SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qoys Soomaaliyeed oo ka kooban hooyo iyo 3 deeda caruurta ah oo lagu gowracay South Afrika

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan Qoys Soomaaliyeed oo la jarjaray ayaa soo baxaysa, magacyada caruurta la gowracay, iyo hooyadood, meesha ay ku sugnayeen, goorta iyo waxa loo isticmaalay dilkooda. KismaayoNews ayaa waraysatay goobjoogayaal xog-ogaal ah.

Xalayto xilli aan la ogeyn goorta ay ahayd ayaa rag ku hubeysan baangado, tooreeyo, iyo biro kale waxa ay u dhaceen dukaan ku yaala tuulada Queens Town , dukaanka waxaa lahaa Qoys Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo 3 caruur ah oo ay dhashay, labbo waa wiilal., midna waa gabar, rag aad u hubeysan ayaa cad cad u jaray hilbaha qoyska, dadkii saakay tagay goobta oo uu ka mid yahay Ismaaciil Cabdi Maxamuud.iyo dadkii dariska ahaa ayaa ka argagaxay waxa ay indhahooda saareen.

Sida uu sheegey Ismaaciil Cabdi Maxamuud oo reerka daris la ahaa, waxaa hooyada magaceeda lagu sheegey Saciido Aadan Maxamad, caruurta waxaa la kala yiraahdaa Maxamed Shariif oo 19 jir ahaa, Ibaraahim oo 15 jir ahaa iyo Caasho oo 12 jir ahayd. Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii goobta gaaray ayaa sheegey in waxa indhihiisa uu ku arkay ay ahaayeen wixii ugu argagaxa badnaa ee uu waligiis indhihiisa saaro, wuxuu ka waramay hilbo dad oo jarjaran, jirka dadka oo lagu shafay seefo iyo tooriyo , dhiig sidii daadkii oo kale u daadsan dukaanka dhexdiisa.

Ismaaciil ayaa iiga waramay xaalada qosyka wuxuu yiri “qoyskani labbo billood oo kaliya ayay halkani degeyihiin, aniga ayay markii hore illa soo dageen, Cape Town ayay kasoo guureen, waxaa jirra xaas kale oo islaantani lala qabay oo caruur leh oo Cape Town degen, aabahood wuxuu jirraa Engiriiska, dukaankan mar dhow ayay heleen, bil oo kaliya ayayna dukaanka dhex degenyihiin, wiilka ayaa u adeega, inta kale ee Qoyskana dukaanka ayay dhex degenyihiin, marka xalayto ayaa loo dhacay, saake ayaase la ogaaday falka dhacay, mana la garanayo waxa ka dambeeyey” ayuu yiri Ismaaciil oo qadka taleefoonka iigu waramayay.

Illaa iyo hadda lama duugin reerka waxaana la sugayaa xubno qoyska ka mid ah iyo madaxda jaaliyada Soomaalida SASA oo dhawaan ka ambo baxay magaalada Port Elisaberth si ay arrinta u galaan, waxaa kale oo kusii xoomaya goobta qalabka warbaahinta dalka oo saacadaha soo socda soo fatihin doona warka naxdinta leh.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey ee dhacadada noocaan oo kala ah ay dalka ka dhacdo, waa jirreen dad la gubey, laakiin in qoys idil la wada gowroco waa mid naxdin leh oo aanan cidna filanaynin, Soomaalida dalkani ku dhaqan ma jirraan qoysas baddan oo tuulooyinka ku nool, qoyskanina wuxuu ka mid yahay tirro qoysas ah oo sii kordhaya oo tuulooyinka u nolol doonanaya.

Ismaaciil ayaa sidoo kale ii sheegey in raga falka geystey ay dukaanka ka dhaceen alaabo iyo lacago aan la garanayn cadadkooda, waxaana muuqata ayuu yiri in raga falka geystey uu dagaal ku qabsaday goobta oo qoyska ay dagaalameen, wuxuu intaasi ku daray in hooyada iyo wiilka weyn ay ahaayeen kuwa ugu daran xagga dilka, taasina waxay muujineysaa ayuu yiri in ay dagaalameen, lagana yaabo in ay isku dayeen in ay kufsadaan hooyada iyo gabadha.

Waxaa xaalada fajac iyo naxdin ah ku jirra dhamaan dadka Soomaalida ah ee dalka ku nool.

Wariye Ayman Gacal oo ka mid saxafiyiinta dalka ku nool ayaa ii sheegey in dhawaan uu booqasho ku tagay isla goobta uu falka ka dhacay, wuxuu sheegey in uu reerka yaqiiney, muddo todobaad ahna la joogey guri ay daris ahaayeen oo uu marti u ahaa, wuxuu intaasi ku daray in reerka ay ahaayeen reer dadaal baddan kana go’antahay in ay shaqeystaan oo aysan waxbo ka sugin aabahooda dibada jira.

Ma jirto cid loo qabtay falkani, police-kuna waa ay ku xeeranyihiin goobta, iyadoo lasoo sheegayo howlgalo baaxad weyn leh oo lagu goobayo ragga falka geystey.

Sheekh Maxamed Aamiin Jowhar oo ah imaamka masaajidka Soomaalida Johannesburg oo hadlayay salaadii jimcaha ka dib ayaa Soomaalida oga digey in eey xaasaskooda iyo caruurtooda geeyaan tuulooyinka, marka uu boqolaalkii qof ee Soomalaida ahaa u sheegey warka ku saabsan dilka qoyska ayaa markaliya la wada hogtey, murugo iyo hanfariir dadkii wada saameeyey, qof kasta oo aad dariiqa ku aragtid waxa kaliya ee uu hadal hayo waa dhacdadani naxdinta leh.

Cabdinaasir Saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com, Teel: +27767059384.

Akhri: Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha...

:::Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS