SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


WARBAAHINTA MAXALLIGA EE PUNTLAND WAX YAABIHII AY KA QOREEN  MARKII UU SOO SHAAC BAXAY HESHIISKA KHAYRAADKA DABIICIGA AH EE PUNTLAND...

  • Radio Garoowe::: Jara'idka Australia oo aan waxba ka qorin heshiiskii Dubai
  • Radio Midnimo::: Puntland Ayaa Qalanka ku Duugtay Heshiis ay la Gashay Shirkad Australian ah
  • Radio SBC::: Dawlad Goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo heshiis kala saxiixday

Idaacda Garoowe waxa ay qortay sidan:

Jara'idka Australia oo aan waxba ka qorin heshiiskii Dubai

2005 Sep 01 - 19:10

Sida aan la wada socono waxaa dhowaan heshiis dhinaca baarida iyo soo saarida khayradka dabiiciga ah ee Puntland ku kala sixiiday magaalda Dubai ee wadanka Imaradka Carabta Madaxwaynaha DGPL iyo shirkad lagu sheegay in laga leeyahay wadanka Australia.

Hadaba si aan arintan wax uga ogaano ayan waxan baritaan ku samaynay Jara段dka wadanka Australia kuwooda ugu afka dheer bal in ay wax ka qoreen heshiiskaan iyo in kale, anagoo filaynay in arinkaa ay ka qoraan madaama ay tahay arin ganacsi oo guul u ah wadanka Australia.

Baaritaanka aan ku samaynay jara段dkan ayaa waxa ay ka dambaysay ka dib markii warbaahinta qaarkeed qortay in shirkadaan magaceeda la yiraahdo Concort isla markaana laga leeyahay wadanka Australia ay heshiiskan la gashay Maamulka DGPl.

Si aan arinkaan u sii xaqiijino ayaan waxaan sii baaray Jaraa段dka ka soo baxa Western Asutralia oo ay ka soo jeedaan Raga garwadeenada u ah shirkadaan gaar ahaan ninka lagu Magacaabo Terry iyadana haba yaraatee ma jiraan meel lagu xusay heshiiskaan.

Waxaan halkaan idinku soo gudbinaynaa Jaraaidka aan ka eegnay heshiiskaan in uu dhacay iyo in kale magacyadooda iyo guud ahaan Link-yada jara段dka ka soo baxa wadanka Australia anagoo ka codsanayna dhamaan akhristayaasha in ay noo soo gudbiyaan bal hadii ay arkaan wax ka badalan oo sheegaya in heshiskan meel uun lagu xusay weliba boga-ga ganacsiga (Business Section ) ee jar'a段dka Australia iyo kuwa adunka kaleba hadiiba ay jiraan, idinka uu ku soo hagajinaya radiogarowe@gmail.com

http://www.dailytelegraph.news.com.au/business
http://afr.com/
http://afr.com/
http://www.theage.com.au/business/index.html
http://www.heraldsun.news.com.au/
http://www.wabusinessnews.com.au/
http://www.thewest.com.au/
Guud ahaan jaraa'idka ka soo baxa Australia intooda ugu afka dheer halka ka eego

Magaca shirkada heshiiska la gashay DGPL

Tan iyo intaan soo daabacnay maqaalka Cinwaankiisu ahaa Jara'idka Australia oo aan waxba ka qorin heshiiska Dubai waxaa noo suuragashay In aan helo fariimo nooga imaanyay akhristayaasha kuwaas oo qaarkood noo shegayeen magaca shirkada heshiiska macdan baarista la saxiixatay DGPL iyo raga ku lug leh heshiiskaa.

Madaama aysan warbaahinta Puntland qorin magacyo sax ah taas oo loo aanay-nayo iyadoo aysan jirin warsaxafadeed DGPL samaysay markii la sixiixay heshiiskaan ayaa waxaa khasab noqotay in warbaahinta Puntland ay magacyo mala-awaal ah ay ku sheegaan shirkada magaceeda sida magaca Concort iyo kuwa kale sida in ay shirkadaan tahay mid Australian ah.

Hadaba baaritaan badan iyo fariimo aan ka helay akhristayaasha ayaa waxa noo suura gashay in aan helo magaca shirkada heshiiska la gashay DGPL, shirkadan waxa lagu magcabaa Consort Private Limited.

Sidoo kale warar aan ka helay magaalda Dubai ayaa waxa ay noo sheegeen in raga u ah garwadeenada shirkadaan ayaa magacyadoodu kala yihiin Terry Donnelly, Antonny Black iyo nin kale oo lagu magacaabo McLeod, dhamaan ragaan ayaa reer Australian ah lakiinse shirkada ay sheegteen kama diwaan gashana wadanka Australia

Si loo soo afjaro ka hadal haynta heshiskaan iyo cida lala galay ayaa waxa madaxda DGPL ka codsanayna tafaasiil dheerraad ah iyo in ay shacabka Puntland iyo guud ahaan Ummada Somaliyeed-ba ay u soo bandhigaan heshiiska ay galeen, cida ay la galeen iyo waxa lagu heshiiyay, taas oo meesha ka saarysa wixii tuhun ah oo shacabku ka qabi karaan heshiiska lagu sheegay in lala galay shirkadahaan.

Ka dhagayso halkan warysi madaxwayne Ku-xigeen DGPL siiyay idaacada HornAfrik warysigan oo aan misaan wayn siinayn heshiiskaan isla markaana ku tilmaamay in arinkaanu baaritaan uun yahay isla markaasna uusan ku xusin haybta shirkada iyo waxa uu heshiisku yahay.

###

M. Cade oo heshiis la galay shirkado shisheeye

2005 Aug 31 - 23:28 | Idaacada Garoowe.....

Warar rasmi oo naga soo gaaraya wadanka isu-taga Imaaradka carabta magaaladiisa Dubai waxay xaqiijinayaan in ay ku kala sixiixdeen heshiis ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland MDGPL iyo shirkad aan magaceeda la faafin.

Heshiiskaas oo dhinaca Puntland uu u saxiixay MDGPL Cade Muse dhinaca shirkadana ay u sixiixeen Rag uu garwadeen u yahay Terry oo dhalashadiisu tahay Asutralian.

Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacay Hotel ka mid ah Hotelada waawayn ee magaalada Dubai waxa goob joog ka ahaa dhinaca Puntland Wasiirka Maaliyada ee DGPL Mud.Mxamad Cabdi Yusuf(Gaa-gaab) iyo ganacsato reer Puntland ah oo ay ka mid yihiin:

1- Khaliif Ciise Mudan
2-Liibaan Muuse Boqor
3-Farax Xaaji Mire
4-Yusuf C/lahi Salax Deer
5-Shire Xaaji Farax
6-Maxamed Huruuse
7-Bile Cabdullaahi Warsame
8-Maxamed Siciid
Iyo ganacsato kale oo reer Puntland ah oo ku sugnaa isla goobta heshiiskaanu ka dhacayay.

Heshiiskaan oo weli shacabka Puntland iyo Barlamanka Puntland si rasmi ah loogu soo bandhigin ayaa waxa dad badan is waydiinayaan in ay soo dhowayn doonaan iyo in ay cagta ku dhufan doonaan shacabwaynaha reer Puntalnd iyo xeer-beegtooda.

Sida aan la wada socono tan iyo intii ay soo shaac baxday in heshiis noocaan ah ay DGPL ay la galiyaso shirkado shisheeya ayaa waxaa ka jiray muran muujinaya in aan layku waafaqsanayn arintaas, taas oo aad ka garan kartid shirkii jaraa'id uu qabtay Raysul wasaare Geedi  iyo jawaabtii carada ka muuqatay oo ay ka bixisay maamulka Puntland.

Uga dambayntii wixii kale oo ka soo cusboonaada arintaas waa idiin soo gudbinaynaa ... Idaacada Garoowe.....

 


Idaacada Midnimo ee Boosaaso waxay qortay sidan:

Puntland Ayaa Qalanka ku Duugtay Heshiis ay la Gashay Shirkad Australian ah

2005/8/31 8:14:45

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in xalay uu halkaas ka dhacay heshiis macdanta lagu baarayo oo ay kala saxiixdeen Maamulka Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Ustaraaliya oo lagu magacaabo Consort.

Heshiiskan oo ka dhacay Hotel Hilton ayaa Dhinaca Puntland waxaa u saxiixay Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyadoo Eng. Black nin lagu magacaabana uu u saxiixay dhinaca shirkadda Consort.

Ganacsade goob joog ka ahaa goobtii uu heshiiskani ka dhacay, ayaa sheegay in masuul u hadlay Shirkadda uu sheegay in ay hawlaha baaritaanka macdanta ay sida ugu dhaqsaha badan uga bilaabi doonaan gudaha Puntland, Ganasadahaas oo u waramayey Radio Midnimo ayaa sheegay in si weyn loo soo agaasimay xafladii heshiiskan, wuxuuse muujiyey in aan la caddeyn macdanaha la baari doono nooca ay noqonayaan iyo goobaha laga baari doono, wuxuu kaloo sheegay in aysan caddeyn cidda hawshan la wadaagi doonta shirkaddan in ay noqon doonaan dad shicib ah iyo in ay hoos tegi doonaan mid ka tirsan Wasaaradaha Maamulka.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, heshiiskan ayaa yimid mudo yar ka dib iyadoo Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Geedi uu shir jaraa段d oo uu Nayroobi ku qabtay uu ku sheegay in aysan Maamulada jira wax heshiis ah la saxiixan Karin shirkaddaha iyo dowladdaha jira, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay Maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin in ay heshiis la sixiixdaan shirkad Ustaraaliyaan ah oo dooneysa in ay baaritaan macdaneed sameyso, haseyeeshee, maamulka Puntland ayaa hadalka Raysal Wasaaraha si carol eh uga jawaabay.


Isaacda SBC ee Boosaaso waxay qoryay Sidan:::

Dawlad Goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo heshiis kala saxiixday

Dubai - 31.August.2005 Wararka naga soo gaaraya magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in halkaasi ay heshiis kuwada saxiixdeen maamul goboleedka Puntland iyo shirkad Australian ah oo lagu magacaabo Concort.

Shirkaddaasi ayaa waxaa la sheegay in ka baari doonto gobollada Puntland khayraadka dabiiciga sida shidaalka iyo Macdanta.

Heshiiskan ayaa habeenimadii xalay lagu kala saxiixday xaflad ballaaran oo lagu qabtay Hilton Hotel oo ku yaalla magaalada Dubai.

Dhinaca maamul goboleedka Puntland heshiiska waxaa u saxiixay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde) halka dhinaca shirkadda Consort uu u saxiixay nin lagu magacaabo Eng. Black.

Waxaa saxiixitaanka xafladdaasi dhinaca dawladda Madaxweynaha ku wehliyay wasiirka maaliyadda ee dawlad goboleedka Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Sidoo kale xafladdaasi heshiiska ay ku kala saxiixdeen shirkaddaasi Australian-ka ah waxaa goob joog ka ahaa ilaa 40 ka mid ah ganacsatada waawayn ee reer Puntland oo ay ka mid yihiin:

Khaliif Ciise Mudan
Yuusuf Cabdullaahi Saalax Deer
Shire Xaaji Faarax
Maxamed Huruuse
Bile Cabdullaahi Warsame
Faarax Xaaji Mire
Cabdi Bootaan iyo
Maxamed Siciid.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Puntland iyo shirkadda Australian-ka ah ee Concort ayaa wuxuu dhigayaa in shirkaddu ay laba toddobaad gudohood ka hawl gasho Puntland.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo ka hadlay xafladii Saxiixitaanka ayaa wuxuu u mahad celiyay dawladda Australia iyo shirkadda isagoo u sheegay in maamul goboleedka Puntland uu hoos yimaado dowladda Federaalka, balse uu xor u yahay inuu ka shaqeeyo horumarka shacabkiisa.

Wuxuu kaloo Madaxweyne Cadde halkaasi ka sheegay in shacabka Puntland ay ku wargeliyeen in deegaamada Puntland laga baari doono shidaal iyo macdan ayna taa raali ka yihiin shacabku.

Eng. Black oo u hadlay dhinaca shirkadda Concort ayaa isna sheegay in ka shirkad ahaan ay aad u danaynayeen weligood inay heshiiskan oo kale la saxiixdaan Puntland.

Eng. Black wuxuu mahadcelin u soo jeediyay dawlad goboleedka Puntland iyo madaxweyne Cadde Muuse, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii ay shirkaddu ku heli lahayd khayraadka Puntland si ay uga faa'iidaystaan shacanka shaqo la'aantu ay haysato.

Si kastaba ha ahaatee heshiiskan ay kala saxiixdeen maamul goboleedka Puntland iyo shirkaddaasi ajnabiga ah ee dalka Australia laga leeyahay ayaa soo baxay laba maalmood ka dib markii ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu sheegay in maamul goboleedyadu aanay heshiis la geli karin shirkad ajnabi ah, ciddii ku dhaqaaqdana uu sheegay in dowladda federaalka ay tallaabo ka qaadi doonto.

Dawlad Goboleedka Puntland ayaa arrintaasi war cad ka soo saaray isla markaasna sheegay in aanay cidna marti ugu ahayn khayraadka Puntland iyo horumarinta dadka iyo dalka Puntland.

C/qaadir Maxamed Nuunow
SBC Boosaaso
nuunow16@hotmail.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD