SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Shacabka Puntland waa inay Khayraadkooda ka difaacdaan Argagixisada.

Cadde Muuse:-Waxaan argagixiso u aqaana kuwa boobaya oo soo weeraray khayraadka Dalka.


Gen. Cadde Muuse, Madaxweynaha DGPL

Sanduuqyadii Codaynta Doorashadii PL

Boosaaso: Carruurta Qashinka ka guranaya Wax ay cunaan... Guji...


Biyaha macaan ee reer Boosaaso ka qatanaayeen qarniyada..... CEELKA GAACA... Maxaa gaaca biyo jaw leh...



Magaaladda Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri
 | March 8, 2004



Bilicda Magaalada Boosaaso


BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...


Halista Qaadka:::: AKHRI

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo saacado ka hor cod loogu tabarucey lagu doortey hool Golaha Shacabka ee Magaalada Garoowe oo aad u faraxsan ayaa yiri hadal macnihiisu u ahaa *Waxaan la dagaalamayaa Argagixisada weerarka ba'an ku haysa khayraadka baddeena, wuxuuna yiri asaga oo hadalkiisa sii wata ''kuwaas ayaan anigu Argagixiso u aqaanaa''.

Laakiin waxaa lama filaan noqotey iyo arin la qaadan waayo in Generaal Cadde uu deg deg ugu biirey kooxihii uu ku sheegay Argagixisada oo doonaya inay boobaan dhamaan Khayraadka bariga halkii laga sugaayay inuu soo dhiciyo hantidii badda ee horey loo boobay, taasina waxay la mid tahay:-

Sababta keentay in Cadde Muuse Codad lala garab istaago ayaa waxay ahayd isaga oo soo bandhigey buug weyn oo uu ku sheegay Waxqabadkiisa oo runtii la is lahaa wax uun ayuu ka qaban doonaa arimaha usoo bandhigey ee uu sheegay inuu wax la taaban karo ka qaban doono.


Maxamed Cabdi Xaashi
"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah" sida ay shaaca ka qaaday HAFZA

Sababta ugu weyn ee loo fogeeyay Madaxeynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa waxay ahayd asaga oo la sheegay inuu heshiis hoosaad la galay dad ajaaniba ah uuna ka iibsaday dhulka hodonka ah ee Xaafuun iyo asaga oo Heshiis hoose oo ku saabsan talada Puntland ama waxa lagu macneeyey wakhtigaas (Power Sharing) uu la galay Gaagaab oo markaas u ahaa Madaxweyne ku-xigeen.

Wasiirka Maaliyada Puntland ee xiligan ayaa sheegay wakhti uu socday loolankii Doorashooyinka asaga oo markaas la hadlaayay Odayaal kuna sugnaa Magaalada Galkacyo,''Aniga iyo Maxamed Cabdi Xaashi waxaan ku heshiinay inaan ka shaqeyno sidii dib loogu dooran lahaa mar labaad, wuxuuna ii ogol yahay 80% Talada Maamul Goboleedka Puntland, taasoo lagu macneyn karo Waxaan awood u leeyahay inaan ku takri falo 80% Dhaqaalaha Puntland, arintaas oo keentay inta badan Golaha Shacabku ay xoog saareen sidii uusan mardanbe usoo bixi lahayn Madaxweynihii wakhtigaas Maxamed xaashi.

Hadaba waxaan doonayaa inaan ka hadlo Heshiishka la sheegaayo in Gen.Cadde Muuse iyo Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ay kula galeen Magaalada Dubai ee dalka Imaraatka shirkadda uu garwadeenka u yahay Terry oo u dhashay Dalka Austalia, Waxaana u kala qaybin doonaa arimaha soo socda:

  1. Terry oo aan Habeen kula kulmay Hoteelka International Village ee Magaalada Boosaaso iyo sida uu iila muuqday.
  2. maxaa ka jira arimaha sheegaya inay lacag hor marin ah ka qaateen Garwadeenada Shirkadda Madaxweyne Cadde iyo Gaagaab,isla markaana Cadde uu doonaayay lacagtaas inuu ku tago dhaqtar ku yaala Dalka Bakistaan si uu isaga soo badalo Beerkiisa oo la sheegay inuu talaf yahay.
  3. maxaa ka jira arimaha sheegaya in Garwadeenada Shirkadda la sheegaayo ay usoo bandhigeen inay saami ama Share ka qaataan Qaar ka mid Ganacsata Soomaalida ee jooga Dalka Emaaraatka,iyo waliba kuwa jooga Magaalada Boosaaso.
  4. Maxaa ka jira Wararka sheegaya in rag ku weheliyey safarkiisa oo ka socday Shirkadaas ay mar hore dulaalada hubka la shireen si ay ugu soo dilaalaan hubkii ay isku ilaalin lahaayeen iyo waliba inay indha indhaynayaan halkii xarun u noqon lahayd shirkadaas,iyo wali aan laga helin kalsooni dhab Golaha Baarlamaanka ee Puntland iyo waliba kalsoonida Shacabweynaha reer Puntland ee la doonaayo in la gurto hantidooda.
  5. Hadii Maamulka Puntland uu bilkasta ka qaato Shirkaddaas 200,000 sida uu sheegay Gaagaab ma boqol iyo boqol baa isaga iyo Madaxweyna maadaama ay tahay Xeer hoosaad sida uu sheegay Gaagaab.
big needle
Halista Sigaarka.... Akhri (english)

1:-Terry ayaa yiri ''Haafuun is very important Place and I am going to be there", Habeen aniga oo ku sugan Hotelka lagu magacaabo Emaraat ee ku yaala Magaalada Boosaaso ayaa nin aan saaxiibo ahayn oo aan isla soconay wuxuu ii sheegay Hotelka Village ay dagan yihiin Dhakhaatiir Austalian ah oo howlo Caafimaad ka wada isbitaalka Magaalada Boosaaso, wuxuu intaas iigu daray inuu jiro nin ay hadda ka hor is barteen oo Cheif u ah Dhakhaatiirtaas isla markaana uu doonaayo inaan soo fiirino, waxaan u dhaqaaqnay dhinaca hoteelkaas anaga oo wakhtigaas wadanay gaari yar oo ah nooca loo yaqaan Mark11ga, markii aan galay Hoteelka meel aan ka fogeyn ayaan ka helay ninka lagu Magacaabo Terry, wuu nasoo dhaweeyay wuxuuna na geeyay meel fadhi ah oo ah qeybta uu hoteelka ka dagan yahay,Terry wuxuu ahaa nin aan ku qiyaasay dadiisa 65 jir, wuxuuna ahaa nin aad u buuran, wuxuuna xirnaa Ookiyaalo midab leh, wuxuuna aad u isticmaalaayay Sigaarka nooca loo yaqaan Stich oo sida usha u samaysan, wuxuuna iila muuqday nin Bashaash ah oo aad u furfuran oo kaftanka iyo sheekada aad kuusoo jiidanaaya.


Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Terry.. Guji

Terry wuxuu noo sheegay inuu aad u xiiseynaayo Soomaaliya gaar ahaan Puntland, wuxuu ka sheekeeyay Dhakhaatiirka uu la socday iyo howlaha Samafalka ee ay wadaan, wuxuu noo sheegay inuu doonaayo inuu dhaqaale kasoo aruuriyo Waayeel badan oo Reer Austaralia ah si uu ugu caawiyo Caruurta Tabaalaysan ee Soomaalida, Waxaan ka xasuustaa hadalka aan kor ku qoray  oo noo sheegay inuu waliba garwadeen u yahay dad badan oo waayeel ah oo dhibaato ka haysata Cimilada Austaralia kuwaas oo aad u jeclaan lahaa hadii nolol ka heli lahaayeen meelo Xaafuun oo kale ah.

Terry wuxuu iila muuqday nin meesha u joogay ujeedooyin badan oo kala duwan, waxaana ka dareemaayay inuu marar badan ka sharqaminaayay, Ganacsi, kalluumeysi, Aargoosato, Shidaal, Macdan iyo arimo Samafal, runtii waxaan oran karaa Terry nin sahlan maahan ujeedooyin iyo dano farabadan ayuuna leeyahay, markii uu ogaaday in dadka Reer Puntland oo ah intooda badan dad majinta qaadka ahi dhinac u riddo isla markaana aan haba yaraatee lahayn wax ujeedooyin mustaqbalka dhow iyo mid fog midna ayuu Terry galka kala soo baxay seeftiisa, waana kaas maanta saxiixa ka qaatay Mas'uuliyiintii ugu sareeyay Maamulka Puntland si uu u qaato Dhamaan Khayraadka Puntland, iyagana wuxuu u balan qaaday xoogaa inuu meel u saaro sida uu ku sheegay Gaagaab Khudbadiisa "Gentleman Agreement", waxaa hubaal ah waxa lagu magacaabo Gentleman agreement inay tahay waxa lagu boobay Dhamaan khayraadkii badda  iyada oo aan waxba loo reebin dadka Shacabka masaakiinta ah ee reer Puntland iyo waliba iyada oo aan loo hambeyn kuwa noloshoodu ay ku xiran tahay khayraadka badda.

Waxaa iyaduna lama ilaawaan ah in rag mas'uuliyiin sheeganaya oo Calooshood u shaqeystayaal ahi ay jeebka ka buuxsadeen si sun loogu shubo xeebaha Soomaalida, taasoo u dhiganta waxaa loo yaqaan (Alqatlul jimaaci) oo ah in umad dhan lalaayo iyada oo aan loo aabayeelin rag, dumar, caruur, dan yar, masaakiin iyo qaraabanimo midna.

Hadaba ragga Terry la bahoobay waa inay ka waantoobaan calooshood u shaqeystenimada ee ay fiiriyaan danta umadda, waxaana idin leeyahay Xasuusnaada illaahayna waa idin waydiinayaa maalinta Qiyaamada, shilimaadka aad ka qaadateenna waxaad ka qaadi doontaan jiro, walwal, Cudur, nolol xumo iy ciqaab aduunyo, waxaana mar kale leeyahay Cadaabka aakhiro ayaa daran oo baaqinimo badan.

2:-Waxaa jira warar sheegaya in lacag gaaraysa $350,000 oo doolar ay ka qaateen Gen.Cadde iyo Gaagaab Garwadeenada uu Terry Madaxda u yahay si ay u helaan Saxiixa Mas'uuliyiinta ugu sareerya Maamulka Puntland,wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne Cadde oo waayadaan danbe ay lasoo daristay xaalad caafimaad daro xanuunkiisana la sheegay inuu u badan yahay Beerka uu doonaayay kharaskhaas inuu ku tago dhaqtar ku yaala Dalka Bakistaan si Beerka looga badalo.

Warar aan ka helay dad xog xogaal ah oo ku sugnaa Dalka Germalka markii uu arimaha Caafimaad halkaas u tagay Gen.Cadde ayaa ii sheegay in Dhakhaatiirtii ay kula taliyeen inuu ka tanaasulo arimaha siyaasada ee uu ku dhexjiro isla markaana uu u howl galo sidii looga badali lahaa Beerka oo uu dhakhatku sheegay inuu maraayo meel khatar.

Madaxweyne Cadde ayaa isla markiiba go'aansaday inuu ka tanaasulo jagada uu hayo wuxuuna usoo bandhigey dad ay wada tashi leeyihiin, inkastoo markii laga aqbali waayay uu candhuuftiisa dib u liqay, wuxuuna ku talo jirey in dhaqaalaha uu la wareegaayo Terry uu ka qaato isla markaana uu ku tago isbitaalka ku yaala Dalka Bakistaan.

Warar aan ka helay dad aan ku kalsoonahay oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka Emaaraatka Carabta ayaa ii sheegay in dhaqaalihii uu balan qaaday Terry uusan wali keenin, waxayna dadkaasi intaas iigu dareen inuu Terry doonaayo inuu Saxiixa ku qanciyo qolooyinka uu dilaalka u ahaa si ay u bixiyaan lacagta kor ku xusan, taasoo illaa iyo hada aan soo gaarin Gacanta Mas'uuliyiinta Saxiixooda iibsaday, waxaana laga yaabaa maalmaha Foodda inagu soo haya inuu Boosaaso yimaado Madaxweyne Cadde si u aruursado dhaqaalihii uu ku tagi lahaa dhakhtarka, maadaama uu ku soo hungoobay Terry iyo Saaxiibadiis, dad kala taliyey Madaxweyne Cadde iyo Gaagaab inaysan wax heshiish ah la galin Terry iyo ragiisa maadaama uusan haysan wax aqoonsi ah ayay waxay ugu jawaabeen ninkaani lacag ayuu la ordayaa ee lacagta ayaan ka qaadanaynaa hadii Qorshihiisu hir galiwaayana hadde isaga ayaa yaqaan sida uu yeelaayo.

Barnaamijka siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse | shir saxaafadeed 17/12/2004

"Barnaamijkayga siyaasadeed wuxuu ka kooban yahay lix qodob." Gen. Cadde Muuse

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida  ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha  deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen. 

Barnaamijka oo Dhamaystiran.....

3:-Waxaa jira warar sheegaya in Garwadeenada Shirkadda concort uu ugu horeeyo Terry ay usoo bandhigeen inay saami ama Share ka qaataan Qaar ka mid Ganacsata Soomaalida ee jooga Dalka Emaaraatka, iyo waliba kuwa jooga Magaalada Boosaaso, arintaas oo illaa iyo hada aan la sheegin cid aqbashay Ganacsatadii loo soo bandhigey iyada oo lagu macneeyay Qorshaha laga leeyahay si loo helo kalsoonida shacabka hadii la helo Cid Ganacsato Soomaali ah oo kula shirkowda Terry iyo raggiisa Qorshaha ay doonayaan inay ku boobaan khayraadka Puntland bad iyo biriba, waxaan jecelahay inaan mar naba la helin cid la shirkowda burcadaas si ay u xalaaloobaan hantida burcadda Terry iyo Saaxiibadiis marka ay yimaadaan Gobolada Puntland,waxaana filayaa inay jaanis u noqon doonto dad badan inay ka faa'iideystaan sidii ay saamigooda uga qaadan lahaayeen xoolaha ay wadaan Terry iyo Saaxiibadiis.

4:-Waxaa ka jira Wararka sheegaya in rag ku weheliyey safarkiisa oo ka socday Shirkadaas ay mar hore dulaalada hubka la shireen si ay ugu soo dilaalaan hubkii ay isku ilaalin lahaayeen iyo waliba inay indha indhaynayaan halkii xarun u noqon lahayd shirkadaas,iyo wali aan laga helin kalsooni dhab Golaha Baarlamaanka ee Puntland iyo waliba kalsoonida.

Hubka ay doonayaan ayaa lagu sheegay noocyada waa weyn ee gawaarida la saaro iyo waliba kan yar yar waxaana howshaas hada Boosaaso ka wada ninkii la socday Gaagaab ee magaciisa lagu sheegay Black, waxaana hada ilaalo usii ah ninkaasi ilaaladii ama istaafkii Madaxweyne Cadde Muuse, taasoo mar kale sharaf dhac ku ah Shakhsiyadda iyo sharafta Madaxweyne Cadde oo loo malaynaayay inuu intaas ka yool dheer yahay.

Hadaba waxaa dhab ah in Gaagaab iyo Madaxweyne Cadde ay doonayaan inay fuliyaan arintaas iyaga oo aan usoo bandhigin markii hore Baarlamaanka, Odayaasha Dhaqanka isla markaana aan lagala tashan ka hor intii aan saxiixa lala galin,iyadoo ay haboonaan lahayn in arintaas kalsooni loo raadiyo kahor inta aysan ku dhaqaaqin Mas'uuliyiintaasi.

Waxaa jira shirar aan si hoos  ah uga war helay oo ka dhacay meelo ka mid ah Puntland loogana arinsanaayay sidii looga hortagi lahaa Qorshaha Terry iyo saaxiibadiis ay doonayaan inay ku boobaan hantida dadka tabaalaysan ee reer Puntland,iyada lagu sheegay Xeer hooseed in bishii laga qaato $200,000 isla markaana aan waxba laga siin waxna loogu qaban dadka hantida wax ku leh ee uga baahida badan kuwa guranaaya.

Waxaana idin Xasuusinayaa Dhaqaale badan ayaa hada soo gala Maamulka Puntland isla markaana majiro wax loogu qabto Shacabka Reer Puntland ee dhamaan Dhaqaalahaasi wuxuu galaa jeebabka rag gaar ah, majiro wax dhaqaale ah oo loogu talo galay Arimaha Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah sida kuwii Tsunamiga ee ku dhuftey inta badan xeebaha Puntland, taasoo maamulku dabeecad ka dhigtey hadii wax dhacaan inuu yiraahdo Ha'yadaha Samafalku may wax ka qabtaan halkii la rabay in Maamulku ugu horeeyo maadaama uu gacanta ku hayo hantidisii.

5:-Qodobka u danbeeya ee ah lacagta la sheegay in lagula heshiiyey, waxaa muuqata in Terry iyo ragiisu ay doonayaan inay boobaan hanti aad u balaaran taasoo laga dareemi karo kharashka ay hada ku baaqeen inay bixin doonaan bilkasta, waxaana hubaal ah xataa bariga kaliya arintu maahan ee waxaa jira maraakiib kalluumeysi oo Terry iyo ragiisu ay doonayaan inay si xaalufin ah uga kalluumeystaan Xeebaha Puntland, Qorshohooda ugu weynina waa kaas, waxayna doonayaan inay boobaan dhamaan khayraadkii dalka bad iyo bariba.

Waxaan Eedayn usoo jeedinayaa Golaha Baarlamaanka Puntland oo runtii aan oran karo howshoodii loo idmay way dayaceen waxayna xaq u leeyihiin inay doorweny ka qaataan arimahaan oo kale sababtoo ah iyaga ayaa u dhexeeya Shacabka Puntland iyo Maamulkooda, waxaan filayaa inay deg deg uga hadli doonaan arimahaas, qeyb weyna ka qaadan doonaan difaacida khayraadka ummadda.

Hadaba waxaa la gudboon ummadda reer Puntland iyo dhamaan ummadda soomaaliyeedba inay difaacdaan khayraadkooda bad iyo biriba inta laga helaayo Dowlad Caadil ah oo ay ku aaminaan howshaas.

Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Enköping Sweden

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2005


HEERARKII TERRY LA SOOMARAY PUNTLAND

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005.  Hadalkii Wasiirka Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg halkan]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD