SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Laba Soomaali ah oo Lagu Diley Koonfur Afrika - March 18, 2008

  • Gancsiga geerida ee K/Afrika iyo Soomaalida maxaa kala heysta.

Ugu yaraan 2 nin oo muwaadhin Soomaaliyed ah ayaa 12 saac ee lasoo dhaafey lagu aasey K/afrika, markii lagu dhextoogtey ganacsi eey ku dhex heysteen tuulooyin dalkaasi ku yaala.

Anfac Sh. Cali Cabdalla, iyo Nuur Ibraahim ayaa 48 saac ee lasoo dhaafey lagu diley gobolka barwaaqo- sooranka ah ee Guateng dalka K/Africa. Labbadani muwaadhin oo aan midkood aaskiisa ka qeyb galay, ayaa lagu kala diley tuulooyin ku kala yaala duleedka magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, labo dhacdo oo kale gadisan balse isku natiijo ku dhamaaday ”Dil”.

Anfac Sh. Cali oo ahaa nin ganacsada ah oo caan ah, si weyna looga yaqiiney magaalada Johannesburg ayaa nin hubeysan uu dhex toogtey dukaankiisa oo ku yiiley tuulada Orange Farm, ee duleedka Johannesburg. Xiliga marxuumka la dilayay ayuu kaligiis tukaanka joogey, illaa 2 saac oo uu mootanaana lagama warhelin, markii eey xabada ku dhacday galabnimadii isniinta ayaa isaga oo dhaawac ah waxaa isbitaal ola cararay haweeney dariska aheyd oo gaari Taxi ah kireysatay, isla haweeneydani ayaa dadka ku wargalisey geerida Anfac oo aheyd mid si weyn looga argagaxay, gurmadkii ugu horeeyey ee isbitaalka ogu tagay meeysan ku gaarin wax naf ah.


Meydka oo la asaasyo - Soomaali lagu diley K/Afrika Maarso 2008

Aaaska marxuumka

Marxuum Anfac oo 30 jir ahaa, ayaa dunida oga tagay wiil 6-biloow jir ah oo hoyaadis mardhow guursaday, aheydna guurkii ugu horeeyey ee noloshiisa uu galo. Aaska marxuumka ayaa dhacay habeenkii xalay ahaa (May 18, 2008), wallow eey aheyd in maalinimo la aaso. Boqolaal Soomaali ah oo jawi baroordiiq ah ku jirey ayaa aaskiisa ka qeyb galay, waxaana lagu aasay qabuuraha in baddan oo rag Soomaalityeed ah oo sidiisa oo kale la toogtey horey loogu duugey, ee Kromvlei ee magaalada Johannesburg, duugta ka dib ayaa waxaa wacdi diini ah qabriga dushiisa dadka oga jeediyey Sh. C/xakiim oo culumada ka mid ah, waxaa halkaasi soo xaadirey madax baddan oo ka kala socdey jaaliyada Soomaalida ee gobolada qaarkood. Maxamed Ibraahim Cafaare, oo mar ahaan jirey gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Northwest ayaa Somalitalk.com u sheegey in xalka kaliya ee dilka loo hayo uu yahay in dhammaan laga soo wado baxo tuulooyinka, oo inta kooxkoox lacago la’isugu darsado dadka eey furtaan ganacsiyo waaweyn oo magaalooyinka ku yaala, sidoo kale Qaasim Boosh oo ah gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida ee Eastern Cape ayaa ra’yigaasi ku raacay Cafaare. Madaxdii kale ee meesha joogtey ayaa saxaafada ola hadli weysey angagax dartii.

Dhanka kale isla shalay iyadoo aaska Anfac loo diyaargaroobayo ayay soo yeertey geerida Nuur Ibraahim oo u geeriyoodey tacshiirad eey ku rideen kooxo hubeysan oo isku soo qariyey dad mudaharaad samaynay, tuulada Atteridgeville ee duleedka Pretoria ee caasimada dalkani, dadkaasi banaan baxayay ayaa markii dambe boobey oo cagta mariyey illaa 15 ganacsi oo eey Soomaalidu lahayd. Sida uu u sheegey wargeyska Pretoria News Cabdul Xassan oo ah gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Pretoria, police-ka ayaa ku guuldaraystey in eey dadka boobka samaynaya hakiyaan, wuxuuna intaasi ku daray in markani eey dadka u sheegayaan in tuulooyinka ey iskaga soo baxaan. Waxaa jira warar isoo gaaray oo sheegayay in lagu guuleystey in illaa 5 dukaan allabtii tiiley laga daad gureeyo, wallow qaboojiyeyaashii la qaadi waayay markii dambe eey dadku gurteen.

Dadkii ka barokacay meesha ayaa qaarkood gabaad ahaan ugu hoyda saldhigyada police-ka, waxaana kacsan xaalada, mana jiraan dad loo xirxirey wax dambi ah.

Madaxa UNHCR ee wadamada Africada koonfureed Mr. Abel ayaa la sheegey in kulan degdeg ah uu la qaadanayo madaxda police-ka iyo dowlada dalkani ee caasimada fadhida si uu ogala hadlo arrimahan isa soo taraya.

Dhoofka dalkani lagu yimaado waxaa loogu magic daray “DHOOFKA AAN LAGU DHICIN”. Waxaase hada soo baxaysa ama eeyba aheyd in dhoofkani uu yahay mid eey dhimasho dugsaneyso. Gaar ahaan qof kasta oo Soomaali ah oo aad wax weeydiiso waxa uu kuu sheegayaa in ninkii tuulo ka ganacsada eey halis tahay in la dilayo, sidaasi oo eey dadka oga warhayaan, ayaa dadka eey si xad dhaaf ah tuulooyinka ugu sii qulqulayaan, kana ganacsanayaan, xaalada ayaa xitaa gaartay heer dukaankii shalay nin lagu diley, ee dhiigu ka qoyanyahay uu qof kale oo Soomaali gadanayo, marka la weydiiyo sababtana uu kugu oranayo “MAXAA NAFTEEYDA ILAAHBAA HEYSTEE,WAAN SHAQAYSANAYAA”. Balse waxaa jira dad badan oo tuulooyinka kasoo baxaya, oo ama dalka isaga tagaya, ama magaalo galaya, wallow tirada dadka noocaasi ah eey ka badanyihiin dadka maalin kasta soo galaya dalka ee ey hubanti tahay in eey tuulooyinka galayaan, ee amaba lagu dilo amaba lagu curyaamiyo.

Waxaa loogu baaqaya ehelada dadka dalka in eey ka shaqeystaan u yimaado, in eey ka fiirsadaan in dhalinyarada lasoo diro, oo halkani ay halis tahay. Sidoo kale dadka tuulooyinka ku jira ayaa waxaa loogu baaqay in ay isga soo guuraan.

saxansoxo | SomaliTalk.com | K/Afrika |  saxansoxo1@hotmail.com

Akhri: Soomaalida lagu diley Qurbaha....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com