SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA-C/RAXMAN EELAY

Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.3-aad)

Waxay ahayd Sabti Abriil 2-di 2005 waxaana saraha dhaadheer ee Ceder looga soo qulqulay sidii iyadoo la qaxayo oo kale. Waxaa la soo aaday dhisme yar oo  daaraha dhaadheer ku hoos naban oo la yiraahdo Bryan Cole. Waxaa halkaa kusii qulqulayey dumar aad u fara badan oo da: walba leh si wanaagsana u asturnaa. Waxaa halkaasi isku marxabeynayey dadyow kala duwan oon is arag in muddo ah. Casarkii ka dib ayaa Masaajidka misna laga soo qulqulay.  

Wiil dhallin yara ah oo taagnaa afaafka dhismaha ayaan weydiiyey meesha loo sii kutabayo.

Eelay: Maxaa meesha ka socda?

Wiilkii: Nacasnimaa ka socota?

Eelay: Maxaad ka wadaa?

Wiilkii: Nin aanu shirkii hore u jeedadiisa iyo ka jeedadiisa fahmi weyney ayaa haatana na hortaagan. Anigu waxaan la yaabay Reer Adeerkay! Maxaa macna ah oo ku jira wadwadka ninkaan Xildhibaan maaha, Madaxweyne maaha, Raysul wasaare maaha, wasiir maaha! Muxuu naf ah oo uu leeyahay, maxaase laga faaiideysanayaa

Eelay: Haddaa maxay Reero dhan Odayaashood, Islaamahooda iyo Waxgaradkoodu u wadwataan?

Wiilkii: Warninyohow warmoogaa tahay miyaa adiga!. Ninkaan Maleysia ah aaway tolkiis! Magaalada waa buuxaan, laakiin waxay ku shuufeen uu qabaa noo. Dadkaan ninkaan ma yaqaaniin, bootuu ku akhrinaayaa, Dowlada C/llaahi uu u amaanaa, Itoobiyaanka uu amaanaa! Bes waa ugu jirtaa noo duudkaaba lagu wadaa camal! Waa ku baashaalooyaa!

Eelay: Adigaba sowdigan shirka u socda oo Dowlada taageeraya maaha?

Wiilkii: Dowlada ha la taageero dhib ma leh oo Dowlad waa rabnaa, Laakiin dadkaan meeshaan isku soo urursaday iyagaaba dowlada ku nacsiinaaya; waayo waxay iska dhigaayaan inay C/llaahi Yusuf kaa xigaan, inay Cali Geedi kaa xigaan. Dadkaan waa iga wareeriyeen! Dowladii Kacaanka 15 sano ka bacdi ay sheeko sheeko qabiil bilowday, kuwaan hadda oo dowladiiba qiilqiil ku jirto aaba laga neefsan la’ yahay! Yaah! 

C/Risaaq Biixi ayaa ka codsaday in dadkii dibada ku leersanaayey ay gudaha soo galaan si shirku u bilaabmo. Waxaa uu C/Risaaq oo ahaa xiriiriyihii shirka uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Banaadiriga Mohamed Abuukar. Mohamed wuxuu ka warramay in ay soomaalidu is qalatay oo maanta aanu meel walba oo dunida ah ku dayacanahay. Wuxuu u sheegay dadweynihii inuu taageersan yahay dowladan dhalatay iyo Baarlamaankeeda. Wuxuu ku booriyey inay Soomaalidu is kaashato oo iska deyso kala qoqobka,khilaafka iyo qabiilka. Waxaa haatana codbaahiyaha lagu wareejiyey Mohamed Askar oo ah Oday Soomaaliyeed oo aad u qiireysnaa. Wuxuu Askar dadkii u sheegay inay taageeraan Dowladan dhalatay iyo Baarlamaankeeda iskana daayaan sal fudeydka iyo seef la boodnimada. Wuxuu Askar aad ugu dhiiri gelieyey inay Soomaalidu walaaloowdo oo ka tanaasusho dhibaatadii naga soo qixisay waddankeenii. Bal aynu anagu wax qabsano, wax istarno oo wax barano inta aanu siyaasad iyo hawlo aanan shaqa ku lahayn aanu farafareynayno ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey Askar. 

Waxaa haatana uu Biixi u yeedhay Suldaan Ibraahim Caliyow Ibrow. Suldaankii ayaa mar keliya codbaahiyihii ka yidhi Hergel fayly! Geega maybaa hii………… Wuxuuba halkaa ka bilaabay Afkaygii Hooyo ee Af-May. Laakiin waxaa isukay qaban waayey Suldaan iyo Maalin Ibrow! Haddii la oran lahaa Malaaq ibrow aad uma wareereen!

Wuxuu Suldaanku (Malaaq) isagoo ku khudbaynaya Af-May-ga aad uga warramay sidii ay dowladani ku dhalatay. Wuxuu sheegay in dawladan ay bud dhigeen Duubabka Soomaaliyeed. Wuxuu yidhi duubabku iyagaa dhamaan doortay madaxda dowlada min Madaxweyne, Baarlamaan ilaa Wasiirada. Duubabku buu yidhi waxay halgan dheer u soo galeen isukeenida iyo heshiisiinta dadyow kala fikrado, siyaasad iyo beelaba ahaa. Markaa wuxuu ku soo gabagabeeyey inaan la iloobin doorka ay duubabku ka soo qaateen dhisida dowlada iyo dib u heshiisiinta. Anigoo marba iska muusoonaya ayaa macallin I ag taagnaa I weydiiyey waar ninkan yaa fahmaya haatan. Markaasaan ugu jawaabay waa Idaacadii Ruushka. Waa maxay Idaacadaasi? Anigoo aan doonayn in Odayga lahjadiisu I dhaafto ayaan ku idhi Saaxiib fahan ama ha fahmin waad ku khasban tahay inaad dhegeysato-- Waa Idaacadii Ruushka! Inta uu qosol ku dhuftay ayuu yidhi Bow! Waar waa maxay kan yaree na dhaafsan! 

Waxaa haatana uu Biixi si wanaagsan ugu soo dhoweeyey cod baahiyaha Mudane Mohamed Keynaan. Keynaan wuxuu halkaas ka akhriyey qudbad aad u dheereyd oo ka turjumeysay dhinacya badan. Wuxuu Soomaalidii meesha isugu timid u sheegay inay midoobaan oo ka koraan qabiilka iyo nin jecleysiga. Wuxuu tusaaleeyey in isaga iyo qowmiyada uu metelaa aysan jirin cid uga baahi badan in la helo dowlad. Waayo wuxuu sheegay in markii laba maroodi ay dagaalamaan uu nabaadka iyo cawsku ku dhex baaba’o. Markaa wuxuu yidhi qowmiyadeydu waa nabaadkaas iyo cawskaas oo kale maadaama aysan hubeysnayn garab iyo gaashaana heleyn. Maroodiyaduna waa Qabiilada waaweyn ee xoogga sheegtay. Markaa wuxuu sheegay inuu taageersan yahay Dowlada, Raysul Wasaaraha iyo Baarlamaankeeda maadaama la soo doortay loona dhisay inay Maroodiyada kala celiyaan si cawsku uu u badbaado!

Sacab aad u badan iyo durbaan ayaa is qabsaday. Wuxuuna Keynaan hadalkiisii ku soo gabagabeeyey. 

Saado iyo Sanguboo iswataana waa kuwan! sacabka iyo jaataa lasyla dhacay. Maxaa mashxarad iyo islul ah!  

Hal cabaar ah ka dib ayaa waxaa codbaahiyaha looga yeedhay C/Rahmaan Maleysia. Samigey C/Rahmaan ayaa ka hadlay Dowlada iyo Baarlamaankeeda iyo hawlaha faraha badan ee sugaya. Wuxuu dadweynihii u sheegay inaysan suura gal ahayn go’aankii uu Baarlamaanku gaaray ee ahaa inaan ciidamo la keenin wadanka maadaama ay meel walba Mooryaan iyo Jirri qorya wata buuxaan. Wuxuu sheegay in isagoo ka dhashay Reeraha dega Magaalada Muqdishu uu haddana tegi kerin Magaalada Xamar. Wuxuu ku cataabay inuu Deegaankiisii uu uga haajirey ciyaal yaryar oo aanu anagu markii u horeysay hubeynay. Wuxuu xusay in meelaha haatan ugu amaanka badan wadanka ay tahay Puntland. C/Rahmaan wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey inay dowladani soconayso ciidamana loo baahan yahay, uuna taageersan yahay wax walba oo ay ku hirgaleyso. Qabqablayaashana lagu soo oodi doono Dambiile Dagaal haddaysan joojin dhibaatada ay dadka ku hayaan. Sacab iyo alalaas ayaa daartii gilgilay. 

Waxaa la soo gaaray gabal dhacii, waxaana dadka loo sheegay inay Salaada Makhrib soo tukadaan oo si deg-deg ah u soo salaama naqsadaan. Waxaan maqlayey laba Oday oo isku leh Waar heedhe waa sidee C/Rahmaan kursigii aanu uga tagnay ayaanu ugu soo noqonay isagoo fadhiyee? Kii kalaa yidhi Waa nasiib xumo inaanan ku arag Gurigii Eebe.

Iyadoo lays weydaarsanayo ma laga soo faaruqay salaadii iyo Allaha aqbalo ayaa Golihii Shirka layku sii maqiiqay. Shuux-shuux yar iyo dulmarid wixii dhacay ka dib ayaa la furay su’aalihii dadku qabeen. Mar qura uun baa waxaa nagu soo dhex dhacay anagoo taagan Albaalka Hoolka hortiisa 3 dhallin yara ah oo wax nacladaysa iyo hoolkii oo hayn kari waayey sanqadha, sacabka iyo farxada dadweynihii ku dhexjirey. Dhallintii oo aad u careysan ayaanu ka codsanay inay noo waramaan iyadoo qaar naga mid ahaana ay u carareen gudah si ay u ogaadaan waxa ka jira meesha. Waxay yiraahdeen Nin baa ka acay oo saalay C/Rahman Maleysia sida ay dowladu ka yeeleyso Wadaadada Iklhwaanka ah ee Mayalka adag maadaama ay ka soo horjeedaan dowlada iyo qorshayaalkeeda? C/Rahmaan baa ku jawaabay buu yidhi waxaa jira wadaada hubeysan oo uu wadankii ka degi la’yahay, haystana dhul iyo beero aysan lahayn. Kuwaasi waxay la mid yihiin kuwa Dagaal Oogayaasha oo kale. Waanu ognahay oo ishaanu ku haynaa! Haye markaasna ayaanu weydiinay. Wuxuu yidhi maxaa kale hee! Waxaa ku xigay wixii lagu yaqaanay Soomaalida oo ah inay usabciyaan oo u alalaasaan sidii kal horeba dhacday markii kuwii ka soo horjeeday sinaanta Ragga iyo Dumarka har galay lagu toogtay Soomaaliya! Weligaa iska sabci lee maahoo! 

Nin baaba halkan ka soo booday oo yidhi Waar horta ninkan yaa noo keenay? muxuuse yahay? Soomaalidu miyeysan horta xisaabtamin? Waar yaa ka xun oo ka dhiigya cabsan ninkan isku magacaabay Maleysia. Dagaal Oogayaasha isagaaba ka denbi badan ee miyeydaan ogeyn? Ninkani wuxuu ahaa buu yidhi ninkii lacagta beenta ah ee waraaqaha ah u soo daabici jirey dhamaan Dagaal Oogayaasha. Waa ninkii Ilaa Maleysia iyo Indooniisiya Waraaqadaha ka soo daabuli jirey si loogu bedelo Doolarka adag. Waa ninkii uu Cali khaliif ka xiray meelihii lagu soo sameyn jirey ee laga cuna qabateeyey Trilyan iyo Trilyanis Lacag Beenaad ah. Soomaaliyeey dadka soo kala barta oo naga daaya hoosiiska! 

Golayaasha fadhi ku dirarada ayaa waxaa maalmo ka dib markii uu shirkii dhamaaday camiray casuumaadii loo sameeyey C/Rahmaan iyo baqshadii afka ka xirnayd ee la sheegay inay ku jritay lacag 20,000 ku dhowaad ahyd! Cismaan baa wuxuu yidhi Ninkani si fiican buu uga gashtay Tolkey sidii uu Muuse Suudiba uga gashtay kuwii uu ugu tegey Imaaraadka! Waxay kula soo carareen lacag ka badan 50,000 markaasuu isla markiiba ku iibsaday C/bilayaal si uu Baroono u saaro! Dadkani maba xisaabtamaan miyaa ayuu ku cataabay Cismaan! 

Wuxuu Cismaan intaa ka sii daba tuuray inuu C/Raxmaan Maleysia isagoo aad u dhoola cadeynayo uu u baqooli doono xagaas iyo Toronto si uu intaa iyo in ka badan uga soo rujiyo! 

Heey! Waaba maalin ku taajir Sahlane!

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April  16, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD