somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
kor  dadka taariikh  dhacdooyin  Bogga Bilicda
Dadka
Dhaqanka, luqadda iyo hab nololeedka dhamaan Soomaalidu waa iskaga mid meel kasta oo ay Soomaalidu kaga noolyihiin Soomaaliya. Soomaalidu badanaa waa dad isugu jira ree-guuraa, beeraley, kalluumaysato, iyo kuwo magaalooyinka deggan. Afka ay kuhadlaan dadka Soomaalidu waa Af-Soomaali, waana af aad u qadiim ah, wuxuuna la bah yahay afka loo yaqaan Kushitik [cushitic]. Waxaase laqoray afka Soomaaliga sannadkii 1972kii.

Dhanka baadiyaha Soomaalida deggani waa dad aan meel ku negeyn oo had iyo jeer guur-guura. Waxayna dhistaan Aqal-Soomaali, kaas oo ah mid dhismihiisa iyo raridiisuba ay sahlan tahay. Reerguuraagu waxay dhaqdaan xoolo ,kuwas oo noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka helaan xoolaha nool. Soomaalida reer guuraaga ah waxay aad u qiimeeyaan geela. Geelu wuxuu u leehay Soomaalida manaafacaad badan, waana daabadda ugu muhiimsan oo ay haystaan, inkasta oo meelaha buuraha iyo qararka ay muhiim kayihiin dameeruhu.

Soomaalida deggan labada webi iyo inta ku xeeran waa dad beero falato ah, waxayna dhistaan guryaha nooca loo yaqaan cariish iyo mudul. Nolol maalmeedkooda waxay kasoo saaraan beeraha, iyadoo dhulka webiga agagaarkiisa ah uu yahay mid aad ugu habboon waxsoosaarka. Waxay lasoo baxaan miro fara badan iyo weliba khudaar [qudaar] kala nooc nooc ah. Dhanka badda Soomaalidu aad ugama faaiidaystaan. marka laga reebo magaalooyinka Baraawe iyo Caluula oo dadka kunool labadaas magaalo ay si weyn uga faa'iidaystaan khayraadka dhexjiifa badda dheer ee soomaaliya.

Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka, badanaa waa dad ganacsato ah. Waxayna u kala baxaan qayb dibedda wax kasoo dejisa iyo qayb waddanka dhexdiisa ka ganacsata. Waddanka gudihiisa meelaha ay ka ganacsadaan ama wax ku gataan waxaa kamida:dukaanno, macdaarro yaryar, tubaaka-hayo [tabakaayo], firsho ama warato, suuqweyne [markaato], suuqa xoolaha, iyo kuwo kale. Dadka Soomaalidu waxay ka kooban yihiinqabaa-il [qabiilooyin].

Akhritow waxaad xusuustaa in Ilaah uu bini-Aadanka  ka dhigay shacabyo iyo qabaa'il kala gedgedisa. Sidaas daraadeed waa in aad ogaataa in uu san qabiilku ahayn sida Soomaalidu ay u tarjuntey. Waxaad eegtaa waddamada deriska la ah soomaaliya, sida Kenya iyo Ethiopia. Waxay waddamadaas dadka ku dhaqani si rasmi ah u adeegsadaan qabiilka, waxaadna arkeysaa in la dhehayo nika madaxda ah ee kenyaatiga ah, tusaale ahaan, waa Kalanjiin ama masaay. Xataa u fiirso Soomaalida Jabuuti waxay si caam ah kuu oranayaan hebel oo Ciise ama Canfar (Cafar) ah, wax ku jabanna ma leh. Maxaa Soomaalidu ugu dhaqantaa qabyaaladda oo qabiilka uga warwareegtaa. Jawaabta akhristahaan u dhaafay.

Tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasay sida hoos ku qoran:
 

  • 3,253,024 [waa qiyaastii tira koob lasameeyey bishii Febraayo ee sannadkii 1975]
  • 7,114,431 [waa tira koobkii 1986 - 1987]
  • 9,204,000 [tirakoob ay samaysay hay-adda qaramada midoobey sannadkii 1992]


Waxaa la qiyaasay in tirada Soomaalida sannadkiiba ay ku kororto boqolkiiba saddex ama 3%. Ilaah ayaa xaqiiqada og.

kor  dadka taariikh  dhacdooyin  Bogga Bilicda


Taariikh
Inagoo aan halkaan ku soo wada koobi karayn taariikhda Soomaaliya, waxaan in yar ka xuseynaa taariikhdii iyo magacyadii hore ee Soomaaliya. Waana kuwan hoos ku qoran:

Faraaciyiintii hore ee masaaridu waxay Soomaaliya u aqoon jireen dhulkii udugga ama "land of Punt". Waxayna Soomaaliya caan ku ahayd Maydiga iyo fooxa, kuwaas oo boqorradii faraaciyiintu isticmaali jireen qarnigii 15-aad B.C. [ciise-hortii].

Roomaaniyiintii horena waxay u aqoon jireen dhulkii aan la-aqoon [Terra Incognita].

Carabtii iyo Beershiyiintii hore waxay Soomaaliya soo gaareen qarnigii 7-aad. Meelaha ay carabtu timid waxaa kamid ahaa Muqdisho, Warshiikh, Marka, baraawe, Saylac, Berbera, Bender-Cabbas [Boosaaso].

Haddii aan wax kaxusno taariikhaha dhow waxaa kamida kuwan hoos ku qoran.

Woqooyiga Soomaaliya

1827 ayaa odayaal iyo jiifaf katirsanaa Woqooyiga Soomaaliya ay heshiis lagaleen Ingiriiska, waxaana ku xigey heshiisyadii 1881-1886 oo ahaa in Ingiriisku qabsado Qoqooyiga Soomaaliya [British Somaliland].

Sannadkii 1899 ayaa Seyd Maxamed Cabdulle Xasan asaasay ciidankii la baxay Daraawiishta oo xaruntoodu ahayd Taleex. Ciidankaas oo kasoo horjeedey Ingiriiska. Dagaal dheer oo uu lagalay Ingiriiska kaddib, Seyd Maxamed wuxuu ku dhintay iimey. Waxaa Ingiriisku xorriyad siiyey Woqooyiga Soomaaliya June 26, 1960.

Koonfurta Soomaaliya

Bilowgii qarnigii 18-aad waxaa xeebaha koonfureed waxaa qabsaday Salim Al Samimi, kaas oo ahaa Suldaan Cumaani ah oo taageera ka haystey Sinsibaar. Kaddib wuxuu xeebahaas ka iibsadey dawladdii talyaaniga sannadkii 1889.

Dhammaadkii 1889 Talyaanigu wuxuu dareemay inuu cadaadis kala kulmay qabsashada xeebaha Soomaaliya. Isla waqtigaas ayuu Talyaanigu heshiis lagalay cuqaashii Soomaaliyeed ee joogtey xeebaha Waqooyiga-Muqdisho. Kaddibna Talyaanigu wuxuu Soomaaliya kasoo galay Raas-Gardafuul oo u dhow Caluula. Muddo kaddib, sannadkii 1941 ayaa Ingiriisku qabsaday dhulkii koonfureed ee Talyaanigu xukumey.

1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.

kor  dadka taariikh  dhacdooyin  Bogga Bilicda


Dhacdooyin Muhiim ah
Qaybtaas waxaan kusoo qaadanaynaa dhacdooyin iyo taariikho kooban, kuwaas oo kala ah sida hoos ku xusan:
 
S.Y.L.[Somali Youth League]
Wuxuu ahaa xisbi gobanimo doon ah oo ka asaasmay koonfurta Soomaaliya.
S.N.L.[Somali National League]
Wuxuu ahaa xisbi xorriyad doon ah oo ka asaasmay Woqooyi Soomaaliya.
Maarso 1959
waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.
26 June 1960
waxaa xoroobeyi Woqooyiga Soomaaliya.
1 July 1960
waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur.
1960
waxaa Soomaaliya xukunkeeda qabtay madaxweynihii ugu horeeyey oo magiciisa layiraahdo Aden abdullahi Cusmaan, oo ku magacdheer Aden Cadde. Ra-iisal wasaarihii ugu horeeyeyna wuxuu ahaa Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
1964
 Waxaa laqabtay doorasho kale, waxaana markale si weyn ugu guuleystey xisbigii SYL. Waqtigaas waxaa ra-iisalwasaare loo doortay Cabdi-risaaq Xaaji Xuseen.
1967
 Waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Cabdi-rashiid Ali Sharma'arke.
Maarso 1969
Waxaa laqabtay doorasho, waxaana ku guulaystey xisbigii SYL. Doorashadaas waxaa ka qayb galay:
1,000 musharax, 68 Xisbi, 124 kursi ayaana loo tartamayey. Waxaana Soomaalidu doorashadaas u yaqaanaan "vote khasaaray".
15 Oktobar 1969
Waxaa ladiley Cabdirashiid Cali Sharma'arke isagoo booqasho ku maraaya gobolada Soomaaliya.
21 Oktoobar 1969
Maxamed Siyaad Barre ayaa xukunkii inqilaab ku qabsaday.
1972
 Waxaa laqoray Af-Soomaaliga.
1973-1974
waxaa la hirgeliyey barnaamijkii "Ololaha Af-Soomaaliga", kaas oo hal-hayskiisu ahaa "Bar ama Baro".
1974
Soomaaliya waxay ku biirtay ururka carabta. Waqtigaas Siyaad Barre wuxuu madax ka noqday ururka afrikada midowdey - OAU.
1974-1975
Waxaa dhacday abaartii dabadheer, waxayna abaartaasi dhibaato weyn u geysatey xoolaha. Taasina waxay sababtay in dad badan loo raro magaalooyinka Sablaale, kuntuwaarey, iyo Baraawe.
1976
Waxaa la asaasay xisbigii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed.
June 1977
Waxay ahayd xornimadii Djabuuti.
 
1977
Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u guratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.
April 1978
Waxaa dhacay inqilaabkii dhicisoobay.
1983
Waxaa lajoojiyey [la laxaaraam tinimeeey] kaganacsiga iyo cunitaanka Qaadka. Waxaase xukunkaas laga noqday oo qaadkii dib loo ogolaaday sannadkii 1990.
23 May 1986
Siyaad Barre ayaa ku dhaawacmay shil-gaari oo kadhacay wadada u dhexaysa Xamar iyo Afgooye. Waxaana lagu soo daaweeyey Sucuudiga.
June 1990
Ururka loo yaqaan "Maanafesto" ayaa Siyaad Barre ugu baaqay in uu iscasilo. Wuxuuna Siyaad Barre ku jawaabey isagoo xir-xiray dad badan oo uu ku jirey madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Aden Cadde.
27 January 1991
Siyaad Barre wuxuu kabaxay magaalada Xamar.


Taasi waxay ahay taariikh kooban ee Soomaaliya intii kahoreysey 1991.

Haddii ay jirto taariikh muhiim ah oo aan kategey, fadlan iigu soo sheeg  email.

 
Taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo 1,500 BC - ka akhri halkan

kor  dadka taariikh  dhacdooyin  Bogga Bilicda

Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12

Cusboonaysiin: Dec 27, 2002



Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright somalitalk.com. All rights reserved.