SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka dhulkooda ku Jira ee ay Gaajadu ka hayso...

  • ma waxaad rabtaan in ay puntland ahaato sida xamar oo kale mise waxaad rabtaan in ay la socoto caalamka....
Slideshow image
Madaxweynaha Soomaaliya: "Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."... GUJI...

WD: C/nuur Yuusuf Qoongiye 

Anigoo ah nin dhalin yaro ah kuna nool magaala madaxda Dawlad Goboleedka Puntland dhigtana Jaamcada Puntland State University (PSU) ee ku taal magaalda Garoowe.

Anigu waxaan aamin sanahay in hadii wararka ay saxaafadu qortay ee sida ay rabaan u dhigayaan in uu yahay war aan run ahayn oo la rabo in dadka reer puntland laga hor istaago khayraadka dhulkooda ku jira ee ay gaajaddu ka hayso.

Fikir ahaan waxaan soo dhawaynaa war saxaafadeedkii ay soo saareen golaha wasiiradda Puntland ee ahaa in aysan cidna marti ugu ahayn hor u marka dhulkooda.

Waxaan  waydiinayaa dadka qora bogaga internetka ee warka sida ay rabaan u dhigaya hal su'aal, su'aashaas oo ah ma waxaad rabtaan in ay puntland ahaato sida xamar oo kale mise waxaad rabtaan in ay la socoto caalamka ay nabadu ka jirto sida ay u hor mareen oo kale in ay u horumarto?????...

Waxaan shaki ku jirin in kuwa bada oo idinka idinka mid ah in aad rabtaa in sida xamar oo kale ay ahaato laakiin xaalku sidaas maahan oo meeshaan waxaa nabad ka jirtay intii xamar dagaalku ka socda ama koonfurta somalia.

Marka aan u soo laabto ra'yigayga waxaan aamin sanahay in ay fiican tahay in dadka loo cadeeyo waxa uu heshiisku yahay laakiin waxaa run ah in madaxda Puntland aysan galeen heshiis aan cadayn  sidaas awgeed heshiiskaasi bilaw hor u mareed ee u soo ifaya puntland ninkii uga xun iyo kii ku farxi lahaabe

Afeef:- Xuquuqda & aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga oo kaliyah.

Ilaah baa Mahad leh.

By: C/nuur Yuusuf Qoongiye
Email:- qoonbiye74@hotmail.com  ama qoonbiye05@yahoo.com |
gaas_f@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD