Title: [SW News] (Jamhuuriya) C/Qaasim oo ku Hanjabay in uu  S/Land ku soo Xera Gelin Doono Dagaal

•           Posted by/on:[AMJ][Monday, Sept. 4, 20000]

http://www.jamhuriya.com/

 

 

CABDI QAASIM OO KU HANJABAY IN UU SOMALILAND KU SOO XERA  GELLIN DOONO DAGAAL

 

by Jamhuriya Newspaper

 

Maddaxweynaha Djibuuti loogu doortay Soomaaliya Cabdi Qaasim  Salaan Xasan ayaa ku hanjabay hadii ay ka fursan weydo dagaal in  uu ku soo xero geli doono gobolada goonida u goay ee Dalkii la  odhan jiray Soomaaliya .

 

Cabdi Qaasim oo tagay magaalada Qaahira si uu uga hadlo  furitaanka shirka jaamacada carabta oo manta ka furmaya halkaas,  wuxuu ku sheegsy faalo lagu daabacay wargaysyada dalkaas sabtidii  shalay, in aan ka aqoon sanayn gobolada goonida isu taagay ee  Soomaaliya, balse uu ugu horayn ku dayi doono wada xaajood si uu  dalka u mideeyo. Waxaana uu intaa raaciyey oo ku hanjabay in uu  ugu dambayn qaadi doono dagaal, kaasoo noqon doona ayuu yidhi  talaabada u dambaysa ee soo celinta midnimada.

 

JANARAL GAANI OO KU ADKAYSTAY IN UU GEYSTAY XASUUQII  GOBOLADA WAQOOYI

 

Janaraal Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa tali yihii qaybta  26tanaad ee ciidankii Siyaad Bare kana masuul ahaa xasuuqii  gobolada waqooyi 1980-1986 ayaa sheegay in uu ahaa askari dalkiisa  ka difaacaayey dhaqdhaqaaqii jabhada SNM oo ay dawlada Itoobiya  taageeraysay.

 

Janaraal Gaani oo haatan xubin ka ah baarlamaanka cusub ee  Soomaaliya ee Carta lagu soo dhisay, wakaalada wararka ee qaramada  midoobay IRIN wuxuu u sheegay in aanu isu arag dambiile dagaal  xuquuqda aadamahana markay noqotana uu ahaa askari dalkiisa ka  difaacaayey dhaqdhaqaas ay taageeraysay Itoobiya, waxaanu yidhi cidkasta oo lagu eedaynaayo dambigaas waxaa la soo taagi karaa  maxkamad taasina waxay u taalaa dawlada Soomaaliya.

http://www.somaliawatch.org/archivejuly/000904103.htm