SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Qayladu waxay wax tartaa wixii Noole ah, ma Horumar ayaa laga Hortaagan yahay reer Puntland mise Burcad.


Boosaaso: Carruurta Qashinka ka guranaya Wax ay cunaan... Guji...


Biyaha macaan ee reer Boosaaso ka qatanaayeen qarniyada..... CEELKA GAACA... Maxaa gaaca biyo jaw leh...



Magaaladda Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri
 | March 8, 2004



Bilicda Magaalada Boosaaso


BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...


Halista Qaadka:::: AKHRI

Nin Shaacir ah oo Carbeet baa gabay yar tiriyey asaga oo markaas Cadaynaayay Qayladhaantu inay wax tarto oo kaliya wixii nool wuxuuna yiri hadal macnihiisu ahaa( Qaylada waad maqashiisay hadii aad wax nafi ku jirto lahadlayso, laakiin nololi kuma jirto waxa aad lahadlayso, Dabku hadii la afuufo waa ifaa laakiin Dambas ayaad afuufeysaa).

Taas waxaan uga gol leeyahay maqaal dheer oo aan kaga hadlay Terry iyo joolka uu Puntland u laban yahay, heshiishkii dhawaan uu la galay Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Maaliyada, iyo arimo kale ayaa waxaa Email ii soo dirtey Gabar Suxuxiyad Soomaaliyeed ah waxayna igu tiri sidaan, (SAID ADOO MAHADSAN . WAXAA LAGA HADLAA WIXII NOOL EE SOMALIYA WAY DHIMATAY KHAASATAN PUNTLAND EE CADE WAXBA HA EEDEYN.: MAHADSANID), runtii aad ayaan u dareemay in wax weyni ka jiraan hadalkaas, waxaana dareemay inay meel dheer wax ka fiirisay, laakiin waxaan ugu jawaabay waa jiraan meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo mar hore naftii ka baxday, laakiin Gobolada Puntland wali naf yar ayaa ku jirta.

Waxaan taas uga gol leeyahay nin sheegay inuu wax barto Jaamacadda PSU ee ku taalla Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa sheegay inay haboon tahay in Reer Puntland aan laga hor istaagin inay lasoo baxaan khayraadkooda.

Hadaba Waxaa Murugo leh ardaygaas oo larabay inuu ahaado qofka ugu horeeya ee fahma waxa laysku haysto iyo waxa laga hor joogo Reer Puntland inuusanba fahmin macnaha habeen iyo maalin looga hadlaayo Terry iyo Saaxiibadiis iyo ujeedadooda, laakiin waa loo baahan yahay dadka reer Puntland inay iyagu ka faa'iideystaan khayraadkooda ee maahan inay ka boobaan dadka kaga soo duuley Daafaha Aduunyada.

Waxaan mar labaad leeyahay arimaha soo socda ayaa looga digayaa Reer Puntland Terry iyo Shirkadda uu sheegay inuu Garwadeenka u yahay ee Concort (ama consort).

  1. Shirkadda uu sheeganaayo Terry maahan mid lagu aamini karo khayraadka dalkeena, waxaana cad inaysan lahayn wax jiritaan ah ee ay tahay Magac layska sheegtay oo kaliya, waxaa la sheegay Dalka Austaralia inaysan ka diiwaan gashanayn, waxaa la hubaa inaysan ahayn Shirkad lagu yaqaan inay baarto Macdanta, waxaa la ogsoon yahay Terry markii hore inuu dalka kusoo galay isaga oo la socda dhakhaatiir samafalayaal, kadib markii uu indha indheeyay khayraadka ka buuxa Gobolada Puntland wuxuu isu badalay Dilaal (broker),wuxuu markii hore sheegtay in Shirkadiisu ay ka diiwaan gashan tahay Dalka Australia, kadib markii lasoo ogaaday inaysan sal iyo baar ku lahayn dalka Australia ayuu mar kale sheegtay inay dagan tahay Jasiirada Maldives (Republic of the
    Maldives
    ) ee ku taala Badweynta Hindiya, Hadaba waxaan ognahay looyaradii ay Mas'uuliyiinta Puntland qabsadeen inay kula taliyeen Madaxda Puntland inaysan wax heshiis ah la galin Terry iyo Shirkadda uu sheeganaayo maadaama uusan haysan wax aqoonsi ah, hadaba hadii Shirkadda Terry uu wato ay noqotey mid illaa iyo hada aan la aqoon meesha ay ka diiwaan gashan tahay, hantideeda, caymiskeeda ayna cadaatay Terry inuu yahay Dilaal doonaya inuu boobo khayraadka Puntland, ma haboontahay in laga aamuso?, si Terry iyo Burcadda la socota ay u boobaan khayraadka Puntland iyada oo aan wax badiil ah la siin shacabka dhibaateysan ee Reer Puntland, mase xoogaaga Xeer hoosaadka uu ku  sheegay Dr. Gaagaab ayaa horumar u ah Puntland?.
     
  2. Waxaan ognahay warbixintii ugu danbeysay ee ay soo saartay Ha'yada Unicef ayay ku sheegtay in Caruur  gaaraysa 7000 aysan haysan wax waxbarasho ah, waxaana iska cad in ka badan tiradaasi inaysan haysan nolol maalmeedkoodii, iyaga oo maalin kasta u le'anaaya jirooyin iyo nafaqa daro, waxaan ognahay in Maamulka Puntland uu awoodo wax weyn inuu ka qabto waxbarashada Caruurtaas iyo noloshooda, laakiin aysan jirin wax dheg u jalaqsiinaya, waxaan ognahay Puntland inay u baahan tahay Horumarin deegaan, hadii ay noqon lahayd Wadooyin, Airportiyo, Dekedo, Nadaafada iyo waxyaabo badan oo bulshada u dhexeeya  wax tarna u leh shacabka iyo Maamulkaba, laakiin taas waxaad dareemaysaa marka aad fiiriso wadada weyn ee dhexmarta Magaalada Boosaaso oo sidii loogu shubaayay Qashin ayba aasantay, Hadaba ma haboonaan lahayd hadii khayraad lasoo saarayo in horumarinta dhulka lagu sameeyo si ay uga faa'iideystaan Maamulka iyo Shacabkuba?, mise waxaan u daynaa inay boobaan dadka ka yimid Wadamo hodon ah, wax dhibaato ahna aysan haysan dalkiisa iyo dadkiisa midna?, mase ka aamusnaa kuwa sheegay inay xeer hoosaadka la galeen si ay ugu darsadaan xoolihii hore ee ay horey u  boobeen?.
     
  3. Waxaan ognahay in badda Soomaaliya ay ku jiraan maraakiib aan tiro lahayn oo ah waliba kuwa ka reeban kalluumeysiga oo haba yaraatee aan waxba hambeynayn, kuwaas oo habeen iyo maalin khasaaro u gaysanaaya danyarta Soomaalida ah ee noloshoodu ku xiran tahay khayraadka badda, waxaan ognahay dhamaan maraakiibtaas in dilaalo u joogaan dhamaan Gobolada Soomaaliya, kuwaas oo dhaqaale badan ka qaataa maraakiibtaas, waxaan Xasuusanahay dadkii loo xilsaaray inay ilaaliyaan Xeebaha Puntland waxa ay sameeyeen, waxaan ognahay wiilal dhalinyaro wadaniyiin reer Puntland ahi inay haatan ku xiran yihiin Bankood, kuwaas oo maraakiib kalluumeysi la saaray si u ilaaliyaan kadibna markii ay u adkaysan waayeen xaalufinta ba'an ee ay ku hayaan maraakiibtaasi xeebaha iyo waliba shabaagaha ay dhigtaan kalluumeystada Soomaalida ahi, lagu sheegay inay yihiin Argagixiso hadana ku xiran Bankood, isla markaana wax jawaab ah oo ku aadan arintaas aysan ka soo saarin Maamulka Puntland.

Waxaan jeclahay in si fiican loo fahmo arinta laysku hayo oo dad badani ay ku taabayaan waa horumar, waxaana jeclahay inaad kasoo jawaabtaan, waana midda aan qabo inay tahay Boob ee aysan ahayn  horumar, waxaan rajeynayaa in hurdada laga kaco, oo xagga umadda loogu dhiciyo hadba sidii la awoodo.

Said Samatar
saidsurcad@hotmail.com
Enköping Sweden

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2005


HEERARKII TERRY LA SOOMARAY PUNTLAND

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005.  Hadalkii Wasiirka Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg halkan]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD