somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
dhacdooyin dhismayaal  bilicsami  Bogga Bilicda
Dhismayaal Taariikhi ah
Qaybtaan waxay ku saabsan tahay dhismayaal taariikhi ah iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya, waana kuwan soo socda:

Masjidka Fakhradiin ee Xamar waxaa ladhisay 1269.

Masjidka Shiikh Cabdulcasiis ee Xamar waxaa ladhisay 1210 sano kahor .

Dekedda Kismaayo waxaa ladhamaystiray November 1968 .

Dekedda Berbera waxaa ladhamaystiray sanadkii 1969 .

Taalada Dhagaxtuur waxay xusuus u tahay dhagaxtuurkii xorriyad doonka ahaa ee dhacay 5 October 1949.

Madxafka Qaranka [museum] wuxuu ahaan jirey gurigii Siciid Barqash qarnigii sagaalaad dhexdiisii iyo qarqinigii tobnaad .

Waxaa kale oo xusid mudan dekeddaha Xamar iyo Boosaaso . (Taariikhihii la asaasay oo rasmiya mahayn markaan qoraalkaan samaynayey)

Shirkadda Dayuuradaha ee Soomaali Airline waxaa la asaasay sannadkii 1964 .

Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya waxaa kamida:

  • Garoonka Muqdisho: oo ah 2,500 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
  • Garoonka Hargeysa: oo ah 2,250 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
  • Garoomada kale ee Soomaaliya waa: Garoonka Kismaayo, Burco, Ceerigaabo, Boosaaso, Caluula, Qardho, Eyl, Qandala, Gaalkacyo, Hobyo, Iskushuban, Ballidoogle, iyo kuwo kale.

kor  dhacdooyin dhismayaal  bilicsami  Bogga Bilicda

Bilic-Samida Soomaaliya
Soomaaliya waa dhul aad u quruxbadan. Buuraha, webiyada, xeebaha, togagga, dooxooyinka, balliyada, dhirta, ugaarta, xoolaha, beeraha. dhammaan kuwaasi waxay ka midyihiin bilicda ilaah ku mannaystay dhulka Soomaaliya.

Soomaaliya in ay tahay dhul aad u qurux badan oo qadiimi ah waxaa caddaynaya dhismayaasha aadka u da'da weyn iyo goobaha bilicda san ee kuyaal qaybkasta oo waddanka Soomaaliya kamida.

Haddii aan meelaha bilicda san ee Soomaaliya inyar kasoo qaadanno waa kuwan:
 

  • Beeraha mooska iyo cambaha ee Afgooye
  • Bacaadka Shalanbood
  • Gacal Libaax [Hargeysa]
  • Ceelaayo iyo Qaw
  • Webiyadda Jubba iyo Shabeelle
  • Karin Heegane oo u dhexeeya Laasqoray iyo Ceelaayo
  • Hilayo oo udhow karin-heegane
  • Biyaxireenka Baardheere
  • Xeebta Jasiira
  • Togga Baalade oo udhow Boosaaso
  • Buuraha Sil-siladda Goolis
  • Ceelka Yamayska oo u dhow Gaalkacayo
  • Xeebta Warsheekh
  • Buurta Baxaya iyo Buruc
  • Gacan-boogame oo u dhow  Laascaanood
  • Dooxada Ceeriye oo u dhow Qardho iyo Iskushuban
  • Afgooye, Balcad, Xamar, Baraawe, Marka, Hobyo, Eyl, Saylac, Hargeysa, Burco, Kismaayo, Boosaaso, Jilib, Jamaame, iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi karin.

Sheekooyinka Qadiimka ah ee Soomaalida waxaa kamida:
 

  • Dheg-Dheer iyo Boholaha Xargaga
  • Araweelo iyo Oday Biiqay
  • Wiil-Waal iyo Afadiisii
  • Aw-Geedi Baabow iyo todobaadka arooska
  • Cigaal Shiidaad iyo Fulaynimadiisii
Waxaan akhristayaasha markale xusuusinayaa in qoraalkaan aan ugu talagalay aqoon isweydaarsi iyo aqoon kororsi. Waxaan idinku casumayaa in ay ii soo gudbisaan fikradiina kusaabsan qoraalkan.

kor   dhacdooyin dhismayaal  bilicsami  Bogga Bilicda

Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12

Cusboonaysiin: Dec 27, 2002

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.