SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBE

April 13, 2008: Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Cape Town, K/Afrika

Police-ka Cape Town, K/Afrika ayaa gacanta kusoo dhigey nin ku eedeysan dilka Ganacsade Soomaali ah oo xalay la diley, kuna raad jooga nin kal oo baxsaday iyo haweeney dilka lala xariirinayo.

Ciidamada amaanka magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee Cape Town ayaa xaqiijiyey in eey gacanta kusoo dhigeen nin la sheegey in uu toogasho ku diley Ganacsade Soomaaliyeed oo xalayto (Habeen Axad soo geleysey April 13, 2008) lagu toogtey Dukaankiisa oo ku yaala tuulo lagu magacaabo Fisantkaraal oo 7km u jirta xaafada Cape Town ka tirsan ee lagu magacaabo Durban Ville, Police-ka ayaa sidoo kale sheegey in eey ku raad joogaan nin iyo haweeney kale oo falka dilka ah lala xariirinayo.

Ganacsadaha la diley oo lagu magacaabo Xassan Cali Aadan, 22jir, oo maanta (Axad April 13, 2008) lagu aasay xabaalaha muslimiinta ee Cape Town, ayaa marka la dilayay waxa isaga iyo wiil kale oo Soomaali ah oo dukaanka la joogey waxa eey aheyd goor fiid ah oo wali dukaanka uu furanyahay oo eey ganacsanayeen, waxaana sida la sheegey eey maqleen shanqar xagga dambe ee dukaanka oo marxuunka u baxay in uu soo hubiyo waxa eey tahay shanqarta, balse isla markii uu baxayba dhowr xababood naaska hoostiisa lagala haleeley, isla nimankii Xassan toogtey oo labbo ahaa ayaa isla markiiba Dukaanka soo galay oo mar kale tacshiirad ku furey Soomaaligii kale ee dukaanka ku haray, balse nasiib wanaag xabadihii eey hareer mareen oo eey darbiga qabsadeen, iyagiina meesha ka baxsadeen.

Isaaq Ibraahim Bakaal oo ah ninka Soomaaliga ah ee badbaaday ayaa aqoonsaday ninka xabbadaha ridey oo uu sheegey in uu ahaa nin dariska ah, gawaarida gurmadka degdega ah ee Dhuudhaada loo yaqaan iyo ciidamada nabad sugida ayaa markiiba goobta gaaray meydkiina meesha ka qaaday, waxaase markiiba goobta yimid iyadoo aan meydka la qaadin xubno ka tirsan Ururka Dhalinyarada gobolka Western Cape oo arrimaha galay.

Sida lagu faafiyey webka eey leeyihiin ururka jaaliyada Soomaalida k/Afrika ee SASA www.somaliassociation.org , mid ka mid ah hogaanka ururka dhalinyarada oo lagu magacaabo Xadiis Xaaji Aadan ayaa sheegey in Police-ka eey ka balan qaadeen in eey soo qaban doonaan dadka maqan, oo ay ku raadjoogaan ninka labaad ee baxsaday, iyo haweeney wiilka badbaaday uu sheegey in eey la dhalatay ninka wax diley ee la hayo..

Sida Isaaq Ibraahim Bakaal laga soo xigtey, maalmo ka hor ayaa waxaa jirtey in ninka dhintey uu dacweeyey haweeneyda iminka la baadi goobayo, kadib markii eey ogaadeen in eey ka xaday quwada korontada oo eey xariirsatay Fiilo koronto ah, Police-ka ayaa haweeneyda xirey maalmo,balse markii dambe soo daayay, waana sababtaasi tan loo malaynayo in dilka uu sabab u noqdey.

Saldhiga police-ka ee Durban Ville ayaa laga furey gal dacwadeed tirsigiisu yahay 243/04/2008, waxaana Police-ka eey balan qaadeen in eey iyagu waardiye ka heyn doonaan dukaanka uu wiilka ka dhintey, maadaamaa ninka Soomaaliga ah ee badbaaday uu yahay ninka Marqaatiga ah ee dacwada ku cadeyn raba ninka wax diley ee la haayo, sidaasi darteed uusan Dukaanka joogi Karin amaankiisa dardii.

Waa markii ugu horeysey oo ciidamada amaanka sidan oo kale eey jawaab degdeg ah oga bixiyaan dilka nin Soomaali ah oo 12 saacadood guhadooda qof loo qabto dil dhacay, waxayna arrintani kusoo beegantahay xilli maalmihii ugu dambeeyey dalka eey ka taagneyd dood ku saabsan hadal kasoo yeerey haweeney wasiir ku xigeen ka ah wasaarada abniga qaranka oo sheegtey in aragti lagu toogto burcada hubeysa, hadalkaasi oo taageero ka heley madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC Jacob Zuma, oo mar xiligaasi kasii horeeyseyna sheegey in dambiilayaasha dilka iyo Kufsiga geysta aanan damaanad (Bail) la siinin.

Arrinta damiinta ku saabsan waa tan loogu walwal badanyahay, maadaamaa marqaatiyadu eey halis galayaan hadii dacwada oo aan dhamaan banaanka uu yimaado ninkii wax diley, Zuma ayaa qirtey in wax cad eey tahay in dadka ceykaasi ah eey had iyo jeer faragaliyaan dadka marqaatiyada ah, oo eey ama u hanjabaan mise dilaanba qofka marqaatiga ah..

C/nasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo)./ Email:saxansoxo1@hotmail.com, ama Southafrica@somalitalk.com, Tell: +27767059384. . Somalitalk.com Johannesburg, South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com