SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 RAMADAAN

| QURAAN | SIIRO | SAXAABO | SALAAT | XAJJ | ZAKAAT |

ramadan
HORDHAC TAXANAHA RAMADAANKA

AXKAAMTA SOONKA
Ibraahim Salah
ibra88@hotmail.com
November 25, 2000 | Updated: Nov 15, 2001
| Updated: Oct 18, 2003

Hordhac:

Bisha Soon, waa bil uu Eebbe (sw) dhex yeelay fadli aad u weyn. Bisha Soon waxaa loogu magac daray bishii qur’aanka, taasoo macnaheedu tahay in qur’aanka la soo dejiyay bil Ramadaan., sida ku cad aayad qur’aan ah. Waa bil uu Ilaah furo albaabada Jannada, uuna xiro albaabada Naarta. Waa bil uu Ilaah (sw) ugu magac daray irid ka mid ah albaabada Jannada, albaabkaasoo ay maalinta qiyaame ka soo geli doonaan dadka sooma. Waa bil abuura midnimo iyo iskaashi. Haddaba, sidaa darteed asxaabtii Rasuulka (scw) ee sharafta badnaa waxay ahaayeen kuwii si xiiso iyo farxad ku jirto ugu qaabila bisha Ramadaanka. Aad ayeey u farxi jireen markay u dhalato bisha Soon, dhinaca kalena waxay jeclaan jireen inuu sannadkoo dhammi noqdo bil Ramadaan, si ay uga faa’ideystaan fadliga Soonka.

Macnaha luqadeed ee Soon:

Ereyga Soon waa erey asal ahaan carabi ah, macnahiisuna waa hadal ka af-xirasho. Waxaana laga fahmi karaa oraahdii Alle (sw) uu ku lahaa Maryama Bintu Cimraan (cs): " Waxaad tiraahdaa waxaan Allaha Raxmaanka ku nadray (sharday) inaan hadalka ka soomo oo cidina lama hadlayo maanta". Suuradda Maryama aayadda 26. Haddii aan ka eegno macnaha xaqiiqada ay xanbaarsan tahay waa iyadoo laga af-xirto wax allaale wixii soonka afuriya/buriya ee ficil iyo oraahba ah.

Qaybaha Soonka:

Soonku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood, kuwaasoo kala ah mid faral (waajib) ah iyo mid Sunno ah. Soonka waajibka ah ayaa wuxuu u sii qaybsamaa ilaa saddex qaybood, waxayna kala yihiin:

  1. Soonka bisha Ramadaan
  2. Soonka kafaaro-gudka
  3. Soonka sharadka (nadarka).

Xikmadda Soonka:

Lama soo koobi ujeedooyinka iyo xikmadda Soonka ka danbeysa; waxaana ka mid ah in Illaah amarkiisa loo hogaansamo. In dadka ay dareemaan gaajada iyo darxumada, si ay u xasuustaan khaaliqooda abuuray, sidoo kale inuu ugu naxariisto fuqurada. Ujeedooyinka Soonka waxaa ka mid ah, inuu Illaah dadka simo oo kan taliya iyo kan loo taliyo, maal qabeenka iyo kan saboolka ay si wadajir u dareemaan gaajada oo ay wada sooman yihiin. Soonku wuxuu dhaliyaa midnimo iyo sinnaan, is jeceyl iyo is kaashi, sidoo kale waa cibaado laga doonayo qof kastoo ka mid ah muslimiinta, isagoo markaana buuxinaya shuruudda Soonka.

Xukunka Soonka:

Soonku waa waajib sida laga fahmi karo kitaabka qur’aank ah iyo Sunnada Nebiga (scw). Ilaah wuxuu qur’aankiisa ku yiri: "Dadkii Alle rumeeyayow waxaa la idinku waajibiyay inaad soontaan sidii dadkii idinka horeeyay loogu waajib yeelayba, waxaadna mudan tihiin inaad dhowrsataan" (Suradda Al-baqara 183). Wuxuu kaloo Alle yiri: "Bisha Ramadaan waa bishii la soo dejiyay qur’aanka, isagoo hanuun dadka u ah iyo caddeyn oo hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadilka) ah ee ruuxii jooga bisha soon ha soomo, ruuxiise buka ama musaafir ah waxaa dushiisa saaran maalmo kale soonkood, Ilaah wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinlama doonayo culeys, waana inaad dhammeystirtaan tirada, waynaysaana Ilaah wuxuu idinka hanuuniyay, waxaadna mudantihiin inaad Ilaah ku shukrisaan" (Suradda Al-baqara 185).

Dhinaca Sunnada Nebiga (scw), waxaa jira axaadiis fara badan oo dhammaantood caddeynaya waajibinimada soonka, waxaana ka mid ah xaddiis Dhalxa Binu Cubeydillah uu yiri, waxaa Rasuulka (scw) weydiiyay nin, isagoo ku yiri: "Rasuulkii Alloow waxaad ii sheegtaa soonka uu Alle igu waajib yeelay?." Rasuulka (scw) ayaa wuxuu ku yiri: "waa bisha Ramadaanka". Wuxuu misna yiri: "ma soon aan bisha Ramadaanka ahayn oo la igu leeyahay ayaa jira?". Wuxuu yiri: "Maya, aan ka ahayn kaad sunno ahaan u soonto". Haddaba, halkan waxaan ka fahamnay in soonku yahay waajib aan dood ka taagnayn waajibnimadiisa, dhinaca kalena waxay culumada Islaamka isku waafaqsanyihiin in qofkii si ula-kac-ahaan u diida waajibnimada soonka uu gaaloobayo. Soonku waxaa la waajibiyay maalin isniin ah, ayna tahay labada bisha Shacbaan sannadkii 2aad ee hijriga.

Shuruudda Soonka:

Soonku, wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah:-

  1. "Islaamnimo" Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay.
  2. "Miyir qab" Qofka waalan waajib kuma aha soonka.
  3. "Qaangaar" Ilmo caruur ah lagama doonayo soon ( hase ahaatee way fiican tahay haddii caruurta lagu tababaro soomidda markay yar yihiin).
  4. "Awoodid" Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba. Dadkaasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida:
    1. Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin.
    2. Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna.
    3. Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka gudaan.

Qaybta hore waa dadka da’da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, kuwaasi waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah. "Kuwii Soonku dhibiyay waxay bixin quudin miskiin" Suuradda Al-baqara 184. Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo ku jira hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa haddii ay ula baqdo nafteeda iyo tan cunuga inay quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto.

Qaybta labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana markii ay awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan, waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo, qofka safarka ku jiro ee aan deganayn. Illaah kor ahaayee wuxuu yiri " Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood" Suuradda Al-baqara. Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku tahay inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa:- Haweeney inta ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay daahirto.

Tiirarka Soonka:

Soonku wuxuu leeyahay labo tiirar oo asaas u ah Soonka, kuwaasoo loo baahan yahay inuu qofka soomani la yimaado, waxayna kala yihiin:- 1) Af-xirasho laga af-xirto cabidda iyo cuntada laga bilaabo goorta ay qoraxda soo baxdo ilaa ay ka dhacdo. "Cuna oo cabba intuu ka muuqdo liilanka cadi (waagu) kan madoow" (Suuradda Al-baqara aayadda 184).Tiirka labaad waa niyadda, camal kastana waxaa shardi u ah niyad (ikhlaas) oo lama aqbalayo camalka hadduusan niyad wadan. Aayada ku jira Suuradda Al-bayyina iyo Suuradda Al-xaj ayaa qeexaya arrinkan. Sidoo kale, wuxuu Rasuulka (scw) xaddiis ku yiri " Camal kasta waxaa saldhig u ah niyad, qof kastaana wuxuu leeyahay wixii uu niyooday".

Qofka soomani waxaa laga doonaya inuu niyeysto soonka, ka hor inta ayan qoraxda soo bixin maalin kasta. Waxaa kaloo la yiraahdaa, waxaa qofka ku filan niyadda uu niyeysanayo maalinta ugu horeysa ee uu niyoonayo soomidda bisha soon oo dhan. Xafsa hooyada Mu’miniinta waxay Rasuulka (scw) ka werisay inuu Rasuulka (scw) yiri "Qofkaan kulmin niyadda (niyadda iyo go’aanka ah in la soomo) ka hor fajarka uma sugaanin oo ma laha soon".

Waxyaallaha buriya soonka:

Waxaa loo qaybiyaa waxyaabaha soonka buriya ilaa labo qaybood: Qaybta koowaad oo ah in si ula kac ah loo cuno cunto ama loo cabo cabitaan; sidoo kale is matajin ula kac ah, caadada ama dhiiga dhalmada, ruuxa sooman oo niyeysta inuu afuro. Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha buriya soonka qofka oo gacantiisa isaga keena biyaha shahwada (siigada).

Qaybta labaad ee buriya soonka, isla markaana waajibiya in la qalleeyo soonka, sidoo kalena waajibiya in lala yimaado kafaaro gud ayaa waxaa ka mid ah galmada labada is qabta ee maalinta Ramadaanka. Kafaaro gudka halkan aan ku xusnay waxaa si tartiib leh u sheegtay aayad qur’aan ah sida qofka u galmooday xaaskiisa maalin soon ah, waa inuu xoreeyaa addoon (addoonsi wax la yiraahdo maanta ma jiraan, allahu aclam)), haddii uu awoodi waayo waa inuu soomo labo billood oo isku xiga, hadduu awoodi karin waa inuu quudiyaa lixdan masaakiin. Qofkii xaaskiisa u gaalmooda labo jeer maalin ramadaan ah qofkaasi waxaa laga doonayaa hal jeer kafaaro-gudkeed, gabadhiina laguma leh kafaaro-gud (waa sida uu qabo Imaam Al-Shaafici). Qofka uma bannaana inuu u galmoodo xaaskiisa maalmaha Ramadaanka, hase ahaatee way u bannaan tahay galmada habeenka.

Sunnooyinka Soonka:

Soonku wuxuu leeyahay sunnooyin fara badan oo ay habboon tahay in lala yimaado. Waxaa ka mid ah sunnada Soonka in la de-dejiyo afurka, isla markaana la dib dhigo Suxuurta. Rasuulka (scw) wuxuu yiri "Dadka kheyr kama suulaan inta ay dedejinayaan afurka, ayna dib u dhigayaan Suxuurta". Waxaa kaloo ka mid ah sunnooyinka Soonka in marka la afurayo lagu billaabo xabbado timir ah, Rasuulkuna (scw) sidaa ayuu sameyn jiray.

Waxaa kaloo ka mid ah Sunnooyinka Soonka, in la duceysto kolka la afurayo, waana wakhtiyada ay u badan tahay in la aqbalo ducada. In la sameeyo cibaado badan sida Salaadaha sunnada, bixinta sadaqada iwm. Bisha Soon wuxuu Illaahay dhexdeeda yeelay denbi dhaaf uu u denbi dhaafo addoomadiisa u hogaansama isaga, xoreynta Naarta iyo Naxariis uu naxariisto. Waxaa ku jira habeennada Ramadaanka, habeen ka kheyr badan 1000 billood, waana habeenka Leylatul-qadri.

Sunnooyinka Soonka waxaa ka mid ah in habeenka Ramadaanka la badiyo ducooyinka iyo akhriska qur’aanka. Waxaa kaloo ka mid ah in masaajidyada lagu ictikaafo (negaado) maalmaha Ramadaanka, gaar ahaan tobanka ugu danbeeya bisha Ramadaan. Culumadu waxay sheegaan in habeenka laytalu-qadriga ku jiro tobanka ugu danbeeya Ramadaanka.

Ibraahim Salah
ibra88@hotmail.com

Bilowga : Taxanaha Ramadaanka... Guji
 


www.Somalitalk.com/ramadan    

somalia



HTML CD [an error occurred while processing this directive]