la socday oo saaxiibkiis ah oo isna degan isla xaafada  Southall, ayaa waxaa weerar kusoo qaadey kooxo wejiga soo dabooshey, oo watay Tooreeyo, 03/09/07 , saacadau markii aay ahyed 10:50PM meel aan sidaas uga fogeyn guriga Yaasiin, iyagoo  markaas ku socdeen guriga . 

Hase ahaatee markii weerarku dhacay ayeey labadii wiil midba dhinac u eryadeen, qoladii weerarka soo qaadey , waxaana dhacday in Yaasiin, si xun loo tooreeyey, oo  uu dhaawac halisa noqday , waxaana loola cararay Ealing hospital, halkaas oo uu Miyir beelay, galayna xaalad miyir dabool ah , waxaana uu Yaasiin u geeriyaadey dhaawacaas soo gaarey  11/09/07 gelinkii danbe .

Waxaa si aad ah uga naxay arintaas ku dhacday wiilkaan soomaaliyeed dhammaan dadkii yaqaaney, waayo wuxuu ahaa wiil aad u degan , akhlaaq fiican, kuna fiican waxbarashadiisa, wuxuuna dhiganayey Sanadka Labaad ee Jaamacada . 

Policeka degmada Ealing oo kaashanay qeybta dembiyada baarta ee Policeka London, ayaa wada baaris xoogan oo ku aaden sidii loo soo xir xiri lahaa kuwii ka danbeeye dilka Yaasiin Abdiraxmaan, waxaana ilaa iyo hada xiran dhawr ruux, kuwaasoo mid ka mid ah inuu dilka geystay lagu eedeeyey, , Policeka ayaa ku rajo weyn in inta dhiman ee ka qeyb qaadatay fal danbiyeedkaan, gacanta lagu soo dhigi doono, waxeeyna ii sheegeen Policeka in aay  wada aqoonsadeen dhammaan kuwii ka qeyb qaatey falkaas burcadnimo , gudahana lasoo wada dhigi doono maalmahaan . 

Abdullahi Osman
Manager
Access for Support and Development Centre
Aosman66@yahoo.co.uk


London, UK: Aabbe Soomaaliyeed oo Mindi Lagu Diley


Qoyskii Marxuumka: Eeg sawirka oo weyn

May 8, 2007: Waxaa magaalada London, xaafadda Islington, lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 41-jir magaciisana la oran jirey Mohamed Ali Maslah, ahaan aabbe dhalay shan carruur ah, wadenya Taxi. Sida laga soo xigtey booliska waxaa marxuumka mindi lagaga dhuftay wadnahana. Waxaana boolisku ay marxuumka heleen qiyaastii 3am.

Xaaskiisii oo magaceeda la yiraahdo Sahra, oo 35-jir ah, waxay tiri: "Ninkaygii waxa uu ahaa nin aad hawl-kar ah oo ku dadaalayey sidii uu u korin lahaa qoyska, waxa uu ahaa aabbe wanaagsan", aad ayeyna uga murugootey geeridaas naxdinta leh.

Marxuumku waxa uu dalka Britain tegey sannadkii 1989, xaaskiisuna laba sano kaddib ayey halkaas ugu timid. Halkaas oo ay noloshoodii ka bilaabeen, waxayna dhaleen shan carruur ah oo ah: laba gabdhood; Sowsan oo ah 11-jir iyo Samiya oo hal-sano-jir ah, iyo saddex wiil, Ahmed 10-jir, Yahya 8-jir, Maslah 3-jir.

Marxuumka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Sayid Ahmed Ali oo 57-jir ah waxa uu sheegay in geeridaasi ay murugu weyn ku reebtay qoyska, gaar ahaan carruurta.

Qoraalkii ay dilkaas ka qortay Jariidada This Is London ka eeg halkan
Faafin: May 8, 2007


Ganacsade Kale oo Si Arxan Darro ah Loogu Diley magaacalada Capetown ee Koonfur Afrika

Waxaa Isniintii casarkii si arxan darro ah loogu toogtay xaafada Fillipi ee Caasimada Cape Town, Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Cusmaan Qayre, oo da'adiisa lagu qiyaasey 24 jir, kadib markii ay burcad aan weli faah faahin laga helin ay ugu soo galeen dukaan uu ku sugnaa iyadoo mulkiilayaashii dukaankaas ay dibada ku maqnaayeen.

Marxuumkaan ayaa waxaa uu wadankaan Koonfur Afrika soo galay mudo lagu qiyaasay sadex bilood asagoo ka soo cararay dhibaatooyinka ka aloosan dhulkiisii hooyo.

Hadaanu nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Cape Town waxaanu ka xunahay dhibaatada xasuuqa iyo barakaca ah ee ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ah ay ka wadaan caasimada Muqdishu, taasoo hoos u ridey rajadeenii ahayd inaan fursad u helno sidii aan dib ugu soo noqon lahayn dhulkeena hooyo taasoo naga kaafin lahayd darxumada, karaamo la'aanta iyo dilalka nalaku bartilmaameedsanaayo.

Maxaan taageero ah oo aan ka sugaynaa dowladii loo hanweeynaa, mar hadii ay shacabkeedii si naxariis daro ah u gumaadayso, yaase nalooga haybeeystaa mar hadii dadweeynihii ay dowladahoogu na martigaliyeen daawanayaan dowladii Soomaaliyeed oo shacabkeeda xasuuqaysa.

Cidkasta oo Soomaaliyeed ee gacan ka gaysan karta falalkaan wuxushnimada ah ee lagula kacaayo xoogsatada aan waxba galabsan waxaan ka codsaneeynaa ineey  nagu soo biiriyaan wixii karaankooda ah ee ay nagu taageeri karaan.

Sawirada aaskii marxuumka ka eeg halkan....

Hussein Dulqalam
salamacpt@hotmail.com
Faafin: April 16, 2007


Nin Soomaali ah oo Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku Feisal Omar waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Phoenix, Arizona | Apr 6, 2007 | Updated: April 7, 2007


IDEO: Videoga warka TV-ga News5 ka daawo halkan

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah oo magaciisa la oran jirey Feisal Omar kaas oo ifka kaga tegey siddeed carruur ah iyo hooyadood.

Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.

Sida uu sheegay telefishanka News5 ee Phoenix AZ, oo soo xiganeyey booliska, waxa uu marxuumku tegey guri uu ka soo qaadi lahaa saaxibadiis si ay u aadaan salaada Jimcada, markii uu gaarigiisii istaajiyey meesha gawaarida la dhigto ayaa waxaa halkaas durbadiiba ugu yimid nin kale, oo sida loo malaynayo muran halkaas ka dhashay la xiriira meesha gaawaarida la dhigto, markaasna uu bartii ku toogtey marxuumka.

Dad arkayey ayaa sheegay in ninka toogashada geystey uu gaarigiisa ka soo degey oo toogtey marxuum Feisal Omar oo isku deyayey in uu meesha gaariga uu watey watey ka dhaqaajiyo.


Meesha lagu diley marxuumka. Guri ku yaal isgoyska: 41st Street & McDowell Road. Phoenix, AZ

Waxaa warku intaas ku daray in ninkan wax toogtey uu gaari uu watey inta uu xagga dambe kaga duqeeyey gaarigii marxuumka ayuu inta uu gaarigiisii ka soo degey waxa uu toogtey marxuumka oo weli ku dhexjira gaarigiisii. Markaas kaddib ninkii wax toogtey waxa uu ka cararay bartii, waxana uu kaga cararay gaarigii uu watey.

Laakiin cabbar kaddib, ayaa nin soo laabtay oo gaarigii ninka wax toogtey ka kaxeeyey meeshii, waxaana warku sheegay in gaarigaas iyo ninkii wadey la qabtay oo su'aalo la weydiinayo. Lama hubi in ninka la qabtay uu yahay kii dilka geystey iyo in kale, laakiin waxaa la hayaa gaarigii uu watey.

Boolisku waxay sheegeein in dilku dhacay qiyaastii duhurnimadii Jimcadii, kana dhacay guryaha ku yaal isgoyska 41st Street & McDowell Road ee magaalada Phoenix, AZ.

Telefishanka News5 uu sheegay in Marxuumka (Feisal Omar) uu ahaa qaxooti ka yimid Soomaaliya, waxana uu ka tegey xaas iyo siddeed carruur ah oo jooga gobolka Ohio. Waxa uu Phoenix u tegey shaqo.

Warar dheeraad ah ayaa sheegay in marxuumku uu dalka Maraykanka yimid bishii August 1992, sida uu AP u sheegay Hakim Osman oo ah madaxa jaaliyada Soomaalida Arizona. 6,000 ilaa 8,000 oo Soomaali ah ayaa lagu qiyaasay in ay ku nool yihiin maagaalada Phoenix.

Waxaana warku intaas ku daray in marxuumku deganaa magaalada Columbus ee gobolka Ohio halkaas oo qoysku u deganaa, waxana uu tegi jirey magaalada Phoenix ee gobolka Arizona oo uu shaqo joogto ah ka raasaneyay.

Waxaa wararka dheeraadka ah intaas ku dareen in marxuumka guryaha lagu ag-diley ay deganayd walaashiis Khadra Gureye Abtidon oo soo booqanayey.

"Waxa uu marxuumku ka soo cararay dagaalka ahliga ah ee Soomaaliya, waxana uu doonayey in uu carruurtiisa ku koriyo meel ammaan ah" sidaas waxaa yiri Mohamed Baraki oo ay ilma adeer labad ahaayeen marxuum Feisal Omar.

Siddeeda Carruurta ah ee uu marxuumku ka tegey waxay da'doodu u dhexaysaa 1 ilaa 13 sano jir.

Booliska Phoenix waxay dadweynaha ka dalbadeen cid kasta oo akhbaar ka haysa dilkaas in ay la xiriiraan 480-WITNESS.

Isha: ABC15, News5, azcentral | Updated: Apr 7, 2007


Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee K/Afrika:::

Faafin: Sabti: Nov 18, 2006

Wararka SomaliTalk.com ka soo gaarey Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu dil hor leh ka dhacay gobolka Eastern Cape, caasimadiisa Port Elizabeth, xaafada loo yaqaan New Bright, wuxuuna falkaan dhacay maalintii shalay oo ahayd (Jimce Nov 17, 2006), waxaana marxuumka loogu soo galay dukaankiisa dabadeedna lagu dhuftay shan xabadood taasoo uu ugeeriyooday.

Marxuumkaas oo isla shalay la xabaalay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Shaafi Sheekh Xareed, wuxuuna wadanka ku noolaa sida la ii sheegay 2 ilaa 3 sano.

Dilka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan K/Afrika ayaa ah mid faraha ka baxay oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa. Haddaba maxaa la gudboon Soomaalida.. Fadlan akhri qormada Soomaalida K/Afrika: Cidna uma maqna Ceelna uma qodna, isla markaana talaadaada u gudbi qoraaga GUJI HALKAN....



Maxmed Cabdi Faarax oo dukaankiisa alaabo ku gadayey

NIN SOOMAALI AH OO LAGU DILAY  MAGAALDA GEORGE EE SOUTH AFRICA

Faafin: Talaada Nov 14, 2006

Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee ku dhaqan Gobalka Western Cape magaladda George ayaa Jimcihii la soo dhafay u geeryooday Jirdil naxariisdaro ah oo loo geystay mana jirto cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay arintaani.

ugaarsiga iyo gumaadka loo geysto Ganacsatadda ayaa sii kordherysa falalkaasi oo ay geestaan burcad madow ah oo naxariis daran kuwasoo marka ay dadka dhacaan madaxa ka toogta ama nolosha ku guba mana jirto cid wax ka qabaneyso arintaani hadii ay ahaan lahayd dowladda ama ururadda u dooda Xuquuqda aadanaha intaba.

Mustag Shiikh Daahir and his friend fiyoore .
South Africa

Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


Nin ganacsade ah oo si xun loogu dilay..

Nov 15, 2006: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in habeen hore nin ganacsade caan ah ka ahaa Nayroobi Maydkiisa laga helay isagoo jarjaran goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Nayroobi.

Ninkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay u soo dhaceen koox tuugo ah, kaddibna inta ay dukaankiisii kala baxeen jarjareen iyagoo u adeegsaday Faas iyo Toorey.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday falkaasi, waxayna ka codsadeen Dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badana ay baaritaan ku sameyso dadkii ka dambeeyay dilkaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Gaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ganacsato Soomaaliyed lagu dilo Kenya, iyadoo la og yahay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato weyn ku qabaan booliiska wadanka Kenya oo maalin walba ka qaata baad isla markaana kula kaca xarig iyo jirdil.

Ganacsatada ku nool Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid kasta oo ku soo gardaroota naftooda iyo maalkooda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika:
Sept 19, 2006:
Yusuf Bahar Abdullahi Sheekow waxaa lagu dhex diley dukaan uu lahaa oo.... Akhri...

Xaafadda Islii, Nairobi, oo lagu dilay laba qof oo Soomaali ah

Waxaa dil loo geystay maalintii shalay ahayd ee  sabtida (oct 21, 2006) laba qof oo soomaaliyeed oo watay gaari yar oo ah kuwa taksi ahaanta loo istic maalo xaafada islii ee magalada Nairobi.

Wariye ka tirsan wargayska Xog ogaal oo la yiraahdo Dayax Maxamed Cawaale ayaa somaliTalk u sheegay isagoo goob jog ka ahaa falkaasi in dadkaan somalida ahaa ee lagu dilay xaafada islii maalintii shalay ahayd  la kala oran jiray  Marxuumad Khadiijo Max’ed Cawad (khadiijo-Daalo)  iyo  Marxuum Siyaad Sheekh Axmed (catoosh) iyadoo haweenyada ay ahayd mid maamule ka ah shirkad ah agency diyaaradeed oo isku xiraha Somalia iyo dibadaha .  

Dadkaas Soomaaliyeed ee ladilay ayaa dilkooda waxuu ka dhacay xaafadda islii ee magalada Nairobi ay somalidu ka dagan yihiin  khaasatan Wadada hor marta Warsame Gas Station.

Labadaa qof ee somalida ahayd ee la dilay ayaa waxaa geystay dilkooda  Burcad Kenyan ah  ku hubeysan AK 47 iyo waliba bistooalado sida muuqatay oo uu wariyaha noo sheegay . 

Burcadda dilka geysatay ayaa gaariga ay saarnaayeen labada mar xuun waxey daba socdeen intii aysan qaban ka hor in kastoo uu dareemay darawalka haddana uma suura galin in uu ka baxsado burcadaas waxeyna ku hor gooyeen gaari ay wateen dabadeedna waxey ku bilaabeen rasaas sidaasna waxaa cadeeyay dad markaas marayay wadada oo aan ku gaarnay markii aan tagnay goobta falku kadhacay. 

Burcadda markii ay dileen darawal Catoosh ayay isla markiiba ku xejiyeen gabadhii oo ay ka qaateen boorso dusha u saarneyd oo aan lacadeyn lacagta ku jirtay caddadeeda balse aysan aheyn mid yar sida lasheegay.

Arinkaan ayaa aheyd mid cabsi galisay bulshada soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda islii, mana ahan markii koowaad ee dil ceynkaas oo kale ah.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com
SomaliTalk Faafaahin 22.octbor 2006


Nin Soomaali Bantu ah oo Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay..

Said Biyad oo diley afar carruur ah oo uu dhalay.

Oct 6, 2006: LOUISVILLE, Kentucky: Booliiska magaalada LOUISVILLE ee gobolka Kentucky ayaa sheegay in Jimcadii (9.a.m barqanimo) uu xarunta Booliska yimid nin sheegtay in uu soo diley qoyskiisii, markii la tegey gurigii oo ah guryaha dowlada Public Housing waxaa laga helay afar carruur ah oo meyd ah iyo qof dumar ah oo dhaawac ah (3 Gabdhood iyo 1 wiil), taas oo ah carruurta hooyadood.

Ninka dilka geystey waxaa magaciisa la yiraahdaa Saciid Biyaad (Said Biyad), waana 42-jir, waxana durbadiiba lagu soo oogey dacwada ah in uu geystey afar dil oo ah derejada koowaad ee faldembiyeedka.

Waxaa warku intaas ku daray in qoyskani ay yihiin Soomaali Bantu oo Qaxooti ahaan ku yimid Mareykanka sannadkii 2004, waxana markii hore yimaadeen magalada Portland ee gobolka Oregon. Waxana ay 2006 u guureen magaalada Louisville ee gobolka Kentucky. (Waxaa Louisville u soo guurey hooyada iyo carruurta oo uusan la socon Saciid Biyaad, waxa uu ku haray Oregon).

Hooyada dhaawaca ah magaceedu waa Fatuma Amir waana 29-jir, afarta carruurta ah geeriyoodey magacyadoodu waa Sidi, Fatuma, Khadija iyo Goshany, waxana ay dhasheen intii u dhexeysay 1998 iyo 2003 [da'dooduu ahayd: 8, 7, 4, 3 sano jir], Sida uu sheegay Cusmaan Nuur (Osman Noor) oo ay walaalo yihiin Fatuma Amir oo ah hooyada carruurta dhashay.

 
Dad hor tuban gurigii dilku ka dhacay | Sawirada oo weyn ka fiiri... | Isha:  Courries Journal

Waxaa wararku sheegeen in dhaawaca Fatuma Amir uusan halis ahayn oo lagu daweynayo cusbitaalka "University Hostpital". Waxaana wararku sheegeen in madaxa uu dhaawac ka gaarey.

Waxaa laga soo xigtey Boliska in March 24, 2005 uu iska hor imaad ama muran dhex maray qoyskaas (waa ninka iyo Fatuma Amir) intii ay deganayeen Oregon.

Hassan Muya oo ay reerka is garanayaan waxa uu sheegay in qoyskaasi ay Soomaaliya ka yimaadeen iyaga oo qaxooti ahna ay yimadeen gobolka Oregon, kaddibna ay Fatuma Amir kasoo guurtey gobolkaas oo timid Louisville, waxayna ay gobolkaas uga soo guurtey kaddib markii arrimo dhex mareen iyada iyo Saciid Biyaad. Waxana uu intaas ku daray in Saciid Biyaad uu toddobaadyadii la soo dhaafay uu soo garey magaaladan, laga yaabee in uu rabey in wada xaajood, ayuu yiri Muunya.

Telefishanka WHAS11 waxa uu sheegay in Fatuma Amir iyo afarteeda carruurta ah ay Louisville yimaadeen 8 bilood ka hor ayagoo sababta ay usoo guureen ay ahayd in ay ka soo fogaadaan Said Biyad. Maalintii Khamiista ahayd ayuu Biyad yimid guriga ay deganayeen Fatuma iyo carruurtu, markaas ayey u ogolaatay in uu guriga soo galo. Subaxdii xigteyna waakan tegey booliska isagoo sheegay in uu qoyskiisii soo diley, markaasna gurigii laga helay afartii carruurta ahaa oo meyd ah iyo Fatuma oo dhaawac ah. Waxaa warku intaas raciyey in dembi-baarayaashu ay sheegeen in labo ka mid ah carruurtu ay hurdeen markii uu qowracey Said Biyad, labada kalena ay ka muuqatay nabaro muujinaya in ay is difaacayeen markii uu dilayey.

Telefishanka WAVE-3 waxa uu sheegay in loomalaynayo sababtu uu ninkani qoyskiisa u diley in ay ahayd in uu xaaskiisa uga shakiyey gogol dhaaf. HALKAN DAAWO...

Subaxnimadii Sabtidii (Oct 7) ayaa la aasay afartii carruurta ahayd ee uu abahood diley. Isla subaxdaad ayaa Saciid Biyad la hor geeyey Maxkamada, halkaas oo lagu soo oogey fal-dembiyeedka ah in uu diley afar carruurtiisa ah. Markii maxkamada la hor keenay wax hadal ah ma uusan dhehin, madaxa ayuuna hoos u foororinayey.


Carruurtii oo lagu tukanayo salaatul janaasada

Saciid Biyaad oo maxkamada la soo taagey

Isha: courier-journal, wftv, Wave



Gabar Soomaaliyeed oo Hooyadeed Mindi ku dishay dalka Norway

August 31, 2006: Inkastoo ay tani tahay midi ugu horeeysay ee nooceeda waayadan qurbaha ka dhaca hadana ilaa iyo iminka lama oga sababta gabadhani ay hooyadeed mindida ugu dishay.


Meyskii hooyada ay gabadheedu dishey

Waxeyse aheyd habeenimadii khamiista soo galeysay markii gabadhan aan caafimaadka qabin ay hooyadeed si ulakac ah mindi madax uga dhifatay xilli goor dambe aheyd oo hooyadaasi hurdeysay. Boolisku waxey xireen nin la sheegay inuu yahay ninkii haweeneyda qabay oo gabadha adeerka u ah, arrinta aan la xaqiijin karrin ayaa ah in adeerkaasi shiraako la ahaa dilka loo geystay hooyadaasi.

Markii gabadhani ay hooyadeed mindida ku dhifatay ayey baxsatay iyadoo wararka aan xog ogaalka u noqdeyna ay ii sheegeen in gabadhaasi ay wiil yar oo walaalkeed 10 jirna ah ay ka xoogtay teleefanka gacanta si aanu booliska ugu dirrin islamarkaasina ay guriga kor ugu xirtay. Iyadoo baxsad ah ayey cido ay u tagtay u sheegtay hooyadeed iney dishay sidaasina ay qoyskii ku wargeliyeen falkii dhacay.

Su'aasha hadaba la isweydiinayo ayaa ah maxaa kalifay gabadhani oo da'deeda lugu sheegay 18 jir in ay hooyadeed disho. Xirriiro aan Norway la sameeyey ayaa ii sheegay in gabadhani ay waayadan dambe xirriirka ay hooyadeed la laheyd uu aad u xumaa. Sidoo kale dadkii aan la xirriiray ayaa misna i isheegay in gabadhu laheyd uur lana qabo. Markii shilkan dhacayey adeerkii hooyada qabay uu joogay guriga muxuuse gacan ah oo ka geystay si xaaskiisa uga badbaadiyo dilka ay gabadheeda u geystay?
 

Gabadhani waxey diiday iney jawaab rasmi ah ka bixiso falka ay geysatay balse waxey sheegtay iney hadli doonto maalinta berito ah oo jimca ah.
 
Dalka Norway soomaalida degan ayaa la rumaysan yahay in qaarkood xaalad adagi heyso mana ahan dilkani midkii ugu horeeyey ee soomaalida dalkaasi degan isku geystaan iyadoo horey dilal badan ay uga dhaceen balse tani waa tii ugu horeysay nooceeda ee soo marta soomaalida Yurub degan gaar ahaan dalalka Iskaandaneefiyanka. Akhri: Warar dheeri oo ah ku saabsan dilkii hooyo Soomaaliyeed loogu geystay dalka Norway

W/D: Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalis.com

Toronto: Gabar 20-jir ah oo Meydkeedii laga Helay Bac taal meel Qashinka Laga Qaado....

Yasmin Ashareh, 20, died of multiple stab wounds to the neck.
Marxuumad: Yasmin Ashareh


Toronto, Canada: Magaalada Toronto waxaa Jimcadii (July 14, 2006) meydkeedii la helay Yasmin Ashareh oo ahayd 20-jir. Waxaana boolsiku sheegeen in marxuumada mindi lagala dhacay qoorta.

Waxaa la helay meydka marxuumada oo kujiray bac ah kuwa qashinka lagu guro oo taaley meel qashinka la dhigo oo ah dariiqa wadada Martin Grove Rd oo u dhow meesha ay ka shaqayn jirtey.

Waxaa la sheegay in bacda uu kujirey meydka marxuumada uu helay qof qashinka halkaas ka qaadi lahaa, waxaana boolisku sheegeen in meydku u muuqdey mid bacdaas kujirey dhawr maalmood kahor intii aan la helin.

Isha: CTV, TheStar, CBC.


Boston, USA: Wiil Soomaaliyeed oo Toogasho Lagu Diley


Marxuum: Abdirauf Abdullahi
VIDEO: TV 7.NEWS BOSTON


BOSTON, USA: Magaalada Boston waxaa habeenimadii Axad (June 25, 2006) toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Cabdirauf Cabdullahi, da'diisuna ay ahayd 19-jir.

Waxaana uu dilku dhacay 11:30 habeenimo, kana dhacay dhanka koonfureed ee magaalada Boston, meel u dhow guriga marxuumka.

Waxaa dilkaas loo xiray laba wiil oo 15-jirro ah.

Defense lawyer Peter Muse spoke during the arraignment of Eloy Sierra, 15, accused in a fatal shooting, in court in Boston.
Eloy Sierra (Dhexda madaxa loo qariyey) oo uu la taagan yhay qareenkiisa iyo askari | Sawirka: Boston Herald

Aaskii marxuum Abdirauf Abdullahi | Boson, June 27, 06 | www.boston.com

Eloy Sierra (oo ah 15-jir), ayaa lagu soo eedeeyey in uu dilka geystey. Waxaana arrintaas caddeeyey wiil ay saaxiibo ahayeen marxuumka la diley oo markaas la socdey marxuumka, sheegayna in Eloy Sierra uu ahaa kii xabbada ku dhuftay Abdirauf Abdullahi. Waxaana la sheegay in wiilkaas dilka lagu soo eedeyey la saari doono maxkamada dadka waaweyn.

Waxa kale oo la xiray 15-jir kale waxaana lagu amray in jeelka lagu hayo, oo la sootaago maxkamada lasaaro dhallinyarada, lacagta damaanada ee laga bixin karona wiilkan waa $200,000.

Labada wiil ee loo xiray dilka waxaa la sheegay in ay markii dilkaasi dhacay ay ku fakadeen laba baaskiil, laakiin markiiba ay boolisku gacanta kusoo dhigeen

Qaraabada marxuumka la diley waxa ay sheegeen in qoyska Abdirauf Abdullahi ay ka soo carareen Soomaaliya, waxana ay Boston yimaadeen sannadkii 1996. Abdirauf waxa uu bishan (June 2006) dhamaystiray kana qalin jebiyey Dugsi Sare, waxana u qorshaysnaa in uu bilaabo jaamacada University of Charleston ee West Virginia.

Cabdirahman Yuusuf oo qoyska marxuumka yaqaaney muddo dheer, ahaana dadkii ku caawiyey in ay u soo guuraan Boston ayaa jariidada Boston Herald waxa uu u sheegay in qoysku ay markii hore degeen Memphis, laakiin ay halkaas si degdeg ah uga soo guureen kaddib markii ay xabbad wiifeysa ugu soo gashay qolkooda fadhiga.


Faadumo Maxamed oo ah hooyadii marxuumka la diley

"Waxa ay ka yimaadeen Afrika ayagoo ka soo cararay rabshado, waxaa xabbadi ugu suu gashay gurigoodii (Memphis)," ayuu yiri Cabdirahman Yuusuf, waxana uu intaas raaciyey "haddana tan ayaa dhacday."

Talaada (June 27, 2006) ayaa marxuum Cabdirauf Cabdullahi lagu aasay Boston. Marxuumka hooyadiis oo magaceeda la yiraahdo Faadumo Maxamed ayaa TV-ga Boston ee Channel 5 waxa ay u sheegtay in wiilkeedi la diley uu ahaa "Wiil aad iyo aad iyo aad u wanaagsan". Halkan ka daawo Aaskii Marxuumka.

VIDEO: Channel 4 halkan ka daawo...

Dilkan marxuumkan waa kii 35-aad ee ka dhaca magaalada Boston sannadkan 2006, marka la barbar dhigo tirada dilka ee magaaladaas ka dhacday sannadkii 2005 xilligan oo gareysey 27-dil.

Dhamaadkii bishii May ee 2006 ayey ahayd markii Minneapolis/St. Paul lagu diley 19-jir Soomaaliyeed oo dhiganey koleejo... (Warkaas hoos ka akhri.)


http://news.bostonherald.com

Tarjumadii SomaliTalk.com | June 27, 2006 | Isha: 7.News Boston, Boston Herald | www.boston.com


Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo Toogasho lagu Diley


Marxuum: Shaafi C/raxman Axmed

Habeenimadii Isniinta (May 29, 2006) qiyaastii markey saacadu ahayd 3:30 am ayaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 19-jir. Dilku waxa uu ka dhacay halka ay iska gooyaan labada waddo ee University Ave. iyo Berry St. oo ah meesha ay ku kulmaan labada magaalo ee mataanaha ah St. Paul iyo Minneapolis. Meeshas oo aad ugu dhow xarunta Telefishanka Channel 5, halkaas oo rasaasta laga maqlay.


kulan lagu qabtay Jaamacada Hamline oo ay 40 Soomaali ah isugu yimaadeen bilowgii June ayaa waxaa ka soo qayb galay Cambaro Barre oo ah hooyo u ahayd marxuum Shaafi C/raxmaan Axmed.

Wiilka la dilay waxaa magaciisa oran jirey Shafi Abdurahman Ahmed.

Qof ka dhowaa meesha dilku ka dhacay ayaa sheegay in uu maqlay sawaxan lix xabbadood oo lagu ridey wiilka dhinatay.  Waxaana la sheegay in la arkay laba qof oo ka sii socdey meeshii dilku ka dhacay ayagoo kaxaystay gaari loo malaynayo in uu ahaa nooca loo yaqaan Van.

Marxuumku waxa uu ahaa arday dhigta College, waxana uu gobolka Minnesota yimid toddoba sano ka hor asagoo ka yimid dalka Soomaaliya.

Marxuumka Walaalkiis oo magaciisa la yiraahdo Dek Nur, oo 27-jir ah ayaa waxa uu jariidada StarTribune u sheegay in uu ahaa wiil daacad ah oo wanaagsan oo caqli badan.

Sida ay qortay jariidada PioneerPress waxaa la xiray laba dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo la sheegay in lagu xiriiriyey arrintaas, in kasta oo aan cidna weli lagu soo oogin dilkaas.

Isha Warka: KSTP, Channel 5 , StarTribune | May 30, 2006 | Updated: June , 2006



Wadanka Finland oo nin Soomaali ah oo Xaaskiisi Toorey ku dilay

Nin Soomaali ah oo da`diisu lagu sheegey 32 jir ayaa waxaa lasoo sheegey inuu ALLAHA u naxariistee xaskiisii oo 27 jir Sooomali ah torey uu nafta uga qaadey shaley galab markey tarikhudu eheeyd 8.3.2006. Dhacdan naxtin leh ay lasheegayaa ineey ka dhacdey xaafad layiraahdo Suutarila oo ku taalo magalada Helsinki ee wadankan Finland.

Kuva:kosti heiskanenMarxuumada ayaa lasheegayaa in lagu hordiley cunugeedii oo 1,5 jir ah, nin kan wax diley ayaa tooreyda ka heley dhowr mar xaga sare jirka kadiba ee marxumadu isla meeshii ku nafweeydey, sidaa waxaa sheegay ninkii booliska ahaa ee layiraahdo Arto Karalahti oo ah dambi baaraha qaabilsan arrintan.

Ninkan waxdiley ayaa ka baxsadey meeshu uu wax ku dilay oo eheed gurigii eey dagnayeen asaga iyo marxuumada hortiisa, lakiinse muddo lix sacaadood kadib markuu baxsad ahaa ayaa si sahalan boolisku gacan ugu soo dhigeen.

Booliska ayaa wuxuu sheegay inuu cunugii yaraa ee hoyadii la diley in dowlada lagu wareejiyey oo hada nabad qabo. Ninkan waxdilay oo la ogeen sababtu uu dilay xaskiisii ayaa hada ku sugan xabsiga Helsinki sugayana in maxkamad la soo taago.

Qore: Mubarak Helsinki, Finland

ISHA: http://www.iltasanomat.fi/uutiset/kotimaa.htm#id1139690


Abdihakim Adam oo Lagu Diley Atlanta, Georgia, USA


Marxuum: Abdihakim Adam

Habeenimadii Ciida (Jan 10, 2006) ayaa magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka waxaa toogasho lagu diley Abdihakim Adam isagoo cunto ka dalbanaya makhaayad.

Waxaa warku intaas ku daray in Abdihakim Adam oo aad looga yaqaaney makhaayada Madina (oo loo yaqaan Ethiopian and Somalian restaurant) in uu kijinka galay si uu u soo qaato dalabkii cuntada markey saacada ahayd 10.00 pm (habeenimo), waxana uu soo baxay ayadoo laba nin oo hubaysay ay xabbad dhafoorka kaga hayaan maqal-hayaha (cashier) oo magaciisa la yiraahdo Farah Burali. Nimankii burcada ahaa waxa ay markaas toogteen  Abdihakim Adam oo makhaayada u yimid in uu cunto ka qaato.

Abdihakim Adam waxaa da'diisu ahayd 28-jir.

Ilyas Ahmed oo 37-jir oo la hadlayey jariidad ka soo baxda Atlanta ayaa yiri "Abdihakim Adam waxa uu ahaa Soomaali, walaalkay muslim ayuu ahaa".

Jariidadu waxa ay qortay in makhaayada (Madiina) loogu magac daray magaalada Barakaysan ee Madina, dilkuna in uu dhacay habeenkii Ciidul-Adxa.

Tuugatii markii ay marxuumka toogteen ayey meeshii ka carareen iyagoo aan wax lacag ah ka qaadan makhaayadii, waxaana la sheegay in khasnada makhaayada taal ay ku jirtey $60 doolar.

Warar qaar ayaa tilmaamay in saddex dhallinyaro ah ay ahayeen kuwa geystey falka dilka ah.

 Video ka Daawo Halkan...  

ISHA: http://www.wsbtv.com | http://www.11alive.com


Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.


Dhawr kun oo Soomaali ah oo ka caraysan dilkii marxuum Naasir Cabdi ayaa isugu Jimcadii December 30, 2005 isugu soo baxay xarunta dawlada ee City Hall ee magaalada Columbus, Ohio.. Isha sawirka:
abcnews


Kumannaan Soomaali ah oo bannaanbax ku dhigay Colubus, Ohio.. Isha Sawirka:
dispatch.com



Marxuum: Nasir Abdi
HALKAN KA DAAWO WARKA TELEFISHANKA ONN... |
 isha sawirka ONN

Sabti Dec 31, 2005: Soomaali lagu qiyaasay kumanaan ayaa Jimcada December 30, 2005 bannaanbax ku dhigay xarunta dolwada ee City Hall, Columbus, bannaanbaxaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin ugana caraysan yihiin dilkii uu sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley Naasir Cabdi oo ahaa 23-jir Soomaali ah oo sida qoyskiisu sheegeen madaxa ka xanuunsanaa.

Soomaalida halkaas isugu timid waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin "waxaan rabnaa caddaalad" iyo erayo kale oo caro ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley.

Liibaan Ismaciil oo u hadlayey dadka bannaanbaxayey ayaa yiri "waxaan rabnaa in runta bannaanka la soo dhigo", sida ay werisey shabakada ABC NEWS oo soo xiganeysey hay'adda AP.

Bashiir Maxamuud oo ah 23-jir ah dhigta Jaamacada Ohio State University ayaa yiri waxaan bannaanbaxan uga soo qayb galay waayo ma ahayn in  Naasir Cabdi uu sidaas u dhinto.

Dad arkaayey markii boolisku tooganayeen marxuum Naasir Cabdi ayaa sheegay in marxuumku uusan wadan mindi, halka boolisku sheegeen in uu mindi la soo baxay sidaas awgeedna ay u toogteen.

Wararka Columbus Ohio ayaa tibaaxay in saraakiisha Boolisku ay qorshaynayaan in ay la kulman jaaliyadda Soomaalida Ohio.

Halkan ka daawo Video Soomaalida oo Bannanbaxaysa...

Warkii dilka Marxuum Naasir Cabdi hoos ka akhri.

Wiil Soomaaliyeed oo ay Toogasho Ku Dileen Booliska Columbus, Ohio

Warka dilka Marxuumka hoos ka akhri:


Marxuum Naasir Cabdi oo ay Soomaalidu aasayaan. Waxaa aaska marxuumka isugu yimid in kabadan ilaa 60 Soomaali ah, sida ay werisey jariidada Columbus dispatch
| isha sawirka Dispatch

USA: Dec 29, 2005: Nin ayaa lagu diley xaafadda Cassady Village Trace oo ku taal woqooyig amagaalada Columbus, Ohio, laakiin ninkani ma hub ayuu haystey markii saraakiisha booliska ee degmada Franklin ay toogtey? sidaas waxaa is weydiiyey Telefishanka ONN [Ohio News Now]. [HALKAN KA DAAWO WARKA TELEFISHANKA ONN...]

Waxaa warku intas ku daray in saraakiisu ay waraaqo maxkamadu soo dirtay uu u wadeen Nasir Abdi oo 23-jir ah, si uu Naasir ugu laabto qaybta dadka maskaxda looga jiro.

Markii ay heleen Naasir Cabdi, saraakiisu waxay yiraahdeen waxa uu lasoo baxay mindi.

Saraakiisii waxay kaddib adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, laakiin ma ay shaqayn, markaas ayaa sarkaalka magaciisa la yiraahdo Jason Evans uu xabad ridey kuna diley Naasir Cabdi, sida uu sheegay Telefishanka Ohio.

Qof arkayey sida arrintani u dhacday ayaa yiri ma arkin wax mindi ah, waxana uu qofkaasi toogashadashaad ku tilmaamay mid aan wax cudurdaar ah haysan iyadoo la ogaa xaalada maskaxda ee Naasir Cabdi, iyo weliba in saraakiisu ay arrintas ogaayeen.

Ayaan Maslax waxay tiri, "Boolisku waxay adeegsan lahaayeen hab kale oo ay ku joojiyaan ama kula hadlaan qof maskaxda looga jiro."

Waraaqaha maxkamadu waxay muujinayaan dembiyo hore oo uu galay Nasir, ayuu yiri Telefishanku.

Qoyska marxuumku waxa ay sheegeen in Naasir Cabdi dhowaan laga soo saaray qaybta dadka maskaxda looga jiro oo uu saddex toddobad joogey guri, laakiin uu joojiyey in uu daawadiisii qaato oo uu bilaabay in uu u dhaqmo nooc kale. Waxana ay ku dareen weligiis ma ahayn qof faldembiyeed sameeya.

Waxaa warka Telefishanku intaas ku daray in boolisku ay baaritan ku samaynayaan sidii dilkasi u dhacay oo ay ku ogaanayaan in sarkaalka toogashada geystey uu uu haystey cudurdaar iyo in kale.

Marxuum Naasir Cabi khamiistii (Dec 29) ayaa lagu aasay qubuuraha Riverside Cemetery ee magaalada Columbus Ohio

Tarjumadii SomaliTalk.com | Columbus, Ohio | Isha: http://www.ohionewsnow.com | http://www.dispatch.com
Faafin: Dec 29, 2005 | Updated: Dec 30, 2005

Wararkii hore ee Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha::::

March 2002: Police-ka Minneapolis oo Toogtay Nin Soomaali ah


Dec 23, 2005: Ciidamada yemen oo Rasaas ku Furay Qaxooti Soomaaliyeed... Guji


Dec 10, 2005: Minneapolis: Hooyadii Soomaaliyeed ee Gaariga La Jiirsiiyey oo u Geeriyootey Dhaawacii

Habeenimadii Isniinta (Dec 13) ayey Luul Ibraahim u geeriyootey dhaawacii uu u geystey gaarigii la jiirsiiyey.

Waxay ahayd xilli fiid ah (maalinadii Khamiista habeenkii Jimcadu soo geleysey) markii ay Luul isku dayday in ay joojiso tuug kaxaysanayey gaari ay leedahay Luul walaasheed, kaddibnauu tuugii gaarigii jiirsiiyey marxuumad Luul, Allah ha u naxariistee, dhaawacii soo gaarey oo ahaa dhaawac madaxa ah ayaa markiiba la geeyey Cisbitaal halkaas oo lagu sameeyey Qalliin maskaxda ah, dhaawacaas ayey u geeriyootey habeenimadii Isniinta.

Tuugii falkaas geystey waxa uu la cararay gaarigii, inkasta oo markii dambe la helay garigii, laakiin ilaa hadda lama helin tuuga geestey falkaas. Waxaana lagu baaqay in $5000 oo doolar la siin doono qofkii soo sheega akhbaar booliska u suurta gelisa in tuugaas la qabto, lacagtaas oo markii hore ahayd $2000 hadda waa la kordhigey oo waxaa laga dhigay $5000.

Warkii hore ee sida gaariga loo jiirsiiyey marxuumad Luul Ibraahim.... Guji...


Nin Ganacsade Soomaali-yeed ah oo lagu diley Koofur Afrika ..

Dec 2, 2005: Nin ganacsato soomaali-yeed ah ayaa lagu dilay wadanka K/Afrika gaar ahaan Magaalada Biritooriya kaddib markii ay soo weerareen kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Ninka la dilay oo si weyn looga yaqiinay wadanka K/afrika ayaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Max’ed Xasan (Arbacow), waxaana dilkiisa si weyn u uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka K/afrika oo iyagu waayadaanba lagu hayay dilal jooto ah.

Ninkaan ayaa waxa uu wadanka K/afrika ku sugnaa muddo sanad ah ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii loo dilay ninkaasi, iyadoo sanadkaan keliya wadanka K/afrika lagu dilay ilaa iyo dhowr iyo sodon qof oo Soomaali ah oo badankood lagu weeraray xarumo ganacsi ah oo ay ku lahaayeen wadankaasi.  

Qore:  Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com


Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA...


Meesha lagu Diley Wiilka Soomaaliyeed | BP Gas Station , St.Paul | Sawirka: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005

(SomaliTalk.com | St. Paul, MN | Aug 26, 2005): Habeenimadii xalay markii ay saacadu ahayd 11:15pm ayaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 19-jir. Waxa uu Wiilkaasi dhex fadhiyey gaari taagnaa meel gaaska laga qaato (BP Gas Station) oo ku yaal wadada Lexington oo u dhow meesha looga baxo wadada Highway I-94 oo dhex mara magaalooyinka mataanaha Minneapolis/St.Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Kaddib markii warka kusaabsan dilka wiilka uu soo gaarey SomaliTalk.com, ayaa waxaan telefoon kula xiriirnay qoyska uu wiilka ka geeriyoodey, Taxiya Maxamed oo ah gabar ay walaalo yihiin wiilka geeriyoodey waxay SomaliTalk.com u sheegtay in: Wiilka walaalkay ah ee ladiley magaciisa waxaa la oran jirey Maxamed Maxamuud Maxamed. Waxana ay intaas ku dartey in afar wiil oo Soomaali ah (Walaalkeed iyo saddex kale) oo dhex fadhiya gaari ay wateen oo taagnaa meel gaaska laga qaato in xabbad aan la garanayn cidda soo ridey in ay haleshay walaalkeed, uun au geeriyoodey dhaawacii xabadas isla xalay.

Waxaa dhici karta in marxuumka la aasi doono berri (Aug 27).


BP Gas Station: Meesha wiilka Soomaaliyeed lagu toogtey:: 
Daawo Halkan.. | Channel.5
Photo
Saiwrka: WCCO.4

TV-ga WCCO.4 waxa uu sheegay in wiilkaas oo dhex fadhiya gaariga ayaa qof inta uu xagga dhabarka ka soo maray gadaal ka toogtey, taas oo marxuumka ay ugu yaraan hal xabad ku dhacday, kaddibna loo qaaday cisbitaalka Regions Hospital, halkaas oo uu ku geeriyoodey.

Boolisku markii ay yimadeen waxay goobtii dilku kadhacay joogeen saacado si ay u ururiyaan xog ku saabsan dilkaas.

TV-ga Channel.5 waxa uu sheegay in marxuum Maxamed Maxamuud Maxamed aysan jirin wax dembi ah oo uu hore u galay (wax fal dembiyeed ah kama oolayn booliska). Waxana uu TV-gu intaas ku daray in Ilaa hadda aan lahayn ama la garanayn cidii dilka geysatey, lamana garanayo ujeedada dilka. Waxaana boolisku uu dadweynaha ugu baaqay in qofkii arrinta dilkaas war u hayaa uu lasoo xiriiro booliska..  Warkii Channel.5: Ka Daawo Halkan...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota waxay qoyska uu wiilkaas da'da yari ka geeridooy Allah uga baryayaan in uu samair iyo iimana ka siiyo, marxuumkana Allah u naxariisto.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005


Laba Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Lagu Diley Toronto:::

  • Looyaan Ahmed Jilicow, 23-jir, waxa uu dhigan jirey jaamacad ku taal Toronto, sannadkii saddexaad ayuun ku jirey
  • Cali Maxamuud Cali, ay da'diisu ahayd 19-jir, waxa uu dhowaan ka soo laabtay Vancouver si uu uga qayb galo arooska saaxiibkiis.

Meydkii marxuum Loyan Ahmed Gilao, 23-jir oo lag asi qaadayo masjidka Khalid Bin Al Waliid si loo aaso| Sawirka: The Star.


Maxamed Jilicow oo ah aabaha marxuum Looyaan oo nin ehelka ah uu garabka hayo | Looyaan iyo saxiibkiis waxaa la diley Aug 8, 2005 | Sawirka: Toronto Sun

CBC TV::: Halkan ka daawo::: Warka ku saabsan dilka iyo aaska labada marxuum

DAAWO::: Duqa Magaalada Toronto oo ka hadlay arimaha dilalka ee ka dhaca Toronto

Sida ay uu weriyeye telefosshanka dalka Canada ee CBC labada dhallinyada Soomaaliyeed ayaa lagu diley magaalada Toronto ayagoo ka soobaxay Aroos, rasaas ayaa la iskaga furay ayagoo aan cidna gardaraysan, qofka rasaasta furayna aan la garanayn. Hoos ka akhri magacyadooda iyo tacsida, Aaskii iyo warbixin koobana ka Daawo halkan..

Tacsi:::


Qaraabada Marxuumada lagu diley Toronto oo murugaysan.. DAAWO VIDEO | CBC
(Agoosto 2005)

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajucuun, Allahuma laa taxrimnaa ajrahum walaa taftinaa bacdahum, waqfirlana wa lahum.

Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa saaxiibkey Maxamed Jilocow (tennis) oo curudkiisa Loyaan Axmed Jilocow iyo saaxiibkiis Cali Maxamud Cali lagu toogtay magallada Toronto bishan August 8, 2005 ayagoo ka soo baxay xaflad aroos ah oo saaxiibkood oo lagu qabtay down town Toronto. Marxuumadas waxaa dilay ruux aan la garaneyn oo xabad iskaga furay markey baabuurkooda galaayeen asagoonba la hadlin.

Marxuum Looyaan oo ahaa ardey jaamicadda sanadkii sedddexaad ee commerce Jaamicadda York university allaah ha u naxariisto. Cali Maxamud Cali waxa uu dhowaan u guurey magaalada Vancuover , waxan auu Toronto ugu soo laabtay arooska saaxiibkiis. Wallidiintoodna allah samar iyo iimaan ha ka siiyo.

Loyan Ahmed Gilao, waxaa da'diisu ahayd 23-jir, halka Ali Mohamud Ali, ay da'diisu ahayd 19-jir. Daawo halkan..

waxaa tacsidda diraaya: saahid maxamed yusuf ( Rooti)  
sahid_yusuf@yahoo.com

Augt 12, 2005


Gabar Soomaaliyeed oo Mindi ku Dishay Wiil ay saaxiibo ahaayeen

 Norway | SomaliTalk.com | Aug 13, 2005

Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska Dalka Norway oo lagu magacaabo Kjell Hjulstad ayaa shaaca ka qaaday in saaka aroortii guri ku yaal  Xaafad ka mid ah Magaalada Oslo ee Dalka Norway in laga helay meyd Wiil Soomaaliyeed oo mindi lagu dilay, da'diisana lagu sheegay 28jir.

Sarkaalka oo la hadlayey Saxaafada ayaa cadeeyay in dilkan looga shakisan yahay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Muna Ismaaciil oo loo yaqaan (AALIYAH) da'deena lagu sheegay 21jir.

Sarkaalka loo xilsaaray baaritaanka dilkan ayaa shaaca ka qaaday in Marxuumka la dilay ay da'diisu ahayd 28jir magaciisuna la oran jiray Marxuumka Xasan Warsame.

Waxaa baryahan dabme caadi u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha in ay Mindi isku dilaan, laakiin waxaan horey loo maqal gabar Soomaaliyeed oo Mindi isticmaasha.

Sarkaalka oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaanka sababta keentay Dilka,isla markaasna marka ay soo gaba-gabeeyaan baaritaanka ay shir-jaraaid ku qaban doonaan Xarunta Booliiska ee Magaalada Oslo.

Soomaalida kunool Wadanka Norway ayaa lagu eedeeyaa in ay ku badan yihiin dadka qaba Cudurka Buufiska maadaama labo sano gudahood Midi lagu dilay 9 Ruux oo- ay ku jiraan labo Caruur ah oo uu aabahood Qudha ka jaray.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Email: godegode_6@hotmail.com

Aug 13, 2005


UK: Hooyo Soomaaliyeed oo Geeriyootey Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad.. Laakiin qaabka ay usoo dhacday iyo Qaabka ay Dhimatay waxaa kujira shaki...

Glasgow | UK | Aug 7,2005 : Hooyo Soomaaliyeed oo dhallin yaro ah ayaa geeriyootey kaddib markii ay ka soo dhacday dabaqa 13aad ee sar dheer, sidaas waxaa qortay jariidada Sunday Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriiska. Meydkii hooyada oo da'deedu ahayd 27-jir ahaydna qaxooti ka timid Soomaaliya, haysateyn laba carruur ah, ayaa shalay laga helay magaalada Scotstoun, Glasgow. Deriska ayaa sheegay in habeenkii ka horeeyey (helitaanka meydkeeda) ay qaylo xooggan ka maqleen dhanka qolka ay daqaba ka deganayd hooyada Soomaaliyeed. Warka oo dhan guji halkan...


Booliska Ireland oo Shaaca ka Qaaday Aqoonsiga iyo Sawirkii Ninkii Soomaaliyeed ee Dublin Lagu Diley Horaantii Sannadkan 2005....

  • Ninka Soomaaliyeed waxaa meydkiisa oo lagoogooyey oo aan madax lahayn laga helay magaalada Dublin, Ireland.. Ilaa hadda madaxiisii lama helin..

Farah Swaleh Noor

Booliska Ireland oo loo yaqaan Gardaí ayaa soo bandhigay sawirka ninkii Soomaaliyeed ee sannadkan horaantiisii meydkiisa laga helay kanaalka lagu magcaabo Royal Canal ee Dublin. Waxayna sawirka u soo ban dhigeen in ay shacabka uga helaan akhbaar si loo helo dadkii diley ninka Soomaaliyeed.

Farah Swaleh Noor oo Ireland ku noolaa ilaa 1996 waxaa meydkiisa la helay bishii March 30keedii, waxaana markaas da'diisu ahayd 38-jir.

Boolisku waxa uu dadweynaha reer Ireland uga baaqay in qofkii aqoon u lahaa marxuum Faarax Swaleh Nuur ama qofkii marayey aagga wadada Ballybough ama kanaalka Royal Canal markey taariikhdu ahayd March 28 ama March 30, 2005 uu la soo xiriiro booliska.

Bishan Agoosto 3deedii ayaa Booliska magaalada Dublin waxay xireen afar qof oo looga shakiyey in ay lug ku lahaayeen dilkii Marxuum Faarax.

Farah Swaleh Noor waxaa meydkiisa oo si xiriir ah toorey ama mindi loola dhacay oo la googooyey laga helay meel u dhow buundo dulmarta kanaalka Royal Canal bishii March ee sannadkan 2005, asagoo weliba madaxa laga gooyey, ilaa hadana madaxii lama helin. Waxaa wararku tibaxeen in meydka qaybta dhexe  laga helay ayagoo kujira bac madow, gacmahana iyo luguhuna laga helay meel u dhow. [Eeg halkan...] iyo [Halkan].

Isha: tcm.ie & iol.ie| Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005

ATLANTA 2001

Qaareen Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Ahmed Dabarran ayaa waxaa lagu diley magaalada Atlanta, Georgia, USA... GUJI...
|
May 11, 2001

"YEMEN::: Gacan ku dhiigle la soo Qabtay"

July 5, 2005

  • Yemen: Nin loo haysto Dilkii Sahro Xilwo oo Laqabtay

Sida uu kaga soo waramay gobolka ku yaal koonfurta yemen ee Laxaj wargeyska todobaadlaha ah ee ku hadla afka wasaarada arrimaha gudaha yemen ee magacaiisa la yiraahdo Al-Xaaris cadadkisii(554)aad ee (5/7/2005) ayaa sheegay in ciidamada nabadgelyada iyo kuwa nabad sugida ee gobolka Laxaj ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiigle Jamaal Axmed Sheekh oo 25jir ah kana mida qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xerada Al-Kharas ee dalka yemen, waa sida warku u dhigaye.

Jamaal wuxuu (25/6/2005) gawracay haweeney xaaskiisa ahaan jirtay taasoo la oran jiray Sahro Xilwo,waxa uuna ka baxsaday xerada waxaane baadi goob ugu dhaqaaqay ciidamo ka kala tirsan dembi baarista iyo nabad sugida kuwaasoo ugu dambeyntii ku guuleystay inay soo qabtaan horaantii todobaadkan, waxaana hadda Jamaal baaritaan la xiriira sababta uu u dilay Sahro uu uga socdaa xeer ilaalinta maxkamada gobolka Laxaj si loogu soo oogo denbiga uu galay ee ah dilka, waxaana dhici karta in Jamaal lagu xukumo dil toogasha ah hadaaney cafin ehelki ay Sahro ka dhalatay ka dib marka ay cadaato inuu marxuumad Sahro u dilay ula kac, la arki doonee waxa ay ku dambeyso arrintaan.

Diyaariye/ Axmed Maxamed. Sanca-Yemen.  ahmedwiish@hotmail.com

YEMEN:: GAWRAC KA DHACAY AL-KHARAS.

  • DIL KA DHACAY XERADA QAXOOTIGA EE AL-KHARAS, YEMEN....

Sida ay qortayjariidada AL-AYYAM cadadkeedii(4518) ee 27 /6/2005ta,in nin soomaaliyeed oo la yiraahdo Jamaal Axmed Sheekh kana mida qaxootiga soomaaliyeed ee ku jira xerada al-kharas ee dalka yemen ayaa gawracay haween soomaaliyeed oo la oran jiray Sahra Xilow oo 22jir ah 25/6/2005.

Waxa ayna wararku sheegayaan in gacan ku dhiigle Jamaal iyo marxuumad Sahra is qabi jireen balse ay kala tageen laba bil ka hor, waa sida warku u dhigaye, mana sheegin wargeyska inay lahaayeen caruur iyo in kale, waxaana ninkaas Jamaal u suurta gashay inuu ka baxsado xerada Al-kharas, waxase ku raad joogo ciidamada dembi baarista ee gobolka Laxaj oo ah halka dilku ka dhacay, waxaane sawirada ninkan dilka geystey la dhigay meel kasta oo lagu baaro baabuurta (check point) gudaha ama dibadda magaalooyinka ku dhaw halka uu dilka ka dhacay.

Diyaariye/ Axmed Maxamed -
Sanca-Yemen. 
ahmedwiish@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 28, 2005


  • Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid, asagiina is toogtey.... May 2005
    Berlin ee dalka Jarmalka: Nin Jarmal ah oo daa'diisu tahay 41-jir oo degaan ahaan ka yimid magaalada galbeedka ee Rheinfelden ayaa diley xaaskiisii, labo carruur ah oo da'yar iyo labadiisii waalid. Saraakiisha boolisku markii ay tageen goobta dilku ka dhacay waxay halkaas ka heleen meydka xaaskii ninkaas oo u dhalatay Soomaaliya oo da'deedu ahayd 30-jir, gabar uu dhalay oo 7-jir ah, iyo wiil uu dhalay oo 4-jir ah iyo labadiisii waalid oo da'doodu tahay toddobaataneeyo. Waxa kale oo ay heleen ninkii oo sariir saaran oo si aad ah u dhaawac ah oo ay agtaal baastoolad.
    Guji...

Kanada: Saynis-yahan Soomaaliyeed oo Meydkiisii laga helay Taxi uu Wadey

  • The Ottawa Citizen | April 14, 2005

Sida ay werisey jariidada The Ottawa Citizen, waxaa magaalada EDMONTON ee gobolka Alberta oo ku yaal galbeedka dalka Kanada meydkiisii laga helay nin Soomaaliyeed oo Ottawa ka ahaan jirey taxi wade, ninkaas oo xaaskiisii iyo toddoba carruur ah oo ay weli ku noolyihiin Ottawa, waxaa meydkiisa laga helay asagoo ku dhex jira dhanka dambe ee gaari taxi ah oo uu asagu wadey.
Warka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...


Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada oo ay Ku Geeriyoodey Labo Soomaali ah. | Dec 20, 2004

Meydkii Gabar Soomaaliyeed oo Laga helay London, Ontario, Canada

Galabnimadii  6dii February 05 ayaa laga helay meydkii Faisa Cabdulqadir guri ay deganeyd ee ku yaal 450 PondMills ee magaladan London Ontario.  Boolisku wuxuu sheegey iney gabadhaasi iyadu isdishey in kastoo dadka Soomaaliyeed ee deggan London Ontario aaminsantahey in la dilay.

Faisa da'deeda  waxay aheyd 21 Sano, waxay Canada timid October 04 sanadkii tagey, waxayna ka timid dalka Syria. Marxuumadda dhimatey Allah ha u naxariistee waxay la daganeyd gabar kale oo Canadian ah waxeyna deganeyd qol gaar ah. 

Jaalliyadda Somaaliyeed ee London Ont. waxay tacsi u dirayaan Ehelkeedii gaar ahaan Waalidkeed waxaana Allah looga baryayaa inuu u naxariisto Marxuumaddaas. Marxuumadda waxaa lagu duugey Qabuuraha Islaamka ee magaalada London Ontario waxaana duugteedii ka soo qayb galey Immaamka Masjidka weyn ee London Ont iyo dad badan oo muslim ah oo ay ka mid aheyd Soomaalida.

London Ontario waxay 200km koonfur ka xigtaa magaalada Toronto.

Qore: Yusuf Osman | yusufkenadid@hotmail.com
SomaliTalk.com London, Ont, Canada | Feb 10, 2005


Wiil Reer London Ontario ah oo Lagu Diley California

SomaliTalk.com | London, Ontario, Canada

March 2004: Wiil Soomaaliyeed oo reer London Ontario ahaa oo magacisa la oran jirey Mohamed Dr. Shariif Cabdulqaadir ayaa lagu diley Calafornia USA, sidaas waxaa SomaliTalk soo gaarseeyey jaaliyada Soomaaliyeed ee reer London Ontario. Waxaa warku intaas ku daray in wiilka aabihiis iyo hooyadiis ay u aadeen Califorinia si ay u ogaadaan sabatii lagu diley wiilka, haddii aan akhbaar dheeraad ah ka helona waan idinla socodsiin doonaa insha Allah.

Dhanka kale Dhammaan Jaaliyaadda Soomaaliyeed ee London Ontario, waxay uga tacsiyadeynayaan DR. SHariif Cabdulqaadir geeridii naxdinta laheyd ee ku timid wiilkiisii Mohamed Cabdulqadir oo ku geeriyoodey Calafornia USA Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuum Mohamed Cabdulqadir, reerkii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Allah siiyo, Cawil kheyr ahna Allah ugu bedelo.

Yusuf Osman
yusufosman277@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004



Abu Qaasim Jeylaani waxaa bishii March 2002 toogasho ku diley booliska magaalada Minneapolis, USA... GUJI...

Saddex Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Africa:

Dec 26, 2004: Wararka ka imanaya caasimada Koonfur Afrika ayaa sheegay in saddex dhallin yaro oo Soomaali ah xallay  lagu diley dalkaasi, Waxaana lagu diley goobo ganacsi oo ay halkaas ku lahaayeen.

Saddexdaas dhallinayada ah waxaa magacyadoodu kala yihiin C/Kariim Xulusow, Maxamed Diiriye, iyo Xuseen Maxamed Axmed 'Gurbe" sid ay werisey idaacada Daljir, waxaana warku intaas ku daray in dhallinyaradaasi ay ka soo jeedaan deegaan Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaana dilkaas geystey burcad aan la aqoon haybtooda. Warar kale ayaa tibaaxaya in nin afar oo Soomaali ah dalkaasi lagu diley. Afarta nin oo la dileyba waxay ahaayeen ganacsato.

Warkan iyo warkale oo ku saabsan idaacado ku wajahan geeska afrika oo ay soo jeediyeen madax sare oo ka tirsan Maraykanku ka dhegeyso halkan.... [Isha: idaacadaha Wadajir (warka Koonfur Afrika) iyo Xoriyo (warka Idaacadaha)]
[Soomaalida hore loogu lagu laayeye K/Afrika]


Minneapolis: Shan Soomaali ah oo Xabsiga Loo taxaabay, Waxaana Loo haystaa Dilkii  Yasmin Ali Geele oo ahayd Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis


Dilkan oo La Sheegay in uu la Xiriirey QAAD (KHAT)...

  • "Qorshuhu wuxuu ahaa in ay marxuumada ka dhacaan Qaad iyo lacag. Qaadka oo ah mukhaadaraad dadka qabta oo lagu beero Afrikada Bari. Soomaaliya sharci ayuu ka yahay. Laakiin Ameerika waxa uu ak yahay sharci darro" sidaas waxaa tiri qareenka degmada Hennepin oo magaceeda la yiraahdo Amy Klobuchar...

 Tarjumadii: SomaliTalk.com  | Nov 29, 2004


Sawirada shanta Soomaalida ah ee loo haysto dilkii Yaasmiin | Sawirka KARE11 TV

DAAWO WARKA:::

DAAWO: Dial-Up kare11-TV

Daawo: High Speed kare11-TV

Si aad u Daawatid TV-ga, waxaad u baahan tahay Windows Media Player


Daawo: WCCO....

MINNEAPOLIS - Shan Soomaali ah ayaa lagu soo oogey debig ah dilkii Yaasmiin Cali Geelle, waxaana dhammantood xabsiga loo taxaabay Isniintii.

Qareenada ku mudacaya ee dembiga kusoo oogaya waxa ay shaaca ka qaadeen magacyada shanta nin, kuwaas oo kala ah:

  1. Abdisalam Abdinassir Hussein, 28-jir,  (oo deggan xaafada St. Louis Park),
  2. Fuad Mohamed Dhuuh, 22-jir, (oo deggan xaafada  Burnsville),
  3. Abdisalam London Roble, 19-jir, (oo deggan xaafada Brooklyn Park),
  4. Abdisalan Mohamed Abdi, 22-jir, (oo deggan Minneapolis), iyo
  5. Ismail Mohamed Ali, 20-jir, (oo deggan Minneapolis.)

Yasmin Ali Geele, oo 32-jir ahayd, waxaa meydkeeda laga helay qolkii ay ka degayn guriga dabaqa ah ee ku yaal 500 South 10th St. ee magaalada Minneapolis markay taariikhdu ahayd November 9. Waxaa laga toogtey madaxa.

Sida uu weriyey KSTP TV, Qareenada ku mudacaya waxa ay sheegeen in shantaas nin ay rabeen in ay qaad (KHAT) kasoo dhacaan laba dumar ah oo iibinayey QAADKA. Fuad Mohamed Dhuuh ayaa Booliiska u sheegay inuu Ismail Mohamed Ali u sheegay inuu u malaynayo in uu diley qofta dumarka ah.

Telefishanka WCCO oo faahfaahinayey arinta dilka marxuumada ayaa sheegay in qolka ay marxuumadu deganayd in habeenkaas dilku dhacay lagu gadayey QAAD (Khat). Qaadka oo sida WCCO TV ku tilmaamay ka baxa Kenya oo ay calashadaan qaar kamid ah Afrikada bari iyo bariga dhexe iyo qayb ka mid ah Jaaliyadaha laajiyiinta ku ah Maraykanka si ay uga helaan xaraarad.

Qareenka degmada Hennepin (Minneapolis), Attorney Amy Klobuchar, waxa ay tiri 'waa dilkii ugu horeeyey ee la xiriira QAAD ee aan aragno."

Eedaynta dhanka aka ah shanta nin waxau sheegtay in Ismail Mohamed Ali uu ahaa kan diley Yaasmiin ka hor intii aysan ka qaadin Qaad ama lacag. Dhammaan shanta qofna waxaa dacwada loogu soo oogey in ay ka qayb qaateen dhicitaanka (burcad nimada) oo sababay in ay dhimasho timaado.

Dhammaan shanta Soomaalida ah ee dembigaas dilka loo haysto waxa ay Isniintii ku jireen xabsiga ayagoo la sheegay in lagu soo damiinan karo midkiiba $1 million oo doolar (waa mid kasta oo kamid ah min hal malyan oo doolar). Waxaana la filayaa in maxkamadoodii ugu horeysey lasoo taagi doono Talaadada (30/11/2004). Xeerka Minnesota waxa uu dhigayaa in qofka geysta dilka nooca loo yaqaan derejada labaad (second-degree murder) in lagu xukumo 25 sano oo xarig ah.

Sida uu weriyeey KARE11 TV, qareenka magaaladu waxa ay tiri "weligeen jaaliyadda uma soo celin karno Yaasiin Geelle, laakiin ugu yaraan waxaan ballan qaadeynaa in aan sharciga marsiin doono shanta nin".

Qareenka Degmadu waxa ay hoggaamiyayaasha Soomalida ee Minneapolis u sheegtay in qaadku yahay sharci darro.

Maxkamada degmada Hennepin waxaa soo sannadkiiba soo mara ilaa 30 dacwo oo ku saabsan QAADKa kuwaas oo inta badan la xiriira haysasho Qaad.

SHA: KSTP-TV | WCCO-TV | KARE11-TV

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004



Kayser Osman waxa uu ahaa 15-jir Soomaaliyeed oo March 2002 lagu diley magaalada London, UK... GUJI...

BOOLIISKA ST. CLOUD OO XABSIGA U TAXAABAY NIN LAGU TUHUN SANYAHAY DILKII YAASMIIN CALI GEELLE OO AHAYD GABAR SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY MINNEAPOLIS

Nov 29, 2004

Booliiska magaalada St. Cloud ee Gobolka Minnesota ayaa xabsiga u taxaabay nin da'diisu tahay 20-jir oo lagu tuhun san yahay dilkii marxuumad Yaasmiin Cali Geelle oo Bishan November 9keedii lagu diley magaalada Minneapolis.

Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP, arinta xarigaas waxaa boolisku shaaca ka qaadeen Axadii shalay (Nov 28, 2004). Waxaana warku intaas ku daray in ninkaas laga qabtay guri kuyaal magaalada St. Cloud, kaddibna lagu wareejiyey Booliiska Minneapolis.

Waaxaa kale oo warku sheegay in ninkaasi marka la qabray uu watey aqoonsi khaldan (ama macmal ah) iyo qori (baastoolad).

Yasmin Geelle, oo da'deedu ahayd 32-jir, waxaa meydkeeda laga helay qolkii ay deganayd oo ku yaalada magaalada Minneapolis markey taariikhdu ahayd Nov 9. Waxayna dalka maraykanka timid sannadkii 1993, xilligaas oo ay ka timid xeryaha qaxootiga ee Kenya. [Warkii hore hoos ka akhri].

ISHA:KSTP TV

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004


MINNEAPOLIS:: QOF DUMAR AH OO SOOMAALIYEED OO TOOGASHO LAGU DILAY

  • WAXAANA LAGU DILEY QOLKA AY DEGANAYD DHEXDIISA: NOVEMBER 9, 2004 

Yasmin Geelle | Sawirka waxaan ka qaadnay TV-ga Kare11 | Nov 10, 2004

Minneapolis (Nov 9, 2004 | Updated Nov 10): Warar aan ka soo xiganey warbaahinta Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah oo Soomaali ah habeenimadii November 9, 2004 lagu diley magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA. Gabadha la diley waxaa magaceeda la oran jirey Yasmin Ali Geelle, waxayna Minneapolis ku noolay ilaa sannadkii 1995. Waxayan da'deedu ahayd 32-jir.

Wararkii u horeeyey ee dilka gabadha ka soo baxay waxay sheegeen in lagu diley mindi, laakiin warar kale ayaa tibaaxay in toogasho lagu diley. . Waxaana dilku ka dhacay dhanka koonfureed farsmagaalaha magaalada Minneapolis gaar ahaan xaafadda 'The Adams Apartments' [500 S. 10th Street South]. Waxaa dilkaasi dhacay qiyaastii 2:50am ee waa soo dhowaadkii. Waxaa wararka qaarkood sheegeen in qof deggan xaafadaas uu maqlay qof ku qaylinaya 'dab-damis' sidaasna uu ku wacay 911, markii ay boolisku gurigaas yimadeena aysan arag wax dab ah.


Guriga dilku ka dhacay
VIDEO: HALKAN KA DAAWO WARKA. CHANNEL 5 TV..

"Qof ayaa soo wacay booliiska qaybta dabdamiska asagoo sheegaya in dab ka kacay qolka 105", sidaas waxaa yiri Mike Carlson oo ka tirsan Booliska Minneapolis. Waxana uu intaas ku daray "Markii ay qaybta dabdamisku yimaadeen qolkaas, waxa ay heleen meydka qof dumar ah taas oo la tooreeyeeyay. Waxaana hadda bilaabeynaa baaritaan arintaas la xiriirta" [VIDEO: HALKAN KA DAAWO WARKA. CHANNEL 5 TV..]

Weli ma cada sababtii loo wacay booliiska qaybta dabdamiska. lamana hayo cidii dilka geysatay. Booliiskuna waxa ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka arintaas.

Wararka ugu horeeyaya ee soo baxaya ayaa sheegay in marxuumadu ay ahayd mid jaaliyadda Soomaalida Minneapolis dhexdeeda aad looga yaqaanay.

VIDEO: HALKAN KA DAAWO WARKA. CHANNEL 5 TV..

ISHA: Channel 5 & Fox9 | tarjumadii SomaliTalk.com | Minneapolis | Nov 9, 2004 | Updated Nov 10

 
SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA:::
Dhibaatada Qaran la'aanta

SomaliTalk.com | September 5, 2004

  • 34-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan [Agoosto 2004]
  • 16-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Abdikadir Garanage [Agoosto 2004]
  • 61-jir lagu Diley Minneapolis:: Marxuum: Abdullahi Dalmar Ali [Agoosto 2004]
  • Lix Soomaali ah oo Lagu Diley Nairobi [September 2004]
Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Afduubay K/Afrika


DIRAASAD KU SAABSAN QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA BADAN



Qaadka & Suugaanta


Aflaanta anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA.

Ninkii dilay Labadii Dumarka ah ee Soomaaliyeed ee Samiira iyo Faadumo ayaa Booliska Kenya Su'aalo waydiinayaan

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi, SomaliTalk

November 20, 2004

Gacan ku dhiiglihi Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ku dilay labo Haween ah oo Soomaaliya Awees Ismaaciil Aways oo isagu Dilay Samiira Axmed Xasan iyo Faadumo Maxamed Xasan oo ku dilay Tooreey ayaa Booliska Magaalada Nairobi Gacanta ku dhigeen. 

Ninkan oo imanka ay gacanta ku hayaan Booliska Bangaani ee isla Xaafada Islii ayaa waxaa soo booqday Saxafiga la yiraahdo Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ah Saxafi ka tirsan Idaacada Iqra FM ee Magaalada Nairobi, waxana uu ii sheegay in uusan qalbi ahaan dhameen oo xoogaa isku buuqsanaa ninkani, wali xaaladiisa meelna uma dhicin oo looma gudbin Maxkamad. 

Dhinaca kale qaraanbada Haweenka Tooreeyda nafta looga qaaday ee Faaduma iyo Samiira iyo Ninka eedan loo Hayo ee Awees ayaan wali is arkin iyadoo laga dhur sugayo Aabaha Aways oo Dagan goob ka baxsan Nairobi.  

Lama oga waxa xaalkani ku danbayn doono, ma Booliskaa Faraha looga qaadayaa mise waxaa lagu dhamaynayaa Xeer Hoosaad Soomaali.

axmeddheere65@hotmail.com


34-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley K/Afrika

  • Sidii ay Tuugadu ku dileen marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan
  • Marxuumku wuxuu ifka uga tegey labo carruur ah iyo xaask aoo hadda uur leh

Markey taariikhdu ahayd 25/8/2004 waxaa dalka Koonfur Afrika lagu diley ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Cabdishakuur Sheekh Xasan. Waxaa la dilay abbaaraha duhurnimadii maalintaas. In badan ayaa horaan loo soo weeraray laakiin tiisa un baa dhineed, laakiin wuxuu ahaa nin aad u foojigan qorigiisana keeblayuurur ayuu ahaan jiray. Maalintaa la dilalyay waa la gaaday oo isagoo quraan iska akhrisanaya kaddib salaaddii duhur ayaa la gaaday, xabbaddii koowaad ayaa wadnaha ka haleeshay, laakiin wuu dhaawac-dagaalay oo wuxuu isku dayay in uu isdifaaco, waxaana tacshiirad la isdhaafsanayay mudda 10 daqiiqadood iyo dhawr ah. Kaddib markale ayey rasaas kale ku dhacday lugta ayeyna kaga dhacday, taasina waxey sii jilcisay dhaawicii hore iyo dhiigbax badan oo xigay. Si kastaba ha ahaatee qorigiisu marna ma hakan ilaa uu doorsoomay dhiigbax awgii.

Markuu suuxay tuugadii soo weerartay waa galiwaayeen dukaankiisa oo ahaa mid aad u cammiran. Maxaayeelay waxey u maleeyeen inuu dhufeys ugu jiro, jaanta ayeyna rogeen, waxeyse nafta ku jirtay 30 daqiiqo dhaawicii kowaad kaddib. Waxaa la joogay wiilyar oo uu adeer u ahaa.

Soomaalidii soo yaacday naf kuma soo gaareen, waxaasa aan ka cararin wiilkii yaraa oo madaxa hayay ilaa looga immanayay. Dukaanka waxba lagama qaadanin.

Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan wuxuu ahaa ganacsade mudda dagganaa halkaas. Wuxuu dhashay 17/5/1970, wuxuuna ku dhashay gobolka Ogaadeeniya ee Ethiopia hoostaga. Wuxuu ifka kaga tagay 2 caruur ah. Xaaskiisa Ijaaba Cabdi Digaale ayaa halkaas kula nooleed, haddana waa xaamilo lix bilood ah.

ISHA: Qaraabada marxuumka.


16 Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika:

  • Waa qofkii 25aad ee Soomaaliyeed oo lagu Dilo K/Afrika

Bishii la soo dhaafay ee Agoosto waxaa kale oo dalka K/Afrika lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 16-jir. Abdikadir Garanage waxaa la diley 27kii Agoosto 2004. Sida ay werisey ha'yada wararka ee SAPA, wiilkan waxaa la diley asagoo soo booqday dukaan uu leeyahay adeerkiis, waxaana dukaanka ugu soo galay saddex nin oo hubaysan, nimankaas oo markii hore iska dhigay sidii kuwo dukaanka wax ka gadanaya (macaamiil), kaddibna mid ka mid ah ayaa markiiba rasaas furay. Waxaa kale oo la dhaawacay wiilka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Danar Abdul. Waxaa wararku intaas ku dareen in tuugadii dilka geysatey ay dukaankii kala baxsadeen lacag aan cadadkeeda la sheegin. Inta la ogyahay wiilkaasi wuxuu tirada Soomaalida ee lagu diley K/Afrika ka dhigeysaa qofkii 25aad.

ISHA: SAPA


61-Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis

Markey taariikhdu ahayd Jimce Agoosto 28, 2004 waxaa magaalada Minneapolis lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 61-jir. Inkasta oo aan ninkaas magaciisa si rasmi ah loo shaacin, hadana warbaahinta Minneapolis waxa ay magaciisa u qoreen in uu yahay: Abdullahi Dalmar Ali. Waxaa wararku sheegeen in marxuumka  oo madaaxa laga dhaawacay laga helay meel wado ah (27th avenue south), waxaana uu u geeriyoodey dhaawacaas. Waxaa wararku intaas ku dareen in ay Booliska magaaladu raadinayaan ciddii falkaas geysatey. Jariidada StarTribune waxa ay marxuumka ka qortay in uu ahaa Abbe lahaa saddex wiil, xaaskiisiina ay kala tageen, waxana uu magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis) u soo guurey sannadkii hore asagoo ka soo guurey New York, waxana kale oo uu mar ku noolaa South America. Waxa uu haystey shahaado jaamacadeed oo ah ganacsiga [accountant], waxana uu ku hadli jirey Afar Luqadood oo kala ah:  Arabic, Dutch, Somali  iyo English.

ISHA: Fox9 & Startribune & Google News


Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay Nairobi

Kenyan | Sept 2, 2004 

 
Dilkii Cabdul Maye | Dec 8, 2001
Dad gaaraya lix qofood ayaa Sept 2, 2004 lagu dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii,kadib markii ay tuugo soo weerartay goobihii ay daganayeen ee ganacsi, dilkan waxaa kale oo dadkan laga dhacay lacago,illaa hadda ma jirto mid ka mid ah tuugaas dilka iyo dhaca gaystay oo la qabtay. 

Ganacsataada soomaaliyeed oo aan maanta wax ka waydiiya waxa ay yeelayaan ayaa ii xaqiiyay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo lagula kaco fal dambiyeed noocan oo kale ah waxayna intaasi  ku dareen in ay sameynayaa shaqo joojin ay kaga cabanayaan Ciidanka Amaanka in wax lagaga qabto tuugadan dhaca iyo dilka u gaysanaysa. 

Inta badan waxaa dad badan shaki kaga jiraa tuugada iyo booliiska amaanka,waxayna dadku is waydiiyaan sababta loo waayo gurmad booliis marka ay dhacaan falalkan loona waayo booliiska,boolisku waxay ay ku eedaynayaan laftooda in aysan soomaalidu soo wargalin xiliga dhacaas loo gaysanayo. 

Habeen hore ayaa laba ka mid ah soomaalida lagu dhaawacay guryahooda,haddana lagu dawaynayo isbitaalka Kenyatta,waxaa aad u soo badanaya amaan darada deegaanada soomalidu ku badan iyadoo guud ahaan uu dalka kenya la ciirciirayo amaan daro iyo musuqmaasuq daran Hay'daha dowladuna ay mashquulsan yihiin is mucaaradid iyo musuqmaasuq taasna ay dhexda ka saartay howlihii amaanka ee ummaddu u baahnayd. 

Dadkan iima suurta galin inaan helo magacyadooda oo dhamaystiran balse hadii ay suurta gal noqoto waan idin soo gaarsiin doonnaa  Hadii ALLAHA Awooda lihi ogolaado.
 
Isha: canabmumtaz@yahoo.com | SomaliTalk.com | Sept 3, 2004


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Marxuum Xasan Muuse Faarax oo Lagu Aasay Seattle Feb 2004

... Taxi Wade lagu diley Seattle:: Feb 2004

... July 2003:  Taxi Wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Ahmed Hussein Axme d oo lagu toogtey Minneapolis

....August 2003: Taxi wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Mohamed Ahmed Salah oo lagu toogtey Minneapolis

66-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis
USA: marxuum Cali Warsame Cali (GABAN) oo ahaa oday Soomaaliyeed oo da'diisu tahay 66jir ayaa waxaa Arbaca 24 Octobar 2001 shaaca lagaqaaday in uu ku geeriyoodey Minneapolis. Marxuumka waxaa markey taariikhdu ahayd 14 Octoobar 2001 laga helay meel baska laga raaco uu kutaal ama u dhow agagaarka isgoyska E. 17th St. iyo Chicago Av. S. isaga oo lagaraacay, ama wajiga waxlooga dhiftay, waxaana markaas dhaawacaas awgeed ladhigay cisbitaalka lagumagcaabo Hennepin County Medical Center GUJI...


Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]  

Qofkii 23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38 Jir.

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001


Minneapolis, USA: StarTribune oo Qortay in Marxuum Cali Warsame Ladiley



Maxay ku muteysteen dil?

  • 6-dii oktoobar-2006-da. Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid biyaad ayaa 4-caruur ah oo uu isagu dhalay ku diley magaalada Louisville ee dalka mareykanka. Ninkaasi waxaa kale oo uu dhaawacay caruurtaas hooyadood.
     
  • 31-dii agoosto-2006-da. Gabar soomaaliyeed oo da`deeda lagu sheegay 18-jir ayaa waxaa ay hooyadeed ku dishey magaalo ku taal dalka Norway. Gabadhaasi mindi ayey hooyadeed madaxa kaga dhifatay. Isla goobtii ayeyna hooyadaasi ku geeriyootey.
     
  • 8-dii maarso-2006. Nin soomaali ah oo 32 jir ah ayaa waxaa uu ku diley xaaskiisii dalka Finland. Gabadhaas da`deedu waxaa ay ahayd 25 jir. Ninkaasi waxaa uu adeegsadey toorey. Hooyadaas waxaa lagu hor diley wiil yar oo ay dhashay oo da`diisu tahay  sannad iyo bar jir.
     
  • 25-kii juun-2005-tii. Nin soomaali ah oo la yiraahdo Jamaal ahmed sheekh ayaa xero qaxooti oo ku taal dalka yeman ku gowracey xaaskiisii oo la oran jirey Sahro Xilwo.
     
  • 5-tii Janaayo-2005-tii. Nin soomaali ah ayaa xaaskiisii oo xaamilo sagaal bilood ah ku gowracey magaalo ku taal wadanka Norway. Waxaa kale oo dhacdadaan ka horeysey mid kasii naxdin badan,  taas oo ah kolkii uu nin soomaali ahi bireeyey laba caruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood. Dhacdadaas naxdinta lihi waxaa ay ka dhacday isla Norway.
  • Akhri Maqaalkan...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD