SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA



Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Waxba kama Jiraan kasoo Qaaday Heshiiskii Puntland La Gashay Shirkado Shisheeye ee Kusaabsanaa Baaritanka Khayraadka Dabiiciga ah.... Guji...

Shirkadda Terry oo ku Guulaysatey Iska Horkeenidda Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Madaxweyne Cadde Muuse.

SomaliTalk.com | Boosaaso | May 21, 2006

Qoraal ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL) oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DGPL, Gen. Maxamuud Musse Xirsi "Cadde Musse" ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay kalsoonidii kala labatay ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG), Cali Maxamed Geeddi.

Cadde Muuse waxa uu qoraalkaas ku caddeeyey in uu si rasmi ah kalsoonidii ugala laabtay ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddi arrintaas oo jawaab u ah qoraalkii Prof. Geeddi uu soo saaray May 18, 2006 kaas oo ku saabsanaa in baarlamaanka DFKMG lasoo hor dhigi doono dood ku saabsan sharciga batroolka Soomaaliya, iyo in ay tahay in shirkadaha Heshiiska la galay Puntland ay joojiyaan baritaanka ay ka wadaan dhul mar hore heshiis loogula galay shirkado hore qandaraasyo u haystey.

Madaxweynaha DGPL waxa uu qoraalkiisa ku muujiyey sida uu "ula yaabay waxa bedeley fikradda Ra'iisul wasaare Geedi, oo siddeed billood ka hor qoray warqad uu ku taageerayey Heshiiskaas Puntland."



Garaafka oo weyn ka eeg halkan... Guji...

Taariikh

 Saami (Share)

 Isbedel%

19 May 2006 0.037 -5.13%
12 Apr 2006 0.038 -5%
Isbedelka Saamiyada April 12-May 19, 2006 ka eeg halkan.

Warqadda Cadde Muuse oo ku taariikhaysan May 20, 2006, waxaa loo diray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, waxaana nuqul loo diray madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, iyo dabcan Range Resources oo ah tan muranku ka taagan yahay (waxana ay warqaddu ku qornayd luqadda Ingriisiga).

Warqadii uu qoray ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo ku taariikhaysnayd May 18, 2006, markii ay gaartey dalka Australia waxaa durbadiiba dhulka galay saamiyadii shirkadda Range Resources. 19 May 2006 Waxa ay saamiyada Range Resources hoos u dhaceen -5.13%, taas oo kadhigtay saamiyadeeda in lagu kala iibsado sentiyaal (0.037) lacagta Australia. Arrintaasi markii ay dhacday ayaa isla markiiba (May 19, 2006) shirkada Range Resources waxay warqad u direen suuqa Ganacsiga ee Australia, warqadaas oo ay ku weydiisanayaan in gebi ahaanba la hakiyo kala iibsiga saamiyada shirkaddaasi, (TRADING HALT ama eeg halkan...), ilaa ay qoraal ka soo saarayaan ama Talaada May 23, 2006 - taas oo ay u muuqato in ay mar kale ay shirkaddani la suuq tegi doonaan warqaddan cusub ee Cadde Muuse ee soo baxday May 20, 2006.
Suuqa ganacsiga Australia waxaa lagala xiriiri karaa: Halkan....

Waxaa xusid mudan: Markii ay soo shaac bexeen iska hor imaadyada Puntland ka jirey ee la xiriirey macdanta, ayaa waxaa bishii April 12, 2006 ay saamiyada Range Resources hoos u dheceen -5%, taas ka dhigtay in lagu kala iibsado 0.038, maalintaas ayey shirkadaasi hakad gelisey saamiyadeeda (EEG HALKAN), waxana ay sheegeen in ay qoraal soo saari doonaan . Qoraalkaas waxa ay soo saareen April 19, 2006 (EEG HALKAN...) , waxana ay ku sheegeen in DGPL ay taageero dheeraad ah siiday ayaga. Waxa kale isla maalmahaas soo baxay qoraal lagu soo daabacay warbaahinta Australia ooay Range Resources ku sheegtay in aan "Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland", waxa markaas kor u kacay saamiyadii shirkadaas waxana ay gaareen 0.050. Waxana ay markaas Range Resources oo Cadaysay in ay Puntland siiso $200,000 doolarka Maraykanka Bil kasta sida heshiisku ahaa... (EEG HALKAN... ).

Dadka arrimaha dhaqaalaha odorosa waxa ay nidaamkaas ku macneeyaan waxa afka Australia lagu yiraahdo "Market Manipulation"... (Akhir qeexidda uu arrintaas ka bixiyey suuqa Ganacsiga Australia... Akhri... ENGLISH....)

Laga soo bilaabo markii uu gobolada Puntland yimid Terry oo xilligaas sheegtay in uu ka socdey hay'ad xannaneysa Carruurta markii dambena u xuub siibtay shirkad baarta shidaalka oo laga soo diiwan geliyey jasiiradda Maldives, waxaa bilowday muran ku saabsan macdan ka baarista goboladaas, arrintaas oo murankeeda ugu weyn uu yahay yaa xaq u leh in uu heshiis caalami ah la galo shirkado shisheeya, ma dowlada Dhexe mise Dowlad Goboleedka, yaa maaraynaya miisaaniyadda ka soo baxda, taas oo ah mid ilaa hadda taagan - halkaas oo ay hadda u muuqado in shirkada Terry ay ku guulasatey kala fogeynta madaxda Soomaaliyeed si aan cidna loola xisaabtamin.

Isla arrintaas shidaal iyo macdan baaristu waxa ay sababtay in iska hor imaad ka dhaco meelo ka mid ah gobolada Puntland, waxaana gaar ahaan iska hor imaad dad ku dhinteen uu ka dhacay aagga magaalada Majayahan oo u dhow Boosaaso - Majahan iyo Dhalan waa laba magaalo oo ay ku jiraan macdan u badan Tiinka oo ah macdan laga sameeyo biraha.

Ilaa xilligii uu Terry yimid Puntland ayaa waxaa soo shaac baxayey warar sheegaya in lacago badan ay soo gasho DGPL, laakiin aysan lacagtaasi ku dhicin khasnadda dowlada ama aysan gaarin shacabka, lacagahaas oo lagu helo magaca khayradka Soomaaliya iyo saxiixii heshiiska Puntland oo dunida loo suuq geeyo si saamiyo loogu helo, suuqgeyntii u dambeyseyna ay ahayd tii Kuuriya.

Qoraaladii ay is weydaarsadeed Cadde iyo Geeddi.. GUJI...(PDF)

May 3, 2006 ayey ahayd markii uu Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Dr. C/Raxmaan Faroole), uu shaaca ka qaaday in lacago kor u dhaafay 3 million oo lasiiyey DGPL, lakiin aan ku dhicin khasnadda dowladda, taas oo uu sheegay in ay tahay in dowlada Cadde Muuse la weydiiyo meesha ay lacagtaasi ka baxday ama ay geysey.  ka dhegeyso halkan.

 Qoraaladii ay is weydaarsadeed Cadde iyo Geeddi oo hal fayl ku qoran ka eeg halkan. GUJI...(PDF)

Dhinaca kale waxaa beryahay soo shaac baxaya in ay kala foganayaan DFKMG iyo Itoobiya, taas oo Itoobiya si aysan uga fara banaanaan Soomaaliya ay soo dhoweyneyso xiriir gaar ah oo ay la yeelato madaxda Puntland, maadaama Puntland ay ku taal marso caalami ah, Itoobiyana aysan lahayn deked.

Bishan horaanteedii (May 11, 2006) ayey ahayd markii uu madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse booqashada ku tegey magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya, arrintaas oo dadka siyaasadda odorosa ay ka muujineen walaac hor leh maadaama beryahan ay Itoobiya u muuqatey mid kasii fogaaneysa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya in xiriirkan cusub ee Cadde Muuse uu keeni karo kala faquuq madaxda Soomaaliyeed si aan weligeed Soomaaliya nabadi uga dhalan - Nabada Soomaaliya ka dhalata waxay hor seedi doontaa in Itoobiya lagula xisaabtamo dhulka ay Soomaalida ka haysatay ee ku hoos nool gumeysiga qarnigan 21aad oo ah Afrikaan gumeysta Afrikaan kale, taas oo ah midda ay Itoobiya had iyo jeer ka tabaalushaysato, madaxda Soomaaliyeedna ay dabinka mar kasta ugu dhacaan sidii xuub caaro - shalay waxa ay la jirtey Geeddi, maantana Cadde, berina waxaan sugnaa wax taas ka bedelan.

Safarka Cadde ee Itoobiya ayaa waxaa aad cajaa'ib u ahaa in loo diray in ay Garoonka Itoobiya kusoo dhoweeyaan rag ay shacabka Soomaaliyeed ee Gumeysiga ku hoos jira ka aaminsan yihiin in ay hor taagan yihiin in gobolada Itoobiya ay ka haysato Soomaaliya ay helaan madaxba'naani, waxaana ragaas ka mid ah: gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya Dr. Maxamed Saraaye, ninka ay Itoobiya u xilsaartay gobolada Soomaalida laga haysto Cabdulaahi Xasan, wasiiru dowlaha Itoobiya u qaabilsan arrimaha bulshada Khadar Macallin iyo safiirka Itoobiya u xilsaartay Soomaaliya Cabdicasiis Sheikh Axmed. (Reer Barigu waxay arrintaas u yaqaanaan caydiga ku dab kalluunka).

Dib haddii aan u jalleecno arrinta hadda muranku ka taagan yahay ee shidaalka Puntland sidii uu ku bilowday, waxaa ka soo baxaya hab xarfadaysan oo la isag ahor keenayo shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaaliyeed si khayraadka dadkaan isku sii jeeda loogala hoos baxa.

"Consort ltd" oo uu asaasay Terry oo Puntland markii hore ku yimid barnaamij uu u bixiyey "Kids In Need" kaddibna shirkad waxa uu ka soo diiwaan geliyey Maldives. Markaas ayaa Madaxweynha DGPL, Cadde Muuse, waxa uu shirkaddii Terry u ogolaaday in ay yeelato xuquuqda baaridda gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Wax yar ka dib 'Consort' waxa bishii Oct 2005 Khayraadka Puntland ka iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo saami ahaan laga iibiyey ka 50.1% - Xeeladda halkaas ku jirtaa waxa ay tahay in saamiga soo haray oo ah 49.9% ee u soo haray "Consort ltd" aan dib dambe la isu weydiin, markastana la xuso uun shirkadda dambe ee "Range Resources", halkaasna lagu duudsiiyo cashuurtii la siin lahaa dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee Maldives, iyo Soomaalida oo markasta lagula xisaabtamayo saamiyada 50.1% keliya iyo in suuqa Australia la majara habaabiyo. [Saamigaas 49.9% in cashuurta ka soo xeroota ay gaarto dalka ay ka diiwan gashan tahay ee Maldives, waxaa su'aal laga weydiin karaa madaxweyne Maumoon Abdul Gayoom, Emailka lagala xiriiri karona waa: info@presidencymaldives.gov.mv).

Terry waxa uu ku gorgortamay saxiixii madaxda Soomaliyeed si iib loogaga helo saamiyada suuqyada ama sayladaha Australia. Lacagta saamiyadaas ka soo baxda ayaa Puntland loo ballan qaaday in bil kasta laga siiyo $200,000 - taas oo sida ay caddeeyeen lasiiyo hadda DGPL. Muddo ka dib shirkada Terry waxa ay bilowday in ay isla saamiyadaas u suuq geeyaan Korea. AKhri: Shirkadda Terry oo Puntland u iib Geeysey Kuuriya (Korea).

Maldives (Republic of the
Maldives
) waa dal ku yaal badweynta Hindiya meel Soomaaya kaga aadan dhanka Bari. Waa dal ay ku dhaqan yihiin dad Sunni Muslim ah oo bishii July 2005 tiradooda lagu qiyaasay 349,106 qof. Madaxweynaha dalkaas waa Maumoon Abdul Gayoom.
Isha dhaqaalaha ee dalkaas ugu muhiimsani waa dalxiiska iyo kalluumaysiga

Dad badan ayaa is weydiinaya, marka ay yimaadaan dadka macdan baaraya, oo ay yiraahdaan waxaan qaadeynaa dhagax si aan u soo baarno, yaa hubinaya in dhagacani yahay mid qiimo leh si hadhow raggaas loogula xisaabtamo, ileyn haddii dhagaxaas dalka laga saaro waa sida uu uga baxay'e.

LIFAAQ: FAALLO KOOBAN:::

Muranka labada dhinac (DGPL iyo DFKMG) waxaa lagu tilmaami karaa majara habaabin xalaadda rasmiga ah ee dalka.

DFKMG waxa ay socod siin la'dahay dawlada laba sano ayaana la sii marayaa ayadoo dhaafi la' Jawhar iyo Baydhabo, keeni la' is faham dhexmara dhexdooda, wasiiradoodii oo ah kuwo aan u hoggaansanayn dawladda, caasimadii dalka oo aan faraha cidna ugu jirin, adduunka oo dhammina uu fiirsanayo nabadda caasimada. Mowqif adag oo aan xukuumada Geedi iyo Cabdullaahi ka yeelan karin arrimaha rasmiga ah ee ka jira dalka, iyagoo aan la tashan shacabka ama danayn fikradaha dadweynaha, hoos aan u eegin arrimaha ijtimaaciga ee sii baaba'aya iyo dhaqan xumida ku fafeysa dalka oo aysan ka hadli karin ama hoos u eegeyn, ku mashquulsan in ay qanciyaan dalalka deriska ah halkii ay ka qancin lahaayeen shacabka ay mamulaan, samaystay teed aan la dhaafi karin haddii lala talin lahaa aysan u dheer ayagoo aan wax akhrin sidaasna ay shacabka uga faquuqmeen..

Dhanka DGPL, intii uu Cadde Muuse madaxweynaha ka noqday waxa ay noqotay meel nabad gelyadeedu ka soo dareyso, shacabka iyo dawladu kala aamin bexeen, aan dowlada lala talin karin waxna loo sheegi karin qofkii fikradiisa ka hadlana ganafka lagu dhifanayo. Cashuurta dadka laga qaado aan cidna lagula xisaabtamin meesha ay ku baxdo, sida cashuurta Dekada, garoomada diyaaradaha iyo cashuurta Jaadka (ama qaadka*), warbaahinta Puntland oo laga dhigay mid ay maalulaan wasiiro si aan looga hadlin xaqiiqada jirta, waa sidii xiddigtii Oktoobar oo Puntland ka bilaabatay mar kale taas oo ah dib u dhac weyn, fisqiga oo sii kor dhaya oo ay dawladu wax ka qaban.

Shirkadda Terry ayaa markaas noqotay maqaar saar la isku eedeeyo si loo daboolo xaqiiqa ka jirta Puntland iyo inta uu gaaro xukunka DFKMG.

Muranka soo kala dhex galay Ra'iisul wasaare DFKMG Prof. Geedi iyo Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse waxa uu shacabka Soomaaliyeed soo xusuusinyaa murankii u dhexeyn jirey Ra'iisul wasaarihii hore ee dolwadii KMG ahayd ee C/Qaasim, Pro. Galayr iyo madaxweynihii hore ee DGPL, haddan ah madaxweyanaha DFKMG, Col. Cabdullaahi Yuusuf.

Haddaba arrintu haddii ay sidaas tahay waxaa la gudboon DGPL iyo DFKMG?: in ay racaan xeerka ay degsadeen ee dastuurka u ah si ay ugu yaraan mudada loo qabtay xukuumada Kumeel gaarka ah marka ay dhamaato aysan u dhicin in mar kale la soo bilaabo shir lagu qabto Kambala, kuna xisaabtamaan in shirkii Nairobi ee 2004 natiijadii ka soo baxday aysan noqon tii shirkii Jabuuti ee 2000, si marka la gaaro 2009 uu dalku u ahaado nabad, taariikhduna ay markaas ku xusto wanaag.

Shacabkana waxaa la gudboon in ay ku bararugan arrimaha jira si aan waqti looga lumin iyaga iyo ubadkooda ama jiilka soo koraya.

  • Qaadka* waxaan u xusnay, waxaan daba joognaa daraasad dhowaan laga sameeyey Puntland: Gudoomiyaha ururka SKAO ayaa soo bandhigay diraasad ka hadleysa qiimaha maalintii ku baxa qaadka la keeno magaalada Bosaso taas oo u muuqata bur bur dhaqaale, maalintii waxa magaalada Bosaso oo keliya ku qayishaa $52,000 maalinkasta, taas oo gaaraysa sanadkii $19,000,000 (sagaal iyo toban milyan oo Doolarka maraykanka ah). diraasadan ayaa waxaa sameeyay ardey ka qalin jebiyey jaamacadda Bariga Africa ee Bosaso laguna magacaabo Axmed Weli Nux Cismaan. Akhri: http://www.somalitalk.com/qaad/qaad6.html .

  • Talo iyo tusaalayn DFKMG, gaar ahaan Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa loogu hagaajin karaa email: premiersom@wananchi.com
     
  • Warqadda u dambeysey ee Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse, kuma qornayn email ama telefoon ama Fax lagala xiriiri karo DGPL.

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2006

Xiisaddii u dhexeysay Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland oo..

Waxaa maalinba maalinta ka dameysa sii xoogeysanaya xiisaadii u dhexeysay Dowladda Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geeddi iyo Maamul Gobaleedka Puntland taasoo la xiriirta shidaal la doonayo in laga baaro maamulada Puntland.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geeddi ee ahaa in aan wax shidaal ah laga qodi karin gobaladaasi, waxyana Wasiiradu gebagabadii shirkooda ku sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka.

“Inta uu Dowladda Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geeddi marnaba lama shaqeyneyo xitaa dowladdiisu kama howlgali doonto maamulka Puntland” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Golaha Wasiirada ee maamul Gobaleedka Puntland.

Maamul Gobaleedku waxa uu sheegay in howsha shidaal qodida ay sii wadi doonaan isla markaana aysan dheg jalaq u siin doonin hadaladii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, iyagoo ku tilmaamay Ra’isul Wasaaraha nin aan dooneyn in dalka horumar uu gaaro.

Avv. C/llaahi Daahir Barre “Sharciyan Ra’isul Wasaaraha ayaa xaq u leh...”

Waxaa noo suurtagashay in aan wareysi la yeelanayo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, waxaana wax ka weydiinay cidda xaqa u leh in ay xilka ka qaado Wasiirada Hubeysan ee maalmahan dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaa xaq u leh in uu xilalka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waayo Dowladdiisa ayay ka mid yihiini, xildhibaannimadana waxaa ka qaadi kara Golaha Baarla-maanka”.

“Waa arrin qalad ah in Wasiiro ka tirsan Dowladda ay galaan dagaal aysan ogeyn dowladda federaalka” ayuu yiri Avv C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in loo baahan yahay in arrimaha noocaana iyana la ogeysiiyo Maxakamadda sare.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa todobo maalmood u qabtay wasiirada hubeysan ee dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho inay ku soo xaroodaan Magaalada Baydhabo, ilaa iyo haatanna ma jirto wasiir ka hadlay go’aanka Ra’isul Wasaaraha marka laga reebo Muuse Suudi Yalxow oo sheeegay in uusan wax xil ah u hayn dowladda.

Amiin Yuusuf | E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com  | May 22, 2006



HEERARKII TERRY LA SOOMARAY PUNTLAND

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005.  Hadalkii Wasiirka Maaliyada Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii Puntland iyo Shirkada uu ku Sheegay Australian oo Cod iyo Qoraal ah::::[Eeg halkan]

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD