SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

LABA KALA DARAN MID DOORO!

Haddii aanu ummada u sharaxno in xag Aakhiro iyo xag adduunba ay xun tahay in la xaqiro oo la yaso qof kula diin, af iyo dhaqan ah, waxaanu ka baqaynaa in dhibaato hor leh oo aan la xallin Karin ay halkaa ka abuuranto. Waxaanu is leenahay in ay haboon tahay in arrinka sida uu maanta yahay loo daayo oon waxba la soo faagin. Waxaanu ku talinaynaa in qofkii aanu u aragno inuu cilmi Aakhiro oo aad u sareeya oo ilaa heer jaamacadeed ah haysta aanu ka ilaalino inuu ummada u khudbeeyo oo wax u sheego. Waxaanu ku talinaynaa in qofkii aanu u aragno inuu fagfag badan yahay ama si cad oo hurgufan wax u sheegaya in aan marna la soo dhoweyn oo belaayo la kala dhex dhigaa isaga iyo ummada. Waa in lagu dedaalaa sidii loo faquuqi lahaa waxgaradka iyo culumada naga garaad iyo gu’aba weyn iyadoo la adeegsanayo qaybo Diinta ka mid ah oo dadka loo tuso inay gaaloobeen, jid baas ku socdaan ama gaalo raac yihiinba. Waa in lagu dedaalaa sidii aan loo lumin kalsoonida dadka nagu xiran, tartana lala galaa kuwa kale ee u gacan haatinaya ee doonaya inay naga maroorsadaan dadka rukunka noo ah. Waa laba daran kala dooro-e, aanu u dhug lahaano ta fudud ee dantu noogu jirto dadkana maslaxa u ah. ! La na soco in Midgaan iyo dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag.   


HEAR NO EVIL SEE NO EVIL SAY NO EVIL
Foto recource:www.onsightproducts.com 

Haddiiba la doonayo in laga hadlo cunsuriyada iyo quudhsiga waxaa noo ballan ah in aanu sida luubaanka ku meereysano qabiilka iyo sida Eebahay u baneeyey in loo isticmaalo. Waxaa noo ballan ah inaanu aad uga sheekeyno sida dadka Eebahay uu ugu kala saaray ummado iyo qabiilooyin kala duwan oo kala jinsi ah. Waxaanu isku ognahay in la buunbuuniyo sababaha ay ka mid yihiin dhaxalka iyo inuu qofku ogaado inuusan geyn kuwii dhalay iyo kuwii la dhashay. Waxaad ogaataan in fool xumada cunsuriya ee diintu sharaxday iyo siday uga soo horjeesatay aanu wada ognahay. Waxaanse marna meesha ka madhnayn in siduu Suubanuhu u tirtiray ee uu Gunta iyo Gobta isula simay isuguna guuriyey una walaaleeyey isaguna uu u guursaday aynaan haatan ku dhici Karin af iyo adinba. Waxaa xaqiiqa ah, ileyn waa inagiiye, -beynii wabeynak-in aanu si aan cadayn oo madmadow iyo mugdi ka buuxo aanu dadka wax ugu sheegno. Waxaad ogaataa in ay Soomaalidu tahay dad qalbi jilicsan oo qool lagu suran karo qoortooda in loo sheego wixii naxdin iyo walaac ku abuuri kara. Waxaa la ogaaday in haddii dadka la argagax geliyo oo naaraha iyo moowjadahooda kala subxaanaleysta iyo ciilka ay u qabaan inay diirtaan lafaha iyo dhuuxyada dadka ay dadku iska qushuucaan oo ay qoorta noo soo laalaadinayaan. Waxaan ku xasuusinayaa inaadan ka daalin sheegida adduunka danbe iyo dhibkiisa, kan aynu saaranahay iyo belaayadiisan isku daboolana aad xuf iyo xaf ku dul martid. Waxaad laabtaada ku dhigtaa in aad giir iska kiciso haddiiba caqligu shaqeeyo oo ay soo baxaan su’aalo kaa da’weyn oo aadan ka jawaabi Karin ama u muuqda inay yihiin kuwo cimaamada kaa ridaya. Waxaad la socotaa belaayo iyo baaska way ka baqaan Soomaalidu, markaa ha ka tegin habaarka, oohinta iyo indho isku qabadka si ummada ku dhegeysaneysa ay ugu noqoto cashar wanaagsan oo aysan dib danbe ugu dhiiran inay sameeyaan waxyaabahaas oo kale. Waa laba daran kala dooro-e, aanu u dhug lahaano ta fudud ee dantu noogu jirto dadkana maslaxa u ah. ! La na soco in Midgaan iyo dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag.   

Haddiiba la doonayo in la dejiyo arrin cirkaa isku shareertay oo bulshadu si guracan u aragato xusuuso maahmaahdii soomaaliyeed ee Habeena oday oday, maalina habarhabar. La soco inaad cid dhan madax u tahay oo ay kugu tashanayaan. Adigoo cadaalad sameynaya, haddana miisaanka dhinac kaga dheji dhagax yar oo aan la arki Karin si gartu ugu leexato xagga qoyskii aad ka soo jeeday. La soco in lagu xisaabsanayo waxaad doontaba ahow, meeshaad doontaba joog. Waxaan idin xasuusinayaa in dulmigu xun yahay, haddana Eebe ayaa nagu cabuuray caadifadan baas anagoon dhalana ayaa lagu qoray Looxu-Maxfuudka ee bal sidii aad wax u kala maareyn lahaydeen ku dedaala adigoo Asalka raacaya! Asalkan raac oo haddana Asalkeer raac, waa laba daran kala dooro-e, aanu u dhug lahaano ta fudud ee dantu noogu jirto dadkana maslaxa u ah. ! La na soco in Midgaan iyo dhibtiisa aadan sheegin, aadan maqlin oo aadan arag. 

Walle goorey ahaataba xaqu feedhuhuu ka dillaaci!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 30, 2005


MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL! Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD