SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade? !!

Slideshow image
Madaxweynaha Soomaaliya: "Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."... GUJI...

Sida  inoo muuqata  cade muuse oo ah madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa  malmaahaan dambe   waxaa uu noqday   Gacsade    waayo waxaan  aragnaa oo  lawada socnaa   cade  in uu ka gatay dhulkii  umada reer puntland  dad shisheeye mana ah  mid dan u ah umada reer  puntland. 

Wakhtigaan lajoogo ayaa puntland waxaa   iska soo daba dhacaya   eedaymo loo jeedinayo  Madaxwayne cade muuse  Xirsi   oo   gadashada  dhulka reer puntland oo ka gatay dalal shisheeye. 

Intaa waxaa sii dheer  Puntland oo lagu aqoon jiray   Nabad ,Horumar iyo Kaladanbayn  ayaa waxaa   hada   soo ifbaxay in ay baa ba'ado nabadii ka jirtay puntland iyo Kaladanbaytii , Taasna waxaa sabab u noqday doorashadii lagu soo doortay cade muuse in noqdo Hogaanka   Dowlad Goboleedka Puntland. 

Balse nasiib daro  umada  reer puntland oo islahaa markii hore Cade   muxu ka bedeli doonaa puntland    ,Ma puntland buu  ka dhigi doonaa    dowlad  hurumarsan   mase   waa iibsandoonaa   ??!!!! 

Ka dib intaas  cade ayaa  noqday mid  Ka ganacsada  Dhulka  reer puntland     ,Tusaale ahaan  waxaa idinku filan    :-

Waxaa jirtay mashruucyo loogu tala galay in lagu dhiso  Airporka  Boosaso   & waynaynta  Dekeda Boosaaso   . 

Dhamaan mashruucyadaa ayaa noqday   kuwa aan soo dhaafin  Madaxwayne cade muuse ,Halkaas oo ka bilaabay  ganacsi   in uu  iibsado  dhulka ,Dadoow   ma  lagu tageersan yahay cade in uu noqdo  Ganacsade ka ganacsada  Dhulka Reer Puntland  ?. Mase  waxaa lagu raacsan yahay in aan la dhisin  ama lawaynayn    Dekeda Boosaso   iyo Air porka Boosaaso  ?/. 

Ugu danbaytii waxaan umada reer puntland u soo jeedinayaa in ay  ilaa shadaan   dhulkooda    kana soo horjeedsadaa hadba  qofkii raba in uu Lagalo   Dalal shisheeye   Ganacsi aan la ogayn  ama aan lala saxiixin   ,Fikrad ahaantayda waxaan u arkaa  mid aan soconayn   wana ka so horjeeda fikirkaa uu wado  cade muuse.

Diyaariye : Mohamed Mohamud Osman  (Qoordheere )
Email address :
mlambo77@hotmail.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD