SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


PUNTLAND PHILOSOPHY NINKA DIL DAHABKA IYO SHIDALKANA QAADO

Xil dhibaan Awad waa nin kasoo jeedo degaanada soomaaliyeed ee kamid ah maamul goboleedka puntland degaankaas oo ah kuwa hada ay ka socdaan dhibaato heer dhimasho ah iyo dagaal u dhaxeeya shisheeye dool ah oo raba in uu si tuuganimo kulo baxo kheeraadka qaranka soomaaliyeed madama ay burburtay dawlidii dhexe 1991 dii.wadanigan oo si dadnimo iyo dareen wadaniyeed leh u difaacay canbaareeyayna kuwa daba maryaynaya dawlada fadaraalka kumeel gaarka ee soomaaliyeed oo hawshii dawlada dhexe lawareegay shisheeye iyo shirkado aan sumadooda la garanaynina kula heshiiyay wax aan soomaali iyo dawladuba ogeeyn waxa ay yihiin.maanta ninkastaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo taariikhdu way qoraysaa cidii dalkaan dambi ka gashana waa mid utaal marwalba hadaba Mudane Xildhibaan AWAD XASHARO wuxuu difaacay dalkiisa isaga iyo dhamaan beeshiisa ku jirta dawlada fadaraalka taasoo ay waayeen cid ka xigsata oo soomaalino ku jirto dareentana xilka qaranka ee dusha la saar saday.waxaase cadaatay in dawladuba anay u qeexnayn dawladi waxay tahay? dawladi waa tii dalkeeda iyo dadkeeda u taagan difaaciisa kolba heerkeedu intuu yahay mana aragno.
 
                  GAALADA YAA KEENAY CIIDA HOOYO?
 
Kani waa TERRY waa gaal Austaralian ah waxa uu sheegtay in uu lashaqeeyo urur sama fal ah oo caruurta xanaaneeya.waxa uu yimid soomaaliya gaar ahaan puntland isagoo lasocday janayo 2005 takhaatiir usoo gurmatay bad gariirkii saameeyay xeebaha soomaaliyeed ee badweynta idia.waxa uu kusugnaa gudaha puntland mudo kabadan sanad iyo bil.maankaada ku hay in markiiba ay laabteen takhaatiirtii gurmadka ahaa.suaashu waxay tahay muxuu intaa ka qabanayay gaalku puntland ee ragiisii kareebay? yaase intaa ku hayay puntland? puntlland waxa uu ka gaaray heerkii usareeyay kadib markuu madaxwaynihii dalka uu noqday mid kulamaansan had ijeer,waxa uu ka qayb qaadan jiray shirar farabadan oo ku saabsanaa danaha gaarka ah ee hayda dalka usaraysaa leedahay mana ahayn nin umuqda shisheeye mudan in sirta dalka laga qorsado.dad baa inbadan uqaatay in uu yahay lataliyaha madaxweeyne cade muuse.waxa uu uraacaa wax kale haba joogtee marka oday ladooranayo hab dhaqameed kii soomaaliyeed buu gaalku dhexbooday islaanka ciise maxamuud waxbaa kadoortay, aroosyaduu geeyey,xafladaha ayuu geeyey,ogowna ninka madaxwaynihii dalka sidaa gacanta ugu dhigay waa nin ushaqeeya urur samafal caruureed!!!.
 
Waxa gaalku uu daganaa guriga madaxweeynaha cade muuse kharashkiisana asagaa qabay khamradiisa iyo macsiyadiisa ileen xaas mawadanin gaalkuyee gaala fusuq madaayee.gaalkii waxa uu hubsaday in puntland dayacantahay saa sirteediibuu helayee markaasuu hawaystay in uu dalkan ka shaqaysto oo ka maaleeysto faqrigana kaga baxo.
 
      TERRY IYO CONSORT IYO CADE, FAROOLE, GAAGAAB
 
Waxa uu isnababa gaalkii terry wuxuu beec geeyay in uu dilaal kanoqdo iibka kheeraadka dabiiciga ee soomaaliyeed macdan iyo badroolba.waxaad xasuusataan Qaarada afrika waxa dib dhigay in ay koow ka ahayd boobkii cadaanku ay boobeen kheeraadkii cayriinka ee afrika dahab iyo macdan iyo beeraba waxa ay ku dhismeena waa tuuganimadii qarada afrika lagu sameeyay,markii dhaqalihii qarada la boobay ayaa misana dadkii lakala gatay oo la iib geeyay si beeraha loogu fasho guryaha iyo jidadka tareemadana loogu dhiso.waxan xasuustay intaan buug dul fadhiyay sawir aan ku arkay buugaas oo aan maskaxdayda maraba sina uuga gu i karayn daa in abid,waxay igu reebtay wax marwalba i hor imanaya waxa uu ahaa sawir laqaaday sanadkii 1798 dii gabar gishaanti ah oo lafleh dadeedana aan ku qiyaasay 16-19 ayaa suuq lakeenay waxa lagu dhajiyay warqad qiimaha ah qiimahaas oo ahaa 2 doolar!!!.anoon mowduuca ka baalaynin terry wuxuu tiigsanayaa qashiinsigii ay awawyadii badawsan jireen afrika oo malkooda iyo macdantooda iyo dahab kooda ku guran jireen tiibuu daba socdaa gaalku.Alle mahadii soomaalidu waxay ku caanbaxday gunimo diid dhab ah iyo cadaanka dhulkooda hawaystay oo ay ladirireen.waxaynu nahay soomaaliyeey umada kaliya ee cadaanku diyaarado kuweeraro afrika markii SAYID MAXAMED iyo wiilashiisii lamari waayay.faanweeye aynu xaq uleenahay.waxa ka horeeyay walaalkiisa AXMED GUREY oo burburiyay masiixiyadii geeska afrika gabi ahaanba.dir ciyaara manihin hadaynaan is duleeynin.
 
Lakiin mid yaan la ilduufin marwalba waxaa jira nin jileec maangaaba oo gun ah oo gaalada cadawga inoo ah u adeegaya,waxa jira soomaali jecel haday heli lahaayeen in dalkaba cadaan qabsado waayo waa gun hade guna gumaysi unbay ku roontahay.shirkadii consort waxay hotel dubai ee hillton ku iibisay dhulka soomaaliyeed waxayna ka iibisay shirkad layiraahdo RANGE RESOURCE oo ustaralia laga leeyahay shirkadani waxay siisay consort oo ay islaleeyihiin terry iyo cade,gaagaab,faroole.lacag iyo inay sheerka leeyihiin 49%. shirkadu waxay bilwalba bixinaysaa inta shaqadu socoto 300.000 oo doolar sanadkiina waxay ogoshahay 25000,000. oo dollar waa wajiga hore mudo shan sano ah.intan waa inta ay qirteen jifada heshiiska gashay ee gaalku maskaxda ka xaday jecelna u adeega shisheeyaha had iyo gooraale.terry lacagtiisa markuu dubai kutirsaday dib danbe looma hayo!!! waxa lagran waayay waa ina ayo terry? gaalku wuu ku guulaystay dariiqii dhicida afrika ee awawyadii u jeexeen dhooshuna inbadan ka qoslayaa.

 
Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
 Cadde   |  Gagab  | Faroole
 
3 daas masuul waxay ku dhiiradeen inay si bareer ah u iibiyaan oo shisheeye ugula heshiiyaan kheeraadka dalka soomaaliyeed in lala baxo xiliga burburka dalka,in lagu duugo sun masuuliyiintaan oo kasoo jeeda hal jilib hoosaad ayaan inaba kala tashan somali iyo maamul goboleedka wadaaga ku dhisan ee puntland midnaba.waxay tani dhabar jab kutahay aayaha dalka iyo dadka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan puntland hadafkuna waxa kamid ah  hunguri iyo sideed lacag ku heshaan taasoo ah dhaqanka maafiyada lagu yaqaan.Cilmiga iyo garaadka saliimka ah ayaa noo diidaya hadalada ka soo yeeraya cade muse iyo wasiirkiisa maaliyada gaagaab oo ay leeyihiin heshiiska shisheeyaha aanu lagalay waa xaq waana sax!! waxay san ka jawaabi karin dawalad aduunyadu aqoon santahay amaanka dalaka soomaaliya guud ahaan sugtay oo soo celisay kala danbayntii iyo amaankii majirtaa? hadii aad puntland ahaan tihiin dawlad jirta oo aduunyada laga aqonsanyahay oo gali karta xiriir heer macdan iyo shidaal soo saarid ah oo heer dawlado ah,dawladeed la gasheen? dawlada ausrarliya madaxdeeda miyaad lagasheen,oo austarilaya ayaad tagteen oo qaab dawli ah aad wax ukala saxiixateen? dubai waa dal carbeed ma boqortooyadaas carbeed baad heshiis la gasheen mise dubai iyo dawlada ustaralia ayaad isku qaldaysaan? hetell hilton dawladuu kasocdaa? baln noo sheega dawlada aad la heshiiseen? waxan anagu ognahay saylada dubai in ay tahay meel suuq ganaacsi oo shacab wax isku dhaafsado,marka ma shacabkii baa jaale madax weeyne aad la kulantay mise dhigaaga oo madaxweeyne ayaad arinkan iyo dawlad kala hadashay? xiriirka dawladi dawlad la gasho waa layaqaan.madaxda ustaraliya waa layaqaan,degaankooda waa layaqaan.xidhka yaa kula galay madaxweeynoow?
 
       DOORKA DAWLADA FADARAALKA AH
 
Waxaa xilka dawlada fadaraalka ah ay qaaday kamid ah ilaalinta sharciga iyo baadigoob dib u heshiisiin umadii soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye kala kaxeeyeen mar hadii lawaayay dawladii dhexe 1991 dii.kheeradka dalku leeyahay waxa masuul ka ah dawlada fadaraalka ah xeerbaana qeexaya,gaar ahaan shidaalka iyo macdanta gobol leeyahay shisheeye kula ma heshiin karo si caalami ah iyada oo anay ogayn dawlada dhexe xeer baana qeexaya.gobolka ama maamulka puntland waxa uu cadeeyay in uu san dawlad fadaraala waxba uuga baahnayn ciduu doono uu heshiis lagalayo,kuwa ushaqayeeya fadaralkana ama ha ahaado raysal wasaare ama ha ahaado wasiir macdanta ee aanay xaq ulahayn in ka hadlaan danaha dawlad goboleedka puntland.
 
Hadaba waxaa is waydiin leh hadaan danaha puntland laga hadli karin,maxay ciidamadooda iyo wiilashooda uugu soo dirayaan gobol dadkale liiyihiin? maxay maamulada banaadir, baydhabo, jawhar maxay uga hadlaan oo loo fara galinayaa,waliba loo tagayaa dhulkooda? kaygu waa lama tabtaan kiinana waan idinku haystaa sow maha arinku? dalka soomaaliya ma inaga wada dhexeeyaa mise reer waliba meeshiisa soomaali lama laha? waxaan isleeyahay amaan aqligu ogolayn masuul soomaaliyeed ee fadaraalka katirsani kama hadli karo puntland laakiin xubnaha puntland ka tagay ee madax waynuhu u horeeyo way ka hadli karaan beelaha kale dhulkooda. amaysan sidani socon karayn baan isleeyahay.
 
Yax yax weeye in puntland markii gaalada shisheeye si dhuumasho ah oo tuugaysi ah ay ku yimaadeen majiyahan in layiraahdo ka hadli mayno taasi waxay sumcad xumo iyo masuuliyad daro kutahay RAYSULWASAARAHA GEEDI iyo wasiirka macdanta oo kaalinkoodi gabay ama garan waayay.maxaa yeelay cabdulaahi yusuf marwalba degaankooda konfureed buu ka hadlaa oo intaa amrayaa iyaguna kama hadli karaan dagaanka uu beel ahaan ka soo jeedo!!! hadaba tani waxay kaliftay in layiraahdo warsangali bay utaal maxa iga  galay!! jini boqor hade wuu cadaystoo inaadeerkiis cabdulaahi iyo cade ayuu kuraacay in dhulka la gu shubo sun hadii macdan laga helana lagala soobaxo,dhinacna wuxuu ina leeyahay soomaalibaan ahay kasoo horjeeda cabdulaahi yusuf!! taasina ciduu ula jeedo isagaa yaqaan oo ka dhaadhicin karo.
 
Falsafada ah ninka dil dahabka iyo macdantana dhulka kala soobax waxaa weeye mid uu aabe u yahay cabdulaahi yusuf maxaayeelay haduusan raali ka ahayn sidan kama dhacdeen puntland.waxayna tahay u jeedadu in lahelo lacag lagu dhaqaajiyo dawlada baahi baatimid xoogleh marka waa in sun lagu badashaa lacag adag oo farabadan si loo qabto xamar.puntland dhulkeeda xaraasho kahel lacag aad ku qabsato soomaaliya weeye dhibtu.
 
Waxay kamid ahayd sababaha cade muuse lookeenay puntland oo cabdulaahi ugu dhiibay kursiga si sirtaan beelaha kale aysan u dareemin una ogaan.heshiiska khiyaano ee shisheeye lagula galay dalka shacabweynaha soomaaliyeed.waxaan meesha ka marayn cade muuse oo doonaya in uu lacagtaan bari isku soo sharaxo oo soomaali wax uuga raadsado cabdulaahi kadib marka waa tabcanayaa oo lacag baa udaran ee ayaaha dalka iyo dadka ma arkaan.
 
 
                         DHAGAR CUSUB OO AY GAALADU KEENEEN
 
Markii warsangali ka difaacday dhulkiisa gaalada iyo daba dhilifyada la socda ee cabdulaahi iyo cade wadaan ayaa yuhuudii hada bilaabeen inay doonyo xeebta habeenkii ku yimaadaan oo dhulka aaga qandala ee besha calisaleebaan soo galaan tuugadu,mardanbe unbaa ilaahay amarkii la arkay oo laga cayriyay waxna laga laayay.hadana aag kale ayay aadeen,waad ogtihiinoo dhulkeena waa dayacan yahay soomaaliyeey marka waa layna xadayaa oo majiro wardiye iyo dawlad waxa kan kaa difaacda damiirlaawe gaalo horkacayana hada ma bilaaban ilaa xoriyadii bay jirtay gaalo raacu.dawladii fadaraalka oo inoo yara qayl qaylin lahaydna hade iyadii baa wada xagee loo dacwoodaa??? waxaanse ku talinayaa in beel waliba soohdinteeda xilgaara iska saarto oo ilaashato madama dalka ay ku jiraan oo soogaleen maafiyo sun wada.meel walbana way tagyaan bari,koon fur,waqooyi.waxana geeyanaya kuwii waligood hoos joogi jiray oo baariga u ahaan jiray lana shaqaysan jiray.
 
                            GUNAANAD
 
Dalkasta oo burbura waxaa kusoo yaaca maafiyada iyo tuugta daafaha aduunka kala joogta,oo ah tuugo leh dhaqaale iyo qalab,iyo aqoon  ay ku dhici karaan kheeraadka wadanka burbura,sidaas ayay ku helaan malaayiin doolaar.maangaabka iyo damiir laawaha iyo guntu uma adkaysan karaan baahida aabaraha,duruufaha kuwaas oo ah kuwo mar uun laga baxo.hadaba dadka gunta ah ayay maafiyadu la heshiisaa oo lacag siisaa.waxa haboon dawlada fadaraalka ah inaysan noqonin maafiyo,waxaa haboon in puntland aysan noqon meel laga dumiyo dawlada fadaraalka ah sida muuqata ee ay noqoto meel laga ixtiraamo laga soo dhaweeyo oo hiil iyo hoo lala garab istaago madama ninkii dhisay uu yahay madaxweeynaha fadaraalka,waxaan isleeyahay hadii puntland calool fayaw la timaado oo soomaalinimo dawalada fadaraalka madaxweeynaheeduna uu layimaado calool fayoow oo soomaalinimo ah intaasoo isku duuban haday baadi goobaan si daacadnimo ah soomaalinimo iyo wadaniyad waxbaa socon. laakiin sidan waa mid kala sii fogaynaysa uun soomaali iyo dawlada fadaraalka oo darbi jiif noqota.dawladana waxaa duminaya cade iyo cabdulaahi sida soomaali isla wada qirtayba.
 
guud ahaan beelaha kubahoobay puntland gaar ahaan beelaha harti oo ay ugu horeeyso degmada cagaaran waxanu ka xunahay shacabkii lagu laayay majiyahan fikir kayimid shisheeye adeegsanaya madaxda puntland,dad nimo weeye in dalkaaga aad ka difaacato shisheeye iyo sokeeye xad gudub wada.taariikhda ayaa xusi doonta kuwii difaacay qawlaysato haboow ah oo hunguri goodu ceel dadliqa dalamkuusiiyay.beelkastana waa in ay barbarkeeda ka difaacdaa horarka shisheeye ee ku dhuumaalyasanya jiida xeebaha gobolka bari iyo dhanka badwaynta indiya ilaa ayl.cade muse oo waayay ehelo iyo wax garad ka fakara timaadada una sheega in uu wax uun iskula haro ayaa kawada puntland arxangooys,dabar gooynaya aayaha ubadka danbe ee puntland,asagoon inaba xeerinaynin dhibta suntu keenayso 50 sanadood kadib.tasoo aan kala aqoon jifadiisa iyo jifooyinka kaleba ee wada saamaynaysa.wixii kursi loo doonahayay sidan bay noqotay.wuxuu yiri ninkii hadlay "MEESHAAN HANAAN GOBONIMO IYO HADIYAD EE GAAYAY HAF MIYAAD LA TIRI XAYR SIDAAD HAAN KU DHAYANAYSO" waxan leeyahay dalka iyo dadka hala bad baadiyo gaajada waalaga bixi doonaa waxan haysanaana nagu filan imaan alaa uurbuxiya dalabka hala quruxsado irzaaq ilaahay baa balan qaaday ee sixun kuraadinta halayska daayo ehelkana halaga daayo xinka iyo qun juraafka baas ee lagu kala qoqobayo warsangli waa dad aan ab iyo isir wadaagno oo jirkayaga qeeyb kamid ah weeye noogamana sokeeysaan waxaan heben ahayn tasoo aan waxba tarayn aqligu hashaqeeyo wax lakala fogeeyaa majirto waxa hada iyaga loola tagayna waa dulmi cad uun.markaynu dhexdeena is wanaajino ayaynu walaalaheen soomaaliweyna wanaagaas ula tagi karaa.puntland cadaalad darada ka jirta koonfur aqbali mayso hadaan la riyoonaynin!!!

Qore: Liibaan Cali
Email: qaalid3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2006

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD