SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Labo Ganacsato Soomaali ah oo Lagu Diley K/Afrika iyo 30 Dukaan oo Soomaaliyeed oo la burburiyey

Kharbudaad iyo qalalaase ka taagan koonfur afrika, 33 dukaan 3 ayaa ka badbaaday, 2 ayaa la diley, boqolaal banaabaxday, boqolaalna banaanka la dhigey..

Oct 7, 2008: 33 ganacsi oo ay Soomaalida ku lahayd tuullo ku taala Koonfurta Afrika ayaa 3 kaliya laga soo reebey intii kalana cagta ay marsheen dad la sheegey in ay ka caraysnaayeen gabar sheegatay in kufsi loo geystey, sidoo kale boqolaal Soomaali ah iyo ajaaniib kale ayaa ka banaanbaxday Qoys Soomaaliyeed oo la harag siibey, boqolaal kale oo Soomaali ah ayaa xarooyin ay ku jirren xoog looga saaray,waxani oo dhan waxa ay dhacayaan xilli shalayto (Oct 6, 2008) la aasay 2 Soomaali ah oo toogasho lagu diley.

Waxay ahayd 24 kii saac ee ugu qarbudaad badnayd dhawaanahani oo soo marta Soomaalida dalkani ku nool.

Todobaadka wuxuu ku biloowdey dilka labbo Soomaali ah oo lagu dhex toogtey goobahooda ganacsiga, midkood waxaa lagu diley agagaarka Johannesburg, midka kalana waxaa lagu diley duleedka Port Elisabeth, labadda marxuumba shalayto ayaa la aasay.

Xalayto fiidkii ayaa hadane uu soo yeerey warkii ugu dhiilata badnaa, waxaa boob xooga uu ka bilowdey tuulada Jeffrey’s Bay ee gobolka Eastern Cape, waana markii 3 sanadkani oo kaliya, sida uu iigu xog waramay Cabdiraaxmaan Raabi oo ah gudoomiye kuxigeenka jaaliyada Soomaalida (SASA) ee gobolkaasi oo isaga meesha gaaray, 33 dukaan oo tuuladaasi ku yiiley ayaa cagta la mariyey lagana soo reebey 3 dukaan oo kaliya, “3 dukaan oo kaliya ayaa laga soo reebey, Police-ka iyo ciidamada amaanka ayaa hortaagan dad caraysan oo rabba in ay dadkana dillaan, sababta waxaa lagu sheegey in gabar deegaanka ah ey sheegatay in uu nin Soomaali ah fara xumeeyey, balse ay arrintaasi been noqotey kadib markii ay dhaqaatiirta baareen qofka dumarka ah, laakiin taasi ma hor istaagin in ay joojiso in dadka deegaanka boobaan ganacsiyada Soomaalida taasoo dabcan ahayd ujeedka dhan ee ka dambeeyey hadalka gabadha” ayuu yiri Raabi oo ay hareero tubnaayeen raxan warfidiyeeno ah oo afkiisa hadal ka dhowrayay.

Magaalada Queenstown oo iyaduna ka tirsan isla gobolka Eastern Cape (hoyga masiibada Soomaalida) boqolaal Soomaali ah iyo ajaaniib kale iyo waliba dadka deegaanka ayaa ka dhigey mid ka mid ah dibadbaxyadii ugu waaweynaa ee dhawaan magaaladaasi soo mara, saakay ayay socod dheer ku mareen bartamaha magaalada qadiimiga ah, iyagoo sitta boorar ay ku qoranyihiin halku dhegyo aka dhan falalka foosha xun, waxaa hal ku dhegyada ka mid ahaa “Xenophobia is crime against humanity= shisheeye nacaybku waa dambi laga galay bini’aadanimada”, waxay dadka ka banaabaxaayay qoys Soomaaliyeed oo 26-dii Sebtemper lagu harag siibey dukaan ay magaaladaasi ku lahaayeen kadib markii la kufsaday hooyadii reerka iyo gabar 12 jir aheyd, lana diley labbo wiil oo 14 jir iyo 19 jir kala oo midkood uu dhagaha la’aa, ragii falkaasi geystey ayaa maanta maxkamada lasoo taagayay.

Sida uu ii sheegey gudoomiyaha jaaliyada SASA ee Queens Town mudane Cismaan Siraad, dadka baanabaxayay waxa ay xirnaayeen funaadao ay ku sawiranyihiin sawirada qoyskii la laayay, wuxuu yiri “ dadka aad ayay u caraysnaayeen, aniga ayaa hor kacayay banaanbaxa, waxaan ka biloowney banaanbaxa saldhiga Police-ka oo ana u gudbiney cabashada aan qabno, waxaan la kunahay madaxda Police-ka magaalada, waxaan u gudubnay Maxakmada magaalada oo lasoo saarayay dambiilayaasha falka xun geystey, waxaan qoraal u gudbiney xaakimka maxkamada oo aan ka codsanay in uu cadaalad ku xukumo kuwa dambiyada geystey, waxaan oga sii gudubney wasaarada arrimaha gudaha oo aan geeyney qoraal aan oga cabanayno arrimaha sharci xumada iyo dhibaatada dalka naga heysato oo wasaaradani ay shaqo ku leedahay, halkaas ayaanan banaanbaxa kusoo gabogabaynay” ayuu yiri Mudane Cismaan oo intaasi ku daray in madaxdii ay la kulmeen ay kala kulmeen qaabilaad wacan iyo beerlaxawsi.

Wuxuu intaasi raaciyay in dhawaan wafti heer sare ah oo UN-ka ka socda ay ku qaabileen magaalada kalana hadleen dhibaatada dalka ku heysata, cabashadaasi ayaa loo gudbiyey Geneva.

Meelo kale oo dalka mid ah boqolaal Soomaali ah ayaa xoog looga saaray xarooyin ay ku jirren muddo billo ah kadib rabshidihii dalka ka dhacay ee ay ku barokaceen, xarooyinkani oo ku kala yaala Pretoria iyo Cape Town ayaa la sheegey in albaabada loo xirey iyadoo dadka ay ka cabanayaan in haddii ay ku noqdaan meelihii ay kasoo barokaceen la waxyeeleyn doono, balse dowlada ay ku adkaysanayso in aysan jirrin cid weeraraysa.

Wixii dhacay 24 saac ee ugu dambeeyey ayaa cadayn u ah jirritaanka cabsida dadkani ay sheeganayaan, dhanka kale waxaa la filayaa in rabshadaha ay sare usii kici doonaan bilaha soo socda marka loo sii dhawaado xiliga doorashadaha sanadka soo socda, waxaana dalka ka jirra xiisad kulul oo siyaasadeed, waxaa la hadal hayaa in xisbi cusub uu ka goosto xisbiga talada haya ee ANC, arrintaas oo laga yaabo in ay rabshado kiciso.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo) Email: saxansoxo1@hotmail.com, Tell:+27767059384, Somalitalk.com, Joahhnesburg.

Akhri: Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha...

:::Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 8, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS