SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2007

Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007

Qayta 3aad:

May  

1/5/2007: Sheekh Shariif ayaa sheegay in la bedelay Kaartadii Dagaalka, hase yeeshee ma uusan faahfihin Sheikh Shariif waxa ay tahay kaartada, hase yeeshee waxay u muuqatay in ay tahaa, hase yeeshee waxay u muuqatay in ay tahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waana midda haatan ay ku hawlgalayaan kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada itoobiya, waxaana ilaa iyo haatan socda weerarada lgu hayo ciidamadaasi.

4/5/2007: Ururka Islaamka ayaa ku baaqay in Itoobiya ay ka baxdo Soomaaliya, waxa uuna ururku sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Ciidamada itoobiya ka baxaan dalka Soomaliya, waxayna ugu baaqeen Dowladda Federaalka in ay wada hadal la furaan kooxaha ka soo horjeeda si loo dhameeyo khilaafka 17-sano jirsaday, sidoo kale ururku waxa uu ballanqaaday in ay kaalmo deg deg ah soo gaarsiin doonaan dadka ku barakacay dagaalada.

8/5/2007: Ciidamada Dowladda Federaalka oo bilaabay in ay Hablaha ka qaadaan Indha Shareerka, waxaana arintaani caro weyn ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mid ka mid ah haweenka Indha shareeran ay u geeriyoot ay markii ay diiday in ay Indha Shareerka iska qaado, hase yeeshee ciidamada Dowladda waa ay joojiyen .

9/5/2007: Wareysi uu bixiyey C/llaahi Yuusuf oo uu ku sheegay in dagaalka Kismaayo uu yahay mid ay wadaan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaase arrintaani beeniyey maamulka ka taliyaha Magaalada Kismayo oo warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxayna sheegeen in magaala Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamo taageersan Dowladda Federaalka, sidoo kale hadalkii C/llaahi waxa ay ku tilmaameen mid uu ku baneysanayo dagaal lagu soo qaado Magaalaa Kismaayo.

12/5/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa xilalka ka qaaday Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale, kadib markii lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen axdiga ku meel gaarka ah, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inay soo xaadiri waayeen kal fadhiyada Baarlamaanka iyo midka Golaha Wasiirada, hase yeeshee wareysi uu bixiyey  Xuseen Caydiid, waxa uu ku sheegay in xil ka qaadistaasi ay tahay mid aan waxba soo kordhineyn. Isla markaana Xuseen Caydiid waxa uu sheeay in xiligaan aan loo baahneen in xil la sheegto, isagoo taa sabab uga dhigay in dalku uu gacanta u galay gumeysi cusu oo Itoobiya ah.

12/5/2007: Saraakiil ka tirsan Nabad sugida Dowladda Federaalka oo ku geeriyooday qarax lala beegsaday, mar ay marayeen agagaarka Lambar Afar, waxaana ku geeriyooday afar ka mid ah saraakiishaasi oo uu ku jiray nin lagu magiciisa lagu sheegay Ibraahim Gaal-Jecelow, waana tiradii ugu badneed ee mar qura ka geeriyoota saraakiisha nabd sugida Dowladda Federaalka.

13/5/2007: C/llaahi Yuusuf ayaa kulan la qaatay Beesha Reer Xaaji Sulyemaan, waxayna kala hadleen arrimo la xiriira xaaladda Magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay u gudbiyeen dacwad ku saabsaneed barakaca lagu hayo dadka deganaa deegaanadii xerooyinkii ciidamada waxayna ka codsadeen in dadkaasi la dejiyo goobo kale.

15/5/2007: Qarax lala beegsaday Ciidamada Uganda oo ay uga dhintaan 5 askari, mar ay marayeen Agagaarka Jubba, waana markii ugu horeysay oo ciidamo intaas la eg ay mar qura ka geeriyoodaan Dowladda Uganda, waxaana arrintaani walwal ka muujiyey Midowga AFrika oo iyagu cambaareeyey weerarkaasi, hase yeeshee Afhayeen u hadlay Ciidaada Uganda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Uganda aysan marnaba ku niyadjabi doonin dilka loo gaystay askartasi.

25/5/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Musfin, oo isagu kulan la qaatay madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isul Wasaare Cali Max'ed Geedi oo ay isla soo qaadeen arimo la xiriiray xaaladda nabadgelyda ee magaalada Muqdisho iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa, sidoo kale Musfin waxa uu xarunta madaxtoonyada kulan kula qaatay Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Cayr.

29/5/2007: Waxay ciidamada Mareykanku weerar cirka ah ku qaadeen deegaanka Baargaal ee gobalka Bari, waxaana weerarkaasi Ciidamada Mareykanka ku bartilmaameed-sanayeen wax ay ugu yeereen kooxo argagixiso ah, balse mar ay gaartay hakaasi saxaafadda ayay halkaasi ku soo arkeen dad rayid ah iyo xoolo duqeyntaasi ku geeriyooday.

June

1/6/2007: Waxaa la dilay Taliyihii nabad sugida ee Magaalada Kismaayo Maqtal Faarax, mar ay soo werareen kooxo dabley ah, waxaaa marxuumkaan la sheegay in loo dilay arrimo la xiriira aano Qabiil, hase yeeshee warar kale ayaa sheegay in loo dilay ishaysiga Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Kimsaayo.

1/6/2007: Waxaa isna la dilay Guddoomiyihii  Degmada Hawl-Wadaag Xasan Farey, kadib markii ay soo weerareen kooxo dabley ah, waxa uuna qayb ka ahaa dilal isdaba joog ah oo lala beegsanayey guddoomiyaasha degmooyinka, waxaana la xaqiijiyey ilaa iyo 11 guddoomiye in lagu dilay Magaalaa Muqdish.

3/6/2007: Waxa uu qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Guriga Ra’isul Wasaare Cali M. Geedi, waxaana qaraxaani fuliyey qof naftii hure ah oo watay Gaari Rooneed ah, waxa uuna ahaa qarixii ugu weynaa ee laga maqlo magaalada Muqdisho, waxa uuna khasaar gaarsiiyey dhamaan guryihii ku dhawaa Guriga Ra'isul Wasaaraha, mar la wareystay Ra'isul Wasaaraha waxa uu sheeay I qaraxaani uu yahay mid argagixiso ah.

3/6/2007: Waxaa la afduubtay Markab laga lahaa wadanka Denmark, mar uu marayey Xeebaha Soomaaliya oo ay soo weerareen kooxo burcad badeed ah, waxa uuna markabkaani hakad geliyey maraakiibtii kale ee ganacsiga iyo kuwii samafalka ee imaanayay Soomaaliya, waxaana xeebaha Soomaaliya loo aqoonsaday xeebta ugu xun xeebaha Adduunka.

5/6/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, oo si qarsoodi ah ku soo galay Magaalada Muqdisho, waxa uuna kulamo la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha, waana markii ugu horeysay oo uu meles Zenawi soo gaaro Muqdisho, waxa uuna sheegay mar la wareystay I magaalada Muqdisho haatan nabad tahay, dadkuna ay u soo jeesteen inay dalkooda dib u dhistaan, hase yeeshee warkaasi waxay bulshada Soomaaliyeed ku tilmaameen mid jees jees ah.

6/6/2007: Waxaa gurigiisa laga watay Guddoomiyihii Beelaha Hawiye Xaaji C. Iimaan, waxaanala geeyey Xabsi ku yaala madaxtoonyada, isagoo ku jiray mudo labo maalmood ah, waxa uuna sheegay markii la soo daayey in sababaha loo xiray ay tahay in aanu ka hadlin dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir.

6/6/2007: Waxaa ma qura la wada xiray  Idaacadaha Shabeele, Horn-Afrik iyo IQK, kadib markii Dowladdu Federaalka ay ku eedeeysay in ay  carqala ku yihiin xasiloonida magalada Muqdisho, waxaana dadaal dheer kadib idaacadahaasi dib ugu soo laabteen hawada, mana ahan markii ugu horeysay oo xarig loo gaysto idaacaddahaasi.

8/6/2007: Waxaa Geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)., wuxuuna ku geeriyooday Magaalada Nairobi, waxaana geeridiis si weyn uga naxay bulshada Soomaaliyeed, waayo Aadan Cadde waxa uu ahaa madaxweynihii uug horeeyey oo Afrikaan ah oo si dimuquraadi ah uga dega xukunka.

11/6/2007: Waxaa duleedka Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Aadan Cadde, waxaana ka qaybgalay aaskiisa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Cali Mahdi Max'ed, iyo C/qaasim Salaad Xasan, hase yeeshee Bulshada rayidka waxa ay aad uga xumaadeen in ay ka qaybgali waayaan aaska Aadan Cadde, maadaama Ciidamada Itoobiya diideen in la maro wadooyinka, waxaana ka qaybgalay dad kooban oo sidaasi u badneen.

8/6/2007: Waxaa xafiiskiisa laga watay Mustaf Qoraxey oo ka tirsanaa Shirkadda Telcom Somalia, mar ay xafiiskiisa ugu soo galeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo six un ula dhaqmay, balse mar dambe ayaa la soo daayey ninkaan ganacsada ah.

8/6/2007: Waxaa isna xafiiskiis laga watay agaasimihii Shirkadda Xawaaladda Amal Cabdi Wali Muuse, kadib markii lagu eedeeyey in uu xiriir la lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah, ma ahan markii ugu horeyay oo Ciidamada Dowladda Federalka iyo kuwa Itoobiya ay xafiisyadood ka wataan rag ganacsato ah, iyadoo qaarkoodna la sheegay in loo gudbiyey dalka Itoobiya

12/6/2007: Waxaa isku day dil ka badbaaday sii hayihii Safaaradda Uganda ee Soomaaliya C/qaadir Faarax, isagoo xiligaasi ku sugnaa dalka Uganda, kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysnaa Bistoolad, hase yeeshee Booliiska wadanka Uganda ayaa waxay bilaabeen baaritan la xiriira weerarkaasi, waxaana loo qabtay dhowr qofood.

13/6/2007: Waxay C/llaahi Yuusuf iyo Geedi booqasho raaligelin ah ugu tageen C/qaasim Salaad Xasan, oo kal hore ay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay baaritaa ku sameeyeen madaxwynaha oo uu dastuurku dhigayo in aan gurigiisa la geli Karin lana baari Karin, waxayna madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha u gudbiyeen raaligelin ku saabsan dhacdadasi, waxayna sheegeen in C/qaasim loo sameyn doono illaalo gaar ah.

15/6/2007: Waxaa Gurigiisa baaritaan lagu sameeyey Xildhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato), oo laga helay hub, balse Cismaan Caato mar la wareystay waxa uu sheegay in laga qaatay hanti gaareya $400,000 doolar, Dahab iyo alaanbo kale. Waxayna mas'uuliyiinta hadalka ka soo yeeray Cusmaan Caato ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona laheyn.

17/6/2007: Waxaa qarax ka badbaaday Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), kadib markii gaari uu la socay oo maayey Suuqa Xoolaha uu qarax la kulmay, waxa uuna sheegay mar la wareystay in qaraxaasi ay ka dabeeyeen kooxo argagixiso ah oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dilaan.

19/6/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa dilay saddex wiil oo walaalo ahaa oo la kala oran jiray C/raxmaan Ibraahim Diiriye, C/qaadir Ibraahim Diiriye iyo Sharmaake Ibraahim Diiriye, waxaana lala dilay saddex qof oo iyana guriga la joogtay oo uu ku jiray nin  Fuundi ah iyo wiil ay saaxiibo ahaayeen, waana dilkii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana dilkaani cabaareeyey Hay'addaha Xaquuqda Aadanaha.

20/6/2007: Cabdi Qaybdiid ayaa tagay Puntland, si uu halkaasi tababar ugu soo xiro ciidamo uu tababa u dhamaad   ay, kuna jiray xerada Carmo, waxayna booliiskaasi tiradoodu gaareysay 400 oo Askari, waxaana la sheeegay in gobalada Soomaaliya oo dhan ka  kala yimaadeen.

21/6/2007: Bandow ayay Dowladda Federaalka ku soo rogtay Magaalada Muqdisho, kaas oo bilaabanayey Todabada  Fiinimo ilaa iyo marka uu waagu baryo, hase yeeshee bandowgaasi sidii la rabay ugama dhaqangelin magaalada Muqdisho oo meelaha qaarkood wax bandow ah kama dhicin.

25/6/2007: Waxaa Tuulada Buq-aqable oo ka tirsan Gobalka Hiiraan lagu dilay Khadiibkii masjidka tuuladaasi Sheekh Cusman, waxaana dilkiisa gaystay kooxo dabley ah, waxaana la xaqiijiyey in wadaadkaasi loo dilay aano qabiil, waxaana dilkiisa ka xumaaday dadweynaha deegaanka.

27/6/2007: Waxaa Qarax ku dhaawacmay Barre Hiiraale, mar uu marayey duleedka Magaalada Baardheere, waxaana la sheegay in Barre Hiiraale uu soo gaaray dhaawac aan sidaasi u xooganeen, mar la wareystayna waxa uu sheegay Barre Hiiraale in qaraxaasi laga soo abuulay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtoonyada.

Akhri Qaybta 4aad...

W/DAmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com