SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Maxaa kalahasyta Godka Majayahan iyo Maafiyada Caalamiga ah!!...

Dabayaaqadii Bishii August 2005 ayeey ahayd markii ay heshiis kala saxiixdeen shirkada CONSORT PRIVATE LIMITED iyo Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Puntland.

Heshiiskan oo ku saabsanaa Baaritanka Macadanta iyo khayradka ku Daboolan Dhulka hoostiisa .

Heshiiskan ay galeen labada dhinca ayaa lagu galay Dalka Dibadiisa waxaana labada dhinac kala Saxiixay  Madxaweynaha  Dowlod Goboleedka Puntland ee Somaliyeed ,  Gen. Maxamud Xirsi Cade iyo Wasiirka Maliyada Maxamed Cali Yusuf  Gaagaab halka dhanka shirkadana ay saxiixeen  Mr TERRY DONNEY , ENGR. BLACK iyo McLEOD oo u dhashay dalka Australia ee ah halka shirkada laga leeyahay.

Wax badan ayaa saxaafada Somaalida iyo mida caalamkuba  wax ka qoreen heshiiska dhex maray DG Puntland iyo Shirkada CONSORT Pvt Lt iyada oo argatiyo kala duwan laga bixiyey ayna muuqatay shaki aad u balaaran ee ah dhanka shirkada waloow aysan Shirkadu cabsi sidaas ah ka qabin howlgalkeeda ku adan Gudaha soomaliya ee Gobolada Puntland .

Si kastaba xaaladu ha ahaatee bal aan dib ugu weecano qaabka ay ku timi Shirkada Consort Pvt Ltd aniguse aan ugu Magaca daray   ( MAGACYABADAN RESOURCE PVT LTD ) shirkadan maafiyada ah ee laga leeyahay  Dalka Australia waxay wakiil sahan ah usoo dirstay biloowgii sanadkii 2005 bishii January dhamadkeedii , wakiilka sahanwadaha ah ee shirkada Consort wuxuu si dhuumaliysi ah ku yimid isaga oo la soo safaray Dhakhatiir u dhalatay Dalka Australia oo markaasi ka qayb qadanayey  barnamij samafal ee ku aadanaa arimaha Caafimadka iyo Hospitalada Puntland ..  

Biloowgii Saharnkii Magacyabadan Resource :-

Wakiilka u qaabilksanaa Sahanka Shirkada kor ku xusan Mr Terry Donney wuxuu ahaa  sahan wadeenkii ugu horeeyey ee ay soo dirsato shirkadan mafiyada ah ee lagaleeyahay dalka Austeriala .

Teryy waxa uu ka tirsanaa Kooxdii samafalka caafimaad ee reer Australia ee gacanta ka geeysanayey arimaha caafimaadka ee Puntland, Terry ma ahayn Dhakhtar caafimaad cidina uma soo wakiishan arimaha caafimaad ee laga waday Puntland lakiin wuxuu ahaa Sahan wade Caalami ah oo naftiis hore ah.

Mudo gaaban ka dib kooxdii Samafalka Caafimaad waxay u labateen Halkii ay ka soo kicitimeen ka gadaal markii ay u soo dhamtay howlohoodii shaqo, lakiin saaxiibkood Terry wuxuu jilibayada u laabtay joogitaanka Puntland.

Terry wuxuu ahaa naftiis hore ka mid ah maafiyada caalamka ee u shaqeeya Haya’adaha iyo Shirkadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya baaritanka macadnta iyo kuw xabala suntan dilaaga ah ee haradiga  wasakhada Warshadaha , Terry wax asxaab iyo saaxiibo ah kuma lahayn Gudaha Puntland wuxuu ahaa keligii meere meereeysta Puntland.

12 February 2005 waxaan kula kulamay magalada Bossaso Hotelka International Villa, halkaas oo wada sheekaysi yari nagu dhex maray wuxuuna Terry ii sheegay inuu ka mid yahay dhakhaatiir samafal oo ka qayb qadanayey arimaha caafimadka ee puntland.

Mudo dheer ka dib  ayaan si lama filaan ah, Mr Terry iga soo horbaxay xili habeenimo ah magalada dhexdeeda  , waan yaabay waxa saaxiibkeey  Terry guduniya saqda dhexe oo runtii khatar u ah  dadka ajaanibta ah ee ka shaqa gala Haya’ada Samafalka  amaba ay reebantahay in Qof International Staff Agency  ah inuu xiligaan oo kale uu magalada dhex maro, saxiibkeey  Terry waxaan wada shakeeysanay mudo dheer isaga oo sheekada igu daray inuu si resmi ah uga shaqa galay Puntland arimo Sama fal , halka uu markii hore ka ahaa Dhaqtar ka midahaa dhaqatiirtii Samafalka, waan Yaabay !! oo shaki ayaa I galay.

Laga bilaabo habeenkaas waxaan isku deyey bal inaan daraaseeyo ama wax ka ogado arimaha dhabta ah ee Mr Terry uu u joogo Gayiga Puntland  , Runtii ma ahayn Sirdoon ama qof u shaqeeya Ha’yadaha Sirdoonka hadii ayba ka jirtaan Puntland balse waxaan ahaa muwaadin jecel inuu ogaado dadka shisheeyaha ah ee arimaha xasaasiga ah ka wada gudaha wadanka.

Waqti dheer ayeey igu qatay inaan wax ka ogaado arimo badan oo uu Terry waday aniga oo ogaaday in Terry uu safaro dhoowr ah ku tagay meelo badan oo ka mid ah Puntaland dhanka bada iyo barigaba , kama marneeyn inuu Terry lugta ku bixiyey Minjiyahan iyo hareereheeda .

Terry wuxuu helay Saxiibo haya xogta iyo xeesha wadanka ee aan ahayn muwaadiniin dan iyo daryeel ka leh dalka iyo dadkaba qiimona aysan ugu fadhiyin, Terry wuxuu la soo kala baxay Qorshihiisii u diyarsanaa isaga oo markaasi abaabulay Barnaamij Haya’ad sama fal ee lagu magacaabo KIDS IN NEEDS , Wuxuu abaabulay xafiisyo iyo shaqaale u howl gala  Haya’ada Kids in Needs, balase ay ka dahsooneeyd oo aysan u muuqaneeyn howsha culus ee uu  hayo Terry  “Alloow yoow warama Nin war Hayn”  xaladu si kataba ha ahatee Terry wuxuu guul lama filaan ah ka garay inuu hanto Hankiisii Dahasooneeyd ee ka keenay Qaarada 5 aad ee dunida (Australia).

Terry waxaa asxaabtiisii iyo saaxiibadii ku soo biiray  Madaxda iyo Hogaanka Puntland oo Fadhigiisii iyo Hoygiisiba wuxuu noqday Madaxtooyada Puntland, ilaa uu Terry  safar iyo saad la wadaagay Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamud Muse Xirsi  Cade.

Waxaa layaab iyo Cajiib badan  xusidna mudan in ay Puntland ka howlgasho Haya’ad Sirdoon Oo lagu magacbo Sirdoonka Puntland (Puntland  Intelligent Service) oo aanba ogeeyn wax ay tahay shaqadoodu , Waxaan iswaydiyaa mararka qarkood PIS (Puntland Intelligent Service) ma awoodi kari waysay in ay Terry wax kala socoto oo mudo dheer ku suganaa Puntland? Lakiin Terry ayabaa Noqday  Sirdoon caalami ah oo Xog iyo Xeelba u yeeshay Hanashada Sir Puntland .

Qalin iyo Qoraal kuma soo koobi karo Arimaha Fajicisada iyo Yaabka badan ee ah sida ay ku soo gashay Shirkada Shidaal Qodista ee Magacyabadan Resource.

Terry iyo Shirkadiisa Magacyabadan Resource waxay gartay guul waxayna ku guuleeysatay inay Heshiis la saxiixato DGPL ee Somaliyeed Bishii 31 August 2005. 

Shirkada Consort Prvt Ltd  

Shirkad Consort Pvt Ltd waxay ahayd shirkadii ugu horeeysay ee la saxiixata heshiis shidaal baarista Puntland , waxay shirkadan lacag hormarin ah u  gacan gelisay Maamulka Puntland islamarkaana ku wargelisay in bisha October 2005 ay bilaabi doonto Howlaheeda ugu horeeya ayna u soo diri doonto koox (Team)-ka ugu Horeeya ee Geologist Team oo samayn doona Baaritaan Guud (General survey)  ee ay ku ogaanayaan waxa dhabta ah ee ku duugan  dhulka hoostiisa.

Waxaa yaab badan sababta keentay Consort Pvt Ltd ineey sameeyso Horumarin lacageed iyada oo aan si dhab ah uga howlgelin Puntland iyada oo weliba aysan jirin haba yartee wax (agreement Conditions)   ee ay shirkadasi lacagta hormarinta ah ay ku siisay DGPL .

Sidoo kale shirkada Consort Pvt Ltd wax ay sheegtay in fadhigeeda Resmiga ah uu yahay  Australia , lakiin xaqiiqada dhabta ah ay tahay in shirkaadan ay ka diiwan gashantahay  Wadanka (Maldives) sababtuna ay tahay Cashuur ka carar iyo maafiyonimo xoogsatay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Sanad walba ay bedesho magaca iyo Shatiga iyada oo  ay hadaba inoo muuqato in August 2005 ay heshiis kula saxiixatay magaca Consort Pvt Ltd halka heshiiskii lagu kala saxiiday April 9, 2006 gudaha Puntland  magaca Shirada Rang Resource oo ah magaca dhabta ah ee ay hada kaga howlgasho Puntland.

Waa yaabe miyaan Madaxda wax saxiixaysaa is waydiin Magacyada Shirada , Shalay waxay saxiixeen Shiradii Consort Pvt Ltd mantayna Rang Resource.

Waxaa halkaas ka muuqata labo calamadood oo ah calamadaha ay caanka ku yihiin Shirkadaha mafiynimada ku shaqeeysta.

Sidee ayeey u shaqeeyaan Shirkadaha  Mafiyada ah ? 

Shirkadaha mafiyada ah inta badan waxay ka howlgalaan Meelaha iyo  wadama aysan ka jirin maamul iyo doowlad la aqoonsan yahay sidookale waxaa hooy u ah oo ay ugaarsadaan goobaha ay ka taliyaan Qabiilka iskood isu maamula ( Tribe Area Administration  ) iyada oo ay sameeyaan xaal abuura in Qabaailkaas qaar ka mid ah ay siiyaan lacag ay la yabaan intaay tiro leegtahay  sidoo kalena ay balan u qadaan wax ay la yabaan, balse shuruudu ay tahay in ay qabiilka kale  ee ay isku degaanka yihiin Awood u sheegtaan oo  aysan wax dhib ah u geeysan Karin mafiyadooda.

Waxa ay sidookale ku shaqeeyaan Fromulada loo yaqaan Sin Number (-+) oo runtii ah mid ay mafiyadu ay caan ku tahay.

Waxaa si toos ah uga muuqata Shirkada Rang Resource calaamadihii lagu yaqaanay Shirkadaha mafiyada ah ee aduunka mamuunca ka ah, waxaa sidoo kale xusid mudan in Range Resource ay heeshiiskii ugu danbeeyey la saxiixatay iyada oo Godkii Minjiyahayn xabada iyo Huluca Dagaal uu is qabsaday. 

Maxaa la gudboon  Madaxweynaha Puntland Gen. Cade Muse? 

Tolo kaa isuma sheegto , Gen Cade Muuse waxa uu durbadii dhadhamiyey kharaarka iyo miidii macadantii uu mudada dheer raad hayey  ka dib markii huluca iyo gumaca xabadeed ay is qabsatay dhankii uu u diraba maafiyada macadan radiska ah!!!.

Maahmaah somaaliyeed ayaa ahayd (Talo aan la ruugin waa lagu Rafaadaa ), Gen Cade Muuse waxuu Dhinac ka maray oo uusan marnaba talo waydiin dadkii ay ku habooneeyd Taladu waxuu sidoo kale qaaday Wado Qaladan welise ma dareemin ayaan filayaa . Gen Cade Muuse waxaa halhays u ahaa “60 iyo dhowr sano ayaan jiraa intaas waxaan maqalaayey Dhulkiina Dahab iyo Macadan ayaa ku jirta” !!!.

Si kastaba xaal ha ahatee Gen Cade Muuse waxuusan fileeyn  dadka aragtida dheerse ay filayeen ayaa soo baxay, Generalku  waxuu dhinac maray taladii iyo tubtii toosneeyd iyada oo ay ahayd inuu tashi la sameeyo labada Gole ee DG Puntland , Isimada iyo Waxgaradka Aqoonyahanka iyo Xirfadleeyda u dhuundaloola khayradka dabiiciga ah .

Balse marnaba lama tashan mana hor dhigin Goloha Barlamaanka oo sharci ay tahay in barnaamijkasta oo noocan oo kale ah la hor geeyo si loo ansixiyo.

Isku soo xooriyoo Madxweynaha waxaa u furan arimo dhoowr ah oo muhiim ah kuwaas oo uu markii hore ka dulbooday :-

  1. Ugu Horeeyn  waa inuu joojiyaa Baaritanka  ay wado shirkada Mafiyada ah ee  Range Resource, Dibna  u bilaabaa inuu Shirkada  Range Resource ku samayo dabagal ama hubin (Verification) isagoo la kaashanaya dadka xirfada iyo aqoonta u leh.
  2. Inuu mar walba ka fiirsado Awood adeegsiga ciidan oo keeni kara burburka iyo Baaba DG Puntland, Maanka iyo maskaxdana ku hayaa sidii ay ku dhalatay Puntland oo ahayd wadanoolansho nabadgelyo iyo walaalnimada Dadka Gobolka.
  3. Sidoo kale  horgeeyo sharciga iyo golashaya Dowlad si loo ogado rabitaanka Barnaamijka baarista Macadanta.

Mahad Allah Leh  , Alloow Talada Nootoosi

W/Q Engr.Mohamoud Hayir Ibrahim (Caaqil)
caaqil_hayir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD