SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA

  • Cadde Muuse oo Aqbalay in la dhisi doono Guddi Soo Baara "Shirkada Consort", lana Xaajoon doona DFKMG..
  • C/Laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo ku Kulmay Dubai, kana wada hadlay arrimha shirkada Shidaalka waxa laga yeelayo...
  • Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in Arrinta iyaga u daayaan..

Cadde Muuse oo Aqbalay in la dhisi doono Guddi .... Guddigaas oo Soo Baari doona "Shirkadda Consort", wixii Dastuurku qabona marsiin doona, kalana Xaajoon doona DFKMG...

  • SomaliTalk.com | Isha: Wargalo Jooga Dubai | Sept 20, 2005

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa aqbalay in uu dhisi doono guddi soo baara arimaha la xiriira "shirkadda consort", waxana uu aqbalaadaas ku muujiyey 72 saacadood gudohood ka dib markii ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia soo saareen baaq ay ku weydiisanayaan DGPL in ay guddigaas soo dhisto.

Waxaa warkan magacaabida guddigu sii xoogeysey kaddib markii xalay uu Dubai hoteel ku yaal kulan ku dhex maray Madaxweynaha DFKM, C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana ay ka wada hadleen arrinta ku saabsan heshiiska ay Puntland la gashay shirkadaha reer Australia, halkaas oo C/laahi Yuusuf uu ku adkeeyey in la magacaabo guddi arinta ka baraan degga, si arrinta loo mariyo waxa uu sharciga iyo dastuurka qaranku ka qabo. Waxaana warku sheegay in Cadde Muuse aqbalay in la dhisi doono guddi.

Arrintaasi waa guul u soo hoyatey reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed maadaama madaxwenihii Dawlada Dhexe iyo kii Dawlad goboleedkuba ay maqleen baaqa shacabkooda iyo aragtida dad weynaha oo rabey in arrintaas si waadax ah loo baaro. Waxayna tani horseed u noqoneysaa is aaminaad dhex marta madaxda iyo shacabkooda maadaama madaxdu maqlayaan baaqyada wax dhisaya ee loo soo jeediyo, halkaasna ay ka abuurmi doonto kalsoonidii dadweynuhu.


Hotel Le Meridien Dubai

Waxa kale oo xusid mudan Gen. Cadde Muuse in 19/9/2005 (oo ah markii uu ka dhoofay Boosaaso, una dhoofay Dubai) uu Axmed Kismaayo (oo jooga Garoowe) kana tirsan shaqaalaha Idaacada British Broadcasting Corporation u sheegay in dhowaan la magacaabi doono guddi arrimaha shirkada shiidaalka/batroolka/macdanta kala xaajoon doona DFKMG. Dhegeyso Halkan.

Hadda DGPL waxay u muuqataa mid dhegeysaneysa shacabkeeda.

Warkii caawa ka soo baxay Jaaliyadda Soomaalida Australia hoos ka akhri:::


  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ... | Sept 20, 2005

War SomaliTalk ka soo gaarey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka Puntland ay Jaaliyaddaas ka codsadeen in iyaga (Odayaasha & wax garadka) u daayaan arrinta la xiriirta heshiiska Puntland iyo shirkada shiidaalka/macdanta, si ay iyagu uga baaraan degaan. Odayaasha oo codsaday arrintaas maadaama ay iyagu dalkii joogaan arrintana u kuur geli karaan, wax badan ka ogaan karaan, yihiina ehelka arrintan, sidaas darteedna iyaga marka hore loo daayo.

Waxaa warku intaas ku daray in "Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyagoo tix gelinaya codsiga odayaasha iyo waxgaradka Puntland ayay arrinta sidaas laga codsaday u aqbaleen una daayeen odayaasha ilaa inta ay iyaga gaacantooda ka soo laabanayso".

Waxaa warku intaas raaciyey "Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyagoo fiirinaya maslaxada reer Puntland waxay ku talinayaan in arrintan la xiriirta heshiiskaas lala galay shirkadaha Consort aysan noqon mid kala fogeysa shacabka reer Puntland, ayna si deggan arrinta xaqiiqadeeda u gaaraan."

Ugu dambayntii "Jaaliyadda Soomaalida ee Australia waxay ka war sugayaan xalka odayaasha iyo wax garadka Puntland, ilaa arrintu mar kale gacantooda ka soo wareegeyso."

Isha: Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia & Ilo war gal ah oo Jooga Dubai| Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2005

Warkii hore ee Jaaliyadda:::


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 DGPL oo Loo Qabtay 72 Saacadood in ay ku Soo Magacawdo Guddi Madax Bannana oo Soo Baara Heshiiskii Puntland la Gashay Shirkadaha Sheegtay in ay Shidaal ka baarayaan Dalka.....

  • Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Australia.... | Sabti: September 17, 2005


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL) ugu baaqay in ay jawaab sugan oo deg-deg ah ka bixiso heshiiskii ay la gashay "shirkada consort" ee la sheegay in ay tahay Australian macdan iyo shidaal ka baareysa Puntland. Waxana ay dawlad Goboleedka Puntland ugu baaqeen in ay soo magacawdo guddi madax bannaan oo baaritaan rasmi ah ku sameeya heshiiskaas iyo shirkada heshiiska lala galay. Baaqaas oo soo gaarey SomaliTalk.com ayaa ku bilowday sidan:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Australia waxay soo saareen baaq ku socda DGPL kaddib:

  1. Markii uu soo gaarey warka sheegaya in DGPL heshiis gaar ah la gashay "shirkadda Consort" oo la sheegay in ay tahay Australian,
  2. Markii uu soo gaarey warka ah in qorshaha shirkadaas aan loo bandhigin shacabka, iyo baarlamaanka si looga doodo,
  3. Markii ay arkeen xaalada is afagarad la'aanta ah ee ka taagan Puntland, xurgufta soo kala dhex gashay madaxda DGPL dhexdeeda iyo khilaafka soo dhex galay DGPL iyo DFKMG, arrimahaas oo ka dhashay heshiiska ay DGPL la gashay "shirkadda Consort",
  4. Markii ay arkeen in heshiiska "shirkada consort' uu is aaminaad la'aan ka abuuri karo qabaa'ilka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya,
  5. Markii ay arkeen in 'shirkada Consort" u muuqato mid aan wax dakhli ah lahayd, qorshe sugan soo bandhigin, 
  6. Markii ay ogaadeen in shirkadaasi aan laga aqoon ama ka diiwaan gashanayn dalka Australia,
  7. Markii ay la xiriireen Dawlad Goboleedka Puntland oo ay wax jawaab sugan oo dadka u cuntami karta ka waayeen,
  8. Markii ay ogaadeen in shirkadani bacdamaa aysan wax dakhli lahayn ay digaag ka iibin doonto Puntland si ay "shirkadaasi" danaheeda gaarka ah u gaarto,
  9. Markii ay maqleen hadalada ah in madaxweynaha DGPL ay shirkadani ka bixisay Hoteelka uu degganaa Dubai xilligii heshiiska loo saxiixayey - taas oo ceeb ku ahayd magaca shacabka Soomaaliyeed,
  10. Markii ay u caddaatay in heshiiskaas aan wax faa'iido ah ugu jirin shacabka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaalida.

Waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ka fursan weydey in ay si guud baaq degdeg ah ugu diraan dawlad Goboleedka Puntland, baaqa oo ah:

In muddo 72 saacadood gudohood ah (waqtigaas oo ka bilaabanaya waaberiga Sabti Sept 17, 2005 waqtiga Afrikada-Bari) in ay DGPL ku soo magacawdo guddi gaar ah oo xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiis-yadii ay Puntland la gashay "shirkada Consort" ee la sheegay in ay Puntland ka baareyso macdan iyo shidaal (Batrool)."

Guddigaas oo noqon doona:

  1. Guddi madax bannaan oo ka kooban cuqaasha/odayaasha/waxgaradka Puntland, Dawalad Goboleedka Puntland (DGPL), Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia iyo Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG).
  2. Guddiga xubnaha loo xulayo in ay ka mid noqdaan dad khibrad/aqoon u leh heshiisyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan qareeno, dad yaqaan cilmiga joolojiga/macdanta, iyo dhakhaatiir.

Guddigaas oo hawshooda ugu horaysa noqon doonaa:

  1. In ay si xaqiiqo ah u baaraan waxa ay tahay "shirkada consort", meesha ay ka diiwaan gashan tahay, miisaaniyadeeda/dakhligeeda, iyo qorsheeheda rasmiga ah ee ku aadan Puntland,
  2. In la hubiyo waxa ay reer Puntland iyo guud ahaan ummaadda Soomaaliyeed ka faa'iidayaan heshiiskaas, raadka uu ku reebi karo xagga ammaanka, deegaanka/bey'adda, iyo dhaqan-dhaqaale,
  3. Markaas wixii ay soo ogaadaan in ay sida ugu dhaqsaha badan meel fagaare ah uga sheegaan si shacabku u ogadaan xaqiiqada.

Haddaba haddii DGPL ay waqtigaas xusan kusoo dhisi weydo guddigaas xaqiiqo raadiska ah, waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ballan qaadayaan in si isku maalin ah ay warsaxaafadeed ku qaban doonaan magaalooyinka waaweyn ee Australia, sida Melbourne iyo Sydney, si ay dadka reer Australia ugu war geliyaan magaca Australia oo ay shakhsiyaad gaar ahi ku qaraabanayaan, shakhsiyaadkaas oo degganaansho la'aan ka abuuraya qayb kamid ah dunida (Puntland).

Waxa kale oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ballan qaadayaan in ay warka shirkadaas, shakhsiyaadka reer Australia iyo waxa ay ka fulisey Puntland u gudbinayaan dawlada Australia, sida Booliska caalamiga ah, wasaarada Arrimaha dibada iyo wasaarada qaabilsan ganacsiga iyo xiriirada Caalamiga ah.

Baaqaas waxaa la socda in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ay arrintan u samaynayaan si loo ogaado xaqiiqada ka dambaysa ficilada DGPL ee heshiiskaas iyo in heshiiskaasi dan u yahay reer Puntland. Taasi ma aha in laga soo hor jeedo horumarka Puntland, sida ay dadka u sheegaan madaxda maamulku.

Waxa kale oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia ugu baaqayaan DGPL in ay joojiso nin toocsiga, guul-guulka, hanjabaadda iyo baqdin gelinta qof kasta oo ka fikrad duwan. Waana in ay DGPL ogaata in waxa ay u adeegaan uu yahay shacabka, sidaas darteedna ay sida ugu dhaqsaha badan shacabka ugu ogolaadaan in ay si saraaxo ah oo xor ah codkooda, taladooda iyo wixii ay dhibsanayaan ugu sheegan karaan Dawladda (DGPL).

Ugu dambayntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia waxa ay soo jeedinayaan in DGPL ay ka gar baxdo shacabkeeda, ayna cadayso gaar ahaan heshiiska "shirkada consort", waxa keliy aoo cadayntaas lagu heli karaana waa in ay DGPL magacawdo guddi gaar ah. Haddiise ay gar bixi weydo, guddiga xaqiiqo raadiska ahna soo magacaabi weydo mudada kor ku xusan, markaas Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay fulin doonaan ballan qaadkooda kor ku cayiman.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia waxay u arkaan go'aanka ay ku soo saareen baaqan in uu yahay mid muhiimad gaar ah leh bacdamaa ay qayb ka yihiin labada mujtamac ee ay arrintani sida khaaska ah u khuseyso - reer Australia iyo Soomaaliya.

Waxaa warkaas SomaliTalk.com soo gaarsiiyey Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2005

Afeef: Aragtida baaqan waxaa leh Jaaliyadda Soomaalida Australia...


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD