SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Puntland oo Markale Lagu kala Baayacayo Suuqyada Australia...

"Shirkada Consort" oo Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa xuquuqda gebi ahaan Khayraadka ku jira Puntland.....

  • "Shirkada Consort" oo ay Yeesheen Madaxda Puntland, iyo Khayraadka Soomaaliya oo lagu kala baayacayo Australia iyadoo DFKMG ay gabtay Hawsheedii Arrintaas kaga aadanayd....

October 7, 2005: Waxaa maalmahan suuq-geyn xooggan iyo baayacaad dalka Australia ka wadey "shirkada Consort" oo sida hadda soo shaacbaxaday ah shirkad ay qayb ku leeyihiin madaxda Dawlad Goboleedka Puntland, baayacaadaas oo la baayacayo khayraadka qayb kamid ah dhulka Soomaaliyeed. Laba beri ka hor ayey ahayd markii ay "Consort" heshiis la gashay "shirkad" kale oo magaceeda la yiraahda "Range Resources". Heshiiskaas oo ah in 'shirkadan cusub' ee "Range" laga iibinayo saamiga boqolkiiba 50.1% kaas oo xuquuq u siinaya gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee dhul baaxadiisu dhan tahay 212,000km2, oo lagu sheegay in ay tahay dhulka ay ku fadhido Puntland.



Khariidada ay shamaysatay 'shirada Range resources"... Eeg halkan... (pdf)

Heshiiskaasi markii uu dhacay waxa qoraal soo saartay "shirkada Range Resources" ay ku sheegtay in ay hor maris ahaan u siineyso "Consort" lacag dhan $US1.5 million ($2 million Australian), oo ay ka siineyso saamiga, kaas oo ay tiri waxay markaas "Range" yeelaneysaa xuquuq aan cidina kula tartami karin khayraadka dabiiciga ah ee Puntland - saami ahaan 50.1% oo dulsaar ah. Waxaana ay 'shirkadaasi' si bareer ah u daah furtay arrintii ay madaxda Puntland daaha saarayeen oo ahayd in 'Shirkada Consort' ay madaxdeeda qayb ka yihiin wasiirada Puntland, ayna tahay mid aan wax miisaaniyad ah lahayn, waxaana taas caddeeyey hadalka agaasimaha guud ee "shirkadan Range" oo magaciisa la yiraahdo Mr Marinis waxana uu sheegay in uu wax yar ka ogyahay "Consort", laakiin waxa uu si cad u sheegay "in agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada" (Puntland), arrintaas waxa uu maanta (October 7, 2005) u sheegay jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxana uu ka gaabsaday in uu madaxdaas magacaabo, taas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "ma aqaan kuwa ay yihiin agaasimayaashu".

Waxaa durbadiiba halkaas ka soo baxay in 'shirkada Consort' ee shacabka Puntland madaxdoodu ugu sheegeen in ay dalka shidaal ka baareyso ay durbadiiba hoos ugu dhacday saami ahaan in ay leedahay 49.9%, waana daliil cad in ujeedadu markii horeba ahayd in la iib geeyo saxiixa madaxda Puntland, shacabkana loo sheego khiyaali oo lagu maaweeliyo khayraadka dhulkiina ayaa la idinka hor taagan yahay iyo digaag ayey keeneysaa shirkadani - waxaase arrinta caddeyey dad aan Soomaali u dhalan oo iyagu dantooda fiirsanaya. Warbaahinta Australia waxay maanta cadaysay in arrinta shirkadani ay ka soo asaasantay urur lagu sheegay samafal oo magaciisa la yiraahdo Kids in Need kaas oo qayb ka ah World Vision.

"Shirkadan Range' qoraal ay soo saartay October 5, 2005 waxaa ku cad in shuruud lagu xiray shirkadan ay dhiseen madaxda Puntland ee 'Consort', in lacagta $US1.5 million la siinayo wixii loo gaaro October 20keeda, lacagtaas oo ah celis haddii shuruudaha laga soo bixi waayo.

Tankale waxay 'shirkadaas Range' cadaysay in muddo 17 bilood ah ay bixineyso $200,000 bishiiba lacagtaas oo bilaabaneysa 15ka November 2005.Taasi waa daliil kale oo ah in "Consort" aysan haysan dakhligii ay madaxda Puntland hore u sheegeen in ay bixineyso "Consort". Waxaa kale oo xusid mudan in xitaa 'shirkadan cusub' marka laga hadlayey uu maanta joornaalka Australian qoray sidan "Shirkada 'Range' oo shalay ay saamiyadeeda lagu iibinayey 3c (saddex senti)".

'Shirkada Range' waxa ay samaysatay khariidad muujineysa inta ay iyada "Keliya" xaq u leedahay dhammaan waxa khayrad ah ee ku jira dhulka hoostiisa ee saamigaas kor ku xusan, dhulkaas khariidada ku xusana uu yahay gobolada xiga dhanka Woqooyi Bari iyo Woqooyi galbeed ee Soomaaliya. Waxaana cad in arrintaas looga gol leeyahay iska hor keen beelaha Soomaaliyeed ee aan haba yaraatee lagala tashan raadka ay arrintani yeelan karto.

Arrinta kale oo la yaabka leh waxa ay tahay sida ay "Shirkadaahani' u rabaan in dhulka Soomaaliya uu colaad ku jiro si ay danahoodu ugu hir galaan, waxaana arrintaas daliil cad u ah hadalka agaasimaha guud ee 'shirkada Range' oo sida qoraalka aan soo tarjumeny ee hoos ku qoran ku cad, uu yiri "Range" wax welwel ah kama qabto (wax dan ah kama leh) in ay Soomaaliya hagaagto, oo yeelato dawlad baa'bin karta go'aanka maamulka Puntland. "Taasi waxay qaadan doontaa sanado badan - waxaana inaga xiga sanado aad iyo aad u badan".

Dhanka kale Dawlada Federaalka Kumeelgaarka ah ayaan ilaa hadda laga hayn war sugan oo shacabka ku hagaya xaqiiqada heshiisyadan ay Puntland la geleyso shirkado shisheeye. Warkii ugu dambeeyey ee DFKMG laga maqlo waxa uu ahaa Madaxweynaha DFKMG iyo ra'iisul wasaaraha oo diidanaa in Dawlad Goboleedka Puntland geli karto heshiis caalami ah iyadoo aan ogolaansho ka haysan DFKMG, waxaase hadda arrintii mareysaa in Soomaaliya lagu kala gadanayo sayladaha saamiyada Australia iyadoo laga boodey dawladii dhexe.

Waxaa taas dheer in heshiiskan dambe uu dhacay xilli ay DFKMG magaalada Jawhar wada xaajood ugu yimaadeen guddi ay soo dirtay DGPL oo halkaas u yimid arrimaha heshiiska shirkadii hore ee "Consort". Haddana iyadoo sida wararka Jawhar ka imanaya ay sheegayaan aan tii hore heshiis laga gaarin ayaa maantana tani (shirkada Range Resource) soo shaac baxday.

###

Warkan hoose waxaan ka soo tarjumney jariidada News Australia qaybta Ganacsiga, cadadkeedii maanta (Oct 7, 2005)..

OF all the thousands of mining exploration companies in all the world, big and small, Range Resources has been tapped on the shoulder to control the as-yet unknown oil, gas and mining resources of Puntland.

It sounds like an apt name for the Australian junior to go looking in - a semi-autonomous state in northeastern Somalia, which is trying to govern itself and restore an economy badly affected by last year's tsunami.

Puntland President Mohamud Muse Hirsa and his Government have no aspirations towards independence, but seek to be part of a federal Somali state if law and order ever return to the south of the country - and, in particular, the capital Mogadishu.

Ancient Egyptians told of a Land of Punt in the area now known as Somalia. The story of Range's involvement is no less fascinating. Executive director Jim Marinis said he was not sure why Range was chosen, or even whether it was the first choice.

The initial feeler was through the humanitarian organisation, Kids in Need (part of World Vision), that was trying to help Puntland get some economic activity started. Mr Marinis said contact was made with Range through "connections" and the deal negotiated through lawyers in Australia and England.

Yet Range has never had direct dealings with the company set up by Puntland authorities to control the territory's resources, and Mr Marinis said he knew little about Consort Private apart from the fact that its directors included government ministers. "I don't know who the directors are."

Range will take a 50.1 per cent interest from Consort in all the hydrocarbon and mineral resources of the 212,000sqkm territory controlled from the town of Garowe.

Range will pay Consort an initial $US1.5 million ($2 million) for the 50.1 per cent interest, with further payments totalling $4.4 million, along with 85 million Range shares and options.

Mr Marinis said Range's role would be to assess the exploration potential of Puntland and then farm out prospects to large mining and oil companies.

So Range, whose shares were selling at 3c yesterday, expects to be soon sitting across the negotiating table from the likes of Shell, Conoco and Phillips Oil.

He said Range was not concerned about Somalia getting its house in order, adopting a national government that could overrule decisions made by the Puntland authorities. "That will take many years to come - it's many, many years away."

The potential is promising. Agip, Shell, Amoco and others have drilled around the Horn of Africa but most data had been destroyed, the company said. But there's known iron, manganese, tin, lead-zinc and copper deposits. Range is working on a capital raising to get people on the ground in Puntland. "We need to go there and start geological testing," Mr Marinis said.

ISHA: http://finance.news.com.au/story/0,10166,16838847-462,00.html

Bal eeg websiteka 'shirkadan cusub ee Range" www.rangeresources.com.au

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2005


C/llaahi Yuusuf oo u kala dab qaadaya Ra段sul wasaare Geedi iyo..

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Oct 5, 2005

            Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay iyo doraadba waxa uu ku kala dhex jiray ama uu u kala dab qaadayay Ra段sul wasaare Cali Max弾d Geedi iyo xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday maamul gobaleedka Puntland kaddib markii ay cirka isku shareertay arrimihii laga wada hadlayay, iyadoo xubnihii maamul Gobaleedka Puntland ka socday ay ku adkeysteen in Ra段sul wasaaruhu uu ansixiyo warqado qoraal ah oo ay wateen xubnahaasi, hase yeeshee Ra段sul Geedi waxa uu xubnihii Puntland ku wargeliyay in Jowhar loogu keeno mas置uliyiinta shirkadaha heshiiska lala galayo si meel fagaaro ah loogu wada saxiixiyo ayna u ogaadaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isagu kulan gaar ah la yeeshay wasiiradii ka socday Puntland oo ka codsaday in ay dabacsani la yimaadaan si loo qanciyo wax uu ugu yeeray Dowladda Dhexe, waxaana la sheegay in wada hadalkaasi aysan ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday Puntland ay sheegeen in ay dib ula laabanayaan heshiiskooda si ay la tashi ula soo sameeyaan Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse.

Warar ayaa waxay sheegayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu xubnaha wasiirada u sheegay in uu booqasho deg deg ah ku yimaado Magaalada Jowhar Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse. Wareysi uu Ra段sul wasaare Cali Max弾d Geedi horey u bixiyay ayaa waxa uu ku sheegay in maamul gobaleed uusan wax heshiis ah la geli Karin shirkado shisheeye IWM, iyadoon aan fasax laga haysan Dowladda Dhexe, wada hadalada u dhexeeyay labada dhinac oo haatan maraya meel xasaasi ah ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in ay qarka u saaran yihiin in ay burburaan wada hadalka u dhexeeya Ra段sul wasaare Cali Max弾d Geedi iyo xubnaha wasiirada ah oo muddo todobo maalmood ah ku sugnaa Magaalada Jowhar oo xarun ku meel gaara u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa waxaaa la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta waxaa kalloo halkaas iyana ku sugan mas置uliyiinta shirkadaha heshiiska lala galayo oo iyagu ka war dhowraya wada hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedka Puntland.


Heerarkii ay soo mareen Shirkadaha shidalka ka baaraya Soomaaliya hoos ka akhri:::

December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD