Ku
xiiirsan Qaybtii 3aad ee Uxud
Ciidankii muslimiinta ee 50ka
nin ahaa, oo uu Rasuulku SCW u xilsaaray in ay dhabar
jebinta ka ilaaliyaan waxaa saddex jeer weerar ku soo qaaday
ciidankii fardooleyda gaalada ee Khaalid madaxda u ahaa,
uuna la socdo Abii Caamir Al-faasiq, hase yeeshee saddexdii
jeerba si xun ayaa loo waabiyey. Sidoo kale ciidan weynihi
gaalada oo gaarayey Saddex kun dabada ayuu jeediyey,
calankooodiina sidii loo diley 10kii nin ee reer banii
Cabdidaar iyo addoonkoodii Sawaab, dhulka ayuu yaallaa, qof
dambe oo kor u qaada ama u dhowaadana waa la w aayey,
goobtiina waxa qabsaday ciidankii yaraa ee 700 ahaa ee
mulimiinta. Waxaana yimid Ilaahay nasrigiisii iyo
gargaarkiisii uu u yaboohay ciddii diintiisa u gargaarta.
Ciidankii gaaladuna baqo iyo carar ayuu dhabarka jeediyey,
haweenkii la socdeyna cararkii ay cararayeen maryihii ayey
xayteen ilaa ay dhudhummadoodii ka muuqdeen, oo raggii
asxaabta ahaa ay la yaabeen. Halkaas waxaad ka garanaysaa
sida ay haweenkii waqtigaa joogey, gaalaba ha ahaadeene, u
xishoon jireen laakiin maanta iska daa kuwa aan diinta
lahayn ee xayawaanka ka hoos maraye, in badan oo islaamnimo
sheeganaysa ayaa xishoodkii geed ku soo wartay iyaga oo
arrintaas mooday ilbaxnimo una haysta in gabadhii xishoota
oo dhawrsata aysan ilbaxad ahayn.
Xaaladdu markii ay halkaas
marayso oo ciidankii muslimiintu uu goobtii la wareegay,
qaniimadii iyo xoolihii gaaladana ay ururinayaan, ayaa 50kii
nin oo gumaadda ahaa, oo Rasuulku SCW sidii la ogaa ula
dardaarmay, kuna adkeeyey in aysan meeshooda ka soo
dhaqaaqin haddii ay muslimiinta guul helaan iyo haddii
kaleba, ayaa markii ay arkeen in ciidankii muslimiintu
guuleystey oo qaniimadii gaalada ururinayo waxaa qaarkood ka
xoog badiyey adduunyo jaceyl, markaas ayey ku dheheen
qaarkii kale "war qaniimada, qaniimada, raggeennii baa
guuleystey ee maxaad sugeysaan?". Waxaa markaa la hadlay
ninkii 50ka nin madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Jubeyr, oo
xusuusiyey dardaarankii Rasuulka SCW, kuna yiri "war ma
hilmaanteen wuxuu Rasuulku SCW idin yiri?". Hase ahaatee,
laab meeli u caddahay meeli ka madow'e, arrinkaaas waxba
dheg uma aysan jalaq siin, waxaana yaacay 40 nin, goobtiina
waxaa ku haray 10 nin oo uu ku jiro Cabdullaahi binu Jubeyr,
oo iyagu amarkii Rasuulka SCW sidii uu ahaa u fuliyey. Waxaa
markaa weerar ku soo qaaday Khaalid binu Waliid oo watey
ciidankii fardooleyda gaalada, markaa ka horna ay saddex
jeer oo hore waabiyeen. Wuxuu Khaalid laayay 10kii nin,
markaas ayaa ciidankii gaalada oo awal jabay wuxuu ogaaday
in xaaladdii is beddeshay, dib buuna u soo laabtay,
calankoodii oo muddaba ciidda iska yaallayna waxaa qaadday
haween la oran jirey Camra bintu Calqama, oo ka mid ahayd
15kii haween ee la socday ciidanka gaalada. Ciidankoodii oo
dhan wuxuu ku soo ururay meeshii calankoodu ka muuqday,
muslimiintiina hore iyo gadaal ayey ka hareereeyeen.
Ciidankii muslimiintu
markii ay arrintaasi ku dhacday ayey wareereen oo meel looga
yimid garan waayeen. Waxayna u qaybsameen wax buurtii fuula,
wax carara oo magaaladii afka saara iyo wax ciidankii
gaalada dhex gala oo kala garan waayey gaaladii iyo
muslimiintii ilaa ay iyaga laftoodii is laayeen. Ninkii la
oran jirey Xudeyfa binu Yamaam, ayaa arkay aabbihiis Yamaam
oo muslimiinta ka mid ahaa oo muslimiin kale dileyso,
markaasuu qayliyey oo yiri "addoomadii Ilaahayow waa
aabbahay, aabbahay", hase yeeshee cidi ma aysan maqal, wayna
ku sii wadeen ilaa ay ka dileen, markaas ayuu Xudeyfa yiri "Allaah
ha idiin danbi dhaafo".
Waxay muslimiintii
jahwareerkaas ku jiraanba, waxay arrintii sii kharaaratey
markii ay maqleen qaylo oranaysa "Maxammed waa la diley",
markaas ayaa niyad jab ku dhacay ilaa ay raggii qaarkood
dagaalkii joojiyeen, ragna dhabarka sii duween. Allaahna
isagoo ka hadlaya ragaas cararay ee dhabarka jeediyey waxa
uu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA IDINKA MID AH EE
JEESTAY MAALINKII LABADA CIIDAN KULMEEN, WAXAA SIMBIRIXIYEY
SHAYDAAN WAXAY KASBADEEN QAARKIISA SABABTEED, ALLESE WAA UU
ISKA CAFIYEY, WUXUUNA AHADAY ALLE MID DHAAFA OO DULBADAN)),
(Suuratu Aali-Cimraa 155).
Laakiin dad isku mid ma
ahane, rag baa wacdaro muujiyey sida Anas binu Nadar oo soo
maray rag meel iska jooga, markaas ayuu ku yiri "maxaad
sugeysaan?", waxay dheheen "Rasuulkii SCW waa la diley",
wuxuu yiri "maxaad nolol ku falaysaan gadaashiis? war soo
baxa oo ku dhinta wuxuu Rasuulku SCW ku dhintay", wuuna sii
dhaafay isagoo leh "Allahayow waxaan kaaga cudurdaaranayaa
waxa ay sameeyeen kuwaan (muslimiinta), waxa aana kaaga beri
noqonayaa waxa ay sameeyeen kuwaas (gaalada)". Wuxuu la
kulmay Sacad binu Mucaad, markaas ayaa Sacad yiri "xaggee u
socotaa?", wuxuu Anas yiri "jannada carafteedii ayaan Uxud
sokedeeda ka helayaa", wuxuu Anas ciidankii gaalada ayuu ku
dhex dhacay, aad ayuuna u dagaallamay ilaa uu aakhirkii ka
shahiidey. Markii uu dagaalku dhammaadayna cid garata ayaa
la waayey ilaa ay markii dambe walaashiis ku aqoonsatay
farihiisii, waxaana jirkiisa ku yaalley dhowr iyo siddeetan
nabar oo isugu jira waran, seef iyo fallaar. Waxaana sida la
wariyo sababtiisa ku soo degtay aayadan:
((MU'MINIINTA WAXAA KA MID
AH RAG KU RUN SHEEGAY WAXAY ALLE KULA BALLAMEEN, WAXAA KA
MID AH MID GUTAY BALLANTII (SIDA ANAS), WAXAA KA MID AH MID
SUGAYA MANA AYSAN BADALIN (GO'AANKODII)), (Suuratul-Axsaab
23).
Sidoo kale Thaabit binu
Daxdaax wuxuu u dhawaaqay ansaar oo ku yiri "Ansaareey
haddii Maxammed SCW la diley Allaah ayaa nool oo aan dhiman
ee u dagaallama diintiinna Allena waa idiin gargaarayaaye".
Koox Ansaar ah ayaa markaa isagii raacday oo la dagaal
gashay ilaa isagii iyo iyagiiba la laayey. Sidoo kale nin
Muhaajiriinta ka mid ahaa ayaa soo maray nin Ansaar ah oo
dhiiggiisa ku dhexgalgalanaya oo naf yari ku jirto, markaas
ayaa kii muhaajirka ahaa ku yiri "hebelow Maxammed SCW la
diley waa gaarsiiyey (xaqii) ee u dagaallama diintiinna".
Allena SW isagoo tilmaamaya dhaawaca muslimiinta soo gaaray
iyo in uusan kaligood gaar ku ahayn, uuna doonayo rag
shuhado ah oo jidkiisa ku dhinta, waxa uu qur'aankiisa ku
yiri:
((HA DACIIFININA HANA
MURUGOONINA IDINKAA SAREEYA HADAAD MU'MINIIN TIHIIN, HADDII
DHAAWAC IDIN TAABTAY NIMANKABA (GAALADA QUREYSH) WAXAA
TAABTAY DHAAWAC LA MID AH, WAANA SAAS MAALMUHU OO WAXAAN KU
WAREEJINNAA DADKA DHEXDIISA, WAXAANA (AALLE SIDAA U YEELAY
IN) UU OGAADO (MUUJIYO) KUWA MU'MINIINTA AH, IDINKANA YEESHO
(QAARKIIN) SHUHADO, ALLENA MA JECLA DAALIMIINTA, IYO IN UU
ALLE IMTIXAAMO KUWA MU'MINIINTA AH GAALADANA TIRTIRO)), (Suuratu
Aali-Cimraan 139-141).
Sidoo kale Alle SW isagoo
xusuusinaya mu'miniinta in Nabi Maxammed SCW yahay Rasuul ka
mid ah Rusushii uuna dhimanayo sidii Rusushii ka horayseyba
ay u dhinteen haddii uu dhintana aan loo baahnayn in la
gaaloobo waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
( (NABI) MAXAMMED SCW MA
AHAN WAXAAN RASUUL AHAY, WAXA TEGAY (DHINTAY) HORTIINA
RASUULO, (HADDABA) HADDII UU DHINTO AMA LA DILO MA WAXAAD U
GADOOMAYSAAN CIRIBTIINII (GAALNIMO), QOFKII U GODOOMA
CIRIBTIISA (GAALOOBA) WAXBA KA DHIBI MAHAYO ALLE, WUUNA
ABAAL MARINAYAA KUWA KU SHUKRIYA)), (Suuratu Aali-Cimraa
144).
Dhinicii Rasuulka SCW waxaa
ku haray 9 nin (7 Ansaar ah iyo 2 Muhaajiriin ah), waxaana
isku hareereeyey fardooleydii ciidankii gaalada. Rasuulku
SCW dagaalyahannimadiisii iyo geesinnimadiisii ayuu muujiyey,
wuxuuna sameeyey, isagoo sidaa loo hareereeyey oo cadowgii
gaaladu ku soo ururay, ayuu u dhawaaqay muslimiintii, isaga
oo og in gaaladu hadalkiisa maqlayso inta aysan muslimiintu
maqlin, wuxuuna yiri "addoomadii Allow kaalaya Rasuulkii
Alle ayaan ahaye". Allena isagoo arintaa tilmaamaya waxa uu
qur'aankiisa ku yiri:
((MARKAAD KORAYSEEN (CARAREYSEEN)
OO AYDAAN MILICSANAYN QOFNA, RASUULKUNA SCW IDINKAGA
YEERAYEY GADAASHIINA WAXAA IDINKU DHACAY MURUG AY LA JIRTO
MURUG SI AYDAAN UGA TIIRAAN YOON WIXII ADINKA TEGAY IYO
WIXII IDIN ASIIBAY, ALLENA WAA GUN OGYAHAY WAXAAD CAMAL
SAMAYNAYSAAN)), (Suuratu Aali-Cimaraa).
Gaaladii ayaa markaa
maqashay oo si fiican ugu soo ururtay. Rasuulka SCW waxaa
aad u difaacay 9kii nin, waxayna Rasuulka SCW u noqdeen
gaashaan, oo leeb iyo waran kasta oo lagu soo tuuro iyaga
ayaa isu dhigayey, kii gacan ula yimaada Rasuulkana SCW wey
ka difaacayeen. Ciidankii gaaladu si kasta inta ay yeeleen
ayey u tegi kari waayeen Rasuulka SCW. Sagaalkii nin sidi
ninba mar u shahiidayey waxaa ugu dambayntii ku soo haray
labadii nin oo Muhaajiriinta ahaa, Dalxa binu Cubeydillaah
iyo Sacad binu abii Waqaas. Waqtigaasna wuxuu ka mid ahaa
waqtiyadii ugu dhibka badnaa noloshii Rasuulka SCW, waxayna
ahayd fursaddii ugu dhoweyd gaalada in ay Rasuulka SCW
dilaan, waxayna u geysteen dhaawacyo dardaran. Waxaa
Rasuulka SCW dhagxaan ku soo tuuray nin ciidankii gaalada ka
mid ahaa oo la oran jirey Cutba binu abii Waqaas, oo la
dhashay Sacad binu abii Waqaaska Rasuulka SCW difaacayey.
Dhagaxaantii qar ka mid ah ayaa ku dhacay Rasuulka SCW oo ka
jebiyey foolka hoose ee midig bishinta hoosena ka jeexay.
Sidoo kale nin kale oo
gaalada ka mid ahaa, lana oran jirey Cabdullaahi binu
Shihaab Suhri, wuxuu isna Rasuulka SCW ka dhaawacay wejiga.
Wiil reer Faaris ahaa oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu
Qum'a ayaa isna sidoo kale Rasuulka SCW seef daran qoorta
uga dhuftay hase yeeshee Ilaahay oo ka badbaadiyey iyo
Rasuulka SCW oo labo canbuur bireed iyo koofi bir ah qabay
seeftaasi gudaha uma gudbin inkastoo Rasuulku SCW muddo bil
ka badan uu ka sheegan jirey dhaawacaas. Sidoo kale ninkaasi
wuxuu Rasuulka SCW ku dhuftay seef tii hore mid ka daran oo
koofiyad bireeddii dhaaftay ilaa ay birihii Rasuulka SCW ka
galeen madaxa, wuxuuna yiri markuu seeftaa Rasuulka SCW ku
dhuftay "qaado in Qum'a ayaa ahe". Rasuulku SCW wuxuu ku
yiri isago dhiigga sika tiray a "Alla ku hooji", dabadeedna
waxaa ninkaas ku dhacay habaarkii Nabiga SCW oo si xun ayuu
u dhintay. Rasuulku SCW sidoo kale wuxuu yiri "sidee u
liibaanayaan dad dilaacshay wejigii nabigooda oo jebiyey
foolashiisii isagoo xaga Alle ugu yeeraya?". Alle aya markaa
aayadan soo dajiyey.
((WAXBA AMARKA KUMA LIHID (NABIYOW
SCW, ALLENA) AMA WAA KA TAWBAD AQBALIN AMA WUU CADAABIN
IYAGA (GAALADA) MAXAA YEELAY IYAGU WAA DAALIMIIN)), (Suuratu
Aali-Cimraan 128).
Muddo ka dibna wuxuu
Rasuulku SCW yiri "Rabbiyow qowmkayga u dhaaf waxba ma
ogee".
Gaaladii qureysheed waxay
aad ugu dadaaleen maalinkaas in ay Rasuulka SCW dilaan, wax
ay la hareen oo dagaal ahana ma jirin, si kastana way u
dagaallameen, hub kasta oo ay heli kareenna way ku tuureen
Rasuulka SCW sida seef, waran, fallaar, dhagax, iwm, laakiin
Alle dile ayaa dhinta, waxaa Alle Rasuulkiisa SCW ku
ilaaliyey 9kii nin oo toddobo ku shaahiiddey. Labadii nin ee
soo hartay, Daxa iyo Sacad, oo ahaa niman aad dagaalka iyo
shiishkaba ugu dheereeya waxa ay u beerdhigeen ciidan tiro
badan oo doonayey in ay Nabiga SCW dilaan. Waxay labadaa nin
isu dhegayeen ama ka celinayeen nabar kasta oo Rasuulka SCW
ku socda ilaa ay Dalxa gacantiisii ka qallashay siduu nabar
walba ugu dhigayey. Waxaa Dalxa ku dhacay dhowr iyo soddon
nabar. Sidoo kale Tarmadi waxa uu wariyay in Rasuulku SCW
isagoo Dalxa ka warramaya uu yiri "qofkii eegaya shahiid
dhulka korkiisa ku socda, ha eego Dalxa binu Cubeydillaah".
Abuubakarna markuu xusuusto maalinkaa Uxud wuxuu oran jirey
"maalinkaas oo dhan waxaa iska lahaa Dalxa". Rasuulku SCW
isagoo guubaabinaya Sacad wuxuu yiri "Sacadow gan, aabbahay
iyo hooyaday ha lagugu furtee".
Allaah wuxuu soo dejiyey
nasrigiisii, waxayna Bukhaari iyo Muslim weriyeen in Sacad
yiri "Waxa aan arkay maalinkii Uxud labo nin (malag) oo
difaacaya Rasuulkii Alle SCW, waxayna qabeen dhar cad cad,
waxayna ahaayeen dagaalyahanno aanan hore iyo gadaal midna u
arag". Riwaayad kale waxay sheegtay in ay ahaayeen Jibriil
iyo Makaa'iil. Waxaa sidoo kale nasrigii Allaah kamid ahaa
in Alle uu ku dajiyay Rasuulka iyo asxaabta daganaansho iyo
xasilooni, kana saaray quluubtooda baqdintii ilaa ay mararka
qaarkood ka lulmoonayeen, wuxuuna Bukhaari ka wariyay abuu
Dalxa Al-Ansaari in uu yiri "waxaan kamid ahaa kuwii ay
lulmadu qabatay maalinkii Uxud ilaa ay marar seeftaydii
gacantayda ka dhacday". Allena isagoo arrinkaas tilmaamaya
waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((WUXUU MARKAA IDINKU SOO
DAJIYEY MURUGTIINII KA DIB AAMIN AHAANSHO LULMO DABOOSHAY
KOOX IDINKA MID AH, KOOXNA WAXAA WALAACISAY NAFTOODA,
WAXAYNA ALLE U MALEEYEEN WAX AAN XAQ AHAYN OO AH MALE
JAAHILIYADEED, WAXAYNA LEEYIHIIN AMARKA MIYAAN WAX KU
LEENAHAY? WAXAAD DHAHDAA AMARKA DHAMMAANTIIS ALLAA ISKA LEH,
WAXAYNA NAFTOODA KU QARINAYAAN WAXAYNA KUU MUUJINAYN, WAXAY
LEEYIHIIN HADDAAN AMARKA WAX KU LAHAAN LAHAYN NALA KUMA
DILEEN HALKAN, WAXAAD TIRAAHDAA HADDAAD TIHIIN GURYIHIINA
DHEXDOODA WAY U SOO BIXI LAHAAYEEN KUWII LOO QORAY DILKA
MEESHII LAGU DILI LAHAA, (WUXUUNA ALLE SIDAAS U SAMEEYEY) SI
UU U IMTIXAAMO WAXA LAABTIINA DHEXDOODA KU JIRA IYO IN UU
KALA SHAANDHEEYO WAXA QULUUBTIINA KU JIRA, ALLENA WAA OG
YAHAY WAXA LAABTIINA KU SUGAN)), (Suuratu Aali-Cimraan 154).
Muddo yar ka dib asxaabtii
qaar ka mid ah waxay arkeen Rasuulka SCW, markaas ayay hal
mar ku soo firxadeen. Qofkii u horreeyey oo u yimaada wuxuu
ahaa Abuubakar sidiiq. Ibnu Xibbaan wuxuu saxiixiisa ku
weriyey in Caa'isha tiri "Abuubakar wuxuu yiri "maalinkii
Uxud markii ay dadkii (muslimiintii) oo dhan yaaceen, qofkii
ugu horreeyey oo Nabiga SCW u soo laabtay ayaan ahaa,
markaas ayaan arkay nin hortiisa ka dagaallamaya oo
difaacaya, markaas ayaa iri "aabbahay iyo hooyaday ha lagugu
furtee noqo (ahow) Dalxa", waxaa markaa iga daba yimid Abuu
Cubeyda Ibnu-Jarraax, markii aan Nabiga SCW u tagnayna waaba
Dalxa oo Nabiga SCW hortiisa ku dhacay, markaas ayaa Nabiga
SCW yiri "qaada walaalkiin way u waajibtaye (janno)". Waxaa
damcay in aan Nabiga SCW ka siibo birihii madaxa ka galay,
Abuu Cubeyda ayaa markaa yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye
maad ii deysid Abuubakar", markaas ayaan u daayey.
Ilkihiisii ayuuu intuu ku qabtay soo dhiraandhiriryey si
aysan Nabiga SCW u xanuujin. Markuu banaanka birihii u soo
bixiyeyna foolkiisii ayaa soo raacay. Waxaan damcay markaa
in aan tii (birtii) kale ka soo bixiyo Nabiga SCW, markaas
ayuu yiri "Ilaah baan kugu dhaarshaye Abuubakar maad ii
deysid". Ka dib sidii oo kale ayuu u dhiraandhiriyey, markuu
soo saarayna foolkiisii kale ayaa soo raacay. Dabadeed
waxaan u tagnay Dalxa si aan u daweyno isagoo ay ku taallo
dhowr iyo toban seefood".
Intaa ka dib asxaabtii ayaa
meeshii ku soo ururtay, gaaladiina waa ka soo ururtay, aad
ayeyna msulimiintii ciriiri u geliyeen ilaa uu Rasuulku SCW
ku dhacay bohol uu Abuu Caamir Al-faasiq qoday, oo uu lowga
ka murgacday, waana laga soo bixiyey Rasuulka SCW bohoshii.
Sidoo kale Rasuulka SCW fallaaruhu dhinac walba ayey uga
imaanayeen, Allaahna dhinac ayuu ka marinayey, waana ka
indho saabay in badan oo gaalada ka mid ahayd sida
Cabdullaahi ibnu Shibaab oo oranyey "i tusiya Maxammed SCW,
badbaado uma sugnaane" isaga oo agtiisa maraya oo hadba
dhinac u dhaafaya. Ninka la yiraahdo Safwaan binu Umaya
sidoo kale wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma aan arag (Nabiga
SCW), waxaanna ku dhaaranayaa in uu mamnuuc naga yahay,
annaga oo afar nin ah ayaannu ku soo ballannay in aan dilno,
mana aannaan gaarin".
Dagaalkii mar labaad ayuu
si daran uga dhacay meeshii Rasuulku SCW joogey, gaaladana
wuxuu hadafkoodu ahaa in ay dilaan Rasuulka SCW, iyagoo
dadaal dheeraad ah ku bixinaya dilitaankiisa. Hase ahaatee
asxaabtii Rasuulka SCW agtiisa ku soo ururtay oo ahaa askar
Ilaahay, oo ninkiiba koox u dhigmo, ayaa faro kulul tusay
gaaladii, Rasuulkana SCW aad u difaacay, dadaal iyo
ragannimana muujiyey.
Ninka la yiraahdo Abuu
Dalxa Al-Ansaari wuxuu taagnaa Rasuulka SCW hortiisa,
wuxuuna ka ilaalinayey Rasuulka SCW oo uu isu dhigayey
fallaaraha gaalada, wuxuuna ahaa nin ganaa ah, maalinkaasna
waxaa ka jabay labo qaanso. Sidoo kale Abuu Dujaana wuxuu
isna taagnaa Rasuulka SCW hortiisa, dhabarkuuna u dhigayey
fallaaraha gaalada, waxaana la yiri leebabka oo dhabarkiisa
ku dhacaya ayuusan is dhaqaajineynin. Sacad binu Abii Waqaas
sidoo kale wuxuu ku dadaalayey in uu dilo walaalkiis Cutba
binu Abii Waqaas, oo ahaa ninkii Rasuulka SCW ka jebiyey
foolka. Waxaa hase yeeshee Cutba ceyrsaday oo diley Xaadhib
ibnu abii Baltaca, oo ka furtay faraskii iyo seeftiiba.
Sahal binu Xunef wuxuu isaguna sidoo kale Rasuulka SCW la
galay Beycatul-Mawt.
Sidoo kale Cabdirahmaan
ibnu Cawf waxaa ku dhacay maalinkaas labaatan nabar ama in
ka badan. Maalik binu Sinaan, oo ahaa Abii Saciidul-khudri
aabbihiis, ayaa isna maaalinkaa wacdaro muujiyey. Wuxuu soo
nuugay dhiiggii fariistay wejigii Rasuulka SCW ee nabarku ku
dhacay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "iska tuf" hase yeeshee
wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye weligey tufi maayo". Ka
dib dagaalkii buu hore u sii galay, Rasuulkuna SCW wuxuu
yiri "qofkii doonaya in uu fiirsho nin ehlu-Janna ah ha
fiirsho ninkaas". Dabadeed Maalik goobtii ayuu ku shahiiday.
Sidoo kale Qataada ibnu Mucmaan isha ayaa nabar uga dhacay
markaasuu Rasuulka SCW u yimid Rasuulkuna gacanta ayuu ka
mariyay, wayna u raysatay.
Waxaa iyaguna dagaalka qayb
wayn ka qaatay qaar ka mid ahaa gabdhihii muslimaatka oo
gadaal ka yimid, sida gabadhii la oran jirey Ummu Cammaara (Nusayba
bintu Kacab) oo u banbaxday ninkii Rasuulka SCW seefaha ku
dhuftay, Ibnu Qum'a, waxayna ku garaacday dhowr seefood
laakiin dhaawac weyn ma gaarin maxaa yeelay labo canbuur
bireed ayuu iska dul qabay, isaguna hal seef ayuu qoorta uga
dhuftay, ka dibna Ummu Cammaara way si dagaallantay waxaana
korkeeda ku dhacay labo iyo toban nabar.
Ninkii ahaa Muscab ibnu
Cumeyr wuxuu waday calankii muslimiinta, wuxuuna maalinkaas
dagaallamay dagaal aad u xeel dheer, ilaa bilowgii
dagaalkana calanka muslimiintu gacata ayuu ugu jirey,
wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee Rasuulka SCW ku
soo laabtay, ka dibna qayb weyn ka qaatay difaaciddii
Rasuulka SCW. Ugu dambeyntii waxaa Muscab laga gooyey
gacantii midig ee uu calanka ku waday, markaas ayuu gacantii
bidix ku qabsaday oo sii dagaallamay ilaa gacantii bidixna
laga gooyey. Ka dib wuxuu calankii ku qabsaday xabadka iyo
qoorta ilaa uu aakhirkii halkaas ku shahiiday oo waxaa dilay
Ibnu Qam'a. Markii uu diley ayuu wuxuu u maleeyey Rasuulkii
SCW, markaas ayuu gaaladii ku dhex dhacay oo qeyliyey yirina
"Maxammed waan diley", warkaa beenta ah ayaa ku dhex faafay
gaaladii iyo muslimiintii kale ee aan Rasuulka SCW la joogin.
Gaaladii markii ay hadalkaas maqleen way farxeen iyaga oo u
malaynaya in ay Nabigii SCW dileen oo ay u jeeddadoodii
gaareen. Markii Muscab la diley wuxuu Rasuulku SCW calankii
muslimiinta u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Cali aad ayuu
u dagaallamay isaga iyo asxaabtii kale ee Rasuulka SCW
agtiisa joogtey ilaa ay markii dambe Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisii jid banneysteen.
Kacab binu Maalik oo
asxaabta ka mid ahaa, uuna gaaray warkii beenta ahaa, ayaa
Rasuulkii SCW arkay, markaas ayuu aad u dhawaaqay oo yiri "muslimiineey
bishaareysta, waa kan Rasuulkii Allee SCW". Rasuulka SCW
ayaa markaa u tilmaamay in uu aamuso si aan gaaladu u ogaan
meesha uu Rasuulku SCW joogo, hase yeeshee qayladii waxay
gaartay gaaladii iyo muslimiintiiba, markaas ayaa in badan
oo muslimiin ahi ku soo ururtay meeshii, gaaladiina waxa ay
kordhiyeen weerarkoodii. Ninka la yiraahdo Cusmaan binu
Cabdullaahi, oo ka mid ahaa fardooleyda gaalada, ayaa
Rasuulka SCW ku soo baxay isaga oo leh "badbaado kuuma
sugnaan", Rasuulkuna SCW waa la dagaallamay laakiin waxaa
kaga hormaray oo ninkaa diley Xaarith binu Sumah. Waxaa isna
soo orday ninka la yiraahdo Cabdullaahi binu Jaabir, oo isna
fardooleydii gaalada ka mid ahaa, wuxuuna seef qoorta uga
dhaawacay Xaarith. Muslimiintii ayaa markaa qaaday Xaarith
oo dhaawac ah, ka dibna Abuu Dujaana ayaa si degdeg ah seef
qoorta ugaga gooyey Cabdullaahi binu Jaabir.
Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisi waxay xoog ku jireen gaaladii waxayna fuuleen
buurtii, waxaa markaa ka daba tegey Rasuulka SCW nin
ciidanki gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Ubay ibnu
khalaf, oo ka mid ahaa dadkii Rasuulka SCD ku dhibi jirey
Makka, kuna yiri maalin "Maxammed SCW faras baan u naaxiyaa
in aan kugu dilo", Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay" anigaa
ku dili doona haddii Alle idmo". Markuu Rasuulka SCW ka daba
tegey ayuu yiri "meeyey Maxammed SCW magangal kuuma sugnaan".
Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaas yiri "Rasuulkii Allow
nin aan u saarno", hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri "iska
dhaafa", isagaana leeb ku dhuftay. Ka dib Ubay ciidankii
gaalada ayuuu ku laabtay isagoo dhaawac ah, markaas ayuu
qureysh ku yiri "Maxammed baa i diley", waxay ku dheheen "waad
fuleyowday", maxaa yeelay nabar weyni kuma oollin. Markaas
ayuu yiri "markaan Makka joogney ayuu Maxammed i yiri "anigaa
ayaa ku dili doona" wuuna i diley". Dabadeedna Ubay wuxuu
dhintay markii uu laabtay ciidankii gaaladu isagoo aan Makka
gaarin, waana ninkii keli ahaa ee Rasuulku SCW gacatiisa ku
diley.
Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu markii ay buurtii fuuleen, waxaa iyaguna buurtii
dhinac ka soo fuulay ciidan qureysheed oo ay hoggaaminayaan
Abuu Sufwaan iyo Khaalid, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "Allahayow
kuwaas awlo uma ahaanin in ay naga kor maraan". Waxaa markaa
la dagaallamay nimankaas Cumar binu Khadhaab iyo koox la
jirta ilaa ay buurtii ka dejiyeen. Kaas ayuuna ahaa dagalkii
u dambeeyey ee goobtii Uxud ka dhacay.
Ciidankii gaaladu waxa uu
intaa ka dib bilaabay in uu isku urursanayo meeshiii uu
degganaa dagaalka ka hor, dumarkii la socday iyo raggii qaar
ka mid ahaana waxay ku mashquuleen in ay dhalan rog ku
sameeyaan oo ay dooriyaan raggii shuhadada ahaa ee lagu
laayey goobta. Waxayna jarayeen sanka, dhegaha iyo xubno
kaleba. Qaar shuhadadii ka mid ahna waxa ay kala baxeen
beerka. Hindu binu Cutba waxay beerka kala baxday Xamsa,
markaas qoorxir uga dhigatay ghego iyo sanan ay ka soo
jaratay qaar ka mid ah raggii shuhadada ahaa.
Dhinicii gabdhihii
muslimaatka ahaa sidii aan soo sheegnayba qaar ka mid ahaa
ayaa qayb libaax ka qaatay dagaalka waxayna badankoodii
yimaaddeen markuu dagaalku dhammaaday. Qaarkood waxay biyaha
soo waraabinayeen ayna daweynayeen dadkii dhawaca ahaa, sida
Caa'isha, Umu Sulaym iyo Umu Sulaydh, qaarkoodna way
dagaallamayeen sida gabadhii la oran jirey Ummu Ayman oo
iyadoo Madiina joogta aragtay rag asxaabtii ka mid ah oo
magaalada baqo ku soo galay, markaas ayey mid ka mid ah ku
tiri "waad soo baqday, war i sii seeftaada", ka dibna waxay
timid goobtii dagaalka, waxayna wax ka waraabinaysay dadkii
dhaawaca ahaa. Dhammaadkii dagaalka waxaa Ummu Ayman leeb ku
soo tuuray nin la oran jirey Xibbaan binu Curqa, markaas
ayey dhacday (iyada oo dhaawaca ah), maradiina ka feydantay.
Qosol ayuu markaas cadowgaas Alle la dhacay, Rasuulka SCW
ayaa markaa Sacad binu Abii Waqaas leeb u dhiibay oo ku yiri
"ku gan". Sacad ayaa leebki ku ganay oo dhuunta bartankeeda
kala helay, markaas ayuu xabdka u dhacay cawradiina ka
feydantay. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku qoslay ilaa ay
miciyihiisii ka muuqdeen, wuxuuna yiri "Sacad ayaa u
gargaaray, Allaahna wuu aqbalay ducadiisii". Waxaa halkaan
iyo meelo kaleba laga qaatay in gabdhaha muslimaatka ahi ka
qayb qaadan karaan jihaadka haddii balad islaam lagu soo
duulo oo xaaladu ay khatar gaadho, wuxuuna jihaadku ku
noqonayaa waajib sida raga, sidoo kale gabadha muslimada ahi
way is difaacaysaa haddii nafteeda loogu yimaado.
Ka dib waxaa Rasuulka SCW
dhiiggii ka dhaqay gabadhiisii Faadumo, waxaana biyaha ugu
shushubayey Cali, Faadumo markii ay aragtay in biyuhu aysan
dhiigga joojineyn ayey soo qaadatay caw yar, oo inta ay
gubtay meeshii saartay ilaa uu dhiiggii joogsaday. Maxammed
binu Maslamana wuxuu Rasuulka SCW u keenay biyo macaan si uu
u cabbo. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey
salaaddii duhur isaga oo fadhiya. [Qaybtii
5aad] |